SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED.

Yusuf Shabac II
Yusufshaba@yahoo.com 

Haddii aan wax ka qori lahaa Mudane Cabdilaahi Yusuf, waxa aan taariikhdiisa aan kusoo koobi lahaa in uu yahay aabe Soomaaliyeed oo uu ilaah siiyey afar caruur ah, darajo Militari iyo magac. Sarkaal sare oo aan marna yeelan balwad ha yaraato ama ha weynaato. Siyaasi ka soo horjeestay maamul kali talis ah, oo xabsi u galay Soomaalida dartood. Siyaasi badbaadiyey gobol ka mid ah gobolada Soomaaliyeed ee ku yaala Waqooyi Bari iyo qaar ka mid Waqooyi Galbeed. Madaxweyne Cabdilaahi Yusuf waxa sugaya mustaqbal adag, oo uusan marna ka bixi karin qof uu ilaah u fududeeyo maahe. Dadka taagersan Cabdilaahi Yusuf iyo kuwa mucaaradsanba waxa ay isku waafaqsan yihiin, in uu yahay hogaamiye birta calashada oo aanan u naxayn qofkii ka horyimaada qaranimada Soomaaliyeed. Qofka caynkaas ahina waxa maanta u baahan ummadda Soomaaliyeed oo idil.

Madaxweynaha waxaa sugaya in uu hubka ka dhigo day day iyo jiri ay naftoodu ku xiran tahay qoriga ay sitaan. In uu heshiisiiyo shacbi is cunayey maalinkii ay xurnimada qaateen illaa iyo hadda. In uu la heshiiyo wadamo wanaag badan inoo galay oo weli inaga haysta dhul ay leedahay ummadda Soomaaliyeed iyo shacbi Soomaali ah. In uu meel isugu keeno lakabyada siyaasiga sida: Kuwa u dagaalama sinaanta shacbiga, mucaarad guud, iyo kuwa daneeya xuquuqda dumarka, wadaadada, iyo gobolka isu diyaariyey in ay Somaaliya ka go'aan. In uu dib u dhiso dal iyo shacbi is bur-buriyey. In uu meel mariyo qarankii la marin habaabiyey. Iyo ugu dambeyn in uu dhidaamiyo oo waji u sameeyo dhaqaalaha Soomaaliya ee sii kobcaya maalin walba.

BURBURKII SOMALIA

Waxa Soomaaliya ku nool oo hub sita dhalinyaro gaareysa laba milyan oo ay da'doodu u dhaxayso 16-26 sano, oo aan haysan nolol kale in ay wax dhacaan, ama ay waardiyeeyaan kuwa la dhacayo maahee. Caqliga suubani waxa uu ku farayaa hogaamiyaha cusub in uu shaqo u abuuro inta uusan hubka ka dhigin ninka ugaarsanaya. Ama in uu u abuuro fursad waxbarasho oo qofkaas u abuurta mustaqbal uu gacmihiisa iyo aqoontiisa uu ku caano maali karo. Diinta Islaamka ma qabto in qofka muslimka ahi laga dhigo hubka. Haddii, laakin, la qaramayn lahaa qabiilka, oo uu kaaba qabiilku uu toos u hoos imaan lahaa dawladda sida waddanka Yaman oo kale, "Collective responsibility system." Waxa adkaan lahayd in uu qabiil ku xad gudbo qabiilkale, ama ay dawladdu la timaado amar ku taagleyn u gaar ah.

Haddii aad dib u baarto taariikhda dunida waxa aad ogaaneysa waddan walba oo soo maray dagaal sokeeye la bedelay caasimadooda, oo waxyaabihii daba jaray dagaaladoodii sokeeyana ay ka mid ahayd in si ku meel gaar ah ama joogto ah loo bedelo caasimada. Waxa aan dhowaan ka maqley rag si toos ah ula taliya Madaxweyne Cabdilaahi Yusuf in ay yiraahdeen, "Waxa aan damacsanahay in aan si ku meel gaar ah u wareejino caasimada oo aan geyno Baydhabo ama Baladweyn. Tan waxa ay keeneysa in uu Qaranku hirgalo, ama ay jiridu ka soo baxdo muqdisho." Oo ay timaado meel lagu tir-tiri karo.

Shacbiga Soomaaliyeed ee wax badan isu ciil cunayey ee caloosha ka bukay, ee maanta isu geystay dhaawac aan dhaqso reysanin, yaa laga doonayaa in uu madaxweynahanu heshiisiiyo. SSDF waxa ay ku bilaabatay Soomaali weyn markii dambena waa aan ogayn halkii ay ku dambeysay, Sidaa awgeed waxa haboon in uu Mudane Cabdilaahi Yusuf uu cashar ka qaato qaladkii waagaa dhacay, oo uu isu keeno Soomaali weyn. Sida ugu haboon ee shacbiga laysugu keeni karona ma ahan, in marwalba laga doodo sidee loo qaybsadaa kuraasta iyo hantida qaranka, laakin waa in la sameeya, "Swift Justice" Nidaam caadil ah, oo u kala gar qaada dadka, oo hantidiisa u celiya kii la dhacay, una ciqaabaa mid kii wax kufsaday. Ilinta ka da'aysa agoonka ma engegto ilaa uu aarsado ama loo aaro, sidaa awgeed, waa in la dilaa kii wax dilay, si aan looga wel welin aarsi dambe, oo dilaaga dambena uu u quus-qaataa.

Madaxweynaha Soomaaliya ee cusub, waa in uu xiriir wanaagsan uu la yeeshaa wadamada carabta ah oo uu ku xiran yahay dhaqaaleheena oo idil iyo weliba labada waddan ee dariska nala ah. Waa wax aad u xanuun badan in aad xiriir la geshid mid weli gumaysanaya walaalo Soomaali ah, laakin marka aad qodato god aadan ka soo bixin karin, waxa aad u baahan tahay caawimaad kasta oo aad heli karto.
A Somali woman with a Somali flag stuck into her veil watches the inauguration ceremony of the new Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed, Thursday, Oct. 14, 2004 in the Kenyan capital Nairobi. Ahmed a former soldier, rebel and warlord was sworn in Thursday as the new president of Somalia in the latest attempt to unite the nation under a central government for the first time since 1991.(AP Photo/Karel Prinsloo)
Gabar Soomaaliyeed oo indhashareer xiran oo calanka soomaailyeed luleysey ayadoo joogtey xafladii dhaarinta C/laahi Yusuuf ee 14/10/2004... Guji...

Waxa haboon in uu Madaxweynaha cusub, oo uu u ictiraafo wiilasheena diinta inoo bartey in ay yihiin dad damacsan wanaag laakin ay qaarkood deg-degayaan, sidaa awgeed in uu u dulqaato oo uu dhegeysto, ama uu u arko mucaarad oo uu u siiyo xuquuqda ay xaqa u leeyihiin. In uu madaxweynuhu uu xoogiisa isugu geeyo Koonfurta, Bariga iyo Gobolada dhexe shanta sano ee soo socota, oo uu iska ilaawo Waqooyiga. Mar haddii uu madaxweynaha uu nabad, maslaxo iyo horumar uu u horseedo gobolada aan soo sheegay, Waqooyiga Soomaaliyeed iyaga ayaa madaxweynohoodu gacantooda kusoo dili lahaa oo keeni lahaa dawladooda sharafta badan Koonfurta markale. Waxa lama huraan in mar walba la siiyo isgaarsiinta iyo kuwa u dooda xuquuqda aadanaha xuriyad aan xadidneyn maxaa yeelay, tan waxa ay ka ilaalin lahayd madaxweynaha in uusan waxyeelo u geysan kuwa uu u careysan yahay ee ka soo horjeeda.

Waxa aan ognahay in ay Midawga Dawladaha Yurub ay balan qaadeen shan iyo toban Milyan, Maraykankuna in uu balan qaadey $100.000 oo kaliya, waa lacag fara badan haddii loo isticmaalo si wanaagsan. Haddii la sugo amniga, waxa wadanka iman doona shirkado waaweyn oo raadinaya shaqaale jaban. Waxa ay shaqaaleyn doonaan dad fara badan. Hergelinta qaranimada waxa ay ku xiran tahay hadba sida loo arko dawlada. Dawlad uu Cabdilahi Yusuf madax ka yahay lama dhayalsan karo. Haddii xeryaha booliska la taago, haddii maxkamadaha la furo, haddii cadaalada la mariyo bari iyo galbeed. Waxaa suuro geleysa in ay shacbigu bixiyaan hanti badan, ka timaado dhanka cashuurta ama dhanka iskaa wax u tar. Safaaradeheenii markii dib loo furo, oo wiilka iyo gabadha Soomaaliga ahi laga ixtiraamo dunida oo idil, maalinkaas ayaa la oran doonaa Soomaaliya waa qaran.

Hantidii ay ina siin jireen dunida ee naga xanibneyd 14kii sano ee la soo dhaafey iyo ribadii ay aruursateyba waxa ay haatan kor u dhaaftey soddon Malyan oo doolarka Maraykanka ah, hantidii ay dunida nagu lahayd ee lagu cafiyey shirweynihii dunida ee ugu dambeeyey waxa ay gaareysay seddex boqol oo Malyan oo doolarka Maraykanka ah. Sidaa oo kale hantida Soomaalida u taala bangiyada qurbaha khaasatan Abu-dubeey waxa lagu qiyaasaa in ay kor u dhaaftey seddex Bilyan oo doolarka Maraykanka ah. Haddii uu sugnaado amniga dalka, oo ay bangiyadu shaqeeyaan, oo hantida intaa le'eg ay ina soo gasho, Soomaaliya waxa ay ka horumaridoontaa iinshaa-Allaah wadamada aan la tartano ama aan isku tabarta nahay. Dawladdan cusub haddii ay ku dadaasho in ay ilaaliso sicir bararka, ixtikaarka, laaluushka iyo dulmi isku gaashaan buureysiga dhaqaale. Isgaashaanbuursigaas oo ciriiri galin kara midka iskii u xamaasha ama u ganacsada, Shilinka Soomaliga ahi wuxuu yeelan doonaa qiimihii uu lahaa 1982kii. dhaqaalaha Soomaaliyana waxa uu u kabsandoona si deg deg ah. Marka uu kabsado dhaqaalaha waxa ay suuqyada Soomaaliya soo jiidan lahaayeen maal qabeeno caalami ah, oo doonaya in ay maal galiyaan dhaqaalaha Soomaaliya.
"ha mucaaradin ilaa aad aragto wax aad mucaaradi kartid"

Ugu dambeyn, waxa aan ka codsan lahaa mucaaradka Madaxweynahan cusub in ay fursad siiyaan, fursad uu ugu adeego dadka Soomaaliyeed, ha mucaaradin ilaa aad aragto wax aad mucaaradi kartid. Maxaa yeelay Madaxweyne Cabdi Qaasim waxaa uu ahaa halyeey wadankiisa jecel, laakin waxa uu la horumari waayey waa mucaarad miciyo soofeysan, mucaaradkaas oo iska hortaagey in uu talaabo qaado. Isku daygaan waa isku daygii ugu dambeeyey ee wadamada Iigad, haddii uu kan guul dareysto, Soomaaliyeey waxa ay dunida dhamaaneysa inaga oo weli dawlad la'aan ah.

Yusuf Shabac II
Yusufshaba@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 15, 2004

Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..


FAALLO: SAADAALIN MAGCAABIDA RA'IISUL WASAARAHA SOMALIA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim


Dadweynaha isugu yimid xafladii dhaarinta 14/10/2004 Nairobi:

Madaxweynaha Soomaaliya, Abdullahi Yusuf Ahmed, dhanka midig, oo uu dhaarinayo afhayeenka baarlamaanka, Shariif Hassan Sheikh Aden, khamiis, Oct. 14, 2004, Nairobi,Kenya | Sawirka AP

C/lahi Yusuf Axmed, Madaxweynaha la dhaariyey [sawirka standard.



kaah



HTML CD