XIGMAD KA MACAAN TIMIRTII MADIINA (QORMADII
2-AAD)
Qore: Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
Bismillaah Arraxmaan Arraxiim.
Ilaahay baa ammaan oo dhan & xamdiba iskaleh, Allaha Khabiirka ah oo
haddana Xakiimka ah, Xaal uu yahay kii kusugnaaday carshigiisa, Ilaaha
qorrax kasoo baxa iyo qorrax udhaca, Allaha abuurtay Maroodiga iyo muluca,
kan si guud ugu naxariista adoomihiisa, hayeeshee si gaar ah ugu
naxariista Mu'miniinta.
Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha
ahaato Nabigeennii udgoonaa Muxammad, raxmaddii caalamka, hanuuniyihii
ummaddiisa, shafeecihii qiyaamaha, siraajkii muniirka ahaa & saaxiibka
Xawdka(darka) ay mu'miniintu kacabi doonaan maalinta qiyaame ee ay
qorraxdu kulushahay.
Intaas kaddib,
Culimada Islaamku waxay yiraahdeen: "Ilaahay qaadir ahaaye, isagoo
isticmaalaya cilmigiisa ballaaran ee usahlaya inuu ogaado waxa soo socda,
ayuu wuxuu fiiriyey quluubta adoomihiisa bini'aadamka ah, markaasuu wuxuu
ka-doortay dhexdooda Nabiyadiisa iyo rusushiisa, kaddibna wuxuu fiirshey
quluubta Nabiyadiisa, markaasuu wuxuu kadoortay Nabi Maxamed iyaga
dhexdoodii, kaddib wuxuu fiirshey quluubta addoomihiisa sooharay ee aan
nabiyada iyo malaa'igta ahayn, markaasuu wuxuu kadoortay saxaabadii nabi
Muxammed, islamarkaasna uu iyaga udoortay Rasuulkiisa inay garab iyo
gaashaan u noqdaan, Ilaahay wuu doortay asxaabta nabiga, kaddib markuu
fiirshey quluubtooda, kaddib markuu ogaaday inay uqalmaan inuu doorto.
Marka walaalahaygii wanaagsanaayoow,
waxaan mawduuceenaan maanta ku eegi doonaa sifihii ama sidii ay saxaabadii
Rasuulka lanoolaa ay udhaqmi jireen ama uu ahaa Cabsida ay Alle kaqabeen
ciqaabkiisa, tan markaan isla eegno waxaa kuubaxaya in annaga nool maanta
iyo iyaga waqtigaas joogey aan isu jirno inta cirka iyo dhulku ay isu
jiraan(yacni sida Islaamkeennu u kala fogyahay, iyo sida ay nooga
fiicnaayeen).
KHOOFKII (AMA CABSIDII SAXAABADA)
~ ABUUBAKAR AL SIDDIIQ:
Abuubakar(Allaha ka raalli noqdee) sida
uu warinayo imaam Axmed ibnu xanbal, waxaa laga hayaa inuu yiri: "
Waxaan jeclaystaa inaan ahaado xabbad tin ah oo kutaal jirka qof mu'min
ah", saas wuxuu uleeyahay saxaabigu cabsi uu kaqabo Ilaahay
lakulankiisa. Sidoo kale maalin maalmaha kamid ah ayuu wuxuu qabtay
carrabkiisa foodiisa, markaasuu wuxuu yiri carabi ahaan: "haadaa
Alladii awradanii almawaarid" (kan oo carrabkayga ahi waakan i
dabaalsiinaya togaga iyo balliyada) wuxuu ula jeedaa kahadalka dadka maqan
arrimahooda ayuu idabaalsiiyey carrabkaygu(saxaabigu wuxuu ahaa ruux Alle
kacabsi badan, laakiin naftiisa ayuu dhaliilayaa).
Sidoo kale waxa uu imaam Axmed kuweriyey
kitaabkiisa la yiraahdo AZZUHDI in uu Abuubakar yiri carabi ahaan: "
ABKUU FA IN LAM TABKUU FATABAAKAW" (dadoow ilaahay dartiis u ooya,
haddii iinnaan ooyi karinna kudadaala inaad ooydaan). Sidoo kale waxa uu
Imaam Axmed ka warinayaa MUJAAHID isagoo sheegaya Abuubakar sifadiisa:
" WAKAANA IDAA QAAMA ILAA ASSALAATI KA' ANNAHU CUUDUN MIN KHASHYATI
ALLAAH" ( Abuubakar markuu u istaago salaadda wuxuu ahaa sidii
tiirkii oo kale, dhaqdhaqaaq la'aan, cabsi Ilaahay darteed). Sidoo kale
maalin maalmaha kamid ah ayaa Abuubakar yiri: " Wallaahi waxaan
jeclaystaa inaan ahaado geed ladaaqay oo xooluhu ay ruugeen"(yacni
geeduhu maadaama aysan xisaab lahayn qiyaamaha, ayuu leeyahay maxaan geed
u ahaan waayey aan xisaabta kabaxsadee!.
~ CUMAR BIN AL-KHADDAAB(RA):
Maalin maalmaha kamid ayuu wuxuu
akhrinayey suuradda 52-aad ee qur'aanka, laguna magacaabo Suurat- Adhuur,
markii uu marayo{ INNA CADAABA RABBIKA LAWAAQIC} (Cadaabka rabbigaa waa
kii dhacaya), ayaa oohintiisii badatay wuxuuna bilaabay inuu hadba
kuhakado aayaddaas iyada ah, isagoo kusoo celcelinaya, kaddibna wuu
xanuunsaday tiiraanyo darteed, ilaa uu kusugnaaday ayaamo badan gurigiisa,
dadkuna ay hadba kusoo booqanayeen jirradiisa awgeed!.
Sidoo kale maalintii naftu kadhacaysay
cumar isagoo kujiifa dhabta wiilkiisa ayuu wuxuu kuyiri: " Wiilyohow
madaxayga dhulka iska dhig oo ciidda dhig, waxaan rajaynayaa in Ilaahay
arrintaan darteed iigu naxariistee", Sidoo kale wuxuu yiri carabi
ahaan: "BAL WEEYLUN LI UMMI CUMAR ILLAM YAQFIR LII" (Hooyadii
cumar waa hoogtay, haddii aan cumar Ilaahiis u naxariisan) isaga ayaa
isula jeeda hadalkaan isaga ah. Waxaa kaloo lawariyaa in Cumar indhihiisa
hoostooda ay kuyaalleen laba xariiqamood oo madoow oo kadhashay iilmadiisa
badan, oo uu Alle dartiis u ooyi jiray (WAKAANA FII WAJHIHI KHADDAANI AL
ASWADAAN MINAL BUKAA).
~ CUSMAAN IBNU AL CAFFAAN(RA):
Sida uu qorayo kitaabka layiraahdo
XILYATUL AWLIYAA, Cusmaan marka uu qabri booqdo aad ayaa oohintiisu
ubadnaan jirtay, ilaa garkiisa oo dhammi uu kaqoyi jiray, maalin maalmaha
kamid ahna wuxuu yiri " Haddii lay geeyo meel udhaxaysa naarta iyo
jannada, ma ahi mid garanaya mid la igu tuuri doono, hayeeshee haddii
ikhtiyaar la isiiyo markaas waxaan dooran lahaa in layga dhigo ciid",
cabsi uu Alle kabaqayo ayuu saas uleeyahay saxaabigu!.
~ CALI BIN ABII DAALIB(RA):
Sida uu dhigayo kitaabka layiraahdo SAFWATU AL- SAFWAH, Cali Alle ka-cabsigiisu
laba arrimood ayuu kusalaysnaa, labadaas oo kala ah: YIDIDIILO DHEER &
HAWADA RAACIDEEDA oo uu cabsi kaqabey, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas
sifaynaya: " Rajooyinka dheeri aakhirada ayay ku hilmaansiiyaan,
Hawada raacideeduna xaqa ayay kaa dabooshaa, War dadoow adduunyo waa sii
socotaa, aakhirana waa soo socotaa, mid walbaana carruur bay leedahay,
marka kudadaala inaad kamid noqotaan carruurta aakhiro, oo hakamid
noqonina carruurta aduunyo, maanta waa maalin-camal oo xisaabi majirto,
barrina waa maalin-xisaab oo camal majiro"
~ ABUU AD-DARDAA'(RA):
Saxaabigaan jaliilka ah waxaa laga
wariyey inuu yiri: "Qiyaamaha waxaan ugu cabsi badanahay in la
iweeydiiyo Abuu dardaayoow wax waad baratay, laakiin maxaad kaga
camal-fashay wixii aad baratay".
~ TAABICIGA IBNU ABII MALAYKAH:
Wuxuu yiri: "waxaan lakulmay anigu
soddon kamid ah saxaabadii rasuulka, mid walbaana wuxuu naftiisa kala baqi
jiray inuu kamid noqdo munaafiqiinta".
~ Sidoo kale taabiciga layiraahdo AL-XASAN
A-L BASRII:
Waxaa laga hayaa inuu yiri "
Munaafaqnimada sideeda, waxaa ka-baqa mu'minka, waxaana aammin naftiisa
uga noqda munaafaqa" (yacni qofkii naftiisa munaafaqnimo kala baqayaa
waa qofka mu'minka ah oo keliya). Cumar binu Al-khaddaabna wuxuu maalin
uyimid saxaabiga layiraahdo xudeeyfa ibnu Al-yamaan, oo ahaa sirhayaha
Rasuulka(NNKH), cumar wuxuu weeydiiyey xudeeyfa: " Walaaloow
xudeeyfoow maadaama uu Rasuulku kuusheegay magacyada munaafiqiinta, anigu
makujiraa munaafiqiinta", Xudeeyfa wuxuu ugu jawaabay: MAYA KUMA
JIRTID, Adiga qof kaa dambeeyana uga jawaabi maayo su'aashaas oo kale.
~ IMAAM AL-BUKHAARI:
Imaamku Ilaahay raalli haka noqdee wuxuu
u khaas yeelay BAAB(ama CUTUB) dhan oo kitaabkiisa kamid ah Cabsida,
wuxuuna kumagacaabay..carabi ahaan marka lagu sheego: " Baabu khoowf
al mu'min an yaxbadha camaluhu wahuwa laa yashcur" (baabka tilmaamaya
inuu mu'minku kabaqo inuu camalkiisu buro isagoo aan dareemin).
ILAAHAY WAXAAN KABARYAYNAA CAFI IYO
CAAFIMAAD.
Wabillaahi attoowfiiq,
Qore: Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2003
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|