SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAXANSOXO

Xuuraan :AMISOM ma baxaysaa mise weey soo biireysaa?

saxansoxo
Qore:

C/Naasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo).

Email: saxansoxo1@hotmail.com


Ugu dambeyntii AMISOM waxay qiratay in ay dalka keentey ciidamo dheeraad ah, waxaana soo afjarmay dhamaan wixii ku tiro-kuteen ahaa ee ku saabsanaa ciidamada shisheeye ee dalka jooga ama la keenayo. 

AMISOM ma baxaysaa mise weey soo biireysaa?

Su’aasha ah “AMISOM ma baxaysaa mise weey soo biireysaa?”, waxay jawaabtu ku idlaanaysaa in AMISOM aysan meelna u socon, iskaba dhaaf in ay baxdee waa lasoo kordhiyey, diyaarna u tahay in ay qabsato howlihii loogu tallo galay in ay dalka ka fuliso. Maalmihii sabtida iyo axada ee todobaadkani (21,22/ Maarso, 2009) , dayuurado military oo laga leeyahay dalka AL-Jeeriya ayaa Uganda kasoo daadgureeyey ciidamo Ugandhiis ah oo ka baddan 800 oo askari, sidaasi waxaa xaqiijiyey afayeen u hadlay midowga Africa, halka wasiirka Gaashaandhiga Uganda uu baarlamaanka dalkaasi ka sheegey in hal gaas oo ciidan dheeraad ah ay u direen dalka Soomaaliya. Maanka ku hay, intaasi waa inta naloo sheegey ee Uganda iyo AU ay qiranayaan, anigana uma baahni in aan soo dhufto tirooyin kale oo si qarsoodi ah dalka loo keeney, taasoo aysan qirsanayn cidii keentey, waayo tirada la qiranayo ayaa iiga filan in aan ugu qiilsameeyo fariinta aan gudbinayo.

Inta la ‘ogyahay ciidamada shisheeye ee waqti xaadirkani Soomaaliya ku sugan, waa in kabadan 4000 askari , tirro kasta oo u dhacaysa taasi hore iyo 8000 waa tan la fillan karro muddooyinka dhow ee fooda inagu soo haya, mana ahan wax aan mala awaalayo ee sida ay tahay jaangooyada AU oo horey u ballan qaaday in ay Soomaaliya keeneyso 8000 askari, waana waxa Madaxweyne Shariif Sh. Axmed iyo wasiiradiisa ay codsanayeen markii ay galaa baxayeen wadamada Afrikaanka ah. 

Taliyeyaal cusub iyo isbalaarin

Maalmo ka hor intii aanan dalka la keenin ciidamada dheeraadka ah ee AMISOM, Uganda waxay soo magacoowdey taliyihii ciidamada hogaamin lahaa oo badalaya kii hore, waa korneel kasoo tirsanaa ciidamada booliis militaariyo, laguna magacaabo Lt. Col. Tumusiime Katsigazi, Burundi ayaa iyada soo magacoowdey taliye cusub laakiin ninkaasi wuxuu ka mid ahaa raggii ku geeriyoodey shilkii dayuurada ee harada Victoria, lama oga in nin kale la magacaabay iyo inkale. Isniintii Ciidamada AMISOM waxay la wareegeen gacan ku heynta isgoys-ka KM4 illaa gagada dayuurada ee Aadan Cadde, sida la filayo muddo gaaban gudaheed waxay iyana la wareegi doonaan wadooyin kale oo halbowlaha u ah dhaqdhaqaaqa dowlada iyo xarumo baddan, waxaana la filayaa in dhaqdhaqaaqooda uu aad sare ugu kacco marka ciidamada dowlada taabacsan la xareeyo si loo tabobarro. 

Tabobar

Tabobarka waxaa bixinaya isla AMISOM oo ciidamada dowlada tabobarka ku siinaya dalka iyo dibbadaba, tusaale ahaan maalintii ugu dambeysey ee madaxweyne Shariif Sh. Axmed uu ka dhoofayay dalka Uganda, galabnimadii axada (15/03/2009) waxa uu ka qeybgalay xaflad balaaran oo ka dhacday degmada Ibanda ee dalka Uganda halkaasi oo tabobar loogu furayay ciidamada dowlada oo gaaraya 575 askari, maalin kadib markii uu madaxweynaha tagay dalka Rwanda waxa uu booqdey akadeemiyada ciidamada lagu tabbo barro oo dalkaasi ku taala, halkaasi oo iyana wallow aan la shaacin la filayo in ciidamada dowlada tabobar loo geeynayo. Mar sii horeysey waa tii wasiirka abniga qaranka Cumar Xaashi Aadan iyo Cabdi Cawaale Qeybdiid ay ka wada qeybgaleen xaflad tabobar loogu soo xirayay saraakiil Police ah dalka Ethiopia, wallow tabobarka ay ciidamada u dirtey dowladii Cabdullaahi Yuusuf, hase yeeshee runta aysan cidi ka daahneyn ayaa ah in xarooyinka Ethiopia ku yaala wali uu qorshuhu yahay in ciidamo Soomaali ah lagu soo tabobaro oo ay dowladani dirto. Tabobarka ciidamada dowlada, waa sababta ugu weyne ee DKMG ay u cuskanayso baahida ay u qabto joogitaanka AMISOM, taasina waa luuqada maldahan ee shaarka loogu galinayo ujeedooyinka AMISOM ay dalka u joogto. 

DKMG iyo Af-gobaadsiga

AMISOM waxay ahayd madax xanuunka ugu weyn ee heysta DKMG illaa maalintii lasoo doortey madaxweyne Shariif Sh. Axmed, waayo dadka uma kala harin dalabka ah in dalka laga saaro AMISOM, xittaa dadka ugu dhow madaxweynaha ee ah saldhiga taageeradiisa , waxay xaalada faraha kasii baxday markii horaantii feberaayo dagaal lagu hoobtey lagala hortahay AMISOM,sidoo kale talaabo aan dagaal ka yarayn waxaa qaaday hey’ada culumada oo waqti kama dambeys ah u qabatay bixitaanka AMISOM oo ah 120 maalmood, shuruudaasi waa tan ay dowlada ogolaatay laakiin hadda ay caddahay in la calaqay dalabkii culumada ee horey loo ogolaaday, halkaasi waxaa dhaca mid ka mid ah tusaalayaasha fara ku tiriska ah ee ku saabsan sida dowladani ay ugu dheereyso xagga saangadashada taasoo ah in wax kasta la yiraahdo “haye iyo haa waan yeelney” marka ay xaalada degtana marshada sii gashado. 

Kadib baaqii culumada iyo ogolaanshihii dowlada ay ogolaatay, waxaa yimid rajjo weyn oo dadka gashay kuwii taageersanaa iyo kuwii kasoo horjeedeyba, waxaana muqaawamada lagu wada qasbay si isku mid ah in ay hakiyaan wax kasta oo talaabo ciidan ah, iyagana waa u hogaansameen, laakiin todobaadkii hore dhamaadkiisii ayay shuuqeen wax kasta oo rajo ahaa oo laga qabi karrey isfaham dhexmara dowlada iyo muqaawamada. 

Waxaa lagu baraarugey wax noqonaya hadalkii dhul gariirka ahaa ee uu golaha amaanka ka hor jeediyey wasiirka arrimaha dibada Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Oomaar wuxuu golaha amaanka ka codsaday in UN-ka ay ciidamo shisheeye usoo dirto Soomaaliya, lasoo dhamaystiro AMISOM, isla markaasina Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka si dowlada ay hub baddan aduunka oga soo daabulato, ma iyadaaba ah wax inaba loo fadhiyey, dadkii oo dhan ayaa si isku mid ah u wada qaracmay, intii ay talada ka go’deyna, gaar ahaan muqaawamada iyagu go’aan rasmi ah ayay gaareen, intii kalane afka ayay furteen iyagoo cambaareynaya, waxaa dadkaasi ka mid ah golaha beelaha Hawiye, Abwaanada, Aqoonyahanada, ururada bulshada rayidka ah iyo Culumada. 

Dowlada oo arrintani aanan sinaba saxaafada ugu tallo galin, shacabka ka qarineysey maadaa ay ahayd sir qaran, ayaa waaga ku baryay, nasiib wanaag waxa warka wasiirka shacabka gaarsiiyey ma ahayn saxaafada Soomaalida, ee waxaa warka soo qaadeen qalabka warbaahinta reer galbeedka halka tan Soomaalida ay sii xigatay, meeshaasi waxaa ka baxay fursadii warka lagu beenteyn lahaa waxayna danta qasabtay in si kale hadalka loo dhigo. 

Golaha wasiirada ayaa arrinta labbo jeer ka shirey, kolkii hore waxaa hadlay wasiirka warfaafinta oo sheegey in hadalkaasi uu yahay wax wasiirka yiri ku kali ah, waxaa xigey Ra’isulwasaaraha oo lasoo baxay aftahanimo iyo erey bixin cusub isagoo aanan boogta marnaba taabanaynin, wuxuu yiri “waan ka xumahay haddii aan dhaawacnay dareenka shacabka, raali galin ayaanan ka bixineynaa, waxaanan wasiirka ku amarnay in uu isagan raali galin bixiyo”, wasiirkii ayaa isagana hadlay oo sheegey isla kalmadihii Cumar Cabdirashiid. Madaxweyne Shariif Sh. Axmed oo isagan laga wardhowrayay in uu jawaab ka bixiyo arrintani, wuxuu usha ku dhuftey meel kale oo aanan waxbo laga weeydiin, wuxuu yiri “dalka Suudaan uma aanan tagin in aan ciidamo soo weeydiisto”, ciidana ma weeydiisan madaxweynaha su’aashaasi, dadkana taasi wax walwal ah kuma heynin, u fiirso kama uusan hadlin dalalkii kale ee uu tagay in ciidamo weeydiistey iyo in kale, waliba arrinta ugu darneyd ee ahayd tan wasiirka arrimaha dibbada oo isaga amarkiisa New York ku aaday. 

Axmed Diiriye, afayeenka golaha beelaha Hawiye, wuxuu sheegey in uusan warkaasi ahayn mid lagu qanci karro, wuxuuna codsaday in dowlada ay cadayso moowqifkeeda ku aadan ciidamo keensiga, jawaab cadna laga bixiyo hadalka wasiirka. Waxaan filayaa in Axmed Diiriye iyo dadka kale ee jawaabaha raadinaya ay dabcan heleen jawaabtii oo ah in dowlada ay ciidamo keensanayso, kuwa joogana aysan meelna u socon, haddiise uu doonayo in taasi uu ka maqlo afka dowlada muddo dheer ayuu u baahanyahay in uu fahmo dublamaasiyada Dowladani, haddii dowladihii hore ay sirtooda banaanka tiiley oo ay wax kasta ku hadaaqi jireen, Axmed Diiriye wuxuu gacanta ku hayaa dowlad sirta aad u illaalineysa, ayna ka buuxaan rag aftahano ah oo wax kasta si maldahan oo aanan la fahmeynin oga jawaabaya, ama inta kuu madax ruxaan, haddane meeshooda ka miisanaya waxa ay doonayaan. 

Muqaawamada, talaaboqaad miyir leh

Muqaawamada oo ah kuwa ay sida gaar ah ay arrintani ciidamada shisheeye u quseeyso waxa ay u muuqdaan kuwa biya dhaca arrinta oo dhan kol hore ka baaraan dagay, waa hubaal in ushooda meel ka jarantahay, huud iyo ancaam haddii la aqriyana aysan ogolaan doonin ciidamo shisheeye oo dalka joogaa, xittaa hal askari oo la socda madaxweyne dalka soo booqanaya, su’aasha hadda taagana ma ahan ogolaansho iyo diidmo, ee waa talaabada ay ka qaadanayaan. 

Xusuusnoow ka sokow dalka iyo diinta ay difaacayaan, waxaa kale oo ay difaacayaan lafahooda oo ay ka dharagsanyihiin in duulimaad lagu yahay, waana cadaawad ay ku abuurteen difaaca dalka iyo diinta, waxaa kale oo ay ka dharagsanyihiin in ka sokow dagaalka xabbada ah ay sidoo kale ku jirraan dagaal siyaasadeed oo lagu dagaalamayo maskaxda dadka sidaasi darteed markani waxaa laga fillan karaa in talaabo kasta oo ay qaadayaan ay tahay mid laga fiirsaday 5 jeer. Waxaan filayaa in ay xilli hore tahay, noqono doonto arrin lagu degdegey haddii aan soo hadal qaado dadaalada dhexdhexaadinta ee laga dhexwado dowlada iyo muqaawamada, waayo arrimihii oo dhan, dhan kale ayay iska rogeen oo ciidamo shisheeye oo shuruuda wadahadalka ahaa ayaa meesha soo galay. 

Soomaaliya, Lubnaanta Afrika? 

Aan kusoo gunaanado saadaal gaaban, haddii si miyir leh looga shidaal qaato sida ay iminka wax u socdaan, sanadahada soo socda Soomaaliya waxaa laga fillan karaa in ay noqoto sida dalka Lubnaan oo kale, halkaas oo qeyb baddan oo dalka ka mid ah ay ka taliso Xisbullaah, kana jirto dowlad aan awood baddan lahayn oo ciidamo shisheeye ku tiirsan tan iyo 1982-dii . (Alllaahu waclam). Xuuraan: Waa qormo joogto ah oo aan ku laffo gurro amuuraha ugu muhiimsan ee Soomaaliya ka taagan. 

Qore: Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo)
 Email: saxansoxo1@hotmail.com  Tell: +27767059384 

Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo). Email: Saxansoxo1@hotmail.com

Xuuraan: K/Afrika "Hal sawir kun erey ka wax sheeg baddan (Sawirka cajiibka ah iyo cawaaqibka shirka Nairobi waa isku ceyn”. Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 29, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS