|
DABEECADDII DADKII ALLE
DOORTAY.
Waxaa laga soo guuriyey Kitaabka "
Dhaqankii dadkii ehlu khayrka ahaa"
Waxaa Ingiriis ku baddalay Shiik Axmed
fariid,
Waxaa Soomaali ku tarjumay,
Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
Bismillaah Arraxmaan Arraxiim.
Assalaamu calaykum,
~ ABUU XAAZIM:
Allaha u naxariistee oo kamid ahaa dadkii ehlu khayrka ahaa ee hore wuxuu
yiri: "Culumada maanta joogta qaarkeed waxaa lagu hayaa hadal badan
iyo camal yar, iyadoo dadkii khayrka badnaa ee naga horreeyey ay camal
badnaayeen laakiin aysan hadal badnayn, iyagana waxaa ku xigey dad khayrka
sheegaya isla markaasna ku camal falaya, kuwaasna waxaa kadambeeyey kuwo
khayrka sheegaya laakiin aan camal falaynin, hayeeshee waxaa isna imaan
doono xilli dadku aysan khayrna sheegayn camalna aysan falayn"!.
~ SUFYAAN ATH-THOOWRII:
Allaha u naxariistee, wuxuu yiri: "Caalim waxaa layiraahdaa qofkii
cilmigiisu u keeno inuu Ilaahay dartiis u ooyo, maxaa yeelay Allaah wuxuu
ku yiri Suuradda layiraahdo Banii israa'iil aayadeeda 107: {KUWA AAN
CILMIGA SIINAY ISAGA KA HOR, HADDII ISAGA LAGU DUL AKHRIYO WAXAY
UDHACAYAAN GARARKOODA IYAGOO SUJUUDSAN}. Allaah wuxuu ku yiri mar kale
suuradda layiraahdo Maryam aayaddeeda 58: "HADDII LAGU DUL AKHRIYO
AAYADAHA ALLAHA RAXMAANKA AH, WAY HOOBTAAN IYAGOO SUJUUDSAN HADDANA OOYAYA}".
Axad kamid ahaa dadkii khayrka badnaana
wuxuu yiri isagoo dad waaninaya: " Qof idinka idinkamid ihi haddii
uusan diyaar u ahayn inuu daboolo walaalkiis baahidiisa, ama uusan rabin
inuu laqaybsado welwelkiisa, amase uusan uducaynaynin, hadaba yuusan
oranin walaalkiis "xaalkaaga kawarran", maxaa yeelay taasi waxay
noqonaysaa munaafaqnimo".
~ ABUUBAKAR AS-SIDDIIQ:
Allaha karaalli noqdee, ayaa lagu yiri maalin: SAAKA ISKA WARRAN?, wuxuu
kujawaabay: "Saaka waxaa waagii iibaryey anigoo ah addoon daciif u ah
Allaha raxiimka ah, waxaa waagu iibaryey anigoo adeecaya wixii uu ii diray
inaan yeelo"
~ IMAAM ASH-SHAAFICI:
Allaha u Naxariistee, ayaa isna lagu yiri maalin: SAAKA ISKA WARRAN?.
Wuxuu ku jawaabay: "Saaka waxaan ku baryey anigoo ah mid cunaya
risiqii Allaah diyaariyey, laakiin aan si fiican u gudanin xamdi naqiisa
dhabta ah".
~ MAALIK IBNU DIINAAR:
Allaha u naxariistee, Ayaa isagana lagu yiri: SAAKA ISKA WARRAN?, wuxuu
yiri: "Waxaa waagii iibaryey saaka xaal aan ahay mid cimrigiisii sii
baaba'ayo, danbigiisiina sii badanayo"!.
~ FUDAYL IBNU CIYAAD:
Allaha unaxariistee, oo isaguna sida raggii hore kamid ahaa dadkii khayrka
badnaa wuxuu yiri: " Shaydaanku wuxuu yiri haddii aan bini'aadamka
kahelo saddex arrimood midkood wax kale kama raadiyo waana: Inuu
iscajabiyo, iyo isagoo umaleeya in camalkiisu meel gaarsiinayo, iyo isagoo
illooba dunuubtii uu horay usameeyey"
~ AL- XASAN AL-BASRII:
Allaha u naxariistee wuxuu yiri: "Haddii shaydaanku arko adigoo
Allahaa adeecaya mar walba si joogta ah wuxuu isku dayaa inuu kumijo
xaabiyo had iyo jeer, laakiin marka uu arko inaadan leexanayn wuu kaa
qalbi jabaa waana kaa cararaa, kaddib wuu ku ilaashadaa isagoo eegaya in
iimaankaagii hoos udhacay iyo inkale, markaad haddaba is baddashid ayaa
rajadii uu kaa lahaa soo noolaataa"
~ SAHAL AT-TUSTARI :
Allaha u naxariistee, wuxuu yiri: "Ilaahay shugrigiisu maaha in aad
caasidid isagoo sida la'arkay kuugu ixsaan falaya, xaqiiqdii jirkaaga oo
dhammi waa nicmo Alle kusiiyey kuguna galladaystay, sidaas daraaddeed ha
caasiyin Ilaahay adoo isticmaalaya jirkaas uu kusiiyey iyo nicmadaas"
~ MUJAAHID iyo MAAKHUUL:
Labadoodaba Allaha u naxariistee iyaga oo fasiraya aayadda ku jirta
Suuratut Takaathur ee Alle leeyahay {WAA LAYDI SU'AALI DOONAA MAALINTAAS
NICMOOYINKA}, waxay labadaan MUFASIR ku fasireen nicmooyinka lays
su'aalidoono maalinta qiyaame: " BIYAHA QABOOW, GURIGA DUGSIGA LEH,
CALOOSHA LABUUXINAYO, ABUURISTA WANAAGSAN iyo HURDADA MACAAN".
~ CUMAR BIN CABDUL CAZIIZ: Allaha karaalli noqdee wuxuu yiri:
"Qofka Allaah kacabsadaa waa qofka iska dhoowra hadallada aan
haboonayn sida qofka xajka gudanayaa isaga dhawro haddalada aan xaqa ahayn".
~ ABUU DARDAA':
Allaha karaalli noqdee wuxuu yiri: "Taqwada dhamaystirkeeda waxaa
kamid ah in qofku kafogaado waxyaalo uu isleeyahay waa danbi, waxaas oo
xataa uyar sidii xabbad masago ah"
~ ABUU HUREEYRA:
Allaha karaalli noqdee, wuxuu isna yiri mar laweeydiiyey WAA MAXAY TAQWADU?:
"Waa sidii adigoo maraya jid aad u qodxa badan, haddaba waxaa lagaa
rabaa in aad si taxaddar leh usocotid"!.
~ SUFYAAN ATH-THOOWRII:
Allaha unaxariistee wuxuu yiri: " Waxaan soo gaaray dadkii hore ee
khayrka badnaa, kuwaasoo haddii aad ku tiraahdo ILAAHAY KABAQ jeclaa
kalmaddaas, Laakiin maanta waxaad arkaysaa dadka jooga haddii aad ku
tiraahdo ILAAHAY KABAQ inay ka xanaaqayaan kalmaddaas"!.
~ CALI BIN ABII DAALIB:
Allaha karaalli noqdee wuxuu yiri: "Qofka bini aadamka ah dhererkiisu
wuxuu joogsadaa markuu gaaro 22 sano, maskaxdiisuna waxay buuxsantaa
markuu gaaro 28, wixii intaas kadambeeya ilaa uu kagaaro dhimashada wixii
usii siyaadaa waa uun imtixaan iyo dhibaato".
~ QATAADAH:
Allaha u naxariistee wuxuu yiri: "Raggu waa saddex, NIN, NIN QAARKIIS,
IYO NIN AAN JIRIN. NIN waa ninka laga faa'iidaysto xigmaddiisa iyo
ra'yigiisa, Nink qaarkiisna waa ninka wax weeydiiya dadka xigmadda leh,
kaddibna kudhaqma nasiixadooda, ninka aan jirin waa ninka aan xigmadda
lahayn, ra'yigana aan lahayn, qof kalena aan waxba weeydiin"!.
~ SUFYAAN IBNU CUYAYNAH:
Allaha unaxariistee, oo kamid ahaa dadkii khayrka badnaa sida ragga hore
oo kalaba wuxuu yiri: " Qofka dadka ugu caqliga badan wuxuu ubaahan
yahay cod, naagta dumarka ugu fiicanina waxay u baahantahay nin, ninka rag
ugu horreeyaana kama maarmo inuu latashado ragga xigmadda badan"!.
~ WAHAB IBNU MUNABBIH:
Allaha u naxariistee wuxuu yiri: "Ruuxii sheegta caqli badnaan,
laakiin aan dareenkiisu u jeensan u camal falka aakhiro qofkaasi waa
beenloow"!.
WABILLAAHI ATTOOWFIIQ.
Waa....socotaa...ee lasoco....qaybta dambe....Inshaa Allaah.
Waxaa tarjumay,
Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2003
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|