SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xuuraan: Shariifka waa la filayay, Maslaxbaa fajaciso noqdey!

saxansoxoQore:

C/Naasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo).

Email: saxansoxo1@hotmail.com


Wixii ka dhacay xalay (30/01/2009) guriga ummada Jabuuti kaliya ma ahayn wax aan la maqal lana arag, ee sidoo kale waxay ahaayeen wax bog cusub oo taariikh ah furey, mid hore oo duugoowbeyna soo nooleeyey.

Runtii ma ahayn waxa la kala dooranayay shaqsiyaad ee waxay ahaayeen nidaamyo Soomaaliya soo maray oo labbaduba xal iyo nabad u keeney dalka, burbur iyo qasaarana ay ka dambeeyeen, dadbaddani oo aan aniga ka mid ahay waligood masoo dhigan in ay wax sidaasi u dhacayaan.

Dadka inta baddan waa ay filanayeen in Sheekh Shariif madaxweyne noqonayo, laakiin ciddina meesha masoo dhigan wajigani xasuusta qalbiyadeena ku leh ee Maslax Maxamed Siyaad Barre oo aad moodo aabihiis, waxay noqotey arrin qofkasta ka fajicisey kana dhigtey dadka kuwa wixii hadda ka dambeeya siyaasada Soomaaliya ku eegi doona ookiyaal ka gadisan kii hore.

Ka sheekeynta doorashada iyo sida ey u dhacday waxbo yaanan idinku daalin barkee waxbo idinkuma seegana, ee aan idiin gallo nuxurka wixii Xuuraan ay xalay aragtey.

Wax kasta waxay ahaayeen kuwa aad looga soo shaqeeyey, xittaa sida loo codeynayo, qofka tanasulaya, iyo xittaa ninka ay guusha raacayso, waxa aan ka ahayn Maslax Maxamed Siyaad Barre oo cir kasoo dhac ku noqdey Shariifka iyo mashiinkii wax u wareejinayay.

11 musharax ee wareegii koowaad soo istaagtey, 5 ayuu daadku qaaday, wajigabaxa ugu daran wuxuu raacay Yuusuf Azhari oo 2 cod kaliya heley sidii Caasho Axmed Cabdalla ku dhacday doorashadii 2004-tii, mar kaamarada lagu qabtay isagoo Sheekh Shariif la hadlaya ayaa qof daawadayaasha ka mid ah meel maqaayad ah magaalada Johannesburg oo agteeyda fadhiyey uu yiri “toloow ma la taliye iga dhigo ayuu ku leeyahay?”, mid kale oo isla dadka ka mid ah ayaa u jawaabay oo yiri “la talintiisa soow ma ahan tan Cabdullaahi Yuusuf qaribtey ee qarka ka tuurtey, hadduusan waalneyn xilkaasi uma dhiibanayo”.

Wareega koowaad Sheekh Shariif wuxuu heley 215 cod, Nuur Cadde wuxuu helley 59 cod, Maslax Maxamed Siyaad Barre wuxuu heley 60 cod, waxaa kusoo xigey Cali Khaliif Galayr oo isagu heley 31 cod, Mudane Edsan iyo Guulwadde ayaa ka mid ahaa ragga wareega koowaad kasoo gudbey, 4 ka mid ah ayaa tanaasushey, Cali Khaliif Galeyr isaga waxa uu cajalka dib ugu soo celiyey taariikhdii shirweynihii Carte ee 2000 oo uu sidani oo kale yeeley, kadibna Ra’isulwasaarenimo la siiyey, haddana qorshihiisa sidaasi kama foga, sida dadbaddan ay qabaan waa shaqsiga ugu macquulsan ee Shariif ay tahay in uu xilkaasi u dhiibo.

Mudane Edsan isagu waa uu tanaasuley laakiin wajigiisa dadka waa hor keeni waayay, Guulwadde ayaa isaguna ka tanaasuley hadal gaabana jeediyey.

Sida uu dastuurka qabbo haddii wareega labbaad ay 2 musharax oo kaliya iskugu soo harto, wareega sedexaad ayaa toos loogu gudbayaa, taasina waala yeeley waxaana laga kala dhexbaxay labadda astaan ee kala matasha labbo kacaan oo kala waqti duwanaa kalana aragti duwanaa Sheekh Shariif ( Kacaankii maxaakiimta islaamiga ah 2006) iyo Maslax Maxamed Siyaad Barre (Kacaankii Hanti wadaaga 1969 illaa 1991).

Maslax Maxamed Siyaad Barre ayaa waxaa si weyn loogu xasuustaa dowladii kacaanka ee nidaamkii hanti wadaaga ee uu aabihiis 21 ka sanno hormuudka ka ahaa, isaguna uu madaxda dowladaasi ka mid ahaa, marka uu shaashada kasoo muuqdey qofkasta oo mar uun aabihiis indhaha ka qaaday waxa uu soo xasuustey Maxamed Siyaad Barre oo haddii qof hurdo kasoo toosey dhalada la hor geyn lahaa uu waali ku dhufan lahaa isagoo u maleeya in Siyaad Barre uu qabriga kasoo naaxay, sida uu aabihiis ugu egyahay darteed.

Dad baddan ayaa su’aalo ka keeney sida ay Maslax suurtagalka ugu noqotey in uu wareegii koowaadba hello codadka tiradaasi la’eg ee xittaa ka sareeyey dadkii aadka loogu filanayay in ay codadka baddan helaan sida Nuur Cadde iyo Galayr oo kale, laakiin waxaa u baahan in maanka lagu hayyo in ragga codka dhiibanaya ay yihiin kuwii uu aabihiis xukunkiisii soo joogey, kuwii nidaamkii kacaanka usoo gaardiyey una garaado qaaday, wallow ay muddo dheer isa seeganaayeen, barwaaqadii uu aabihiis hayayna ay waa hore isku dhamaatey, miyey suuragal kula tahay in ay codadkani abaalmarin oga dhigayeen abaalkii uu aabihiis iyaga iyo ummadaba u galay?, mise waxayba moodeen in ay fadhiyaan shirweyne golihii kacaanka xisbiga hantiwadaaga Soomaaliyeed, qofka horfadhiyana uu yahay Maxamed Siyaad Barre oo cid kasta ay ku qasbaneyd in ay isaga u codeyso, iyagoo riyoonaya?, si kastaba waxaa jirrey sabab aan yarayn oo ay codka u siiyeen.

Wareegii labbaad ayaa ku biloowdey war naxdin leh, kadib markii Sh. Aadan Madoobe uu xildhibaanada u sheegey in Xassan Nuur Shaati Gaduud uu aad u xanuunsanayo, ayna tahay in la hormariyo codeyntiisa si isbitaal loo geeyo, markii uu hadalkaasa yiri 15-kii daqiiqo ee ku xigtey dadka maskaxdooda waxay la jirtey Shaatigaduud oo isaga oo gariiraya dadka la horkeeney codkiisan dhiibtey, coddeyntana si toos ah ayay u bilaabatay.

Waxyaalaha layaabka leh waxaa ka mid ah, magacyada Afsoomaali ayaa lagu aqrinayay, laakiin sida ay u qornaayeen Afsoomaali shaqo kuma lahayn, magackasta waxaa loo qorey sida luugada ingiriiska loogu dhawaaqo, kala hormarinta magacyadana waxaa la raacay alifbeetaha ingiriinka (ABC), halkii la rabay in BTJX laga tixraaco, taasi waxay la micno tahay ninka qorey Qaasuum Afsoomaali ah, haddane Afsoomaali u waayay ereyga Qaamuus laftiisa oo ah erey Carabi ah, dhawaan waxaan curiyey erey aan is iri malaha Qaamuus waa u qalmaa oo waa lagu badali karaa, waana (Afwaab), laakiin waxay u baahantahay in aqoonyahanada luuqada Afsoomaaliga loo daayo.

Intii ay codeynta socotey Wariye Maxamed Daahir ee idaacada qaranka Jabuuti (RTD) ayaa waraystey Xassan Abshir Faarax oo ka mid ahaa dadkii ka tanaasuley musharaxnimada xilka madaxweynenimada, Xassan Abshir wuxuu ku hadlay hadal malaha dhawaanahanba aanan maqal, qof kasta oo hadalka Xassan Abshir dhagaystey illimo ayaa kasoo hoobatay sida isagaba ay oga hoobanaysay, halkan kuma soo koobi karee fadlan raadso isaga oo muuqaal ah ama cod ah.

Tirintii codadka ayaa bilaabatay, anigu waxaan heystey qalib iyo buug, inta aan warqada xariiq ku kala baray ayaan qoris ku bilaabay codadka loo yeeriyo musharax kasta, waxaan hubaa qofkasta waxa uu dareenkiisa la jirrey inta cod ee uu helayo Maslax Maxamed Siyaad Barre, waayo waa la hubey Sheekh Shariif in uu isaga guuleystey oo tiradii wareegii hore ayba ugu filneyd in ay guusha kuraacdo, wuxuu wareegii hore heley 215 cod, wareegani ugu dambeeyana waxaa loo baahnaa 212 oo kaliya, xittaa haddii Maslax heli lahaa codadka musharixiinta hartay oo dhan, Shariifka codadkii uu hor u heley ayaa ugu filnaa in uu guuleysto.

Waxoogaa ruwaayad yar ayaa meesha ka dhacday markii la marayo gabogabadii yeerinta codadka, sanduuqii ugu dambeeyey ayaa furmi waayay, furro kasta oo lagu dayyo waa furi waayay, waayo furayaasha ayaa isku dhex qasmey, muddo 10 daqiiqo ku dhow ayaa lala xarbinayay sanduuqa furitaankiisa illaa heer lagu sigtay in la jabiyo, taasoo noqon lahayn arrin sharci ahaan micno kale yeelan lahayd, laakiin dhacdada aniga waxyar ayaan ka turjuntey, waxaan ka turjuntey in hoowsha hortaala qofka la doorto ay noqon doonta sida waxa sanduuqaasi ku jirro oo kale oo sida aad u heysatid uu furaha kaa lumayo, aadna u baahantahay in aad hesho si aad u furto, haddii aad dulqaadkeeda yeelan weeyso helista furaha oo aad jabiso, cawaaqibka ka dhalanaya waxay cagta ku dhufanaysaa guushii badneyd ee aad gaartay. Wallow aanan sharci aqoon ahayn, haddane waxaan filayaa in haddii sanduuqaasi la jabbin lahaa natiijada ay murran gali lahayd, wax kastana qasmi lahaayeen.

Markii la bilaabay tirinta waxaa laga warsugayay sida ay u kala helayaan codadka musharxiintii haray, dadku waxay saadaalinayeen in codadka Nuur Cadde oo dhan uu shariifka helayo, halka inta soo hartay ay Maslax aadayaan, si kastaba Maslax tiradii uu horey u heley inta uu labbo jibaaray ayuu 6 cod dheeraad ah ku daray, halka Sheekh Shariif uu heley 78 cod oo dheeraad ah.

Haddii loo kuurgallo sida natiijada ay noqotey, Sheekh Shariif isaga wuxuu heeystaa taageerada 100% ee isbahaysiga ee iminka 200 xildhibaan ah, wallow uu ahaa ahaa musharaxa kaliya ee ay soo sharaxeen, dhanka xildhibaanada DF wareegii koowaad 15 cod oo kaliya ayuu ka heley, taasoo micnaheedu tahay in haddii uu jirro shaqsi cadcad sidiisa oo kale ay 95% u codeyn lahaayeen shaqsigaasi kale, waxaana meesha kasoo baxday in taageerada uu shariifka ke heeysto xildhibaanada DF ay aad u yartahay, 224 xildhibaan oo DF ka fadhidey 93 kaliya ayaa codkooda siisey taasoo ka yar 50% wallow ay maqnaayeen 46 xildhibaan dhanka DKGM.

Maslax Maxamedc Siyaad wuxuu heeystaa taageerada 50% ee xildhibaanada DKG, taasi micnaheedu waxay tahay haddii doorashadani loo qaban lahaa baarlamaanka DKGM ee aan kan isbahaysiga lagu darin in uu isaga si sahlan ku guuleysan lahaa, xittaa Nuur Cadde harcad ayuu habaaska u reebi lahaa.

Labbada nin muddo saacado baddan ayay is garab fadhiyeen, wallow marar yar kaamarada lagu qabtey, haddane waxaad arkeysey in uusan wax xariir ah ka dhaxaynin, wax dareen ah oo ay isu muujiyeena aysan jirrin, xittaa markii la shaaciyey codadka ee ay cadaatay in Sheekh Shariif ku guuleystey, Sheekh Shariif farxad ayuu la kacay oo inta gacmaha taagey hadane xabadka saaray isagoo salaanta radinaya, laakiin Maslax meeshiisa kamuusan kicin mana gacan qaadin Shariifka, markii si rasmi ah loogu dhawaaqay madaxweynenimada Sheekh Shariif ayaa si xaglo daac ah ay saliga isu galiyeen iyagoo jirkooda kala dhoowraya oo aanan xabadka is galinin sidii la filayay.

Maslax oo daal baddan ka muuqdey, dhowr jeerna la arkayay isagoo riiraxyoonaya (qufacaya) ayaa jeediyey hadal gaaban oo mahad naq ah, aniga oo ay ii ahayd markii koowaad oo aan indhaha ka qaado ninkani maqalkiisa iga battay, waxa uu sheegayo muhiimad baddan iima lahayn, waxaan ku mashquulsanaa codkiisa iyo muuqaalkiisa sida kii aabihiis aan filimaanta laga duubey ka daawdey uu ugu egyahay, codka weyninkiisa xittaa sameecad uma baahneyn Maslax, muuqaalkuna waa anigii iri “waa aabihiis oo la jeexay”.

Sheekh Shariif Sheekh Ahmed oo magaciisa laga reebey magaca Sheekh ee horgalka ah, luuqada Ingiriiskana lagu qorey, ayaa markiiba waxaa soo daba istaagay nin togan oo indho taagtaagan, dhar tolmo ciidan leh xiran, oo talaabo qaad gaardis leh, oo noqonaya waardiyada gaarka ah ee madaxweynaha.

Khudbad ayuu ka jeediyey goobta, magaca eebe ayuu ku bilaabay, sidii sunada ahayd ayuuna hadalka ku furfurtey, mahadnaq iyo maamuus dadkii meesha joogey ayaa daqiiqado ka qaatay, wixii uu yiri nuxurkooda dhowr sheey ahaayeen

in Soomaaliya uu nabad kusoo dabaali doono
in xoogaga hubeysan ee kasoo horjeeda uu wadahadal la gali doono, kuna casuumayo in ay kusoo biiraan howlaha uu hormuudka ka yahay
in dowladaha dariska ah sida Ethiopia ay nabad kula noolaan doonaan
in aduunka aysan Soomaaliya Qatar kaga soo fool lahayn “Soomaaliya dad masaakiin ah oo gaajeeysan ayaa degen, nabbadaood ayay doonayaan, cidna Qatar kuma ahan” ayuu yiri

Shariif Sheekh Axmed ayaa xilka loogu dhaariyey hotel Kambiski ee Jabuuti, waxyaalaha ugu waaweyn ee uu wajahayo iyo siyaasada uu ka ciyaarayo isaga ayaaba noo sheegey, laakiin Xuuraan waxay u aragtaa in Shariif uu rabo in uu hal dhagax 4 shimbirood ku wada dillo, waa in uu xoogaga mujaahidiinta ee dalka la xoreeyey uu fikir wanaagsan ola tagaa oo uu qanciyaa isagoo meel iska dhigaya fikirka Cabdiraxmaan Janaqoow iyo fadwadii layaabka lahayd ee uu bixiyey, waa inuu Xabashida dalkeeda inta ugu taggo kusoo qanciyaa isagoo ka tanaasulaya sheegashada dhulalka Soomaaliyeed ee maqan, ugu yaraan hadda, soona saxiixaya heshiis dhigaya in gudaha Soomaaliya aanan laga soo taakuleyn jabhadaha Xabashida la dagaalamaya, waa in uu Maraykanka iyo xulafadiisa kusoo qanciyaa in Soomaaliya aysan argagixiso joogin, kuwa Soomaalida ah ee ay iyaga u yaqaanaana ay diiwaankaasi ka saaraan, taasi waxay ku badalayaan in Soomaaliya laga saaro ama laga mabnuuco muslimiinta wadamada kale ka timaada jihaadka dalka u joogta, arrimaha Puntland iyo Somaliland iyagu waa buddo gaar u tuman waqtina u baahan.

Xuuraan: Waa qormo joogto ah oo aan kaga faaloono arrimaha siyaasada iyo kuwa bulshada Soomaalida.

Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo) Email: saxansoxo1@hotmail.com ama saxansoxo114@gmail.com

Xuuraan: Maankaaga maxaa ka guuxaya?.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 1, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS