SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Geedi Gartiisa ha qaato.
WQ. Hussein Abdi-karim Ahmed (Gendisch)

Soomaalidu sideedaba waxaa lagu sheegaa in ay yihiin dad madax adag oo islawanyn, waxaaa dhibaato ku ah qofka soomaaliga ah inuu yiraahdo “ qalad ayaan sameeyey waxaana saxayaa  ee Raali halayga ahaado“ dhinaca kalena shacabka soomalidu waa  dad samir badan oo waa ay saamaxaan oo yiraahhdaan bal aan ku aragnee qaladkaadii saxoo dib ha ugu dhicin wixii aad hore u samaysay, arintaan  waa mid aad loo wada garanyo raisal wasaaraha  madax adag, islamarkaana xanaaqsan inta badan, waxaa  waxa uu  ku sifoobay PM iyo siyaasadiisa dowlad federalka soomaliya ee lunsanayd in ka badan 4 bilood , tasoo ay ugu wacan tahay aqoon la’aanta dhinaca siyaasada  socod baradka ku ahaa iyo mid talo xumo siyaasadeed salka ku haysa oo laga gudbi karo hadii wajigii lagu yiqiin wax ka bedelo. 

Waxaa dad badani iswaydiinyaan toloow maxaa Cali Maxamed Geedi , PM bedelay inuu yiraahdo waxaa aadayaa Xamar jimcaha soo socda, Qaarkood waxaa aaminsan yiiin in uu hadana hadalkiisa bedeli doono, oo oran doono, maya , xamar meel la tagi karo ma aha. Qaarkale waxaa ay leeyinin Waa cabdilaahi yousef oo fikirkiisii badalay ee cali isma badelin  go’aana  ma qaadan karo. Qolda sidexaad ee arintani fakir ka dhiibatay waxaa ay leeyihiin Cali waxaa heshiis kula jiraa Deeqbixiyeyaasha aduunka oo ka codsaday in uu xamar tago si loo qarash gareeyo lacagihii loogu talo galay soomalida oo aan la dhiibi Karin maadaama Madaxwaynihii, Risal wasaarehii iyo wasiiradii intooda badan ay Kenya  joogaan . una soo titiri lahaa inta tabartis horumarka la taaban karo ee hogaamiyeyaasha labada gole ee xamar ku sugan. 

 Soomalidu waxaa ay tiraahdaa  “kaadi badane waa loo googol badiyaa “. Sidaas darteed maadaama Cali maxamed geedi marar badan hadalkii uu yiri uu ka noqday isagoo aan waliba ka bixin sababta uu uga noqday iyo raali gelin midna, waxaa aad u yaaratay wax rumaysta oo siyaasi , aqoon yahan , saxaafada iyo guud ahaan soomali meel ay joogtaba. Markan uguma horeeyso inta  goor oo Cali maxamed Geedi ku dhaliilnay Qorshihiisa siyaasadeed oo dhowr jeer ugu celcelinay inuu noqdo oday ka madax banana in loo isticmaalo arimo siyaasadeed ee qofeed iyo mid qaran kale intaba , waayo nolosha qofka baniaadamka ahi waa ay kooban tahay in ka yar 100 sano soomali haduu dheeraado 45/75. Cali geedina waa 50 jir. Ma ahan wixii uu soo dhisayey 50 sanadood inuu ku burburiyo 3 bilood gudahood, magaciisana uu meel uga dhaco  iyo kan ummada uu matelo.  maanta go’aanka uu qaato ama qaadan waayo 20 sano ee nolosha uga hartay  bay soomali oo dhan u aayi doontaa ama ka shalaayi doontaa. 

Arinta labaad ee loo malaynayo in ay Cali maxamed geedi ku qasabtay inuu xamar aado  waa , madaxwayne Cabdulaahi oo todobaadkii la soo dhaafay qiray in hogaamiyeyaasha labada gole ee xamar jiraa ay ku maqan yihiin shaqo qaran kadib markii lagu saaray caddaadis kaga yimid soomali badan iyo dowladaha ajnabiga ah iyo deeq bixiyeyaal  ku xiray in deeq la siinayo aanay jirin iyagoo dalkii soomaliyeed ee loo doortay aada howlna ka qabta . dhibaatada qaranka soomaliyeed haysata hogaankeedi noqda sidii looga sari lahaa. Taasoo inoo cadaatay in aan xamar meel uga roon aysan jirin cabdilaahi yousef Cali Geedi government maadaama baydhao la haysto. Jowharna meel lugu noolaan karo oo dowlad la gayn karo aanay ahayn. Maadaam aan al lahayn tahsilaadka dowladi u baahan yahay. Sida isgaarsiinta, radio warka laga fidiyo dekedo iyo airport wanaagsan . islamarkaana aanay jirin wasiir doonaya inuu fariisin ka dhigto  Jowhar. 

Arinta sedexaad aqoon yahanada siyaasaduna saadaaliyeen in socdaalkiisa ay ka danbeeyso ayaa ah, dhaqaale looga raadsan rabo magaca soomaaliyeed oo hay’adaha deeqda bixiyaa ku xireen in cali maxamed geedi uu xamar tago si lacagtaas loogu Ogolaado. Waxaa soomaalida intooda badani ogtahay in dhaqaale xumo xoog leh soo fara saartay Cabdulaahi yousef iyo cali maxamed GEEDI  iyo  iyadoo sidoo kale dhaqaalaha dalaka keenya aad ugu kobcay joogin taanaka dowlada soomaliya ee nayroobi. dalka keenya ay iyaguna jecel yihiin in xamar laga oo noqdo oo laska jiifo hotelo nayroobi ku yaala. Keenya  dhinaca dalxiiska ayey hoos uga dhacday  kadib markii uu weeraray wadaadke garka dheeraa ee biin laadan oo ay  hoteeladeedii  faaruqaan oo loo waayey macaamiil seexata. Sidoo darteed ay qaramada midoowbay ka haystaan macaash joogto ah oo aan dhamaan waligeed.  maadaama soomali dhowr kun gaaraysaa degan  yihiin islama markaana ay ku qarash gareeyaan inka badan 10 milyan oo doolar bishii ku bixiyaan keenya. Taas waxaa ka sii daran qaadkooda oo ku bacdo lacag aan ka yareen  2 milyan dolar bishiiba. Socdaalka waxaa ka soo gala laba ilaa 3 milyan dollar oo kale ( gaadiidka iyo duyuuradaha ), waa mafia isku duuban oo keenyaati Somali iyo ajnabi kale oo u shaqaysa Qaramada midoowbay  heshiis ku yihiin.  Cali geedi uu soomalida iyo wakiil uga yahay ( shaqo uu si wanaagsan u yaqaan ) , sidii lacagtaas loo qarash garayn lahaa oo loo dhamystiri lahaa qorshaha sedex kooxood ee soomaliaya u heshiisay in ay sidaan ku sii jirto. 

Waxaan cidna ka qarsoonayn in lacagtaas wax badan loogu qaban laha caruur soomaliyeed oo caafimaadkoodu la liito nafaqa xumo. Hooyo iyo aabo soomaliyeed oo u jiran dawo la’aan iyo cunto xumo. Kuwo biyo la’aani ku hayso gobolada aan biyaha ku filan haysan iyo waxyaabo kale oo aanan halkaan ku soo koobi Karin oo baahi dhab ah oo soomaliya ka jirta. Waxaa Cali maxamed geedi iyo cabdilaahi yousef u soo jeedin lahaa in ay ummada soomaliyeed danbi dhaaf waydiistaan , maadaama  aanay jirin wax ay qaybteen tan iyo markii la doortay oo laga joogo 7 bilood. Qirtaana in ay qalad sameeyaan hadana sixi doonaan oo ay dib u heshiinta xafiiskooda ka bilaabi doonaan, uguna tagi doonaan qof kasta oo soomali ah meesha uu joogto si nabad loo  helo inta aanay xamar tegin hadii aanay arintooda cadeeyna waxaa ku oran lahaa hogaamiyeyaasha muqdisho cali maxamed geedi imaanshaiisu wax uu idinka badelo yaanay jirin ilaa uu miiska soo fariisto qirtana qaladkiisii soo jiitamayey 3 bilood ee la soo dhaafay.

Dhamaad. 

Waxaa diyaariyey

Hussein Abdi-karim Ahmed (Gendisch)

huss.gendisch@mci.com 

Raleigh, NC


Mr. Hussein Abdi-Karim ahmed "Gendisch" was born in Anamoog, Somalia where he spent his formative years until leaving to attend Benadir High School in Mogadishu. He pursued his college studies and earned a Bachelor's Degree of Economics, with distinction, from Somali National University, (Gahayr-Comp). He also pursued post-graduate studies in Economics at the Murray state University of Murray, Kentucky, and North Carolina university system where he earned a Master's degree

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusa xiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2005


AKHRI: BOGGA RA'YIGA & MAQAALADA DADWEYNAHA

BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD