SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print


Dhimashada Soomaalida ee Badgariirkii oo Gaartey 200 qof

  • SomaliTalk.com | December 31, 2004

Burburkii badgariirka ee degmada Xaafuun
Somali houses are seen destroyed at the coast line of Hafun District in the north of Somalia in this picture released by World Food Program, taken on December 30, 2004. An estimated 30,000 to 50,000 Somalis need immediate relief aid in coastal towns devastated by waves whipped up by an earthquake in Asia, as efforts to rush relief food to Hafun, one of the worst-hit towns, have been held up because waves washed away the road to it, and diseases are now starting to take hold, the U.N. World Food Program (WFP) said in a statement. Picture taken December 30, 2004.       REUTERS/WFP Thomas Thompson/Handout
Guryaha Soomaalida ee burburay, degmaad Xaafuun | Sawirka Dec 30, 2004 | WFP
In this photo released by the World Food Programme is an aerial view of Xaafun District in the north of Somalia, Thursday, Dec.30, 2004, where 12 people died and some two hundred houses were destroyed by deadly tidal waves last Sunday.  A total of 132 people are recorded dead in Somalia following the magnitude 9.0 quake off Indonesia.(AP Photo /Thomas Thomson, World Food Programme))
Burburka Guryihii Xaafuun | Sawirka Dec 30, 04 | WFP

Xaafuun oo biyo qariyeen guryihii | Sawirka waxaa qaaday WFP December 30, 2004

Burburka Xaafuun ee badgariirkii


| Xigasho www.repubblica.it

(SomaliTalk.com 31/12/2004): Wararka ka imanaya Soomaaliya ayaa sheegay in tirada Soomaalida kaga dhintay badgariirkii dhacay Axadii la soo dhaafay in ay gaarayaan ilaa 132 qof. Waxaase taas ka dambaysay in saakay la sheegay in tiradaasi ay gaartey ilaa 200 qof.

"200 qof ayaa la xaqiijiyey in ay dhinteen, 50,000 oo qofna ku barakaceen khasaarihiika dhashay badgariirka" sidaas waxa ayiri Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Baribari) oo ah afhayeenka madaxweynaha Soomaliya, oo ay soo xiganeyeen warbaahinta Shiinaha. Waxana uu intaas ku daray "in dadkii dhintay meydkoodii la aasay, laakiin weli in dad badan la la'yahay".

Shalay oo ahayd Khamiis ayey hay'adaha samafalku bilaabeen in ay dhanka hawada ka soo kormeeraan sida ay xeebaha Soomaaliya dhibaatadu uu gaartey, xeebta ugu daran waa ilaa 600-mile oo ku teedsan badweynta Hindiya, gaar ahaan dhanka woqooyi bari ee Soomaaliya. Waxaana wararku tibaaxeen in meesha ugu daran ee badgariirku aafeyey ay tahay magaalada Xaafuun [Eeg sawirada dhanka midig ee hay'adaha Samafalku soo qaadeen 30/12/2004], halkaas oo la sheegay in boqolkiiba sagaashan iyo shan (95%) guryihii ay burbureen, wadooyinkiina ay burbureen. Hay'ada WFP xarunteeda Nairobi qof ka hadlayey waxa uu yiri "qof aan jaal shaqada ku nahay oo jooga Xaafuun waxa uu ii sheegay in arinta meesha ka dhacday aan weero lagu soo koobi karinn oo ay tahay burbur xad dhaaf ah".

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya waxaa la filayaa in uu u safro meelaha ay dhibaatadu ka dhacday ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka woqooyi bari ee Soomaaliya.

26/12/2004 ayaa badgariir aad u lixaad badan waxa uu ka soo bilowday dalak Indonesia, kaas oo gaarey kaas oo soo gaarey ilaa Soomaaliya, waxaaan la sheegay in badgariirkaasi uu ilaa hada galaaftay 125,000 oo qof.


Eng. Abshir

27/12/2004 ayaa Eng. Abshir Muuse Siciid oo ka mid ah Musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynanimadda PL baaq ka soo saaray magaaladda Garoowe, kaas oo ugu baaqay dhamaan hay’adaha samafalka, ganacsata, culumada diinta, aqoonyahanada ,waxgaradka iyo caalamkuba in ay u sameeyo gurmad dadkaa ku wax-yeeloobey dhibaatada ka dhacday xeebaha badweynta hindiya ee soomaaliya dadkaas oo ay soo gaartey dhibaato isugu jirta hoyla'aan ,hu'la’aan, cuntola’aan iyo waliba xagga caafimaadka.
[Akhri halkan...]


Dr. Gagaab

27/12/2004 Warsaxaafadeed uu Garoowe ku qabtay Madaxweyne kuxigeenka DGPL Maxamed Cali Gaagaab ayuu ku sheegay in Magaalooyinkaa iska Tabar darnaa oo usan Gaarin Xiriirka wax qabad ee Hay,adaha iyo Maamul ayaa Madaxweyne ku xigeenka uu ku sheegay Warbixinada ka soo gaaraya in ay sheegayaan in aan la hayn tiro dhaba lakiin ay hayaan tiro aad u fara badan oo ah Dhimasho iyo Kuwo la waayay oo ilaa hada lagu jiro Baadi goob kuwa ka badbaadayna ay Hoy la,aan hayso oo Guryahoodii ay Biyaha Bada soo galeen.
[Akhri halkan....]

Somali Prime Minister Ali Mohamed Ghedi
Pro. Geedi

28/12/2004 ayaa Wasiirka koowaad ee Dowlada FKMG ah ee soomaaliya Cali Maxamad Geddi waxa uu shir ku qabtay magaalada Nairobi kaas oo uu kaga hadlay khasaarihii ay gaysteen mowjadihii soo gaaray bariga afrika waxyeeladana ugu gaystay meelo ka mid ah soomaaliya dad rayid ah ay ku dhinteen, qaar kalena lagu la’yahay wali, waxana uu caalamak ka dalbay in ay gargaar l agaaraan Soomaaliya. Waxana uu xusay in masiibadani ay asiibtay guud ahaan Bada Soomaaliya oo dhan isagoo tiriyay Goobo badan ay ka mid ahaayeen Xeebaha Hobyo, Banaadir, Baraawe, Garacad, Xaafuun, Ceelmacaan iyo deegaano kalle. 
[Akhri halkan....]


Shir

29/12/2004 ayaa waxaa shir ku yeeshay Xafiiska Madaxtooyada DGPL ee Garoowe Madaxweyne Ku xigeenka DGPL oo uu hormuud u yahay Wasiirada Maamulka DGPL Qaarkood iyo Xubno ka mida Hay,adaha Samafalaka ee ku sugan Garoowe Qaarkood, Shirkaa ayaa loogaga hadlaayey sidii loogu gurman lahaa Dadkii ku waxyeeloobay Fatahaadii Badaha Hindiya ee Xeebaha Puntland. Shirkaa ayaa lagu xulay Kooxo isugu jira Maamulka DGPL iyo Hay,adaha waxaa iygana Gadaal looga Daray oo markay waydiyeen loo Ogolaaday Wariye yaasha Radio iyo kuwa madaxa banaan in ay ku soo Sameeyaan Qiimayn waxyeeladii gaartay Dadkaa iyo inta Dhibka le,egyahay. Kooxahaa oo Bari Subaxnimadii lafilayo in ay u kicitimaan Goobahaa.
[Akhri halkan...].


chancelor

29/12/2004 ayaa telefishanka caalamka kala hadlay Chancelorka dalka Jarmalka Mr Gerhard Schroeder, waxana uu sheegay in "dalkaasi Soomaaliya ay aafadu kawayntahay sida markii hore lamooday, waxaan codsanayaa in soomaaliya gurmadka iyadana lalagaadho, aadna loogu kuurgalo khasaaraheeda iyo qaabka waxloogu qabanaayo.."
 [Akhri halkan.....]

30/12/2004  Qoraal kasoo baxay madaxa Ururka Saaxiibtinimada Canada iyo Soomaaliya, Faarax Maxamuud Aw-Cismaan, ayaa sheegtay in dhamaan ay tirtirmeen aqaladii ku oolaa magaalada Raas-Xaafuun oo ahayd gacan (golf) dhexgala bada kaas oo markii badu caaridana ay gawaaridu geli jirtay magaalada marka ay bada soo buuxsantana ay magaaladu noqon jirtay jasiirad oo kale. (waa sida xeebtii jaziira iyo qabriga Gendershee). Waxaa kaloo waxyeelo aad u wayni gaareen dhamaan magaalooyinka saaran xeebaha bada Hindiya sida Baargaal Hurdiyo, Bandarbayla, Eyl, Garacad, Hobyo, Mareeg, Cadale, Xamar, Marka, Ceel Axmed,  iwm..  Dadka guud ahaan marka la isku daro Soomaaliya oo dank u nafwaayay waxaa ilaa hada la xaqiijiyay 200 waxaa ilaa iminka la’layahay kaluumaysato gaaraysa ilaa 60 , dadka ku baro kacay ama ku guryo beelay waxay gaarayaan ilaa 60, 000 oo qof. 
[Akhri halkan...]

SomaliTalk.com | Dec 31, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD