SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 XIGMADDA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

IMAAM BOQOLSOON

Qore. Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.  
alhudaa1@yahoo.ca 

Assalaamu calaykum,

Waxaan ugu talo-galnay qormadaan inaan wax yar ka ishaarno fadligii iyo khayrkii uu lahaa Imaam Maxamed Axmed Rooble(Boqolsoon) Allaha u naxariistee iyo sidoo kale waxyar oo kamid ah noloshiisii

barakaysnayd:

DHALSHADIISII:

Imaamku wuxuu kudhashay gobalka Galgaduud muddo hadda laga joogo dhowr iyo afartan sano kahor, halkaasoo uu kusugnaa yaraantiisi, kuna dhammaystay waxbarashadiisii, kuna xafiday qur'aanka kariimka ah.

DHALLINYARA-NIMADIISII:

Imaamku Allaah ha unaxariistee, wuxuu kaddib usoo wareegay magaalada Muqdisho, halkaasoo uu kasiiwatay waxbarashadiisii iyo daraasadiisii diiniga ahayd, isagoo aad ugu dheeraaday aqoonta culuumta Axaadiista rasuulka(NNKH), wuxuu aad dhinac walba wax ka ogaaday qaybaha axaadiista iyo funuuntiisa iyo waxa ay cilmigaan culumadu kutubtooda uga hadleen, Sidoo kale wuxuu Imaamku daraaseeyey ama bartay Cilmiga tafsiirka qur'aanka, qaybaha af-carabiga iyo Cilmiga fiqiga.

SIDUU ISLAAMKA UGU GARGAARAY:

Imaam Boqolsoon(Allaah ha u naxariistee), isagoo da'yar, isla markaasna kujira xilligiisii ardaynimo ayuu haddana bilaabay inuu uguntado faafinta iyo ugargaarka diinta Islaamka, wuxuu si gaar ah u dareemay in dadkiisa soomaaliyeed u oomanyihiin aqoonta diintooda muqaddaska ah, kadib imaamku wuxuu xoog naf iyo maalba leh saaray inuu casharro kaladuwan ka bilaabo daafaha magaalada muqdisho(guryo iyo Masaajidba), casharradaas oo ubadnaa barashada Axaadiista Rasuulka(NNKH) iyo muxaadarooyin, taasoo ay natiijadeedu noqotay in mujtamac weeyn oo Soomaalida kamid ihi ay qaabilaan soona dhaweeyaan diintooda, isla markaasna ay toosnaadaan.

Imaam Boqolsoon Allaah ha unaxariistee, anigoo og in dadka intiisa badani yaqaannaan magiciisa ama ay dhagaysteen cajaladihiisa, haddana waxaan aamminsanahay inuu yahay daaciga ugu cajaladaha badan isla markaasna ay soomaalidu ugu jeceshahay dhagaysigiisa. Imaamku wuxuu aad caan ugu ahaa muxaadarooyinka kahadlaya mujtamaca iyo wanaajintiisa, qoyska, deriska, dawladda, caqiidada, cibaadada IWM.

Dadaalkaas kaddib, Imaamku wuxuu soo saaray arday aad ufara-badan kuwaasoo maanta kukala nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, ardaydaas oo isugu jirta kuwo imaamka si toos ah cilmiga uga qaatay iyo kuwo cajaladihiisu gaareen laakiin aan Imaamka lakulmin.

Qaybtaan intaynaan kabixin waxaa xusid mudan doowrkii shariifka ahaa ee uu Imaamku ka qaatay kobcinta wacyiga diiniga ah ee Soomaalidii ku dhaqnayd carriga Kiinya oo uu Imaamku kusugnaa biloowgii siddeetameeyadii ilaa biloowgii sagaashankii, halkaasoo uu sidii caadada u ahayd uu dacwo xoog leh ka sameeyey magaalada Nairobi.

TILMAANTIISII & DHAQANKIISII:

Imaam Boqolsoon Allaah ha unaxariistee, oo aan Ilaah dartiis walaalo ku ahayn, anagoo yar-yarna aan is barannay, waxaan aad uga xusuustaa sifooyinkiisii: Wuxuu ahaa nin aan dherayn gaabnayna, midabkiisuna uu furan yahay oo aan madoobayn aadna ucasayn, laakiin quruxsan, timo jilcsan- laakiin aan daadsanayn ayuu lahaa oo isku buuxa, wuxuu ahaa Imaamku nin bashaash ah oo usheekeeya saaxiibadiis iyo martidiisa isagoo xudduuda islaamka kujooga, wuxuu lahaa geesinimo aad ah oo ujeedisa meesha xaqu jiro, waxaa astaantiisu ahayd xishood badan oo diin huwan, waxaan ku arki jirey salaatulleeyl iyo quraan akhris, sidoo kale soonka sunnada ah ayuu dhar-kadhigan jirey Imaamku.

markuu gurigiisa joogo wuxuu mashquul ku ahaan jirey daalacashada kutubtiisa kala duwan ee ku safanaa maktabaddiisa khaaska ah.

Wuxuu aad utaageeri jirey ardadiisa iyo macaariiftiisa dhibban ama dhaqaalahoodu yar-yahay, wuxuu booqan jirey qur'aanna ku akhriyi jirey kuwa jirran, sidoo kale wuxuu caan ugu ahaa kaalmaynta iyo kawarqabidda gabdhaha Muslimaadka ah ee aan meelna kutiirsanayn.

Ugu dambayntii marka aan soo xusuusto Imaam Boqolsoon waxaa maskaxdayda aad ugu soo degdega afar sifo oo uu lahaa waana: Geesinimadiisii, deeqsinimo uusan waxba laharin, codkarnimo saa'id ah iyo tankale oo ah cilmi meel fog gaaray oo Ilaahay ugu deeqay isagoo da'yar.

Waxan Allaah kabaryaynaa inuu Imaam Boqolsoon u hibeeyo Jannadiisii firdoowsa ahayd, iyo in uu ajar weeyn kasiiyo sidii uu ugu gargaaray diintiisa shariifka ah. Aamiin

WQ. Maxamed Axmed,
Toronto, Canada. 
alhudaa1@yahoo.ca 

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2004

Isxisaabi inta aan lagu xisaabin..... GUJI


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

QAYBO MUHIIM AH
VIDEO: Mucjisooyinka Quraanka... [English]
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA
SALAADDA
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI...
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»

 . Taariikhdii Imaamul Bukhaari
. Taariikh-dii Imaamul Muslim

. “Warhoy Dadow aniga Madilin Ninkan Laakiinse Waxaan Dilay Nafkale!”
. Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna   [Qabtii 2aad]
. Sawirkan Lama Ogala, Waxan Rabna Sawir Midab ah

. Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

»» ASTAAMAHA AABBAHA ALLE YAQAANKA AH: [Maxamed A.]

»» SIFAADKA SOOWJADA SAALIXADDA AH [Maxamed A.]

»»Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.