|
JAWHAR URURTAY
HADALLADII DADKII ILAAH U DHAWAA
Qore. Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
Assalaamu calaykum,
Ilaah baa ammaan mudan rabbiga samooyinka
iyo dhulalka, buuraha iyo badaha, daruuraha iyo xidigaha, barriga iyo
wabiyada, Ilaaha maroodiga iyo quraanyada. Nabadgelyo taam ah iyo naxariis
rabbi Nabi Muxammad korkiisa ha ahaato ilaa inta qiyaamaha laga gaaro.
Halkaan waxaan kusoo gudbinaynaa Salafkii
waxa ay kayiraahdeen arrimahaan muhiimka ah:
DUCADA:
~ CALI BIN ABII DAALIB: Alle
raalli haka noqdee wuxuu ka yiri DUCADA, " Hirarka masiibooyinka waxaad ku
awdaan (joojisaan) ducada ".
~ ANAS BIN MAALIK: Alle haka
raalli noqdee wuxuu yir: " Haka caajisina ducada, maxaa yeelay qofna
mahalaagsamo ducada darteed ".
~ ABUU-THAR: Alle haka
raalli noqdee asna wuxuu yiri: " Duco baarinimo wadataa way daryeeshaa
qofka, sida cuntada milixu u daryeelo ".
~ MUJAAHID: Alle ha unaxariistee,
wuxuu isna yiri " Salaadda waxaa layeelay dhexdeeda waqtiga ugu barakada
badan waqtiyada, sidaas daraaddeed ducadiinna ku aadiya waqtiga salaada
dabadeeda ah ".
SABIRKA:
~ CUMAR IBNUL KHADHAAB: Raalli
Alle haka noqdee wuxuu yiri: " Haddii SABIRKA iyo SHUKRIGU ay ahaan
lahaayeen laba rati, dan kama galeen midkii aan fuulo " (yacni labadaba
waan ubaahnahay) .
~ CALI BIN ABII DHAALIB: Alle isna
haka raalli noqdee wuxuu yiri: " Waxaad ogaataan in sabirku arrimaha
kayahay sida uu madaxu uyahay jirka intiisa kale, haddii maduxu ka go'o
jirka intiisa kalena jirkii wuu fasahaadayaa, Haddii sabirka laga waayo
xaaladahana amuurtii way fasahaadday ".
~ CALI WUXUU KALOO YIRI MAR KALE:
" Waqtigu waalaba nooc, waqti kula jira iyo waqti kaajira, haddii waqtigu
kula jiro haqooqin, haddii uusan kula jirinna sabir ".
~ CABDULLAAHI BIN MASCUUD: Ilaahay
haka raalli noqdee wuxuu yiri " Iimaanku waa laba qaybood, qaybi waa
shukriga, qaybta kalena waa Sabirka"
~ MASAAJIDKA:
CUMAR IBNU AL KHADHAAB,
Ilaahay raalli haka noqdee wuxuu yiri: " Masaajiddu waa guryihii Ilaahay
ee dhulka kuyaalley, qofkii ku tukadaana Ilaah buu soo booqday, kan lasoo
booqdaana wuxuu aad usoo dhaweeyaa ruuxii soo booqda"
~ XAKIIM IBNU CUMEEYR: Alle ha u
naxariistee, wuxuu yiri " Kunoqda adduunka sidii martidii oo kale,
masaajidadana kasamaysta guryo, quluubtiinana jileeca bara, fakarka iyo
boohintana badsada, yeeysanna idin kala geeynin hawo badnaan ".
~ QATAADA: Alle ha unaxariistee
wuxuu yiri, " Mu'minka ma haboona in lagu arko meel aan ahayn saddex
meelood: Masaajid uu joogo, gurigiisa oo uu fadhiyo, iyo xaajo aan xaaraan
ahayn oo uu qumsanayo".
~ AL NAZAAL BIN SUBRAH: Ilaahay ha
u naxariistee asna wuxuu yiri, " Munaafaqu markuu masaajid galo waxaad
mooddaa shimbir santuukh lageliyey ".
ILAAHAY XAQA HA NAWAAFAJIYO.
WQ.
Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2004
Isxisaabi
inta aan lagu xisaabin..... GUJI
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|