SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAAFUUN

Yaa Yiri Xafuun waa la boobey?

  • A.M.Abdulla | Dubai. UAE


Salaan kadib 

Hordhac:- 

"Guri ka gado mashaaricda Dubai oo gacanta ku dhig heshiis 99 sano hanti xora iyo ciqaamad intaa jirta".Waa siyaasada cusub ee xukuumada Dubai shaaca ka qaadey ilaa 2000.Taas oo lagu doonaayo in lugu soo ugaarsado maalgelin ajnebi. Siyaasadani maha mid maanta ku dhalatey xukuumada Dubai sida ey ku soo qoreen jornaalada khubarada faaleeysa arrimaha dhaqaalaha aduunka ee waa mid illaa muddo la darsaayey oo laga biya keeney.Siyaasadan waxey Dubai ka hormarisey dhamaan dalalka beriga dhexe(Middle east countries)xagga dhaqaalaha, horumarka teknolojiga, dalxiiska, baayac mushtariga iyo mashaaricda saldhiga hoose sida korontada, dariiqyada, isgaarsiinta iwm. 

Siyaasadan dhaqaale ee cilmiyeysan ayaa ku qasabtey maanta dhamaan Emaardka kale oo markii hore -aad u diidana dhulka in ajnabi laga gado sida Abudhabi, Shaarjah, Ajmaan , Rasalkheema in ey ku deydaan Dubai si ey u gaaran hormarkan layaabka leh.Sido kale waxaa u feytey kudayashadaa Dubai, dalalka deriska ah sida Qatar, Bahrain iyo Oman. 

Aduunkan maanta la joogo maaha kii hore ee 20 ama 40 sano ka hor jirey. Maanta Dhaqaaluu ku dhisan yahey ninwalba wuxuu ku dedaalaya sidii dhaqaalihiisu hor u mari lahaa hadey tahy dawlado, shirkado iyo bulsho.wuxuuna ku dedaalaya sidii loo debcin lahaa qawaaninta iyo carqaladaha hortaagan soo jiidka rasalmaalka ajnebi iyo dabayaaciisa sida teknolojiga, aqoonta iyo farsamada.Halkan ka akhriso diraasadi ugu danbeysi iyo talooyin lagu dhiiri geleinayo dawladah khaliijka sidii ey u debcin lahaayeen qawaaninta hortaagan dhiri gelinta qulqulka maalgelinta shisheeye. http://www.alkhaleej.ae/eco/show_article.cfm?val=144451.

 Ujeedo:- 

Hordhacaa Dubai waa tusaale aan rabo in aa ku baraarujiyo "walaalahan" ka soo hor jeeda mashruuca HAFZA.HAFZA iyo wixii la middah -oo dalka ka hirgeli kara- midna ma iibsan karo Dalka soomaaliyeed sida gawaarida ee waxa meesha ka socdaa waa sida aduunku maanta ugu dhaqmo maal gelinta shisheeye.Waana heshiis ku sal leh qawaaniin nin walba u indha furan yahy.Shirkadaha Aduunka wareega oo ila dhaqalle baadi doonaya sida HAFZA iwm kuma jirto ajendehooda dal dad leeyehy gatta oo lahaada ilaa qiyaamaha ee waxa meesha taalla muddo ka faa`ideyso kadibna iska dhiib ama heshiis cusub.Sida darteed ayaa aduunku maanta ugu dhaqmaya heshiiska (GATT-general Agreement on Tariff and Trade 1947-1997). 

Waxaan Jeclaan lahaa walaalaha diidan in ey cudud aqoon "Professionalism" ku duraan heshiiskeeda HAFZA iyo xukuumada Puntland Dhex mary.wixii daldalool ku jira heshiiskaa in ey farta ku fiiqaan oo ku mujiyaan aqoon iyo cilmi iyo wixii uu caaqiba xumo la imaan karo mustaqbalka.Laakin shirkad ba dawlad dal ka dheceesa waa arrin caqligu diidayo lamana maqlin. 

Doodahan isdaba jooga ah oo lagu diidan yahy mashruuca HAFZA waxey ku saleysan yihiin dhulkii ba laboobey.Waa suaale, Dubai,qatar,oman, Singapore miya iyadana laboobey?. 

Hadii jawaabtu noqoto maya waana sida aan filaayo dee marka ninka diidaya waa "Cadow ama ku cuny ama ku ciideyey" waa qof ka soo horjeeda Puntland iyo horumarkeeda gaar ahaan iyo Somalia caam ahaan.Hadi kale se, waxaan oran laha asaagiin la tartama oo ku dedaala sidaad siyaasad sidaa dhaanta u soo bandhigi laheydeen hadaad haysaan.Siyaasad ilo dhaqaale keenta oo midha  dhalisa iyo faaidoo guud laakin dhulkii baa laboobey waa mid aan somaali maanta idiinka fadhiyin khaasatan wakhtigan maanta la joogo oo miyi iyo magaaloba ilbax iyo ila dhaqaale lawada raadinaayo. 

Gabagabe:- 

Waxaan jeclaan laha in aqonyahnnaada somaaliyeed gaar ahaan kuwa ku takhasusay dhaqaalha iyo qawaaninta aduunka in arintan ey ka muujiyaan ra`yigooda,oo aan loo dhaafin doodaha dad aan kala sooci kareyn boobka iyo dhaqaalaha. 

Wa billahi tacaala altowfiiq..... 

A.M.Abdulla
Dubai. UAE
Chango_58@hotmail.com ama
a_abdulla@thuraya.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 22, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD