SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Queen Margrethe II

BOQORADDA DENMARK: WAA IN AYNU ISLAAMKA HOR ISTAAGNAA! 

Queen Margrethe II, waxay dhalatay sannadkii April 16, 1940. Waana faca shannaad ee reer Boqorka Denmark u soo talin jirey.

Boqoradda ka talisa dalka Denmark ayaa ku dhawaaqday erayo aad u kul-kulul oo ku wajahan muslimiinta dalkeeda jooga.

Margrethe II, boqoradda Denmark ayaa Islaamka ku tilmaantay in uu yahay wax dunida oo dhan khatar ku ah, isla markaana ay tahay in la hor istaago. “waa in aynu muujinno diidmadeenna Islaamka” ayay tidhi iyadoo iska dhagatiraysa layaabka dunida.

Jariidadda kasoo baxda UK ee “The Daily Telegraph” ayaa caddadkeedi 15/04/05 ku tilmaantay in boqoraddu ay kharribtay sawirkii Denmark laga haystey oo ahaa in ay tahay “jannadii xorriyadda” ee dadka nolosha cusub doonayaa ku soo hiran jireen.

Boqoradda ayaa iyadoo u hadlaysey si ay kalsooni ka buuxdo tidhi: “Sannadahaanba Islaamka ayaanu la halgamayney, caalami ahaan iyo maxalli (lookal) ahaanba. Arrintu waa halgan, waana in aynu si dhab ah u qaadannaa” ayay tidhi iyadoo ku sii dartay “arrintan muddo dheer ayaannu iska dayney oo aanaan wax ka qaban, sababtoo ah dulqaadkii iyo liidnimadii ayaa naga badatay” waxay Margrethe II intaas sii raacsiisay “xukuumaddu waa inay wax ka qabato, oo hannaan kan hadda jira ka fiican kula dhaqanto, waa haddii aynu fahamsannahay waxa aynu la lagdamayno” 

Boqoradda oo sii waddey hadalladeedan oo muujinaya colaadda qaan-gaartey ee madaxda iyo shucuubta Reer Galbeedku u qabaan Islaamka diin ahaan, iyo Muslimiinta dad ahaanba ayaa dalkeeda ku guubaabisey: “Waa in aynu diirka ka caddayno mucaaradnimadeenna Islaamka, waana in aynu mar-marka qaarkood u bareerno in la inagu dhajiyo dacaayado la innagu maagayo, maxaa yeelay  waxaa jira waxyaabo aan loo dulqaadan karin” iyadoo markaas muslimiinta ula jeedda. “Xataa markii aynu dulqaadanayno waa in aynu kala ogaanno ma istus-tus bay naga tahay mise waa wax aynu ku qanacsannahay”  


Muslimiinta Denmark oo cabsi ka muujiyey tallaabooyinka ay dawlada Denmark qaadi doonto  mustaqbalka. Sawirka: islamonline

Ma ahan markii ugu horreysey ee ay masuuliin sarsare oo Danish ahi ku dhawaaqaan hadallo liddi ku ah dadka muslimiinta ah iyo guud ahaanba ajnabiga. Waxaa iyana xusid mudan in xisbiga hadda ka taliya dalkaasi “Danish People's Party” oo ah xisbi si aad ah uga soo hor-jeeda ajnabiga gaar ahaanna muslimiinta uu waayadanba jideynayey sharciyo ka soo hor jeeda ajnabiga, gaar ahaan muslimiinta.

Muslimiinta dalkaasi ayaa ka cabsi qaba in hadalladan boqoradda ka soo yeerayi ay xukuumadda oo awalba iyaga ulo booca ugu tukubaysey ku dhiirra geliyaan inay soo saarto sharciyo iyo tallabooyin cusub oo la mid ah kuwii sannadkii 2004 oo lagu xakamaynayey dhaqdhaqaaqa hoggaamiyayaasha muslimka ah oo ay xukuumaddu ku tilmaantay “kuwo xagjir ah”, kuwaas oo si toos ah loola beegsaday imaamyada iyo culimada dalka. 

Hadalladan cusub ee boqoradda Denmark ayaa lagu daabacay buug si rasmi ah loo daabacay oo ka hadlaya taariikh nololeedkeeda “biography” oo 14/04/05 la soo saaray. 



Saciid Westing oo Salaad Tukanaya, Siciid waxa uu muslim ahaa laga soo billaabo sannadkii 1990-kii, waxana uu u dhashay dalaka Denmark. Waxan uu mar sii horeysey yiri :"WELIGEEY KAMA AANAN QOOMAMAYN ISLAAMKA AAN QAATAY" .
Guji...


Dhinaca kale waxay boqoraddu caddaysay in aanay fahamsanayn dabeecadda Islaamka iyo farqiga u dhexeeya isaga iyo diimaha kale, waxayna muslimiinta kula yaabtay sida ay har iyo habeenba diintooda ugu dhaqmaan, waxayna arrintaas ka tidhi: “Waxaa jirta arrin ay dadkani igaga yaabiyeen. Waa dad ay diintu noloshooda oo dhan ku daabacantahay, marka ay qorraxdu soo baxdo ilaa marka ay dhacayso, marka ay dhashaan ilaa inta ay ka dhimanayaan, intaasba diintooda ayay ku daabeceen”. Waxay hadalka ula jeeddaa in ay muslimiintu doonayaan in diintoodu dhaqankooda dhex-gasho, noloshoodana raad iyo saamayn ku yeelato, taasi oo ah aasaaska Islaamka.

Arrintaasi waxay muujinaysaa Islaamka ay reer galbeedku doonayaan ama ay ugu yaraan aqbalikaraan in ay la noolaadaan nooca uu yahay. 

Iyadoo boqoraddu tibaaxaysa sida ay u doonayso in Muslimiintu u dhex-galaan bulshada Danishka, isla markaana caddaynaysa in aanay macquul ahayn in Muslimiinta oo muslimiin ah iyo Danishka oo Danish ah ay is barbar deggenaadaan ayay waxay tidhi: “Ma ahan in aynu is barbar deggenaanno, ee waa in aynu is dhex galno”.

Hadalka boqoradda oo ah buug dhan oo xanbaarsan waraysiyo iyo farriimo ayaa waxaa ka mid ahaa hadallo kale oo Islaamka ku saabsan, kuwaasoo siyaabo kale loo fasirankaro.

Waxaa ka mid ahaa hadalladaas oo ay Muslimiinta Denmark soo dhaweeyeen in ay tidhi: “Islaamka in badan baa nalagu dirayey, haddaannu nahay Reer Galbeed, fikrad saxana kama haysanno, hadda waa in aannu islaamka diraasayno, waanuna ku khasbannahay arrintaas”.

Dadka Denmark tiradoodu waa 5.4 million, waxaana intaas laajiyiin (Immigrants) ka ah boqolkiiba siddeed (8%). Muslimiinta dalkaasi ku dhaqana waxaa lagu qiyaasaa 170,000 ama boqolkiiba 3% tirada dadka Denmark..

W.Q: Cabdisamad Xoday | London UK
Email: Hoday30@hotmail.com
LINK: www.Somalitalk.com/xoday

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 17, 2005

::KHIMAARKA & DALKA FARANSIISKA::
Lila iyo Alma waa walaalo laga cayriyey iskuulkaDagaalka Khimaarka:
Madaxweynaha Franasiiska oo Ansixiyey in Khimaarka Laga Mamnuuco Iskuulada Faransiiska, waxaa arintaas ka hadlay Muslimiinta ku dhaqan daafaha dunida... Sharcigaas diidmada Khimaarka ee iskuulada Faransiiska waxa uu dhaqan galay September 2, 2004... Guji...
 
::XIJAABKA & DALKA BELGIUM::
Boqorka Belgium ayaa Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban
Boqorka dalka Belgium King Albert II ayaa bisha Janaayo 12keeda soo dhoweeyey nin agaasime shirkadeed ah iyo gabar xijaaban oo uu ninkaasi difaacey, waxana uu boqorku arintaas uga gol-leeyahy in uu ku muujiyo taageeradiisa uu u hayo ninkaas taageersan in gabadhaasi xirato Xijaab marka ay shaqayneyso. Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD