SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

QUURSIGU QIIL MALEH
Qore: Maxamed Cali | SomaliTalk.com | Minneapolis, Minnesota, USA | July 11, 2004


SomaliTalk (Minneapolis, MN): Shirweyne si heer sare ah loo soo abaabuley oo xalay lagu qabtay Jaamacadda Minnesota ayaa looga hadlay su'aasha ah: Quursigu qiil ma leeyahay; taas oo jawaab loo raadinayey takoorka iyo yasidda & quursiga Soomaalida dhexdeeda ah meesha ay salka ku hayso iyo sidii loo daweyn lahaa? Shirweynahaas oo ay ka hadleen Aqoonyahanada Cilmiga Islaamka (culimaa'u diin), aqoonyahanada cilmiga maadiga, aqoonyahanada cilmiga waaya aragnimada, abwaanada suugaanta Soomaalida; iyo madax Soomaaliya jagooyinka ugu sarreeya ka soo qabtay. Qormadana waxaan ku soo qaadan doonaa qaybo kooban oo kamid ah hadaladii halkaas laga soo jeediyey.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub)

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub)

  • Quursiguna ha baaba'o

"Qalada-qalad ku sixid iyo qabiil-qabiil ku faan ayaa khasaarahaas dhigay" ayuu tix yar ku xoojiyey abwaan Sangub oo durbadiiba hadalkiisa ku muujinayey meesha uu salka ku hayo Takoorku. Waxana uu intaas ku lammaaniyey "Allow yaa qalbiga daawada, waxa quursi yuurura"; taas oo uu sharraxaad gaaban ku caddeeyey in marka hore aysan arinta takoorku si fudud ku dhammaanayn ilaa daacad laga nocdo. Wuxuuna cadayn taas uga dhigay tixda ah: "Taariikhdii qurmuunayd Qarnigani badeli waa".

Abwaan Sangub waxa uu si toos ah ula hadlay culimaa'u diinka Soomaaliyeed iyo Aqoonyahanka; waxana uu yiri aqoonyahanow mindiyo ayaa inoo qarsoone, arinta aan daacad ka noqono (si loo suuliyo); culimadana waxa uu xasuusiyey in ay dadka u sheegaan in arinta takoorka ama quursigu aysan boos ku lahayn Islamka. Waxana uu erayadiisii kusoo xiray tix gabay ah dadkii madasha joogey u riyaaqeen oo xoorinteedu ahayd: Qayladoon ha dhiirado; Quursiguna ha baaba'o.

Maryan Maxamed

  • "Naagta EELAYDA ah"

Maryan Maxamed

Maryan oo ah hooyo Soomaaliyeed oo lagu soo dhoweeyey in ay masraxa ka hadasho waxa ay ku bilowday: waxaan ka imid Xudur; wixii ugu horeeyey ee la igu yiri waxay ahayd "Naagta EELAYDA ah"; taas oo ay ku tilmaantay in ay quursiga kamid tahay - waxana ay tibaaxday in ay ka gilgilan kartey. Waxa kale oo ay xustay magacyada kala qaybinta sida "FARADHEERTA & RAXANWEYN". Waxana ay si weyn uga hadashay in arimahan quursigu ay tahay in hoos laga soo tirtiro taasna ay qayb libaax ka qaadan karaan hooyooyinka Soomaaliyeed, oo aas aaska u ah qoyska, waxana ay tilmaantay in ilmaha yar uu ku soo ababo wixii guriga looga soo tarbiyadeeyo inta ka horeysa da'da 12-jirka.

Maryan waxa ay aad u canaanatay ragga Soomaaliyeed oo ay tiri geedihii golaha shirka lagu dhigan jirey lama geyn jirin hooyooyinka;  taas oo ay ku xoojisey "aabahay hooyaday weligiis ma kaxayn" oo ma geyn goobihii gogosha lagu dhigan jirey. Taas oo ay ku tilmaantay in ay quursiga ka mid tahay. Dhanka kale waxa ay Maryan tibaaxday su'aal ay is weydiisey oo ahayd: Horta Aqoonyahan qofka Jaamacadda gala oo keliya  miyaa. Ayada oo sheegtay in ay jiraan dad badan oo aan weligood jaamacado gelin oo oqoon leh ama waayo arag ah; taas oo dulucdeedu ahady meesha aad rabtid aqoonta ka koroso ee baro aqoon kugu filan oo kaa suulineysa in aad ku dhaqantid TAKOORKA.

Sheikh C/Raxmaan Sheikh Cumar

  • "Kaba Tole ma ahan ee waa Abtigaa"

Sheikh C/Raxmaan oo ka hadlan mowduuc cinwaankiisu ahaa: "Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Quursiga" waxa oo uu aad ugu xeel dheeraaday sidii uu Islaamku asal ahaanba u tirtiray TAKOORKA; waxana uu yiri: "Islaamku wuxuu abuuray mujtamac ku walaaloobey Islaamka; kuwaas oo ka kala yimid dabaqadihii ay bulshadu ka koobnayd - taajir, faqiir iyo midabkuu doono- kuwaas oo distoorkooda ama qaanuunkoodu yahay KITAABKA QUR'AANKA. Waxaana dhammaan dadka ugu sharaf badan kan ugu taqwada badan - sida ku cad qur'aanka- taas oo ah in Diinta Islaamku ay qofka ku qiimayso sida uu ALLAH uga cabsado. Wixii Islaamka ka horeeyeyna waa Jaahil ku dhaqmi jirey quursi iyo kala faquuq."

Sheikh C/Raxmaan waxa uu tusaale u soo qaatay BILAAL oo guursadey gabar reer QUREYSH ah oo ah reerkii markaas ugu martabada sareeyey; taas oo uu ku tilmaamay in aysan jirin wax xilligaas isweydiiyey.

Shiekh C/Raxmaan asagoo si toos ah ula hadlaya culimaa'u diinka Soomaaliyeed waxa uu yiri: Ugu horayn waa in culimadu ay arintan daacad ka noqdaan, waxayna daacad kaga noqon karaan in lagu dhaqmo diinta Islaamka; dadkana u sheegaan in arintan (quursigu) aysan asaas ku lahayn Islaamka oo uu islaamku suuliyey. Waana in culimadu arintaan ka hadlaan. Waxa kale oo uu Sheikh C/Raxmaan toos ula hadlay "KAABA QABIILADA" Soomaaliyeed, waxana uu yiri qabiil kasta inta talada u goysa waa in ay marka hore arintaan ku qancaan, kaddibna arinta si qabiil ahaan ah uga hadlaan, oo ay markaas gaaraan go'aan qabiil ahaan ah (oo ay arintaas ku suulinayaan).

Sheikh C/Raxmaan waxa uu xusay kelmed uu sheegay in ay weli dhegahiisa ka bixi la'aday taas oo ah : "Kaba Tole ma ahan ee waa Abtigaa"; oraahdaas oo uu sheegay in hooyadiis ku tiri mar ay u tageen nin kabaha u toli jirey. Hadalkaas xigmada ka dambaysaa waxay ahayd sida ay hooyadu miisaanka weyn ugu yeelan karto suulinta 'TAKOORKA' iyo tarbiyada wanaagsan ee ubadka.

Gabaagabii hadalkiisa Sheikh C/Raxmaan waxa uu sheegay in haddii arinta dadkaas lagu takooray ay ahad "BAKHTI" ayuu cunay odaygii; waxaan taas dhehi karnaa in uu dadka ka aqoon badnaa; waayo ayuu yiri: diinta Islaamku waxay qofka u baanaysay in uu cuno bakhtiga haddii uu naf baxayo taas la'aanteed oo uusan wax kale haysan; haddiise uu qofku ku dhinto sidaas (asagoo naf baxaya uu helay Bakhti oo uusan cunin si uu naftiisa u badbaadiyo) markaas waa lagu ciqaabayaa. Waxana uu si weyn dadka ugaga digey dulmiga iyo quursiga; waxana uu yiri: Dulmigu waa dembi; quursiguna waa dulmi; marka arintani waa dulimi ee hala suuliyo.

Axmed Faarax Cali "Idaajaa"

  • "Kani waa addoon, kani waa ugaas, waa inaan ilownaa"

Axmed Faarax Cali "Idaajaa"

Idaajaa oo safar kaga yimid dalka Ingiriiska oo ka hadlay "Dhaqanka Soomaalida iyo quursiga" ayaa hadalkiisii ku bilaabay: Waxaan galabta markii aan shirkan u soo socdey arkay nin oday ah, oo da' ah, oo dhowaan qaxootinimo ku yimid; markaan u sheegay meesha aan ku socdo in ay tahay shirkan 'TAKOORKA' looga hadlayo; waxa uu igu yiri 'war-naga-daa'. Halkaas waxaad ka garan kartaa ayuu yiri: " (ninkaasi) ma rabo in uu wax qabto, in wax laqabtona ma rabo". Waxana uu 'Idaajaa' durbadiiba uga sii gudbey dhawrkan qodob oo uu sheegay in ay hadda Soomaaliya ka jiraan:

  • Hadda waxaa qofku isu yaqaan qabiil ee dawlad isuma yaqaan
  • Jabhadaha Soomaaliya waa baadi sooc, oo ma jiro jabhad qabiil kale ku jiro; waa hal reer oo soocan jabhad kasta
  • Dad Soomaaliyeed oo inta la qabto cadow gacanta loo galiyo
  • Soomaali dabin ayaa u qollan waxayna gacanta u gashay dad aan Allaahna ka cabsanayn; cidna u naxariisanayn

Axmed Faarax 'Idaajaa' waxa uu sheegay qiyaas uu sameeyey laba sano ka hor mar uu tegey Soomaaliya; taas oo ahayd su'aalo uu weydiiyey dhallinyaro aysan da'doodu ka weyneyn 25-jir; su'aalahaas oo ahaa: Sheeg qiimaha ay Soomaalida u leeyihiin:: 1da Luulyo, 26ka Juun, iyo SYL; goormaan xornimada qaadanay. Sheeg wax u dhexeeya magaalooyinka: Luuq, Dhagaxbuur, Jabuuti, Hargeysa iyo Gaarissa. Waxana uu sheegay in su'aalahaas ay dhallinyaradii khaldeen 96% (Boqolkiiba sagaashan iyo lix khalad). Waa kuwaas kuwa dalka sugaya; ayuu yiri.

Idaajaa waxa uu sheegay sida uu hoos uga dhacay damiirka Somaalida; taas asagoo xusayana waxa uu sheegay in qabqablayaashii dagaalka ee Soomaalida dhibayey 14ka sano aysan jirin cid la hadli karta. Arinta TAKOORKA waxa uu tusaale u soo qaatay laba nin oo maro isku haysta oo nin kale arkay yirina: labadan marada isku haysta hooyadood waa sida gacantaas. Taas oo uu ku sharxay in maanta ay Soomaalidu waxba haysan oo madaxdooda ay u soo magacawdu Xabashidu.

Waxa uu "Idaajaa" ku xeel dheeraaday suugaanta Soomaalida iyo takoorka; waxana uu  xusay kelmedaha kala duwan ee loo adeegsado quursiga iyo sida dadka loo kala qaybiyey; kelmedihii uu xusayna waxaa kamid ahaa: Sab & Soomaali; Bilis & Bidood; Aji & Midgo; Tumaal & Talaamiid. Waxana uu mid mid u xusay magacyadaas: Waxana uu u dhigay sidan:


Idaajaa

Midgaan:

  • Waxay degaan meel kasta oo Soomaaliya ah
  • Waxay yaqaanaan farsamooyin aysan Ajiga u sheegin sida:
    • Habka loo ugaarsado iyo xeeladaha dabinka iyo sida loo dago ugaarta
    • Samaynta 'mariidka' oo laga sameeyo geedo; kaddibna la mariyo fallaaraha lagu ugaarsado
    • Heeso iyo hadalo u gaar ah oo dhammaan guubaabo ah; oo loo yaqaan hawl midgood.
  • Ma ahan dad shaqo isku leh; waxayna la reer yihiin hadba meesha ay degaan (isku meel kuma abtirsadaan ama hal oday isuguma yimaadaan).

Idaajaa waxa uu yiri: lama oga waxa dadkaas lagu takooray; takoorka lagu hayona waa kala badan yahay; waxana uu xusay in meesha ugu daran ee lagu takooro ay tahay Woqooyiga Soomaaliya; sida Hargeysa, Berbera & Burco oo xaafado gooni ah degaan; halka ay dhulka kale ee Soomaalida qabiilooyinka kala dhex degaan ama aysan lahayn xaafado gooni ah. Waxa kale oo uu xusay dadkii caanka ahaa ee magacaas ka dhashay sida: Xasan Maxamed Dhunkaal, Geedi Yaryare; cali Xirsi; iyo rag badan oo kale.

Tumaal:

C/Raxmaan Eelay oo samaysanaya kabahiisa: Waa meel yar uu dhiganta qaabka kabaha loo tolo; waxaan akorka sare kaga qornaa Tumaal/Midgaan.

Tiradoodu uma badna sida midgaha ayuu yiri 'Idaajaa'; waana farsama yaqaanno tuma mindiyaha; godinta; iyo dhamman qalabka anfaca u leh Soomaalida. Waxana uu yiri: marka dagaal dhaco waxaa caadada Soomaalida ahayd in aan dagaalka loo kaxayn Tumaalada; balse loo kaxayn jirey Midgaha; waxana uu sheegay in la oran jirey haddii Tumaalku dagaalka kuu raaco waa nasiib xumo oo colka ayaa soo jabi doona ama laga guulaysan doonaa. Laakiin halkaas waxa uu ku tilmaamay in ay laba sirood ku jirtey oo ah: Midgaha oo ku fiican shiishka oo dagaalka loo kaxaysanayo iyo Tumaalada oo la rabey in ay birta lagu dagaalamayo tumaan oo joogaan guryaha si aan dagaalka loogu layn. Waxana uu xusay in aysan ahayn in la isku caayo Tumaal-nimo; asagoo madasha xasuusiyey in Nebi Daa'uud uu ahaa farsamo yaqaan Tumaal ah. Dadkii magaca weyn ku lahaana waxa uu ka xusay "Ina Bir Cayreeye" iyo rag kale.

Yibro:

Waa tiro yaryihiin ayuu yiri 'Idaajaa'; waxana uu sheegay in sheeko lagu sheego in ay qayb Soomaaliya ka xukumi jireen; markii uu yimid Aw-Kowneen in la yiri tartan ayaan geleynaa ee BUCUR BACAYR buurtaas haka duso; dhawr jeer markii uu dusey ayaa Aw-kowneen wax ku akhriyey markaas ayuu ku duugmey buurtii; markaas ayaa la yiri ama qaata mag hadda ama qaata mag weligiin idiin socota; waxayna doorteen magta weligeed u socota; waana halkaas meesha ay ka socoto samaanyaha laga qaato wiil kasta oo ka dhasha ajiga. Waana tan laga yiraahdo wiilkii aan samaanyaha laga bixin 'Yibir ayaa qaaday'; waxan auu taas ku tilmaamay in aan xaqiiqdeeda la hayn (ee ay tahay uun malo awaal). Ragii magaca lahaana waxa uuka xusay Xuseen Cali Jiis iyo Ayax Maxamed , iyo rag kale.

Addoon/Bidood:

'Idaajaa' waxa uu xusay in suuqii ugu dambeeyey ee ahaa sayladii dadka lagu kala gadan jirey ee Banaadir in la xiray sannadkii 1937. Magacaas hadda waxaa lagu bedeley Jareer Weyn. Waxana uu xusay sida uu xuquuqdood u ilaal jirey Seyid Maxamed Cabduule Xasan.

Maxaa ka dhexeeya:

'Idaajaa' waxa uu sheegay dhammaan kooxahaas kor ku xusan waxa ka dhexeeyaa uu yahay: Quursiga lagu hayo iyo in waxa lagu takooray ay tahay farsamada ay yaqaanaan.

Gabood Falka Suugaanta:

Idaajaa

Waxa uu 'Idaajaa' xusay gabood falka ka buuxa suugaanta Soomaaliyeed taas oo si weyn loogu xad gudbey dadka la TAKOORO. Tusaalayaasha uu soo qaatay waxa kamid ahaa:

  • Nin ayaa naagtiisa ku yiri: Saryankaan dili doono; Sabeentaan siin doono; Sumakay dhali doonto; baridiisa Subageeda; kabo; maya adigu kabo ayey xaaskii tiri; sidaasna uu ku diley naagtiisii - waxa uu taas ku tilmaamay wax la mala awaaley oo quursi ah.
  • Sheeko xarriirta oraneysa: Gabar ayaa waxay tiri saddex nin ayaa arkay oo waxa ahaayeen nin Ugaas ah, Nin Ciil qaba iyo Midgaan; markii la weydiiyey sid aay ku garatay waxay tiri: Ugaasku si fiican ayuu ii fiirinayey oo iila hadlayey; kan ciilka qabana usha ayuu dhulka ku mudmudayey; midgaankuna Ugaaska hooskiisuu harsanayey. Xaqiraad weeye taasu.

Wanaaga Xuska Mudan:

"Idaajaa' waxa uu xusay waxyaabihii wanaaga ahaa ee Soomaalidu ay kula dagaalameyeen quursiga waxana uu xusay:

  • In Seyid Maxamed Cabdulle Xasan uu yiri yaan la oran midgaan ee 'YALAXLE' ha la yiraahdo
  • Ka dhiidhintii Ayax maxamed Dhawre uu sanadihii 1930-naadkii ka dhiidhiyey quursiga iyo gabaygiisi 'Qaraabow i maqal'.
  • SYL: oo soo saartay hal ku dheggii ahaa: "Kani waa addoon, kani waa ugaas, waa inaan ilownaa".
  • Dawladii Soomaaliya oo la dagaalantay qabiil ku kala saraynta; taas oo isku day ahayd.

Mar uu xusayey xilligii dawladii Soomaaliya waxa uu yiri waxa maalin dhacday in laba nin ay is qabteen; markaasaa mid labadii nin ka mid ah uu kii kale ku yiri: war nimanyohow wadaadkaa farsamo yaqaanka ah yaa iga celiya; ilaa kuma dhacin in uu yiraado tumaal (ama midgaan).

Gabagabadii hadalkiisa 'Idaajaa' oo dhaafay waqtigii loo qoondeeyey in uu hadalka kusoo koobo wuxuu yiri: Qolo kasta qolada ay la degto ayey ku qolo tahay' xalkuna waa aqoon iyo in aan la munaafaqayn. Waxana uu dadkii madasha isugu yimid xusuusiyey in uu jiro nin la siyaarto, Sheikh Cali Samatar' oo hadana aan gabadhiisa la guursanayn!.

Ismaaciil Gama'diid

Ismaaciil Gama'diid

Gama'diid oo safar kaga yimid dalka NewZealand waxa uu ka hadlay 'Quursiga iyo adduunka' waxana uu sheegay in waxyaabaha la isku Takooro ay ka mid yihiin midabka iwm. Waxana uu xusay sida dalka Newzealand loo quursaday dadkii caddaanka ahaa ee dalkaas tegey; waxana quursigaas sameeyey dadkii dhulkaas loogu tegey oo la yiraahdo Maori. Waxana uu sheegay in ay dadkaas Maori-gu ay caddaankii u adeegsadeen kelmed quursi ah oo ah Bakija. Muddo ka dib si kelmedaas looga baabiyo magac xumada ayaa lagu daray dastuurka - ogowna kelmeddaasi waxa ay muujinesaa asal ahaan waa midabka dadka caddanka ah; laakiin qaabka loo adeegsadey ayaa noqday quursi - taas ayaana la suuliyey.

Gama'diid su'aal ayuu dadkii weydiiyey uu yiri waxaa i weydiisey gabadhayda; taas oo ah: maxaa lagu garan karaa qofka Soomaaliga ee halkaas soo socda Qabiilka uu yahay. Ilaa iyo hadda jawaab uma helin ayuu yiri; ee qofkii jawaab u helow igu caawi ayuu ku lifaaqay. Gabagabadii hadalkiisana waxa uu xusay qodobada uu arko xalka lagu suulin karo Takoorka; kuwaas oo ah:

  • Culimada oo hadda arinta ka jiifa in ay tilmaamaan xaqa
  • Aqoonyahanka oo qayb ka qaata suulinta takoorka
  • dadka ay arintani saamaysay oo door ka qaata wacyi gelinta
  • in la helo distoor xaaraamaynaya takoorka
  • Qofkii magaca bedelanaya in uu magaciisa ka dhigto 'Midgaanoow', tumaaloow' iwm.
  • Dadka Xadgudubka geystey oo raali gelin bixiya

Halkaas markii la marayey ayaa xiriiriyihii shirku madasha xusuusiyey in ay jiraan Aji badan oo hadda ameerika ku jooga Midgaan.


Abwaan Cismaan Daahir

Abwaan Cismaan Daahir

  • ka gadooda Xumaanta

Ugu horayn Abwaan Cismaan waxa uu u mahad naqay qaar kamid ah warbaahinta, ganacsadata iyo dadkii ka qayb qaatay la dagaalanka TAKOORKA. Waxana uu tiriyey maanso ama gabay dheer oo dulucdiisu ahayd in dadkaan la takooray ay yihiin farsama yaqaano iyo in haddii aan arintaan wax laga qaban lagu mutaysan karo ciqaab Allah. Waxana uu dadweynaah ku booriyey in ay xumaanta ka gadoodaan. [GABAY HORE EE UU CUSMAAN U TIRIYEY XORIYADA]

Cali  As-har

  • Horta anigu yaan ahay.

Cali Ashar

As-Har oo ku hadlayey magaca dadka magacooda madasha lagu xusay waxa uu goobta ka akhriyey khudbad dheer oo qoran; inkasta oo aysan ii suurta gelin in aan nuqul ka helo qoraalkaas waxaa dulucdiisu ahayd: dadkaan la takooray waa kuwa Soomaalida u noqon kara dhexdhexaad heshiisiiya; ayaga ayaana dhexdhexaadka ka ahaa sabataas ayaana loogu dhiibey goobo muhiim ah sida Gaashaandhiga iyo caaddaalada dawladii hore ee Soomaaliya; waana in hadda loo doorto madaxweynaha Soomaaliya ilaa ayaga ayaan darood, hawiye iyo Isaaq kala xigsanayn'e; ayuu yiri.

As-har waxa uu aad ugu dheeraaday sida aan dadka la takooro mag u lahayn; oo xoolohooda loo dhaco; waxana uu yiri 'weligiin ma aragteen midgaan xoolo leh'. Waxa kale oo uu xusay sida guurka looga takooray. Waxana uu ku adkeeyey in aan weli xalka la weydiin dadka ay dhibku ku dhacday; asagoo ku xoojiyey 'horta anigu yaan ahay'.

CabdiRisaaq Xaaji Xuseen

  • Qabiil aan la diririno si aan arintaas wax uga qabano

Ra'iisul wasaarihii hore ee Qarankii Soomaaliya, C/Risaaq Xaaji Xuseen, ayaa madasha ka hadlay gabagabadeedii; waxana uu xusay in arintani ay tahay mid duug ah; oo caado iska hir gashay  ah; oo aan sal lahayn; oo aan meel haysan. Waxa arintaas hirgeliyeyna waxa uu ku tilmaamayin ay tahay qaillka.


CabdiRisaaq Xaaji Xuseen oo khudbaynaya iyo Idajaa & gama'diid oo fadhiya kuraasta martida.

C/Risaaq waxa uu xusay sharci uu Baarlamaanka geeyey sannadkii 1960-kii kaas oo ahaa baaritaan lagu sameeyo magacyada quursiga; waxaana la soo helay 12-magac; waxaana sharcigaasi mamnuucay in aan 12-kaas magac iyo kuwii la midka ah qofka lagu quursan karin ama lagu xumayn karin oo ay taasi dembi tahay. Taas oo jirta ayaa waxaa dhacday ayuu yiri: dhammaadkii 1960-kii ama bilowgii 1961 in magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan in wiil iyo gar ay isku guursadeen. Gabadha aabeheed ayaa Qaali u tegey una sheegay in aan ninkaas (dadka la yaso ah) uusan geyin gabadhiisa; qaaligii wuxuu yiri 'Ninkaasi gabadha KUF uma aha' sabatoo ah gabadha aabeheed waa wadaad, ninkuna wadaad ma ahan. Ninkii sidii kuma harin ee maxkamada ayuu tegey, waxana maxkamadii weydiisey gabadha ma is rabtaan, labadodiina waxay yiraahdeen haa, markaas ayuu xaakimkii maxkamdu yiri:xaaskaaga kaxaysi, sidaas ayuuna ninkii ku guulaystey, ilaa sharcigii ayaa dhignaaye.

C/Risaaq Xaaji waxa uu yiri arintani shirkaan oo keliya ku baabi'i meyso ee ficil ayey u baahan tahay; ficilada aan qabaneyno haddii dawladi timaado (sidaas ayaan rajayneynaanye) waa in ay dadkaas u samayso barnaamij gaar ah (sida kan maraykanka ee loo yaqaan Affirmative Action); barnaamijkaas oo dadkaas saami loo qoon dayanayo oo wax lagu barayo. dadkaas (la quursado) waxaa la gudboon in ay ayaaga dadaalaan, raadsanaada xaqooda. Qofkii xoolo leh iyo cilmi leh la isma weydiiyo (cida uu yahay) ayuu yiri.


C/Risaaq Xaaji Xuseen oo waqtigii biririfta shirka akhrinaya Buuga Xasuus Qor oo kamid ahaa buugaag ay Markataba Risaala ku gadeysey goobta.

C/Risaaq Xaaji Xuseen waxa uu yiri: Qabiil inta uu jiro arintaan wey jireysaa ee aan la dagaalano qabiilka si arintaas ay si dadban ugu tirtiranto. Yeynaan arintaas dheeldheel u qaadan.

Qore: Maxamed Cali
SomaliTalk.com | Minneapolis, MN
Talo iyo Tusale ku soo hagaajiya: somalitalk@msn.com 

Afeef: Shirka waxan soo gaarey salaaddii makhrib ka dib; qayb ayaana iga hor dhacday; waan ku dadaalayaa in aan helo qaybta hore; balse hadda waxaan soqoray meeshii an shirka kasoo gaaray ilaa dhammaadkii. Aqoonyahanada intii aanan shirka imana ka hadlay waxaa kamid ahaa Saciid Saalax oo ah aqoonyahan iyo Abwaan Soomaaliyeed oo had iyo jeer Reer Minnesota aku guubaabiya sidii ay wanaaga uga shaqayn lahaayeen iyo sidii ay wax u qabsan lahaayeen.

LIFAAQ 1:

Madasha shirku ka dhacayey waxaa lagu qaybiyey buug cusub oo sida Joornaal ahaan u qoran lagu magcaabo 'DULMAN' oo ay soo saaraan ururka 'SIMA'.

Guddoomiyaha cusub ee ururka 'SIMA', Maxamed Keynaan, waxa uu SomaliTalk u sheegay in ururka la asaasay bishii Agoosto ee sannadkii 2001, loona asaasay xuquuqda in uu u raadiyo dadka laga tirada badan yahay ee aan xaqooqda loola simin dadka kale. waan aururu aan dagaal wax ku raadineyn; una furan Soomaalida wanaaga jecel in ay kusoo biiraan. Xafiiska Ururukaasina waxa uu ku yaal magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Ururka waxaa lagala xiriiri karaa: Tel: 612-359-1248, Fax: 612-341-3433, Cell: 612-558-3265 ama email: sima@midgaan.com

LIFAAQ 2:

OLOLAHA LADAGAALANKA GUUR IYO HAYB SOOCA:
Waa qoraalo taxane ah oo uu qoray Xasan Dhooye...
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 11, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD