SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 XIGMADDA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

DUCOOYINKII RASUULKA

Qore. Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.  
alhudaa1@yahoo.ca 

Assalaamu calaykum,

Walaal majeceshahay inaad Nabigaaga kudayatid, soo-mafiicna inaad arrimahaaga ilaahay utalasaaratid?…haddaba isku day inaad kuducaysatid Ducooyinkii Rasuulka(SAW):

~ Cali bin Abii Daalib - Ilaahay haka raalli noqdee wuxuu yiri: Rasuulkii Ilaahay(SAW) ayaa wuxuu igu yiri waxaad tiraahdaa [Allaahumma inii as’aluka Al-hudaa wassadaad].. oo micnaheedu yahay(Ilaahayoow waxaan kuweeydiistay hanuun iyo toosnaan... Waxaa wariyey Imaam Muslim

~ Caa’isha Allaha ka raalli noqdee waxay tiri: Nabiga naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu ku ducaysan jiray: [Allaahumma inii acuudu bika min sharri maa camiltu, wamin sharri maa lam acmal]..(Ilaahayoow wxaan kaamagan-galay wixii aan sameeyey sharkooda iyo wixii aanan samaynin sharkoodaba]… waxaa wariyey Imaam Muslim.

~ Cabdullaahi ibnu Camar ibnul Caas Allaha ka-raalli noqdo isaga iyo aabihiisbee wuxuu yiri: Rasuulkii Ilaahay wuxuu yiri: [Allaahumma musarrifal quluubi, sarrif quluubanaa calaa dhaacatika]..(Ilaahayoow kii quluubta leexiyoow, uleexi quluubteenna inay adiga ku adeecdo)... Waxaa wariyey Imaam Muslim.

~ Dhaariq bin asheem Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri: haddii uu qof muslimo rasuulku(SAW) wax buu bari jirey, kaddibna wuxuu fari jiray inuu kuducaysto ducadaan: [Allaahumma ighfirlii, warxamnii, wahdinii, wacaafinii, warzuqnii]..(Ilaahayoow iidambi dhaaf, iina naxariiso, caafimaadna isii, risaaqadna isii)... Waxaa wariyey Imaam Muslim.

WQ. Maxamed Axmed,
Toronto, Canada. 
alhudaa1@yahoo.ca 

Faafin: SomaliTalk.com | March 9, 2004

Isxisaabi inta aan lagu xisaabin..... GUJI


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

QAYBO MUHIIM AH
VIDEO: Mucjisooyinka Quraanka... [English]
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA
SALAADDA
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI...
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»

 . Taariikhdii Imaamul Bukhaari
. Taariikh-dii Imaamul Muslim

. “Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan Dilay Nafkale!”
. Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna   [Qabtii 2aad]
. Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah

. Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

»» ASTAAMAHA AABBAHA ALLE YAQAANKA AH: [Maxamed A.]

»» SIFAADKA SOOWJADA SAALIXADDA AH [Maxamed A.]

»»Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.