|
Waxaa qaybtaan laga soo guuriyey Kitaabka
"Dhaqankii ehlu khayrkii hore"
Waxaa Ingiriis ku baddalay Shaikh Ahmad
Fariid,
Waxaa Soomaali ku tarjumay:
Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
XIKMAD KA MACAAN TIMIRTII MADIINA( DABEECADDII DADKII ALLE DOORTAY).
Bismillaah Arraxmaan Arraxiim.
~ IBRAAHIIM AT-TAYMII: Ibraahiim
Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri: " Qofka Mu'minka ahi waakan aan
dadka tusin cibaadadiisa, si le'eg sida uusan u jeclayn inuu u tuso markuu
dami samaynayo"
~ UMAR BIN CABDUL CAZIIZ: Ilaahay
haka raalli noqdee, maalin baa waxaa lagu waaniyey "Cumaroow, iska
ilaali inaad iska dhigto Ilaahay qof lajira markaad dadka lajoogto,
laakiin aad noqoto ilaahay cadawgiisa marka aan laguu jeedin, maxaa yeelay
haddii aan qofka qalbigiisa iyo camalkiisu iswaafaqin waa Munaafaq,
Munaafaqiintuna waxay degi doonaan meesha ugu hoosaysa Naarta".
~ MID KAM MID AH dadkii khayrka badnaa
ayaa wuxuu yiri: "Iska ilaali CABSIDA MUNAAFAQIINTA, waxaa
laweeydiiyey WAA MAXAY CABSIDA MUNAAFAQIINTU?, wuxuu yiri "Cabsida
munaafiqiintu waxaa weeye marka jirkaaga cabsi laga arko, laakiin aan
qalbigaagu hoose uusan Alle kacabsanayn"!.
~ SHIIKH KALENA WUXUU YIRI: "Lajoogga
dadka khayrka badani waxay usiyaadisaa qalbiga cabsi Ilaahay"
~ AXMAD BIN XARBI: Ilaahay haka
raalli noqdee wuxuu yiri: " Wax qalbiga muslinka uga fiicani majirto
inuu lafariisto dadka ehlu khayrka ah isla markaasna uu fiiriyo waxay
samaynayaan, sidaa si le'eg wax uga xuni majirto qalbiga muslinka inuu
lafariisto dadka dunuubta sameeya isagoo fiirsanaya waxa ay samaynayaan".
~ AXAD KA MID AH dadkii khayrka badnaa ee
horena wuxuu yiri: " Haddaad awoodi kartid in aan lagaaga dheerayn
Ilaahay ucararkiisa iyo raalli galintiisa yaan lagaaga dheerayn".
QATAADAH: Ilaahay haka raalli
noqdee waxaa laweeydiiyey maalin: Qofkee baa ugu qiima badan dadka
dhexdiisa, wuxuu kujawabay: "Qofka had iyo jeer kumashquula
ceebihiisa".
SHIIKH kale oo kamid ahaa dadkii hore ee
khayrka badnaa asna wuxuu yiri: "Markaan Ilaahay caasiyo waxaa igu
madax adkaada oo igu caasi garooba xoolaha aan dhaqdo iyo xaaskayga"
ALI BIN ABII DAALIB: Ilaahay haka
raalli noqdee wuxuu yiri "Qofka shan arrimood ayaa noloshiisa wax
katara, waxayna kala yihiin: Haweentiisa oo maqasha, carruurtiisa oo
daacad u ah, saaxiibadiis oo Alle ka cabsi badan, deriskiisa oo muslin
dhaba ah, iyo risiqiisa oo Alle u waasiciyo".
AXMAD IBNU XARB: Allaha ka raalli
noqdee wuxuu yiri mar kale " Lix arrimood haddii ay ku kulmaan qof
dumar ah khayrkeedu waa badnaaday, waxayna kala yihiin: Shanteeda
salaadood oo ay ilaaliso, ninkeeda oo ay adeecdo, rabbigeed oo ay raalli
geliso, carrabkeeda oo ay xanta ka ilaaliso, adduunka oo aysan jeclaan iyo
inay ku samirto wixii dhib ah oo Alle u keeno".
SUFYAAN ATH-THOOWRII: Allaha ka
raalli noqdee wuxuu yiri " Ha raadinin in lagu doorto ama madaxnimo,
ilaa aad
naftaada la-dagaashid 70 (todobaatan) sano, kaddibna aad ku toosisid jidka
toosan".
BAKAR IBNU ABDULLAAH AL-MUZANI:
Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri: "Haddii aad aragtid qof kaa-weeyn
xushmee adigoo kudhahaya naftaada: "Qofkaani maadaama uu iga weeyn
yahay wuxuu iiga hoorreeyey Ilaahay cibaadadiisa iyo islaamka",
Haddii aadse aragtid qof kaayar isagana xushmee adigoo ku dhahaya naftaada
"qofkaani waa iga fiican yahay maadaama aan uga horreeyey dunuubta
samaynteeda". haddii dadku ku qaddariyo waxaad tiraahdaa "tani
waa nicmo Alle igu galladaystay laakiin aanan u qalmin", haddii ay
kuqadarin waayaanna waxaad tiraahdaa "tani waa natiijo kadhalatay
dunuubtayda", waxaad kaloo ogaataa haddii aad ku tuurtid quruurux
qofka deriskaaga ah EEYGIISA ogoow in aad dariskaaga dhib ugeysatay".
FUDAYL IBNU CIYAAD: Allaha
karaalli noqdee wuxuu yiri: " Qofka Mu'minka ahi wuxuu beeraa geed
timir ah(camalka wanaagsan) isagoo ka baqaya in geedkaasi uu soo bixiyo
Qodax badan, Munaafaquse wuxuu beeraa geed qodax badan(camalka xun) isagoo
karajaynaya in geedkaasi usoo saaro timir badan"!.
MAALIK IBNU DIINAAR: Allaha
karaalli noqdee waxaa laga hayaa inuu yiri: "Qofkii damca inuu
guursado ADDUUNKA(Dabaraaco), haddaba aadduunku raalli kanoqon maayo
qofkaas ilaa uu Diintiisa ubixiyo qofkaasi YARAD ahaan"!.
FUDAYL IBNU CIYAAD: Allaha
karaalli noqdee wuxuu mar kale yiri: "Haddii aad damacdid in aad
xamatid qof aadoomaha Ilaahay kamid ah, haddaba xusuuso Ilaahay
sarreeyntiisa iyo weeynankiisa, maxaa yeelay Ilaahay xusuustiisu waxay
daawo utahay in layska daayo xanta aaddoomihiisa"
KACAB AL AXBAR: Allaha ka raalli
noqdee wuxuu yiri " Inaan ooyo oo xabbad dhibic ahi kasoo dhacdo
indhahayga Ilaahay dartiis, ayaa waxaan kajeclahay in aan qalbigayga oo
madoow sadaqaysto buur dahab ah"
Cabdullaahi ibnu Mubaarak: Allaha
karaalli noqdee wuxuu yiri: " Adduunku waa xabsigii Qofka Mu'minka
ah, xabsiga camal lagu dhex sameeyana waxaa ugu fiican samir iyo in qofku
qariyo caradiisa, Mu'mimku dal kuma leh aadduunkaan, waddankiisii wuxuu
heli doonaa berrito, kaddib markii naftu kabaxdo".
MID KA MID AH dadkii hore ee khayrka badnaa: Ayaa wuxuu yiri "
Haddaad rabtid in aad ku dhawaatid Ilaahay, haddaba waa inaad adduunka iyo
adiga dhexdiinna dhigtaa darbi kasamaysan BIR"!.
Waasocotaa.........ee...lasoco qaybta dambe...Inshaa Allaah.
Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
Faafin: SomaliTalk.com | March 7, 2003
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|