SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OLOLE

Hassan Dhooye (abu xafso)
dhooye@hotmail.com


OLOLAHA LADAGAALANKA GUUR IYO HAYB SOOCA:

NIMAAN HADLIN HOOYADIIS QADISAY II 

Adduunka waxaa ka dhacay is dulmin fara badan ilaa hadana jira, waxaana dhici karta in qaar ka mida dulmiga uu baaba’o si kastaba ha ku baaba ee, kuwa kalana inay waaran si kasta ha ku waareene, hadaan wax yar sharaxno dulmi waa kalmad carabi ah waxaana ka mida macnayaasheeda “in qofku wuxuu xaq u lahaa lagarab mariyo ama loo diido”.

Hadaba waxaa dhici karta inay hadalkaan ku jiraan su’aalo fara badan oo oranaya maxaa keena dulmiga?, ama  maxaa xal u ah?, amase sidoo looga bixi karaa?, kuligood waa su’aalo macquula waxaana laga yaabaa jawaabahooda inaan ka helo qaar ka mida qoraal keenaan sida kuwa kalana jawaabahooda idinka aan idiin daynayaa. 

Waxaan ku bilaabi lahaa qormadaan dulmiga guunka ah ee lagu hayo dad Soomaaliyeed oo aysan jirin wax farqi ah oo noo dhaxeeya dhinac walbaba, kaas oo ah “Quursiga, Guur sooca iyo Hayb sooca”  waxaa is waydiin mudan goormaa waxaan bilow deen?, yaase bilaabay?, xageese laga bilaabay?. Kuligood waa jawaabo ubaahan xaqiiqo lagu cadaynayo lifaaq taariikheed taas oo aan filayo inay aad u adag tahay, maadaama aan ahayn dad reer guuraa ah oo aan waxna qorin waxna akhrin waxii fariinana isugu gudbiya oraah, hanoqoto Tix ama Tiraab  ahaane. 

Waxaan kaloo kalsooni badan lagu qabin  waxyaalaha umadaha kale ka qoreen Taariikhda Soomaaliyeed gaar ahaan taariikhdaan quursiga, walibana kuwa reer galbeedka oo marna aysan ka marnayn inay kusaleeyaan fikir kooda, dan tooda gaarka ah, hadaan si kale u iraahno xiliyada lagu qiyaasayo inay arintaan bilaabatay ama xoogaysatay waxaa xoog lahaa xadaarada reer Yurub iyana waa kuwa Soomaali 5 u qaybiyey oo ilaa hada aan hifanayno/hibanayno dhulka naga maqan, anigoon ku dheeraanayn waxaa tusaale noogu filan “ 16 May1908 miilaadiga Xabashida iyo Talyaaniga ayaa heshiis ku kala saxiixday “iyagoo ku heshiinaya” xuduudaha dhulka Soomaalida ee ay Qabsadeen. Heshiiskaas waxa uu Talyaanigu Boqorkii xabashida Menelik, ku siiyey 3 malyan oo Lire, si uu ugu wareejiyo dhulka ka bilwoda Doolow ilaa laga gaadhayo webiga Shabeelle, marka dhica waqooyi Doolow looga baxo”.waxaan ka soo guuriyey  buuga la yiraahdo Xasuus Qor 1400-2000 oo uu qoray Faarax M Maxamed”. 

Tusaale labaad  waxaa noogu filan Qayb sigii Baarliin (Jarmalka) 1844 oo aan wada garanayno in dalal badan oo Afrika ah la qayb saday sidii xoolihii,waxaana dad badan aamin sanyihiin inay Gumaysigu lug wayn ku leeyahay maadaama ay ka mid tahay ahdaaf tooda “Qaybi oo xukun” hadaba haddaan kaa shano Taariikhda Soomaalida inta laga og yahay waxay wax badan  uga eg yihiin Carabta sida: Geela, Dagaalka, Gabayga, Fardaha iyo Faanka. 

Hadaba taariikhdaan “ilaah baa runta og”waxaa dad badan is leeyihiin waxay ku bilaabatay dagaal lagu kala adkaaday iyo is mooro duug dad iyo duunyaba leh, taas oo caan ku tahay Soomaalidu kadibna waxaa dhacday in qoladii laga adkaaday lagumeeyey oo la xaqiray  walibana aad is leedahay waxaa iyana meesha ka marnayn qaybsi. 

Si kastaba arintu ha ku dhacdee adduunku waa isdaba yaal oo waa giraan wareegaysa maalin walbana Qolaa si ah, waxaadna ka garan kartaa xiliyadii Gumaystuhu Soomaaliya Qabsaday waxaa jiray qabiilo xoog badan lahaa oo heshiis la saxiixday ama dagaal lagalay Gumaysiga maantana ka mida qabiilada Soomaalida ugu dhaqdhaqaaqa yar sida: Ajuuraan, Galadi, Biyomaal, Hintire, Wacdaan, Jambeluul, Moobleen iyo kuwa kaloo badan, taas oo ay kalifi karto dagaalo ama arima  kale oo ka duwan. 

Waxaad moodaa inay Diinta, taariikhda iyo caqligaba aan looga hayn wax daliil ah oo tilmaamaya kala sarayn, Cilmi baaris lasameeyeyna waxaa cadaatay in Soomaalidu isku Hide yihiin oo aysan jirin wax is khilaafsan xaga sinjiga, sida aan ka soo xigtay Axmed Maxamed Muuse (Daakir) “waxaa lagu sameeyey Ingiriiska 1960 baaritnaan arintaas kusaabsan jawaabtiina waxay noqotay in Soomaali lawada yahay”. 

Waxaa kaloo xusid mudan in qabiilo soomalida ka mida oo la yaqaan shalay laga dhigay mid gaan markay ku kaceen ficilo ka xanaajiyey kuwey hayb wadaaga ahaayeen, waxaa hadalkan I xasuu sinayaa  Maansadii uu tiriyey abwaankii Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Guuleed 

  • Garan waayey goortii           
  • dadku kala gudeenee            
  • Guusha loo tartamayee
  • Inba gees u yaacdee
  • Dar layiri gobaatiin  
  • Darna uu ka gaabshee
  • Lagu yiri gunbaatiin
  • Garan waayey goortaas.

*****************

  • Marka aan garaadkiyo
  • Maskaxdayda guunkiyo        
  • Caqligayga garabsaday
  • Dadku way gudboonyiin
  • waa laba gacmood iyo
  • Gacal iyo Walaaliyo
  • waxaan kala go’ayn iyo
  • Nolol guuna weeyaan
  • Anse waxaan garaadkay
  • Guurtiyey is leeyahay           
  • Gaaladii doraad shalay
  • Geyigeena timidee
  • Gumaysiga u socotee
  • Si aan looga guul helin
  • Kala gurka qabiilkiyo
  • Qoys qoys gumeeyoo
  • laga guursan waayiyo           
  • Ina galiyey Xumahee
  • Miyaan tolow garaadkani
  • Galab qura hagaagayn         

***************** 

Hadaan  dhan kale ka fiiro waxaa dhacday inaysan jirin wax qaybsanaan ah markay timaado arrin  la xariirta dhaqaale ama xurquun, waxaa tusaale noogu filan markii Soomaliya bur burtay waa lasoo qaxay, waxaana Dowladaha Yurub iyo Maraykan fidiyeen Gacan dad qaadid ah waxaana tix galin dheeraad ah loo fidiyey qabiilada daga Soomaliya oo laga tiro badan yahay, maadaama ay iska cadahay in dhibta ugu badan iyaga soo gaartay, waxaa dhacday oo anigu goob joog u ahaa in dad farabadab sheegteen Midgaan iyagoon kala qarsanayn walibana qabiiladay u kala baxaan la xifdisiiyo Caruurta si aysan ugu dhicin imtixaanka marka lamarayo. 

Arintaas markay dhacday oo ninkii shalay la yasayey uu maanta noqday midka lagu tago Yurub ama Maraykan aysana jirin calaamad kala saaraysa kii gun ah iyo kii gob ah, taasina ay markhaati u tahay arintii hidaha ee aan kasoo hadalay inuusan jirin farqi xaga nasabka ah, ee Soomali isku mid tahay hadii dhibi dhacdana la jiifiyaana banaan. 

