SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

GARBAHA ISKU AF GARAN LA' LADAGAALANKA HAYBSOOCA EE MINNEAPOLIS.

Waxaa diyaariyey: Dr. Cali Nuur
Email: alinoor27@msn.com
_____________________
__________
____

Cali Nuur
Dr. Cali Nuur Axmed
| Email: alinoor27@msn.com

Sida la wada ogyahay ,shirarka la dagaalanka Haybsooca ee magalada Minneapolis ,waxaa bud dhige u ahaa Ardadi wax ka baraneysey Jamacadaha Minneapolis sanadihii 2003-2004, Inkastoo eeyan ka marneyn fikradda Maclimiinta Somaliyeed ,ee Jamacadaha iyo Dugsiyada Minneapolis wax ka dhiga,waxaa kaloo ku weheliyey Shirarka, shaqsiyaad kooban ee ka dhashey Belaha la haybsooco oo aan ka xusayo abwaanka weyn Osman Duaale, Culumaa u Diinka Minneapolis , Abwaanka weyn Somaliyeed Mohamed Abdullahi Sangub iyo Dhamaan Heyadaha Warfaafinta,Somalida eey maamusho sida,Shabakada Internetka,TV iyo Radiyoga Minneapolis oo lagawada baahiyey Doodihi iyo qoraaladi shirarkaas.

Abaabuleyaasha Shirka Haybsooca,waxeey radiyeen sidey ku heli lahayeen fikrado kala duwan,waxeey casumaad u fidiyeen shaqsiyaad somaliyeed ,oo eey bideen in un wax eey ku kordhin karaan mowdhuca haybsooca. Shaqsiyaadkaas,oo ka jediyey shirarka khudbado dhaxalgala ,oo ka war bixiyey tarikhda dadka la haybsooco iyo dhibta uu ku hayo quursiga,sida aay aga gilgisheen,takoorka ,haybsooca iyo quursiga ,ayagoo gilgilashadooda ku mujiyey ficil iyo Suugaanba,hadana aan cidna u jixinjixin cabashadooda.Waxaa laga war bixiyey in quursiga, usaan ku ekeen lafa diilka qofka karaamadisa oo keliya balse la quursadey,suugaantodi,kartidoodi iyo aqoontoodi si markasto eey oga hooseyaan bulshada inteeda kale. Dhamaan Shaqsiyaadi,ka jediyey doodaha shirarka, waxeey caddeyen, in quursga uu ahaa ,dembigi ugu weynaa ee bulshada Somaliyeed,dhexdeeda iska gasho,wax garaawshe iyo qiilna aan loo heyn quursiga.

Waxaan marna shaki ku jirin daacadnimada,niyad wanaaga iyo rabitaanka eey rabaan abaabulayaashi shirarka Minneapolis, in eey helaan dariiqa , noqon kara, furaha xallinta dhibaatada haybsooca,taasana kaliftey in eey dad badan fikradahooda soo ururiyaan.

Dhinaca kale waxaa ka jira magalada Minneapolis,Urur la magac baxay SIMA oo sheegta in uu u doodo xuquuqda dadyooga la haybsooco,masuuliyinta Sima ,sida muuqata uma jabjabna ama uma dhega nugla, baaqa hogaanka la dagaalanka haybsooca. Sido kale hogaanka la dagaalanka haybsooca, uma dhega nugla baahida masuuliyinta SIMA.

Hadii loogu jiro baadi goob ,arrin isu soo dhoweeyo,quursade iyo la quursade,in eey si wada jira u radiyaan, wax xalli u noqon kara quursiga ,iila' ma muuqato , qeybsanaanta ,gudia la dagaalanka haybsooca iyo SIMA,in eey tahay bilow fiican.

Waxaan qabaa, Is aaminaad in eey tahay furaha wada shaqeenta laba qof ama laba heyadood oo dani ka dhexeyso. gudiga la dagaalanka haybsooca,waa in uu ku guuleystaa , in uu kasbado ,ugu horeentiba, aqlabiyadda tirada dadka la haybsooco ee ku nool Minneapolis, si sharci ahaansho uu u helo in danahooda uu ka shaqeynayo.

Shaqsiyaad ka tirsa gudiga la dagaalanka haebsooca,ayaa waxey qabaan in hawsha iyo la dagaalanka haybsooca,eey wadi karaan keligood,haduu soo raaci waayo la quursade,oo ey ka maarmi karaan la quurasde, in uu la hawlgalo.

Taas macquul ma aha, wayo ficilka quursiga waa ficil bulsho ka dhex dhacay,xallintiisana bulshadoo dhan loga bahanyahay. EE ma aha arrin eey ku filantahay hal qeeyb oo bulshda ka mid ah.Gudiga la dagaalanka haybsooca waa in uu noqdaa gudi, u dulqadan kara in la naqdiyo,la tilmaamo,la saxo,transparency waa laga ma marmaan.Sidoo kale gudiga waa in uu kasban karaa aqlabiydda bulshada daneyneso modhuuca quursiga,taladooda iyo tageeradoodana lagu shaqeeyo.

Qadiyadda quursiga,ma aha arrin eey ku takri fali karto, hal group oo keliya ,nocuu doono ha ahade groupkas,iyadoon la heysan kalsoonida aqlabiyadda la quursade diyaar u ah in uu isbedel yimaado.

Suaal,maclinow ,ma na weydisey in baahideena kowaad,eey tahay 5-6 ardey in dugsyada lagu daro,berina bulashada eey oga soo saarto,si usan dib dambe u hunguryeyn tacliin ardeyga.

Wayo aragnimo,waxaa noga filan,xubin ka mida,xubnaha la dagaalanka haybsooca. Mise,waxaan si wadajira ugu diyarinaa,bulshada Somaliyeed in eey darento,garato Ubadka ku nool ,Daami,Ureyso iyo Jamelaaye in uu yahay kan mudaanta kowaad u leh daryeel Wax Barasho.

Hadaan u noqdo Uruka SIMA,hadey qaban fikir ka duwan kan gudiga,ha la doodan,ha qanciyaan,hana qancaan ayaga. Ha deey qabaan in keligood eey wax xaliin karaan,quursigaba intaa ma soo gareen ee waa hore ayeey wax xaliin lahayeen. Aniga,kelidey ayaa caadil ah ma shaqeyneyso,in ciid kasta la tuhmana mesha kuma jirto,dabeesha in la jirtee dabada ka riixa arrinka ee dabeesha yaan laga hor imaan,hadeey waa hore talada ina seegtey,yeey maanta ina seegin.

Hadaad shirkasta ka carootan, ogaada 0.5 ayaa wax ka sii goayaan,wax aan kororsano daaye; Dadka Somaliyeed ee niyad samida kuu qaba ee hiilka kula garabtaagana niyad jabka ka ilaali.Kan raba in uu ku duudsiyana ,ha siin wakhti uu ku beerto ,geed kuu eeg oo isaga uu samestey,lakin adiga ku methela oo magac kula wadaago.

Hadaan debecsanaan la muujin,labada dhinac ba, waa adkaneysa ,in guul u daneyneyso haybsooca la gaaro.

Waxaa diyaariyey: Dr. Cali Nuur | Email: alinoor27@msn.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 27, 2006

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD