SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print


  • CHANCELLORKA JARMALKA OO CAALAMKA UGU BAAQAY IN SOOMAALIYA AAN LA ILOOBIN!!
  • Madaxwaynaha Soomaaliya oo Galabta Dib ugu soo laabtay Nairobi
  • 50,000 oo Soomaali ah oo Mucaawino u baahan.....

CHANCELLORKA JARMALKA OO CAALAMKA UGU BAAQAY IN SOOMAALIYA AAN LA ILOOBIN!!

"...dalkaasi Soomaaliya oo ay aafadu kawayntahay sida markii hore lamooday..." Mr. Gerhard Schroeder

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk.com | Germany

December 29, 2004


Gerhard Schröder
Gerhard Schröder

Maanta 29-12-2004 mar ay saacadda bartamaha Yurub dulgawriirsatay 14:00 duhurnimo ayaa dhamaan idaacadaha iyo badiba televishinada dalka Jarmalka hawada looga baxay barnaamijyadii kasocdayna lajoojiyay si si toosa (Live) loogu soodaayo qudbad uu jeedinlahaa Chancelorka dalka Jarmalka Mr Gerhard Schroeder oo dhowaan ku soolaabtay magaala madaxda Barlin kadib markii uu kalabadhgooyay fasaxiisii chrismaska oo uu qaadanaayay Badgariirka AASIYA kadhacay darteed.

Waxaa uu Chancellorku hadalkiisii ku bilaabay.

"Mudanayaal iyo marwooyin dadka dalkaygoow iyo dunidaayba salaankadib,waxaa todobaadkan caalamka ka dhacay wax ka wayn awoodda aadamaha, waana af-kala qaad, dadka jarmalka oo kaliya waxaa illaa haatan naloo xaqiijiyay 26 dhimasho, iyo illaa KUN lalayahay meel ay Jaan iyo cidhib dhigeen, waxaan idinka baryayaa dadka dalkaygoow in aad wax yar iyo wax waynba caawimo hiil iyo hooba islagarabtaagtaan dadka aafadu ku habsatay ee dadkeena iyo dadka badweynta hindiyaba, waxaan caalamka fariin ahaan u dirayaa, saaxiibayaal walaalaheenna reer AASIYA waynu u gurmannay, waanan ka xumahay aafadaasi baaxadda leh ee ku habsatay, waxaanse intaas idiinku darayaa in xisaabta lagu daro xoogna loogu gurmado dalka Soomaaliya iyo Indonesia, iyadoo dalkaasi Soomaaliya ay aafadu kawayntahay sida markii hore lamooday, waxaan codsanayaa in soomaaliya gurmadka iyadana lalagaadho, aadna loogu kuurgalo khasaaraheeda iyo qaabka waxloogu qabanaayo, illaa haatan dalka jarmalku wuxuu aafooyinkaasi badwaynta hindiya u diyaariyay labaatan milyan oo €uro"".


Joschka Fischer
Waxaa khudbadaasi uu Mr. Gerhardt Schroeder jeediyay kasii horaysay mid uu jeediyay ku xigeenkiisa ahna wasiirka arimaha dibadda Mr Joschka Fischer oo dadka dalkiisa ka codsaday in dabaaldagga sanadka cusub ee 2005 ay isku dayaan in ay aad u yareeyaan baaruudda qaraxda ee loo rido farxadda sanadka oo ay lacagta ay ku gadanayaan baaruudaasi cirka looganayo oo kharashka idinkaga baxayaa uu malaayiin noqonaayo loo leexiyo caawimada dadka badgariirku ku habsaday.

Wariyayaasha ayaa galabta chancellor-ka su'aal ahaan u waydiiyay in uu arinkaasi laqabo wasiirka arimaha dibada iyo inkale, waxaa uuna sheegay Mr Schroeder in uu aad u taageersanyahay. Nasiibxumo iima suurta galin in aan waydiiyo su'aalo dhowr ah oo aan rabay aniguna in aan halkaas ka gaysto, wariyayaasha oo aad u badnaa darteed, kollay meeshana waan ugu gaabnaa oo malaha gacantayda markaan taago si fursad la ii siiyo way adkayd in madaxdu i aragto.
Tsunami
80,000 oo qof ayey maraysaa dhimashii badGariirku.. Daawo CBC...

Dalka jarmalku wuxuu u diray aasiya meelaha Badgariirtu ka dhacday koox khabiir ku ah sifaynta biyaha, kooxdaasoo wadatay mishiin awood u leh in uu saacad gudaheed ku dhaliyo kuna nadiifiyo 8000 litir oo biyo ah, waxaa kaloo kooxdaas garab socday koox khabiir booliis ah oo ku xeel dheer soosaarista jinsiyadda ruuxa dhintay marka uu jidhkiisu si aad ah isubadalo oo ay adkaato in ruuxaba lakalagaran waayo lab iyo dhadig, ama madaw iyo cadaan kuu ahaa.

Dadka jarmalka ayaan dhowrkii cisho ee lasoo dhaafay ahaynba sidii aad ku taqaanay marka aad magaalooyinka maraysid ayaa waxaa kugu soo weecanaya badiba dadka si ay kuugu muujiyaan in ay aad uga xunyihiin, galabta ayaa waxaa igu sooleexatay haweenay da' ah waxaytiti " ma soomaalibaatahay mise Hindiya? markii aan u sheegay in aan soomaali ahay waxaa ka soo daadatay ilmo waxaa ay i haysatay mudo dheer si ay ii dareensiiso in ay ila qaybsanayso murugada i haysata iyadoo ilmadu dililiqlaynayso.

Waxaa isagana idaacadaha laga dhagaystay caawa qudbad arinkaas ku saabsan madaxweynaha maraykanka Mr bush, wariyayaasha jarmalka oo qudbadii Mr Bush faalanqaynaayay ayaa waxaa ay ku tilmaameen mid xiligeedii ka soo daahday, waxaa kaloo ay idaacadaha iyo televishinada jarmalku yidhaahdee, ""Mr Bush ma soo hadalqaadin waxna kama odhan baaqii Chancelorka Jarmalka Gerhard Schroeder ee ku aadanaa in Soomaaliya iyo Indonisia caawimo lalagaadho."

Dhanka kale Jarmalku waxa uu adduunka ka codsaday in deynta laga khafiifiyo dalalka Soomaaliya iyo Indonisiya si ay uga soo kabtaan dhibaatada ka dhalatay bad-gariirka. [SOMALIA LATEST NEWS... TODAY].

Wararka Arabacadii ka soo baxay Qaramada Midoobey waxa ay sheegeen in 30,000 ilaa 50,000 oo Soomaali ah ay u baahan yihiin mucaawino degdeg ah, dadkaas oo dhibaato ka soo gaartey bad-gariirkii dhacay Axadii la soo dhaafay, kaas oo aasiya ku diley ila 80,000 qof. Tiro sugan oo dadka Soomaaliya kaga dhintay bad-gariirkaas lama hayo, waxaana qiyaasaha u dambeeyeen sheegeen ilaa 114 qof, waxaana la sheegay in dad badan weli la la'yahay. Warar kale ayaa dhimashada intaas aad uga badineya laakiin weli xaqiiqada lama hayo.

Xagar Yare:
xagar91@hotmail.com
SomaliTalk | Germany | Dec 29, 2004

XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.


Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Galabta Dib ugu soo laabtay Nairobi

Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa ku soo laabtay magaalada Nairobi ee Caasimada wadanka Kenya,kaddib markii uu kulamo kula soo yeeshay wadanka Suudaan madax kakalla socota wadamada Yaman, Itoobiya, Jabuuti. waxana uu xubin buuxda isaga wadankiisa Soomaaliyaba ka noqdeen kulanka Sanca ururgoboleedka Looyaqaano.

Wadahadaladaas waxa uu madaxwaynuhu ku jiray mudi sadex cisho ah  waxaa wafdiga madaxwaynaha ka mid ahaa Xubno ka tirsan  baarlamaanka Soomaaliya Sida Prof Cabdulaahi Sh Cismaaciil iyo Dr Ibraahin Xussen Cali Saalax waxa kaloo wafdiga madaxwaynaha ka mid ahaa Daahir Mire Jabriil,C/casiis Faarax Guuleed, C/rixmaan Xasan Nuur,Cabdulaahi Rashiid,iyo Xubno kale. 

Madaxwaynaha Soomaaliya mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxa uu hore ubooqday wadamada Itoobiya, Yaman, Masar, Sacuudiga, Imaaraadkacarabta iyo goobo kale. 

Waxaa madaxwaynaha garoonka ku soo dhaweeyay Raysul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan iyo Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad Prof Maxamed Cumar Dalxa iyo xubno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo lagu qiyaasi karo ku dhawaad 100-120 Xubnood iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Xaafada Islii ee Nairobi.

Axmed Muuse Cabdulle Idaawaqaca (Nairobi) Somalitalk
idaawaqaca@yahoo.com | Dec 29, 2004


Hay'adaha Samafalka iyo DGPL oo Soo Qiimaynaya Dhibaatadii Mowjaadaha Baadda
» Shir kusaabsan khasaarihii badda oo lagu qabtay Garoowe
» Waraysi: Soomaali Jooga Dalka Malaysia...
» Prof. Geeddi oo Caalamka ka dalbay Gargaar Degdeg ah
» Madaxweyne Kuxigeenka DGPL oo Qabtay Warsaxaafadeed
» Baaq kasoo Baxay Eng. Abshir Muuse, Musharaxa DGPL
» Dhimashada Dhulgariirka Indonesia oo mareysaa 70,000 qof
Dhammaan ka akhri halkan... Guji Dec 29

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD