|
XIGMAD KA MACAAN TIMIRTII MADIINA (QORMADII
1-AAD)
Qore: Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
Bismillaah Arraxmaan Arraxiim.
Ilaah baa mahad kulligeed iska leh, xaal
uuyahay kan cirka dhisay dhulka gogley, buuraha muday, daruurahana wada.
Rabbiga quruumihii hore iyo kuwaan dambe, rabbiga samooyinka iyo dhulalka,
rabbiga Malaa'igta & Rususha, rabbigaas oo ah kan-og xaalka quraanyo
madoow oo habeen madoow dhagax madoow dushiisa kusocota.
Naxariis iyo nabad gelyo waafi ahi
korkiisa ha ahaato Nabigeennii suubanaa Muxammad, xaal uu yahay raxmaddii
caalamka, bishaareeyihii Jannada, kadigihii naarta iyo cadaabka Alle.
Inta aanaan u gelin qalbiga mawduucan aan
ciwaankiisa kor kusoo sheegnay, waxaan jecelnahay inaan wax yar kataabanno
sideeda waxa ay tahay xigmadu?.
Xigmadi waa DHIGIDDA SHAY WALBA MEESHII
UU KUHABOONAA, haddii aan si kale u niraahnana waxay kaloo noqon kartaa
xigmadi, iyadoo hadal yar lagu sheego waxa faa'iido ugu jirto bini'aadamka
AAKHIRADIISA ama ADUUNKIISA.
Haddaba waxaa Islaamka soo maray dad
badan oo xigmad laga hayo, xigmaddaas oo ah mid ay kukasbadeen qur'aanka
kariimka ah kudhaqankiisa iyo raacidii dhabta ahayd ee ay Rasuulka(NNKH)
raaceen.
Bal aan isla fiirinno Imaamkaan caanka ah
caalimkana ah ee layiraahdo IBRAAHIIM IBNU AD-HAM, oo noolaa qarnigii
saddexaad ee Hijriyada, wuxuuna ahaa Macallinkii imaamka kale ee caanka ah
Sufyaan Ath-thoowrii.
Waxaa hadda kahor dhacday in nin u yimid
Ibraahiim ibnu Ad-ham, oo uu kuyiri:
Shiikhoow, waa-isaga Ilaahay ku-yiri suuradda magaceeda layiraahdo GHAAFIR
aayaddeeda 60: {WAQAALA RABBUKUM UDCUUNII ASTAJIB LAKUM}(Rabigiin wuxuu
yiri IBARYA WAAN IDINKA AQBALINE), haddaba haddii xaalku saasyahay maxaa
ducadayada loo aqbali waayey?. Imaamku wuxuu siiyey ninkaas jawaabtaan
iyada ah xigmadana ah :
SABABTA loo aqbali waayey ducadaada waxaa
weeye:
~ ILaahay inuu jiro waad ogtahay......................Hadana
ma aadan adeecin.
~ Quraanka waad akhridaa ..............................Hadana kuma camal
fashid.
~ Shaydaanka waad taqaan..............................Hadana waad
dabagashay.
~ Waxaad tiri Rasuulka waan jeclahay...............Hadana sunnadiisa waad
katagtay.
~ Waxaad tiri Jannada waan rabaa.....................Hadana uma aadan
camal falin.
~ Waxaad tiri Naarta waan kabaqaa...................Hadana dunuubta kama
aadan fogaan.
~ Waxaad tiri geeridu waa shay xaq ah...............Hadana isuma aadan
diyaarin.
~ Waxaad kumashquushay ceebta dadka ..........Hadana ceebahaaga mafiirisid.
~ Intaas waxaad cunaysaa RIZIQA Ilaahay........Hadana kuma aadan xamdiyin.
~ Intaas waxaad wax ka aastaa maydka.............Hadana darsi kuma
qaadatid.
Sidoo kale maalin maalmaha kamid ah
isagoo socda ayuu wuxuu soo maray nin kale oo tiiraanyaysan(murugaysan),
markaasuu wuxuu ku yiri ninkii tiiraanyaysnaa isaga oo samirsiinaya:
Ninyohow tiiraanyaysani waxaan
kuweeydiiyey saddex su'aalood:
IMAAM IBRAAHIIM: Dhulkaan dushiisa miyuu
kadhacayaa wax aan Ilaahay qadarin?.
NINKII: Maya.
IMAAM IBRAAHIIM: Riziq Alle horay kuugu qaddaray miyuu kaa nusqaamayaa?.
NINKII: Maya.
IMAAM IBRAAHIIM: Cimrigii ALLE horay kuugu qoray miyay daqiiqadi ka
go'aysaa?.
NINKII: Maya.
IMAAM IBRAAHIIM: Hadaba maxaa kuugu wacan inaad murugooto adoo intaas og?.
NINKII: Jooji....jooji Shiikh....intaas kujooji...Ilaahay baan caabudayaa
oo aan ulaabanayaa!.
Haddaba walaalayaal maxay tahay Xigmadda
ku jirta ee aan kaqaadan karno Immaamka labadiisa hadal ee uu labada nin
kula hadlay:
~ Hadalka ninka hore uu kula hadlay waxaa
lagala bixi karaa in ducada aqbalkeedu kuxiranyahay in aannu noqonno
addoommo dhab ah oo Ilaahay adeecsan rasuulkiisana raaca, waxaa hubanti ah
haddaan saas yeelno in ducadeena Eebbe naga aqbali doono Inshaa Allaah.
~ Xigmadda uu ninkii tiiraanyaysnaa
siiyayna waxaanu kaqaadan karna ama ay xambaarsanayd in aan loo murugoon
waxyaalo Ilaahay horay uqaddaray inay dhacaan, isla markaasna RIZIQA,
GEERIDA iyo waxkastoo yimaadaba ay yihiin wax Ilaahay horay uqaddaray,
laakiin haddii aan bini'aadam nahay, waxaa annaga waajibkeenu yahay inaan
dadaalno oo aan kudhaqaaqno fulinta wixii uroon adduunkeena iyo
aakhiradeena, wixii Ilaahay noo qadarana aan raalli kunoqono.
Qore: Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 28, 2003
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|