Qabiilkii dulmanaa  baa  markuu arkay meesha wax marayaan hadlay oo yiri, maansadana waxaa tiriyey abwaankii hore. 

  • “Dhalashii mudnaydee                                             
  • Lagu kala dhaqaaqee                       
  • Dhudaheeda farabadan
  • Ninba laan dhufsadayee       
  • Ana la igu dhaafee   
  • Dhalad ma ihid la iyiri
  • Ruux dhiig is galiyoo           
  • Xaqa dhab u haleeloo
  • Dhiidhiyaan sugaayoo
  • Dhawaaq iigu hiishee
  • Nabsi dhimasho diidyoo
  • Dhulka laguma aasee

*****************

  • Waaryaa dhilowyahan
  • Dhirta Sare kunoolaa
  • Adigoo nin dheeroo
  • Ciida iska dhowraa   
  • Taariikh dhigaysee   
  • Yaa dhaadhac kugu yiri
  • Markaad dhoof u yaacdeen
  • Muuse dhariyihii iyo            
  • Yibir  isugu dhiibteen?.

Hadaan guda galo qormadeenaan waxaad moodaa maanta inay soo if baxday dabayl yar oo caafimaad  oo aan aad u xoog badnayn, loogana gol leeyahay dhaqdhaqaaq dulimi diid ah kaas oo xoogiisu dibada Soomaaliya ka socdo, waxaan qabaa waa talaabo fiican oo u baahan dhiira galin iyo taageero joogta ah, ha noqto mid maskaxeed iyo mid maalba, iyadoo taasi jirto waxaa hadana  bar bar socda oo walaac fara badan laga muujinayaa intee in leeg bay diyaar u yihiin dadkan la xaqiray inay xaqiraada kabaxaan, sababaha keenay walaacan ayaa waxaa ugu wayn “nin raba inuu kaa mid noqdo ee uusan kula mid noqon” maka bixi karaa dulmigaan guun ka ah?, ama hayb sooca?. 

Waa su’aal jawaabteeda aan ka sugayo akhristaha, waxaadna moodaa inta badan inaan guul lagaarayn hadaan la helin cid leh waxaan baa iga maqan oo aan doonayaa, isla markaasna ficil muujisa,waxaan ka qayb galay dhowr shir oo arimahaan looga hadlayey markii iigu horaysay waxaan islahaa waxaa soo unkamay shirkaan, dadka lahayb sooco oo waa garamayaan, markii xigayna waxaan sugayey inay shirka iyagu qabtaan oo Soomaali uyeeraan lagana wada hadlo sidii loo bilaabi lahaa wada hadal lagu dabar jarayo  cudar kan raagay, maadaama aan dadka qaar is lahaayeen waxoogaa bisayl ah baa jira labada dhinacba, amase waxaa muuqda nugayl laga dhow yahay intii hore.,waxaase soo if baxaysa in malahaas uusan sax ahayn waayo markii la arki waayey dadka la yaso ama la quursado amaba la guur sooco oon muujinayn, howl kar nimo dheeraad ah ama is xijin howshaan si khaas ah, oo ay ka gaabsadeen dad badan oo laga filayey fagaaraha inay ka muuqdaan, waxay dhalin kartaa tuhun wayn oo oranaya malaha dhiba majiree dadkan wax wadaa iyagaa dan kale leh.

Waxaan saas u leenahay Haantu guntay ka unkantaa, waa inay heshaa howshaan bud dhig, waa in la helaa cid wada waxii kasoo baxa shirarka oo tixraac ku samaysa, oo kuwa kale sii qorshaysa, wadana habeen iyo maalin oo aan ka harin, hadiise ay jirto gabasho ku salaysan, war armaa waxaan meel gaari waayaan oo midgaan aad maanta adigu afkaaga isku qirtaa, oo dadkaad sheegan jirtayna ku bartaa malaha saan baaba doorroon, Walaahi ilaahay baan ku dhaartay e inaysan xal ahayn, wax is badalayn horaana looga maah maahay oo Soomaali baa tiri “ Ruqa ninkii lahaa dabada hayo ma kacdo” waa inay soo baxaan dad u hura arrintaan wax walba oo ay ku kacayso. 

Waxaan hadalka carabka ugu xajinayaa waan lasoconaa waxa dhacay maanta iyo waqtiga lagu jiro iyo sida aan u burburay dad iyo dalba iyo inaan iska galay danbiyo aad u waawayn oo leh  naf iyo maal, waxaan ii muuqan garowsho dhow oo Soomali rabto inay dhacdadaan ka bixiyaan, hadaba waxaa lama huraan ah inay tahay nikeed dhiba oo loo baahan yahay inay muujiyaan dadka la yaso dadaal dheeri ah, horaana Soomaali u tiri “Xabaal ninkii leh baa qarax tira”. 

Waxaa kaloo Xusid mudan inaan kaga soo hadalay qoraalkan kii ka horeeyey inaan cidana wax isu ogalayn iyo dhacdooyin shirkii sababay ilaa meeshii ay ka muuqatay in fagaarihii gabdha lagu bixiyo taasoo aan ka mid ahayn in dadka lahayb sooco meel fagaara ah gabdha lagu siiyo, boobse waa jiray waligiis cidii iska hesha labadha dhinac ba walow ay dhib badan la kulmi jireen, waxaan ku celinaynaa hadalkaan horay u iri “Nimaam hadlin Hooyadiis Qadisay”, Waxaa tusaale noogu filan in isbadka ka dhashay shirarkii yaraa ee dhacay  inay dhacdo in si rasmi ah looga doodo, goobaha qaarkood sicad iyadoo afka lagu dhufanayo magacyada “Midgaan, Madhibaan Quursi qiil maleeyahay iwm”, taasina waxaan oran karaa waa ifafaale fiican, waayo waxaan xasuustaa waxoogaa yar uun ka hor shirarka, markaan dadka qaar kood  ku soo hadal qaado arintaan quursiga inaan wajigooda ka dareemayey xishood ay ka xishoonayaan waxa aan ku had layo inta ay san dhiiban ra’yi goodana waxay fiirin jireen hareeraha, si ay u hubsadaan inaysan maqlayn cid reerkaas ah, hadana waxaa caadi noqotay in ay doodaha caadiga ah ka mid notay. 

Waxaad moodaa in lasoo gaaray xiligii howshaan wayn dhabarka loo ridan lahaa ee aan laga gabadeen waa hadaan doonayno inaan ka miro dhalino, waa in lahelaa dad fara badan oo soo fuula masraxa oo hadla oo hela su’aalo aan soo xusnay iyo kuwa kale oo badanba jawaabahooda, hadii taa la waayo horay baa looga maah maahay oo Soomaali baa tiri “ Baadi kugu raagtay Bidaa baad moodaa” dadka wax ku maqan yihiin ma filayo in la joogo xiligii ay is garan lahaayeen oo soo celin lahaayeen waxa ku maqan, laakiin waxaan qabaa rajo fiican hadii laga doonto in laga helyo. 

Isla markaasa mac naheedu ma’ahan in si sahlan wax loo helayo amase dariiqu dhowyahay, taas oo laga yaabo in ay dad badan fadhiid ka dhigtay markay arkeen cakiraanta wadada, aniguse ma qabo waayo waxaan loo dhabar adaygin lama helo, sabraana sadkii hela, waa lagama maar maan dulqaad badan iyo iyo in lagu talo galo mudo dheer, inta ay gaarayso ilaah baa garan, waxaase cad in lagu talo galo waqti fog si looga badbaado bur bur dhow iyadoon hadafkii la higsanayey lagaarin, waayo hadaad ku tala gasho mira dhow inaad gurato oo geedkii aad beertay sanadkaan abaari ku dhacdo, kan xiga cudur ku dhaco kan ka sii danbeeyana mirihii lagaa dhaco ama lagaa xado, waxaad ku niyad jabaysaa sanadka ugu horeeya ama kan xiga, hadiise dantaadu tahay ujeeda fog waad dul qaadan kartaa ilaa aad ka gaarto dantaada, walow yaanad calfan ba e oo jiilka kugu xiga ama kan ka sii danbeeya  haba u aayee. 

Waxaa iyana ahmiyadeeda leh in la yareeyo amaba la iska daayo qisooyinka xun xun ama dhacdooyinka aan wanaagsanayn ee dadkaan laga galay sida in badan aan ku arko in Internet-ka lagu soo qoro qaab aan is leeyahay waxay ku sababi kartaa laba arimood jiilka soo koraya 1) inay cadaawad gasho sababi karta in lagaaro xal, 2) inay ku rido niyad jab oo markay maqlaan uun qisooyin xun xun oo naxdin leh inay is dhahaan, haddii waxaan oo dhan soo dhaceen amaan waxba laga qaban Karin, taas macnaheeduna ma’ahan inaan diidanahay xaqiiqo jirta in la qariyo ee malaha si kalaanba wax u arkaa.

Waxaa igala fiican in lagu badalo in la xuso oo laga sheekeeyo taariikhda dadkaan la yaso teeda fiican, iyo dadkii caanka ahaa amaba ka tagay waxyaabaha taariikhiga ah, walibana si aad ah loogu cel celiyo lagana baahiyo warbaahinta noocay doontaba ha noqotee. 

Waxaan kusoo dabrayaa hadalkayga laba qodob 1)waxaa loo baahan yahay inaan ka gudubno haddaan nahay umada Soomaaliyeed Jaahiliyadaan raagtay oo aan ka run sheegno waxa aan rumaysanahay oo Diinta ah, waliba xiligaan oo aad looga fiican yahay xagga aqoonta Diinta waa yihii hore oo dadku Barashada diinta fursad u heleen, hadii kale waxaan noqo naynaa dad leh af iyo uur is khilaafsan taasna waa lagu cadaab mutaa, Gaar ahaan dadka wadaada ah waxaa saaran Masuuliyad khaas ah sidii wax looga qaban lahaa arintaan, hadaan nahay umadda Soomaaliyeedna waa inaan maanta gacan ka gaysaynaa cid kasta oo isu taagta  suulinta Xaqiraada guud ahaan gaar ahaana midda hada aan ka hadlayno kunu ababinaa jiilka soo koraya sheekooyin quursi diid ah. 

Qodobka labaad waxaan ugu baaqayaa dadka lahayb sooco unoqosho xaga rabi iyo toobad keen dhab ah iyo in ay si khaasa isaga saaraan xil dheeri ah barashada Diinta Islaamka  soona saaraan culimo fara badan iyo dad aqoon sare u leh diinta iyo dhaqan galinteeda, waxaa kaloo ii Muhiim ah inay abuuraan dhaqaale,  waxaa ku jira hadal kan su’aal ah maxaa loogu baahan yahay wax yaalahaas?, jawaabta oo kooban ari mahaan aan soo xusnay waxaa lagu kas badaa Hogaan ama madax nimo Diimeed amase Maamul, waayo madax nimadu waa inay dadku qofkaas wax ku qadariyaan, taas oo keenaysa usoo joog sigooda ama siinta kalsoo nidooda, hadii xataa la garbiyo waxaa badan in aad llogu baahdo mararka qaarkood oo laga maarmi waayo. 

Waxaan kaloo ii muuqda in la helo maskax aqoon ku dhisan oo soo bandhigta fikrado iyo tusaa looyin arintaan wax looga qabanayo gaarsiiyana Dibada iyo Gudaha oo dhan intii laga awoodo, waxaa iyana moodaa inay ka dhex dhalanayso fikradaan laf tigeeda in lahelo gudiyo si khaas ah arintaan ugu howlan, oo dadku ku bartaan oo leh bar lagala soo xariiro ama meel wax loogu soo hagaajiyo, ugu danbayntii waxaan u hambal yeynayaa dadka ka dhiidhiyey dhibkan oo sida khaaska ahna isugu xil saaray, waxaana leeyahay turaan turooyinka ha ku kufina ee wada halganka,waxaana idin leeyahay “dadaalaa waa gaaraa”ilaahayna hanoo wada sahlo ka jiba gaarka Quursi diidka, wabilaahi towfiiq. 

QAYBTII 1aad ee NIMAAN HADLIN HOOYADIIS QADISAY II 

Hassan Dhooye (abu xafso)
dhooye@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 11, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QUURSIGU QIIL MALEH

Shirkii lagu qabtay Minneapolis... AKHRI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD