Ugu dambeyntii AMISOM waxay qiratay in ay dalka keentey ciidamo dheeraad ah,
waxaana soo afjarmay dhamaan wixii ku tiro-kuteen ahaa ee ku saabsanaa ciidamada
shisheeye ee dalka jooga ama la keenayo.
AMISOM ma baxaysaa mise weey soo biireysaa?
Su’aasha ah “AMISOM ma baxaysaa mise weey soo biireysaa?”, waxay jawaabtu
ku idlaanaysaa in AMISOM aysan meelna u socon, iskaba dhaaf in ay baxdee waa
lasoo kordhiyey, diyaarna u tahay in ay qabsato howlihii loogu tallo galay in ay
dalka ka fuliso. Maalmihii sabtida iyo axada ee todobaadkani (21,22/ Maarso,
2009) , dayuurado military oo laga leeyahay dalka AL-Jeeriya ayaa Uganda kasoo
daadgureeyey ciidamo Ugandhiis ah oo ka baddan 800 oo askari, sidaasi waxaa
xaqiijiyey afayeen u hadlay midowga Africa, halka wasiirka Gaashaandhiga Uganda
uu baarlamaanka dalkaasi ka sheegey in hal gaas oo ciidan dheeraad ah ay u
direen dalka Soomaaliya. Maanka ku hay, intaasi waa inta naloo sheegey ee Uganda
iyo AU ay qiranayaan, anigana uma baahni in aan soo dhufto tirooyin kale oo si
qarsoodi ah dalka loo keeney, taasoo aysan qirsanayn cidii keentey, waayo tirada
la qiranayo ayaa iiga filan in aan ugu qiilsameeyo fariinta aan gudbinayo.
Inta la ‘ogyahay ciidamada shisheeye ee waqti xaadirkani Soomaaliya ku sugan,
waa in kabadan 4000 askari , tirro kasta oo u dhacaysa taasi hore iyo 8000 waa
tan la fillan karro muddooyinka dhow ee fooda inagu soo haya, mana ahan wax aan
mala awaalayo ee sida ay tahay jaangooyada AU oo horey u ballan qaaday in ay
Soomaaliya keeneyso 8000 askari, waana waxa Madaxweyne Shariif Sh. Axmed iyo
wasiiradiisa ay codsanayeen markii ay galaa baxayeen wadamada Afrikaanka ah.
Taliyeyaal cusub iyo isbalaarin
Maalmo ka hor intii aanan dalka la keenin ciidamada dheeraadka ah ee AMISOM,
Uganda waxay soo magacoowdey taliyihii ciidamada hogaamin lahaa oo badalaya kii
hore, waa korneel kasoo tirsanaa ciidamada booliis militaariyo, laguna magacaabo
Lt. Col. Tumusiime Katsigazi, Burundi ayaa iyada soo magacoowdey taliye cusub
laakiin ninkaasi wuxuu ka mid ahaa raggii ku geeriyoodey shilkii dayuurada ee
harada Victoria, lama oga in nin kale la magacaabay iyo inkale. Isniintii
Ciidamada AMISOM waxay la wareegeen gacan ku heynta isgoys-ka KM4 illaa gagada
dayuurada ee Aadan Cadde, sida la filayo muddo gaaban gudaheed waxay iyana la
wareegi doonaan wadooyin kale oo halbowlaha u ah dhaqdhaqaaqa dowlada iyo xarumo
baddan, waxaana la filayaa in dhaqdhaqaaqooda uu aad sare ugu kacco marka
ciidamada dowlada taabacsan la xareeyo si loo tabobarro.
Tabobar
Tabobarka waxaa bixinaya isla AMISOM oo ciidamada dowlada tabobarka ku siinaya
dalka iyo dibbadaba, tusaale ahaan maalintii ugu dambeysey ee madaxweyne Shariif
Sh. Axmed uu ka dhoofayay dalka Uganda, galabnimadii axada (15/03/2009) waxa uu
ka qeybgalay xaflad balaaran oo ka dhacday degmada Ibanda ee dalka Uganda
halkaasi oo tabobar loogu furayay ciidamada dowlada oo gaaraya 575 askari,
maalin kadib markii uu madaxweynaha tagay dalka Rwanda waxa uu booqdey
akadeemiyada ciidamada lagu tabbo barro oo dalkaasi ku taala, halkaasi oo iyana
wallow aan la shaacin la filayo in ciidamada dowlada tabobar loo geeynayo. Mar
sii horeysey waa tii wasiirka abniga qaranka Cumar Xaashi Aadan iyo Cabdi
Cawaale Qeybdiid ay ka wada qeybgaleen xaflad tabobar loogu soo xirayay
saraakiil Police ah dalka Ethiopia, wallow tabobarka ay ciidamada u dirtey
dowladii Cabdullaahi Yuusuf, hase yeeshee runta aysan cidi ka daahneyn ayaa ah
in xarooyinka Ethiopia ku yaala wali uu qorshuhu yahay in ciidamo Soomaali ah
lagu soo tabobaro oo ay dowladani dirto. Tabobarka ciidamada dowlada, waa
sababta ugu weyne ee DKMG ay u cuskanayso baahida ay u qabto joogitaanka AMISOM,
taasina waa luuqada maldahan ee shaarka loogu galinayo ujeedooyinka AMISOM ay
dalka u joogto.
DKMG iyo Af-gobaadsiga
AMISOM waxay ahayd madax xanuunka ugu weyn ee heysta DKMG illaa maalintii lasoo
doortey madaxweyne Shariif Sh. Axmed, waayo dadka uma kala harin dalabka ah in
dalka laga saaro AMISOM, xittaa dadka ugu dhow madaxweynaha ee ah saldhiga
taageeradiisa , waxay xaalada faraha kasii baxday markii horaantii feberaayo
dagaal lagu hoobtey lagala hortahay AMISOM,sidoo kale talaabo aan dagaal ka
yarayn waxaa qaaday hey’ada culumada oo waqti kama dambeys ah u qabatay
bixitaanka AMISOM oo ah 120 maalmood, shuruudaasi waa tan ay dowlada ogolaatay
laakiin hadda ay caddahay in la calaqay dalabkii culumada ee horey loo ogolaaday,
halkaasi waxaa dhaca mid ka mid ah tusaalayaasha fara ku tiriska ah ee ku
saabsan sida dowladani ay ugu dheereyso xagga saangadashada taasoo ah in wax
kasta la yiraahdo “haye iyo haa waan yeelney” marka ay xaalada degtana
marshada sii gashado.
Kadib baaqii culumada iyo ogolaanshihii dowlada ay ogolaatay, waxaa yimid rajjo
weyn oo dadka gashay kuwii taageersanaa iyo kuwii kasoo horjeedeyba, waxaana
muqaawamada lagu wada qasbay si isku mid ah in ay hakiyaan wax kasta oo talaabo
ciidan ah, iyagana waa u hogaansameen, laakiin todobaadkii hore dhamaadkiisii
ayay shuuqeen wax kasta oo rajo ahaa oo laga qabi karrey isfaham dhexmara
dowlada iyo muqaawamada.
Waxaa lagu baraarugey wax noqonaya hadalkii dhul gariirka ahaa ee uu golaha
amaanka ka hor jeediyey wasiirka arrimaha dibada Maxamed Cabdullaahi Oomaar,
Oomaar wuxuu golaha amaanka ka codsaday in UN-ka ay ciidamo shisheeye usoo dirto
Soomaaliya, lasoo dhamaystiro AMISOM, isla markaasina Soomaaliya laga qaado
cunaqabataynta hubka si dowlada ay hub baddan aduunka oga soo daabulato, ma
iyadaaba ah wax inaba loo fadhiyey, dadkii oo dhan ayaa si isku mid ah u wada
qaracmay, intii ay talada ka go’deyna, gaar ahaan muqaawamada iyagu go’aan
rasmi ah ayay gaareen, intii kalane afka ayay furteen iyagoo cambaareynaya,
waxaa dadkaasi ka mid ah golaha beelaha Hawiye, Abwaanada, Aqoonyahanada,
ururada bulshada rayidka ah iyo Culumada.
Dowlada oo arrintani aanan sinaba saxaafada ugu tallo galin, shacabka ka
qarineysey maadaa ay ahayd sir qaran, ayaa waaga ku baryay, nasiib wanaag waxa
warka wasiirka shacabka gaarsiiyey ma ahayn saxaafada Soomaalida, ee waxaa warka
soo qaadeen qalabka warbaahinta reer galbeedka halka tan Soomaalida ay sii
xigatay, meeshaasi waxaa ka baxay fursadii warka lagu beenteyn lahaa waxayna
danta qasabtay in si kale hadalka loo dhigo.
Golaha wasiirada ayaa arrinta labbo jeer ka shirey, kolkii hore waxaa hadlay
wasiirka warfaafinta oo sheegey in hadalkaasi uu yahay wax wasiirka yiri ku kali
ah, waxaa xigey Ra’isulwasaaraha oo lasoo baxay aftahanimo iyo erey bixin
cusub isagoo aanan boogta marnaba taabanaynin, wuxuu yiri “waan ka xumahay
haddii aan dhaawacnay dareenka shacabka, raali galin ayaanan ka bixineynaa,
waxaanan wasiirka ku amarnay in uu isagan raali galin bixiyo”, wasiirkii ayaa
isagana hadlay oo sheegey isla kalmadihii Cumar Cabdirashiid. Madaxweyne Shariif
Sh. Axmed oo isagan laga wardhowrayay in uu jawaab ka bixiyo arrintani, wuxuu
usha ku dhuftey meel kale oo aanan waxbo laga weeydiin, wuxuu yiri “dalka
Suudaan uma aanan tagin in aan ciidamo soo weeydiisto”, ciidana ma weeydiisan
madaxweynaha su’aashaasi, dadkana taasi wax walwal ah kuma heynin, u fiirso
kama uusan hadlin dalalkii kale ee uu tagay in ciidamo weeydiistey iyo in kale,
waliba arrinta ugu darneyd ee ahayd tan wasiirka arrimaha dibbada oo isaga
amarkiisa New York ku aaday.
Axmed Diiriye, afayeenka golaha beelaha Hawiye, wuxuu sheegey in uusan warkaasi
ahayn mid lagu qanci karro, wuxuuna codsaday in dowlada ay cadayso moowqifkeeda
ku aadan ciidamo keensiga, jawaab cadna laga bixiyo hadalka wasiirka. Waxaan
filayaa in Axmed Diiriye iyo dadka kale ee jawaabaha raadinaya ay dabcan heleen
jawaabtii oo ah in dowlada ay ciidamo keensanayso, kuwa joogana aysan meelna u
socon, haddiise uu doonayo in taasi uu ka maqlo afka dowlada muddo dheer ayuu u
baahanyahay in uu fahmo dublamaasiyada Dowladani, haddii dowladihii hore ay
sirtooda banaanka tiiley oo ay wax kasta ku hadaaqi jireen, Axmed Diiriye wuxuu
gacanta ku hayaa dowlad sirta aad u illaalineysa, ayna ka buuxaan rag aftahano
ah oo wax kasta si maldahan oo aanan la fahmeynin oga jawaabaya, ama inta kuu
madax ruxaan, haddane meeshooda ka miisanaya waxa ay doonayaan.
Muqaawamada, talaaboqaad miyir leh
Muqaawamada oo ah kuwa ay sida gaar ah ay arrintani ciidamada shisheeye u
quseeyso waxa ay u muuqdaan kuwa biya dhaca arrinta oo dhan kol hore ka baaraan
dagay, waa hubaal in ushooda meel ka jarantahay, huud iyo ancaam haddii la
aqriyana aysan ogolaan doonin ciidamo shisheeye oo dalka joogaa, xittaa hal
askari oo la socda madaxweyne dalka soo booqanaya, su’aasha hadda taagana ma
ahan ogolaansho iyo diidmo, ee waa talaabada ay ka qaadanayaan.
Xusuusnoow ka sokow dalka iyo diinta ay difaacayaan, waxaa kale oo ay
difaacayaan lafahooda oo ay ka dharagsanyihiin in duulimaad lagu yahay, waana
cadaawad ay ku abuurteen difaaca dalka iyo diinta, waxaa kale oo ay ka
dharagsanyihiin in ka sokow dagaalka xabbada ah ay sidoo kale ku jirraan dagaal
siyaasadeed oo lagu dagaalamayo maskaxda dadka sidaasi darteed markani waxaa
laga fillan karaa in talaabo kasta oo ay qaadayaan ay tahay mid laga fiirsaday 5
jeer. Waxaan filayaa in ay xilli hore tahay, noqono doonto arrin lagu degdegey
haddii aan soo hadal qaado dadaalada dhexdhexaadinta ee laga dhexwado dowlada
iyo muqaawamada, waayo arrimihii oo dhan, dhan kale ayay iska rogeen oo ciidamo
shisheeye oo shuruuda wadahadalka ahaa ayaa meesha soo galay.
Soomaaliya, Lubnaanta Afrika?
Aan kusoo gunaanado saadaal gaaban, haddii si miyir leh looga shidaal qaato sida
ay iminka wax u socdaan, sanadahada soo socda Soomaaliya waxaa laga fillan karaa
in ay noqoto sida dalka Lubnaan oo kale, halkaas oo qeyb baddan oo dalka ka mid
ah ay ka taliso Xisbullaah, kana jirto dowlad aan awood baddan lahayn oo ciidamo
shisheeye ku tiirsan tan iyo 1982-dii . (Alllaahu waclam). Xuuraan: Waa qormo
joogto ah oo aan ku laffo gurro amuuraha ugu muhiimsan ee Soomaaliya ka taagan.
Qore: Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo)
Email: saxansoxo1@hotmail.com
Tell: +27767059384
Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo). Email:
Saxansoxo1@hotmail.com
Xuuraan:
K/Afrika "Hal
sawir kun erey ka wax sheeg baddan (Sawirka cajiibka ah iyo
cawaaqibka shirka Nairobi waa isku ceyn”.
Akhri...