SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis {23-24 Dec 2006}.....

  • SomaliTalk.com | Dec 26, 2006

    Shirka waxaa lagu magacaabay guddi ka kooban 9-xubnood, guddigaas oo loo qabtay in ay muddo 90-maalmood ah ku soo diyaariyaan qorshihii lagu dhisi lahaa hay'ad ama urur loo sameeyo sidii Soomaalida looga cirib tiri lahaa haby-sooca iyo quursiga, waxaana loo ballamay in Maarso 24, 2007 kulanka la isugu soo laabto si loo dhiso hay'adda ladagaalanta Haby-sooca Soomaaliyeed...

Minnesota, USA: Shir-weyne ay qaban qaabadiisu soo socotey dhawr sano ayaa Dec 23-24, 2006 lagu qabtay Jaamacadda Minnesota, kulliyada Carlson School ee magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Waxaana kulankaas ka qayb galay 40 qof oo casumaad ku yimid oo ka socda Jaaliyadda Soomaalida, Iimaamyada Masaajida Minnesota iyo aqoonyahanno/waxgarad kuwaas oo ka kala yimid meelo kala duwan oo caalamka ah.

Waxaa shirka lagu daawaday filim ay dad aad u farabadan ka hadleen quursiga iyo hayb sooco, sawirada hoose waa qaar ka mid ah dadka ku jira filimka..

Furitaankii shirka ka dib waxaa laga soo jeediyey warbixin guud oo ku saabsan taxanaha la dagaalanka hayb-sooca ilaa Barnaamij idaacadeedkii 1999 ee isweydiintii "Quursigu Qiil ma Leeyahay", hawlgalkii barnaamijyadii wacyigelineed ee Minnesota ka curtay iyo dhacdooyinka ka kala aloosmay goobo kala duwan oo lagu saleeyey daawashada fiidyow muujinaya qabyo dhacdooyinkaa tusaale u ahaa. Waxaana markaas warbixinno kooban laga dhegeystey ka qayb galayashii.

Shirka oo laba maalmood socdey waxaa lagu gorfeeyey sidii ummadda Soomaaliyeed looga suulin lahaa hayb-sooca, takoorka iyo quursiga. Waxaana madasha looga wada hadlay, lagu lafa-guray, si qoto dheerna looga wada xaajoodey sidii asaas loogu samayn lahaa nidaam cilmiyayasan oo ummadda Soomaaliyeed looga suulinayo hayb-sooca.

Dadkii shirka ka hadlay, ee doodaha ka qayb qaatay, talooyinkana soo jeediyey waxaa ka mid ahaa: Sh. C/Raxmaan Shariif, Sh. C/Raxmaan Sh. Cumar, Sh. C/Salaan Aadan, Sh. Axmed Taajir, Garaad Axmed Diiriye Geylan, Dr. Cali Nuur, Dr. Xuseen Sh. C/Raxmaan, Sh. Xasan Jaamici, Siciid Saalax, Suldaan Ibrow, Sahra Maxamed Cali Samatar, Mubaarak Cali Xirsi, C/risaaq Faarax Xuseen, Yaasiin Sakhraan, Abwaan Maxamuud C/laahi Sangub, Axmed Yuusf, Cismaan Warsame, Xaawo Faarax Aadan, Maryan Maxamed, Seynab Xasan, Cadar Kaahin,  Calidaruus Cali, Xaamud Maasheeye, Maxamed Alla-bari, C/raxmaan Eelay, Maxamed Xaaji Xuseen, Siciid Faahiye, Faadume Cali MJ, iyo akhyaar kale oo aad u farabadan.

Dadka kale ee shirka khadka telefoonka toos loogu soo xiray ee madasha la hadlay waxaa ka mid ahaa: Maxamuud Xuseen Faarax ra'iis oo ku hadlayey magaca dadka la hayb sooco ee Muqdisho. Cabdi Cusmaan Cali oo ku hadlayey magaca dadka la hayb sooco ee Imaaraadka Carabta, Abu Dhabi. Xaaji Muuse Caabdi Mire oo ku hadlayey magaca dadkala hayb sooco oisagoo jooga California, USA. Iyo Cali Jaamac oo ku hadlayey magaca dadka la hayb Sooco ee ku sugan dalka Sweden.

Intii shirku socdey, waxaa la isweydiiyey: Maxaa kallifay in la takooro qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed, maxaa keenay in la quursado, oo la hayb-sooco beelo kamid ah Soomaaliya, xaggeese arrintaasi ka bilaabatay, maxaase bilaabay, sideese loo daweyn karaa oo hadda ummadda Soomaaliyeed looga suulin karaa hayb-sooca.

Waxaa kale oo si xeel dheer looga wada hadlay sidii ummadda Soomaaliyeed loo bararujin lahaa - oo xitaa haddii loo baahdo loo diri lahaa tabliiq ummadda Soomaaliyeed ku baraarujiya dhibaatada iyo xanuunka ay takoorka iyo quursigu u geysteen mujtamaca Soomaaliyeed. Waxaana la xusay in taariikhdu ay qori doonto qof kasta oo arrintaan wanaag kaga qayb qaata suulinteeda.

Dadkii ka hadlay kulanka waxaa ka mid ahaa nin Soomaaliyeed oo ka warramay heerka uu qabiilku ka taagan yahay Soomaalida ayaa ka waramay qiso ahayd in uu yiri: Maalin ayaan arkay qof dumar ah oo da' ah oo xanuunsan oo xilli qabow ah taagan meel boosteejo ah gawaarida laga raaco, waxaan ku iri, ayuu yiri: eeddo gaariga aan wato makugu qaadaa oo ma ku geeyaa meesha aad rabtid?, wexey igu tiri: marka hore qoladee tahay?. Hadalkaas markaan maqlay waxaan u ekeeday sidii nin la toogtey, ayuu yiri, waxana uu ku daray: waxaan markaas ku iri: Eeddo aniga qoladayda iska dhaaf ee ii sheeg in aad rabtid in aan ku geeyo meesh aad rabtid. Intaas markaan is dhaafsanay ayaa Gabar la socotey waxay tiri: walaal islaantu waa xanuunsaneysaa ee nagey cisbitaalka. Markaas ayaa islaantii inta ay soo boodey waxay tiri: Anigu raaci maayo qof aanan qabiilkiisa aqoon." Waxa uu yiri anigu waxaan ku koray Itoobiya oo waxaa yaraantayadii madaxa naga garaaci jirey Xabashi, waxaana waalidkay na dhehi jirey socda oo Soomaaliya aada, waxaana u lugayn jirey dhanka Soomaaliya si aan u aragno askari Soomaaliyeed oo lebisan dharka askarta Soomaalida- arrintaas oo dadkii madasha fadhiyey qiiro ku reebay.

Waxaa si xeel dheer looga hadlay in dhibaatada Soomaaliya ee arrinta quursiga aysan ku koobnayn dadka la yaso ama la hayb sooco, balse sidaas oo kale Qofka wax yasaya uu dhibaato qabo, oo ay tahay in la daweeyo.

Kulanka oo lagala socdey khadka Internetka ayaa laga soo wici karey daafaha dunida, dadkii soo wacay waxaa ka mid ahaa: Cali Diireye Geylan, oo kulanka ka soo wacay Sweden, waxana uu u mahad naqay dadka soo qaban qaabiyey shirka, waxana uu codsaday in la sameeyo tabliiq dadka wacyi geliya.

Kulankii dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Garaad Axmed Diiriye Geylan oo ah garaad bishii Janaayo ee sannadka 2006 lagu caleemo saaray magaalada Laascaanood. Waxana uu hadda ka soo safray Sweden si uu uga qayb qaato shirka.


Ka bilow Bidix: Suldaan Ibrow, Garaad Axmed Diiriye Geylan, Cali Xirsi

Ugu horayn waxa uu garaadku u mahad celiyey qabanqaabiyayaashii shirka, waxana uu xusay in dhawr sano ka hor aysan suurto gal ahaan jirin in lagaba hadlo qadiyadan haby-sooca, waxaana hadda lagu guulaystey in laga hadlo qadiyaddan. Waxana uu xusay in arrintani haddii si daacad loo fuliyo wax ka qabashadeeda in xal u noqon karto dalka Soomaaliyeed oo dhan.

Garaad Axmed waxa uu xusay in (Dagaaladii Soomaaliya kadib) ay dad Soomaaliyeed ku badbaadeen iyagoo sheeganaya magaca Gabooyaha, waxana uu yiri: waxaan ku faraxsanahay in dadkaasi ay ku badbaadeen magaca gabooye. Waxaa mahad Allah ah in dadkii la dhehi jirey midgaan ayaa tihiin in hadda la sheeganayo, si loogu badbaado, ayuu yiri.

Waxana uu Garaad Axmed yiri: Waxaa dhici karta in xalka Soomaalidu uu ku jiro dhankayaga, annaga ayaan cidna raacsanayne.

Waxaa shirka laga sheegay waxyaabihii hayb sooca ka qayb qaatay in ay ka mid ahaayeen in wixii ka horreeyey 1960 marka ardayga dugsiga la qorayo in la diiwaan gelin jirey magaca ardayga iyo qabiilkiisa - kaas oo lagu qori jirey diiwaanka xaadirinta. Nin oday ah ayaana xusay in xilligaas ay dhici jirtey in ardayda ka dhalatay beelaha la hayb sooco in ay fasalka ka soo daahaan si ay dhaafto xaadirintu si aanba magacooda loo sheegin iyagoo ka cabsi qabay in la garto hayb-tooda oo markaas lagu yaso ama lagu takooro.

Qisadaas waxay nin dhallinyaro ah oo madasha fadhiyey soo xusuusisay qiso isaga ku dhacday, qisadaas oo ahayd: in uu yiri: Waxaan dugsi ka dhigan jirey magaalaada Berbera xilligaas oo ku beegnayd 1979-80, waxaan ahaa fasalka 6aad, waxbarashadana aad ayaan ugu wanaagsanaa anigoo geli jirey kaalimaada ugu sareeya, ayuu yiri. Maalin ayaa waxaa dhacday in magaalada Berbera la keenay Riwaaday ay dadkii jilayey ka mid ahayd Maryan Mursan. Waxaan isku deyey in aan tago riwaayada, laakiin iima suurta gelin, anigoo aan lacag u haysan. Hadallada Riwaadaas ku jirey ayaa waxaa ka mid ahaa in ay Maryan Mursan ay makhaayad ka dalbatay KIRISH-OO-MIRISH. Subaxdii markaan iskoolkii imid, ayuu yiri, ayaa waxaa dhacday in arday gadaal fadhiya waxa uu yiri "Kirish oow mirish", markaas ayaa ardaydii soo wada fiiriyeen kursigii aan fadhiyey, ayagoo dhammaantood wada qoslaya - xitaa gabar  kursi iidhow fadhidey markii ay aragtay in aan iyaada lagu jeedin ayey qosolkii ku dartay, markaas ardaydii oo dhan aniga ayey isoo eegayaan ayagoo igu qoslaya. Macallinkii ayaa ardaydii aamusiyey. Cabbaar ka dib sidii ay qosol u bilaabeen inta ay yiraahdeen "kirish oo Mirish". Anigoo oo yaxyax meel aan galo la' ayaa fasalkii maalintaas sidaas ku dhammaaday. Gurigii markaan tegey waxaan go'aansaday in aanaan dugsiga dib dambe ugu laaban - MAALINTAAS AYAA ISKOOL AAN DHIGTO IIGU DAMBEYSEY - Noloshayda Iskool maalintaas ka dambeysey  ma dhigan, ayuu yiri. Markii uu hadalka sharraxayey waxa uu yiri kelmedda "Kirish oo Mirish" waxaa looga jeedaa calooleyda la cuno oo lagu caayayey beelaha la hayb sooco oo uu sheegay in uu ka tirsan yahay. Waxa uu yiri Aabahay oo Sucuudiga jirey xitaa waa loo cid diray si la iigu qanciyo in aan Iskool ku laabto, wax kasta inta la sameeyey waa la igu kari waayey in aan Iskool dambe dhigto.

WARQAD UU QORAY DR. CALI NUUR OO KU WAJAHAN: SHIRKA IYO KA QEYBGALAYAASHA SHIRKA...
Akhri...

Sidaas oo kale ayaa laga waramay qisooyin qabsaday beelaha hayb sooco.

Kaddib waxaa lafa-gur lagu samaayey sidii kulamaddii muddada dheer soo socdey loogu rogi lahaa wax qabad la taaban karo, iyo in la sameeyo hay'ad isku xir oo asaas u noqota sii wadida hawsha la dagaalanka haby sooca. Dad badan ayaana arrintaas fikradooda ka dhiibtey, waxaana dadweynaha lagu dhiiri geliyey in qofkii arrintaan ka qayb qaadanaya in uu samir lahaado, kuna dhiiranaddo mabda' suulinta haby sooca.

Dr. Cali Nuur oo ka soo safray dalka kanada ayaa ka warbixiyey arrin dadkii ka qoslisey, waxa uu yiri: Waxaa dhacday in magaalo ku taal gobolka Ontario ee dalka Kanada in laga asaasay  urur loogu magac daray Gabooyaha, markii laga war helay ayaa loo tegey dadkii ururkaas asaasay, markaas ayaa la yiri: Ururka waxaa samayn kara dad beeshaas u dhashay ee faraha kala baxa, waxay markaas dadkii ururkaas sameeyey ku jawaabeen: Ururkan waxaan u samaysanay 500 oo qoys oo magacaas noogu xeraysan farahana kala biximeyno oo hadda annaga ayaaba ka tirsan Gabooyaha. Marka sidaas oo kale, ayuu yiri Dr. Cali Nuur, ha noo samaysanina urur aad nagu maamushaan... Hadalkaas oo dadkii ka qosliyey.. Waxana uu muujiyey sida uu ugu faraxsanaa in magacaas lagu badbaadey.

Su'aalihii shirka la iska weydiiyey waxaa ka mid ahaa: Ma waxaan ku dagaal gallaa kelmedda "Midgaan", mase waxaan la dagaallanaa kelmedda "Midgaan", taas oo shacabka Soomaaliyeed laga filayo in ay jawaab ka bixiyaan.

isku soo xooriyoo: waxaa si xeel dheer looga dooday, loona lafa guray, in dhibaatada uu quursigu ku hayo shacabka Soomaaliyeed aysan ku koobnayn hal dhinac, balse kuwa wax quursada qudhoodu u baahan yihiin wacyi gelin u nasteexayn si guud ahaanba quursiga loo xididda siibo, oo looga xididda siibo dadka ku hadla afka Soomaaliga, ummadda Soomaaliyeed laga saaro cuqdadda uu keenay quursigu, la walaaleeyo ummadda Soomaaliyeed. Si arrimahaas loo fuliyona waa in la helo dad daacad ka ah arrintaas oo u guntada sidii ay ummadda inteeda kale arrintan ugu baraarujin lahaayeen

Ugu dambayntii shirka waxaa looga doodey sidii loo samayn lahaa urur, waxaana markii u dambeysay laysku raacay in urur la sameeyo kaas oo wax qabadkiisuna yahay in uu u adeego beelaha la hayb sooco kaas oo samafal noqon doona. Waxaana laysku raacay in guddi soo diyaariya ururkaa la sameeyo, guddigaas oo ka kooban sagaal xubnood kuwaas oo laga sugayo 90 maalmood in ay kusoo diyaariyaan qorshaha ama xeerka hay'adda la dhisi doono ay yeelan doonto. Waxaana la rabaa in guddiga in soo sameeyaan CILMI-BAARIS arrinta quursiga la xiriirta iyo sidii dhidibada loogu dhigi lahaa nidaam wacyi gelineed. Waxaana guddigaas laga rabaa sidii ay u soo diyaarin lahaayeen isku xirka dhammaan dadka hawshan ka qayb qaadanaya ee kala jooga daafaaha adduunka. Waxaana la ballan san yahay in 24ka bisha Maarso ee 2007 ay guddigaasi wax-qabadkoodii soo soo hor dhigaan shir-weyne xilligaas ay u ballan san yihiin dadkii ka qayb galay shirkan. Markaas ayaa guddigan sagaalka qof ah hawshoodu ku egtahay, waxaana la qorshayanayaa in markaas hawsha lagu wareejiyo hay'adda la soo dhisi doono. [Guddiga waxaa lagala xiriiri karaa: Cusmaan Ducaale: Email: Tayasir7198@yahoo.com ama Tel: 1-612-227-8830]

Wixii faahfaahin ah oo intaas dheer waxaa lagala xiriir karaa:

  • Siciid Saalax (612-290-1521)
  • Cusmaan Daahir (612-227-8830) - Email: Tayasir7198@yahoo.com
  • Mubaarak Cali Xirsi (612-275-0518)
  • Maxamed Aadan (303-523-5510)

Qoraal dheer oo uu Dr. Cali Nuur soo gaarsiiyey SomalTalk ka akhri halka....

Akhri: QUURSIGU QIIL MALEH [Shirkii Minneapolis ee 2004]

Akhri: Qaban qaabadii shirka la dagaalanka hayb sooca

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 26, 2006

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD