SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Doorashadii 8th January 2005 ee Xarunta Garowe Puntland

Ka dib dhamadkii sanadkii aynu soo dhafnay dabayaqadiisii ayaa si toos ah loo bayaamiyey in ay dorasho ka hirgeli doonto geyiga Puntland iyada oo markasi la iska indha tirayey dhibatooyinkii ka jiray guud ahaan Gobolada Puntland  ayna sabab u ahaayeen musharixiinta qarkood oo doonayey inay qas iyo deganasho la’aan ka abuuran Puntland iyaga oo ku hanjabay inaysan aqbali doonin in la kordhiyo waqtigii Xukumada Puntland ee uu Madaxweynaha ka ahaa Mudane Mohamed Abdi Hashi, Balse nasiib Wanaag Madexweyne Hashi waxa uu door biday Nabdgelyada , Jiritanka Puntland iyo Hanaankeeda  iyada oo, uu la kashaday Maskax Fiyow , Waxgaradnimo  iyo Waya Aragnimo Ayuu uga kaftoomay Xilkordhintii Maamulkiisa. 

Ka gadaal isjiid jiidkii dabada dheeraa ee ay wadeen musharixiinta qarkood ayaa waxaa suurta gashay in la dhiso Golaha Wakiilada (Parliaments) oo ahaa cida soo dooranaysay madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa. 

Sidee ayeey u dhacay Doorashadii DGPL Somaliyeed 

            Abarihii 8:00 subxnimo ayaa dhamaan ku soo xeroodeen musharixiintii ku tartamayey jagada Madaxnimada iyo ku xigeenkiisa sadexda sano ee soo socota waxaa goobtaas aan ka maqneyn Suxufiyiinta , Culimaa u diinka , Aqoonyahnka, Haweenka iyo Martishaf kale, runtii muuqalka guud ee holka ay ka dhacaysay doorashadu ayaa ahaa mid soo jiidasho leh ay ka muuqtay deganasho iyo dimuqraadiyad taas oo abaabulkeeda uu lahaa mamulkii ka jiray halkasi ee uu madaxweynaha ka ahaa Munde Mahamed abdi hashi , wax yar ka dib waxaa biloowday soo bandhigdii Qorshaha , Ajandaha Siyaasadeed ee uu wato Musharax kasti inuu u soo bandhigo  mudo 10 daqiiqo ah , mudo yar ka dib waxaa biloowday codbintii iyada oo halkasi ay ku tartamayen 4 musharax oo ahaa cida loo cod bixinayey ee ku tartamaysay jagada madaxnimada DGPL sanadada soo socada. 

            Markii ay dhamtay codbixintii wareegii kowaad ka dibna loo galay tirinta codoka ayaa waxaa ugu cod batay Maxamed abdi Hashi , halka la tartamayasha kalena ay heleen tiro aad u hooseysa oo is le’eg , wareegii labaad ayaa waxaa isu soo haray sadex Musharax , Halka musharixii 4 aad  Engr Abshir Muuse uu Haray ka dib markii uu helay 5 cod oo keliya ,  waxaa bilabtay wareegii 2aad  codbixintiisii daqiiqdo yar ka dib waxaa la galay tirintoodii iyo ku dhawqidii Codadka ay kala heleen Musharixiinta  iyada oo markasi aysan kala fogeyn intii ay heleen wareegii 1aad iyo kan 2aad halka qarkood aysan waxba u siyaadin marka laga reebo Mudane Xashi oo ugu Cod badnaa. 

            Wareegii ugu danbeyey ee ahaa kii lagu kala harayey iyada oo ay ku tartamayeen labadii musharax ee ugu cod badanaa Waa Mudane Maxamed Cabdi Xashi iyo Maxamuud Cade ayaa loo bilabay Codbintoodii iyada oo markasi uu jiray dareen hoose oo dadka siyada Indha indhaya ama u dhuun daloolaa ay durbadiiba dareemeen in ay soo bixi doonto Natiijo layaab leh (surprise result!!) tasoo ahayd inay heshiis hoose galeen labada nin ee ugu cod roonaa (Number of Votes ) wareegii 2 aad  in ay isugu shubaan waa Cade iyo faroole oo markii horeba a ahaa cida qasaysay Hanankii Mamul , kana soo horjeeday jirtanka Puntland hadii aan midkood hanan Hoganaka DGPL , mudo yar ka dib ayaa la guda galay tirintii codka labada Musharax ee isugu soo haray wareegii 3 aad , halkaasi oo ay ka soo baxaday natiijo layaab leh oo ka yabisay dhamaan dadkii rajada ka qabay hanaanka, hormurka , aminga iyo kala danbeeynta geyiga Puntland, ka dib markii uu Cade ku guulaystay hogaankii DGPL sadexda sano ee soo socta. 

Sidee Buu Cade ugu Guuleystay Madaxwaynaha DGPL  

            Runtii waa su’aal iswaydiin leh una bahan in dubka laga qado si loo helo xaqiiqada dhabta ah ee jirta .

            Sida aan kor ku soo xusnayba Maxamud Cade Muuse ma ahayn musharax cad cad marka loo bar bardhigo musharixinta kale ee ay ku tartamayeen jagadaasi  hase yeeshee waxaa ka danbeyey guusha u soo hoyatay Maxamud Cade Muuse ka dib markii ay is kashadeen ninka ay isla yihiin jifi hoosdka Majeerteen (Cabdiraxman Faroole ) mudana ay ahayeen Xulufo isku bahaystay Qaska iyo Xumaan radinta Puntland iyaga oo abuuray deganaan la’aan   kharajna ku bixin jiray inay ciidamada Booliksa, Ilalada Bada, iyo Qaar kamid ah Darwiishta in  ay weera raan Xarumaha ugu Muhimsan Puntland Sida Bangiga dhexe ee Puntland Garowe , Guriga Barlamanka iyo Xarumo kale oo muhim ah iyaga oo marmarsiinyo uga dhigayey waxay ugu yeeren Mushar la’aan (None Salary ) isla markasna ay kharaj ku bixinayeeyn sidii ay cidamadasi aysan marnaba uga cajisin inay ka baxaan xarumahaas muhimka ah , balse nasiib wanaag iyo mamul wanagii ka jiray halkaas ayaa suurta geliyey in ceebo badan la asturo . 

            Xulufada isku bahada ah ee u xarig qaadatay ( Am taliyey ama la kala tag ) ayaa waxaa u rumoobay  hankoodii ahaa inay mar uun taliyaan ayaa waxa ay wel wel ku riday Dhamaan Shacabka Puntland oo u hanqal tagleynayey Horumar , Dhinaca Dhaqalaha, Waxbarshada , Caafimadka Iyo Nabadgelyada , hadase ay dadku hadal hayaan meesha ay wax ku danbeeyn doonaan oo noqon doonta tii ay  Dadka Reer Puntland ugu yeerayeen   ( Black Day) ayna cadahay wax ka soo bixi doona Isbahaysiga Xulufadasi. 

Muxuu Ahaa Heshiiskii Xulifada Isku Bahada ah ( Faroole iyo Cade) 

            Mudadii ugu danbeysay ayaa Cabdiraxman Faroole iyo Maxamuud Cade ahaayeen kuwo isku meel wax u wada ilaa ay gareen hankoodii oo ahaa inay talada qabtaan , heshiiskaas   ayaa ahaa in uu Cabdiraxman Faroole uu gacan dhigo ugu yaraan 15 cod si uu ugu gudbo wareega 2 aad dadka siyasada Garoowe u dhuundaloola ayaa hadal hayey in cabdiraxman Faroole uu 15 cod si toos ah u Iibsaday oo kharajbadan isticmalay madama uu ahaa mudo dheer Wasiirkii Maliyada (Finance Ministry ) in badana uu ka yimid is qab qabsi Wasaradaas iyada oo markasi lagu adeeynayey inuu si karti fal ah uu u isticmali jiray Hantida Umada , Cabdiraxmaan ayaan Garna uga bixin Garowe xiligii uu socday Olohii Musharixiinta tasoo cadeeynaysay inuu meel iska dhigay 15 cod ee  radinayey , taas waxaa sii cadeyneeysa wareegii 1aad iyo 2 aad Cabdiraxmaan waxba iskama dhimin Number Of Votes ka uu ka helay Golaha Wakiilada ( Parliaments) , ugu danbeyntiina waa wareegii 3 aad uu si toos ah uu ugu wareejiyey maxamuud cade sidaas oo uu ku guulaystay Cade, waxaa xusid mudan heshiiskii ay kala saxiixdeen Maxamuud Cade iyo Cabdiraham Faroole oo ahaa in uu Cade Noqdo Madaxweynaha DGPL  Cabdirahamana uu Hanto Wasaradiisii ( Fininace Ministry ) intaas waxaa dheer inan lagula xisbtamin wasaradaas  Faroole oo uu ku karti falo Hantida Umada , Cabdirahman oo can ku ah karti falida Xaqa umada ahna kan ,sababay ( Nine Months for None Salary ) dhamaan shaqalaha Dowlada si gaar ah Cidamada Darawiishata, Booliska , Iwm . 

            Kani waxuu ahaa heshiiska cad ee la hayo Documents kiisa keenayna inay guuleystaan  Isbahaysiga Xulifada . 

Sidee ayaa loga arkay Guusha Xulifada ku Guuleystay HoGaanka DGLP 

Waxaa xusid mudan in la sheego dareenka dhabta ah ee laga dareemayey guud ahaan Puntland ka gadaal Doorashadii layabka lahayd ee ka dhacaday Xarunta Puntland Garowe ,  waxaad ka dareemaysaa gobolada iyo magalooyinka ugu waaweeyn puntland shacabkeeda inaan si dareen leh looga soo dhoweyn waloow ay umada puntland ay yihiin kuwo jecel nabada hase ahatee ay fajiciso ku noqtay xaqdardii iyo guushii laybka lahayd ee ka soo baxday tasoo shacabka reer puntland ku noqtay Candhuuftada Dib u laq iyaga oo u hanqaltagleynayey  Daruur cusub oo u curata. isku soo duuduuboo Magaalooyinka waaweeyn ee Puntland Iyo Goboladooda ayaan wax dareen soo dhoweeyn laga muujin Guusha Cade iyo Faroole sida Gobolka ugu Wayen Puntlnd Bari Magaladiisa Ganacsiga ee Bossaso Commercial City marka laga reebo Tuulada Qardho ee uu ka soo jeedo Maxamud cade iyo Magalada yar ee Garoowe oo laga soo dhoweyey , Gobolada Mudug , Nugaal , Saanag  iyo  Soolna  aan haba yartee wax soo dhoweeyn ah laga muujin dadka dareenkooduna  aad ka dareemayso Niyad xumi iyo Mustaqbal Madoow oo fooda ku soo haya madama ay ogyihiin Cida Hortagan oo hoganka u qabtay. 

Gabagabdii iyo Gunaanadkii 

            Tani waa xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta isbedlka siyaasadeed ee ka biloowday Asbuucii aynu soo dhafnay Puntland  , iyada oo waqtigu noo samixi wayey inaan soo gudbino xogaha oo dhan balse aad ku arki doontaan qormooyinka danbe ee soo socada uuna noqon doono qoraalkani taxane  Isdaba joog ah ee Siyada Dhabta ah ee Puntland waxaan ka cudur daranayaa inaan Qoraalkan uu san xanbarsaneeyn Cadifad qabiil balse ay tahay Runta iyo Xaqiiqada Dhabta ah ee ka jirta siyaasada Cusub ee khayanada Ku dhisan ee ka bilabatay Puntland ana la ogeeyn halaka ay ku danbeeyn doonto !!!! 

Qaybta 2aad... guji  

W/Q Mohamoud Hayir Ibrahim (Caaqil)
 Caaqil_hayir@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 11, 2005

BOGGA MAQAALADA: http://www.somalitalk.com/maqaallo/

 
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD