|
CALAAMADAHA QOFKA MACQUULKA AH.
Qore. Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
Assalaamu calaykum,
Adduunka markii Eebbe taagay, kaddibna uu
kubeeray addoomihiisa dadka ah, waxaa la arkay in qof walba uu leeyahay
dabeecad isaga ugaar ah oo si dhab ah loogaga sooci karo dadyoowga kale ee
ay af & diinba isla sheegtaan.
Haddaba annagoo taas kaduulayna waxaan jecelnahay inaan faaqidno
calaamadahaas iyaga ah ee qofka MACQUULKA ahi leeyahay, taasoo ah dabeecad
aan dadku diidi karin, xayawaankuna aysan ka didi karin waxaana kamid ah
dabeecadahaas:
~ SAMIR & CAFIS:
Waxaa lagu yaqaan qofkaasi inuu leeyahay dadnimo u jeedinaysa inuu
cafiyo axadka walaakiis ah ee u gefay ama ku gardarrooday, isagoo indhaha
kalaabanaya samirna qaadanaya, isla markaasna aan tuurayn qadarinayana
wixii wanaag ahaa ee dhexmaray ee hore isaga iyo walaliihiis.
~ KIBIR & QABWEEYNI LA'AAN:
Waxaa lagu yaqaan qofkaan isaga ah in
uuyahay mid had iyo jeer garawsada gefkiisa iyo dhac-dhaciisa, isla
markaasna soo laabta, isagoo dambi dhaaf weeydiisanaya qofkii uu dulmiyey,
bixinayana wixii xaal ah ee uu raalli kunoqdo dulmanuhu, isla markaasna
ballan qaadaya in aan gefkaasoo kale dib udhici doonin.
~ OGAANSHO WAXA UU YAHAY:
Wuxuu dhab u ogyahay qofka
macquulka ahi, inuu bin'aadam yahay, isla markaasna laga abuuray xab iyo
dhiig, taasoo kubixinaysa inuusan is cajabin ama isla weeynaan, isagoo mar
walba naftiisa xuntaa usheegaya inuusan kaweeynayn addoomaha Ilaahay ama
uusan kafiicnayn ee uu yeelan karo dabeecado laga fiican yahay, had iyo
jeerna wuxuu usheegaa naftiisa inay toosnaato oo xaqa raacdo.
~ TURID & NAXARIIS BADNAAN:
Had iyo jeer wuxuu ka murgaa(ka naxaa) dhibaatada haysa walaalihiis
ama saaxiibadiis, isagoo hayd iyo jeer waaninaya una dooraya talada teeda
fiican, isla markaasna usheegaya inuu diyaar uyahay inuu laqaybsado wixii
tabar ah ee uu iyaga dheer yahay.
~ QARIN & ASTURID:
Waxaa lagu yaqaan inuu yahay mid
daboola ama qariya ceebta walaalihiisa Muslimka ah iyo dariskiisaba,
wuxuuna ku wataa qof walba waxa uu kufiican yahay, isagoo indhaha
kalaabanaya wixii khalad ah, wuxuuna aad ugu dhaqmaa Maahmaahda caanka ah
ee oranayasa: "Haddii aad qof walba uga tagtid cilladda uu leeyahay
waxaa kugu dhacaysa dad la'aan".
~ AABBE BAARRI AH:
Waxaa astaantiisu tahay in haddii uu reer leeyahay uu daryeelo
diintooda, aqoontooda & caafimaadkooda. Wuxuu ula dhaqmaa xaaskiisu
inay tahay Boqoraddii guriga, ee ulama dhaqmo inay tahay addoon lasoo
qafaashay oo cadow soo helay, wuu latashadaa xaaskiisa had iyo jeer isagoo
weeydiinaya waxa reerkoodu ku barwaaqoobi karo, isagoo had iyo jeer
usheegaya in gurigiisu uusan hagaagi karin iyada la'aanteed, mar walbana
uusan kamaarmi karin iyada waanadeeda iyo sixitaankeeda.
Hooyada reerkuna waa tan si buuxda usiisa ninkeeda furaha reerka laga wado,
u qarisa sirtiisa, isla markaasna udaryeesha gurigiisa iyo carruurtiisa,
siisana kalsooni buuxda ninkeeda.
Qofka macquulka ahi wuxuu tabantaabiyaa carruurtiisa, baraa anshaxa
wanaagsan una noqdaa tusaale fiican oo ay ku daydaan.
~ XISHOOD & ASTURNAAN:
Waxaa had iyo jeer lagu gartaa inuu yahay
qof ka fogaada meelaha iyo mawaaqifta lagu yaqaan inay xun yihiin, wuxuu
markuu hadlayo doortaa kalmadaha wanaagsan, dadka macaayo mana ceebeeyo,
maxanto mana aha qof diro diro badan, sidoo kale ma xirto dharka xun, mana
cuno cuntooyinka aan wanaagsanayn.
~ SAFIIRKA KHAYRKA:
Dabeecadihiisa waxaa kamid ah inuu yahay
qof aan XAASID ahayn oo lajecel khayr iyo barwaaqo walaalihiisa kale,
isagoo og in Ilaahay haddii uu khayr siiyo muslimiinta kale in uusan
isagana kadhigayn faqri, wuxuu lajeclaadaa walaalihiis inay helaan waxa
khayr ah ee Alle siiyey isaga ama wax kabadan oo ay kamid yihiin:
caafimaadka, cimriga, carruurta, cilmiga iyo cibaadadaba. Qofkaan waxaa
lagu magacaabaa SAFIIRKA KHAYRKA.
WQ.
Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
Faafin: SomaliTalk.com | March 30, 2003
Isxisaabi
inta aan lagu xisaabin..... GUJI
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|