21-Oct-04
Bismilaahi Rahmani Rahiim
Taariikh Nololeedka Beeldaaje Xaaji
Abdullahi Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil
1910-2004

Beeldaaje Xaaji C/lahi |
Beeldaaje Xaaji Abdullahi Beeldaaje
Maxamed Beeldaaje Ismaaciil waxa uu ku dhashay tuulada Dhaadaar ee
degmada Qandala, kuna taal dhulbuureedka sare, sanadkii 1910.
Aabihiis Beeldaaje Maxamed
Ismaaciil waxa uu ahaa Beeldaajaha Cali Saleemaan, kaasoo ka dhaxlay
Aabihiis Ismaaciil, ka ab, ka ab, iyagoo sida la ogyahay todoba (7)
qarni ahaa Beeldaaje, dawlad kasta oo timaada oo isticmaari ah awood
uma laheyn iney faragashato.
Beeldaaje Xaaji C/laahi waxa la
dhashay a) Cali Beeldaaje oo ka weynaa, b) Xasan Beeldaaje, c)
Maxamuud Beeldaeje. Cali oo ahaa curadkii dhaxalka lahaa markuu
hanaqaad noqon lahaa ayuu geeriyooday, halkaas ayuu Xaaji C/laahi ku
noqday (Waliyal Cahdi), saas daraadeed markuu aabihiis geeriyooday
sanadkii 1926 dii, Xaaji C/laahi waxa uu noqday Beeldaajihii
todobaad (7) ee Beesha Cali Saleemaan.

BEELDAAJE XAAJI C/LAAHI BEELDAAJE
Sawirka waxa SomaliTalk soo gaarsiiyey Maxamuud Beeldaaje oo ah wiil
uu dhalay Beeldaaje C/laahi, waxaana lagala xiriiri karaa:
mahamudhagi@yahoo.com |
Xaaji C/laahi wuxuu yaraantiisii
nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo ardaydii ugu horeysay ee Xaaji
Maxamuud “Dharas”, kaasoo ah dugsi magaalda Qanadala caan ka ahaa.
Sidoo kale Xaaji C/laahi wuxuu waxbarasho iyo safaraba u aaday Xamar
iyo Yemen sanadadii 1930-35 kii.
Markii ay dowladii Fashiistiga ee
Benito Musselini qabsatay Majeerteeniya, waxaa dhacay dagaal culus
oo badda iyo bariga laga duqeeyey deegaanadaas, sida la ogyahay
Beeldaaje Xaaji C/laahi iyo adeeradiis, Xaaji Cartan Ismaaciil iyo
Siciid Ismaaciil waxa lagu eedeeyey in ay amarkii Governerka ka hor
yimaadeen, dabadeedna waxa loo musaafuriyey xabsi ku yaal Xaafuun,
oo markaas aheyd magaalada Soomaaliya ugu horumarsan, halkaasna waxa
ay ku xiraayeen sanad.
1937-41 dagaalkii labaad ee dunida
Beeldaajaha iyo
Ugaas Yaasiin C/raxmaan, waxa ay ku howlanaayeen wax ka qabadka
(xaaladaha deg dega oo Ingiriiska ku soo rogay Soomaaliya ee beegida
raashinka), oo cunta la`aanta saameysey noloshii dadka.
1941-49 waxa uu ka mid ahaa
Guddiyadii Ururka Leegada, S.Y.L.
1950, markii
UN ku Talyaaniga soo cesheen, waxa uu ka mid ahaa Isimadii
diidanaa ee doonaayey watayna figrada “Great Somalia” Soomaali in la
isku daro. Isla sanadkaas 1950 waxaa la casriyeyey warshada
kalluunka ee Qandala taas oo uu door weyn ka qaatay furideeda.
Beeldaaje Xaaji C/laahi wuxuu ahaa
oday dhaqanka Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka diinta Islaamka ku dheer.
Waxaana lagu tilmaami jiray Isimada Gobolka ugu dhaqan adag.
1959 waxa uu ka mid noqday
xildhibaanadii Soomaaliyeed ee la doortay, galayna baarlamaankii ugu
horeeyey (Assemblea Nazionale Somala), waxaana laga doortay degmada
Qandala. Wuxuu mar labaad soo galay baarlamanka 1964-69, halkaasna
wuxuu siyaasada ku jirey toban (10) sano.
Wuxuu safaro badan ku aaday dalalka
Yemen, Sucuudi Carabia, Kuweit, Bangaladesh, Shiinaha, Ruushka.
Mareykanka, Yurub iyo Beitul Qudus intii ay gacanta ku heysey Urdun.
Wuxuu ka sheekeeyay in uu joogay
Dallas (USA) maalintii la dilay John Kennedy madaxwaynihii
maraykanka 23kii September 1963, halkaas oo uu u joogay wafdi ahaan.
Madax badan oo aduunka ayuu la
kulmay,wuxuuna aaminsanaa midnimada Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka
diinta Islaamka.
Mudaddii burburka 1991-2004 wuxuu
joogay oo ku noolaa dalka Imaaraadka halkaas oo shaqo badan ka
qabtay, dadwaynaha Soomaaliyeedna guud ahaan iyo gobolka Bari uu si
gaar ah wax ugu raadin jiray. Waxa uu ka mid ahaa isaga iyo ugaas
Yaasiin odayaashii aaday dalka Holland oo biyo galinta Boosaaso loo
soo ogalaaday, soona saxiixay sanadkii1994. Waxa uu ka mid ahaa
Issimadii ( boqor Maxamuud iyo ugaas Yaasiin ) ee ka dhameeyay
sheekha Sharja Al-qasim, garoonka Boosaaso in la dhiso kaasoo
maamulka Puntland si toos ah u diiday.
Waxa uu ahaa nin nasiib badan oo
waxa uu damco u hirgalaan. Waxa uu ka tegay 11 rag ah iyo 7 dumar ah
iyo 3 ooryo
Allaha u naxariisto Beeldaaje Xaaji
C/laahi Beeldaaje Maxamed Beldaaje Ismaaciil.
F.G. Marxuumka waxaa lagu duugi
doonaa magaalada Boosaaso ama degmada Carmo
Source: Dr Yaasiin Faarax Cartan
Beeldaaje
Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey:
mohamed yusuf
darwiishka2@hotmail.com
|