Maah maah
Somaliyeed oo sadex u dhac ah
Dadka somalida ah ayaa lagu yaqan
inaysan Mah mahaha Somaliyeed aysan iska alifin iyaga oo waafajinaya
marinkeeda mahee , Dadka qaar ayaa yirahada (Somalidu Been way
sheegaan lakiin been ma mahmaahaan ) Xigmadaas yar markaan xasuusto
waxaa ii rumoowda In mahamahada somaliyeed ay Micne ku dhisan tahay
.
Hadaba Suuganta, Xigmada, Mahmahada,
ayaa Noocyo farabadan leh Sida : Mahamahyada Sedex U dhac, Labo U
dhac, Iyo tan cadiga ah ee Hal u dhac lagu yeero , xigmada
somaliyeed waa mid qani ah oo aan la soo koobi Karin amase laga
dhergi Karin waloow aan loo isticmalin sidii waayadii hore ama
dadkii hore ee somaliyeed ay u isticmali jireen.
Maqalkan oo qayb ka ah kii aan kaga
hadlayey sidii ay u dhacaday Dorashadii 8th
January 2005 ka dhacaday Xarunta Puntland Garowe, ayana
ahayd Xaqiiqadii iyo run ka sheegii Doorashadaas aniguna aan idiin
balan qaday inay Qormadani noqon doonto mid isku xiran ayaan mantay
ku soo qadanayaa Xigamadan ama Mahmahadan Soamliyeed ee Sadex U
dhacda ah :-
ABOOR BAA DUN-DUMO DHISAY WAA LA’YAAB
!!!!!!
HABEENKII BUU DHISAA WAA SHAAMA REER
!!!!!!!
CANDHUUFTIISU KU DHISANA WAA AMAN KAAG!!!!!!
Marka hore waxaan jeclaan lahaa inaan
ku horeyo micnaha ay xanbarsanatay xigmadatani , oo ah mid xoogaa
yara qalafsan in la fahamona u bahan sidaas owgeed waxaan ku
horaynayaa inaan kala qado micnaheeda .
ABOOR BAA DUN DUMO DHISAY WAA
LA YA’YAAB !!!! Waa runoo waa layaab oo
waa wax maskaxada ka wayn qofkii arka aboor oo ah Noole aad u yar
tabartiisuna tahay mid dicif ah , isma oranayo noolahan intan le’eg
ayaa dhisay dun dumadan , madama aad argtiba awoodiisa , dundumaduna
ay tahay wax wayn oo u bahan tacab iyo hoowl fara badan , arintaas
ayaa ka yabisa qofka isu eega inta ay kala le’eg yihiin Dundumo iyo
Aboor .
HABEENKII BUU DHISAA WAA SHAAMA REER !!!!
Ka daroo dibi dhal waxaa intasba ka sii daran marka
la yirhado (habeenkii buu dhisaa) oo markii hore waxyaba ahayd
la’yabe hada waa shama reer , oo su’ashu waxay tahay muxuu
aboorku malinkii u dhisi wayey dundumada ? Malinkii baa iftiim ah oo
uu howlo badan qabsan karaaye, maxaa baday dhibka iyo qaharka isaga
oo ah noole kan ugu tamar yar , iyaduna runtii waa shamareer iyo
waxan maskaxda binu adamku aysan qadan Karin .
CANDHUUFTIISU KU DHISANA WAA AMA KAAG !!!! Hadaba talo fara ka
baxaday marka la yiri aboorkaynu naqaanay ayaa candhuuftiisa wax ku
dhisa , oo akhirstoow muxuu aboorku biyo ugu dhisi wayey ? shaqadii
intii kaleba qabaye , dhibi iyo howli uma harine muxuu candhoofada
isaga dhamaynayaa muxuu biyaha ilahay meel kasta dhigay ugu dhisan
wayey DunDumadiisa !!!
Runtii waa wax maskaxda ka wayn oo
amankaag iyo yaab badan , qofkii arka aboor iyo dundumo inta ay kala
le’eg yihiin waxaan filayaa inuu mahmahadan sadex u dhacda ah uu
rumaysan lahaa la yabakeeda !!!
Horayba sidaan u soo xusay somalidu
waa dad ku sifiyey mahamahada ama xigmada marinkeeda ama dariiqada
ay xaqa u leedahay , hadaba aan u guda galo ujeeda maqalkan iyo
sifada aboorka iyo Mahmah somaliyeedka sadex u dhacda ah .
Sidaan qoralkii horeba ku xusay ama
dadku la wada socadaan 8th bishan aynu ku jiro ayaa waxaa
dhidibada loo taagay Xukun cusub iyo Hogaan cusub oo la soo doortay
siduu doono ha ku yimadee ( Xaq ama Xaqdaro, Xalaal ama Xaaraan )
ka hor hogankaas ayaa waxaa jiray maamul iyo kala danbeeyn uu madax
ka ahaa Mudanihii hore Maxamed Cadi Xaashi .
Dabayaqdii sandkii aynu soo dhafnay
ayaa koox is bahaystay si karti fal ah oo ay ku marin doonayeen
arimahooda u gaarka ah mar keliya ku sil sileen mamulkii kala
danbeyntii hanaankii ka jiray Goblada Puntland Somaliyeed iyaga oo
markaasi ka dhawajiyey waxan meesha oolayn oo ahayd ( LAKALA TAG AMA
TOOSANAY ) oo ahayd in tooda mahee aan mid kale jirin iyada oo aan
markaas loo aababe yeelayn ayaha umada , arimaha siyasada, daryeelka
dhaqalaha , afooyinkii abaraha IWM .
Waxaan la doorbidin in la eego sidooda
oo kale dantooda oo keliya balase la eego in ay meeshaas ku
burburyaan Bulshada rayadka ah iyo habsami jiritanka umda ku nool
geyigaas oo qarka u sarmaya Cadawad iyo Col , cayr Iyo maal waa ,
markii ay ka fiirsadeen ragii hayey hooganka uma fekerin ama ma
wajihin dhanka qaloocee danta dadka ayeey eegeen iyaga oo markaas ka
kaftoomay Taladii wadanka si cadna ugu dhawqeen inay diyaar u yihiin
doorsho cusub.
Ka hor ku dhawaaqidii hirgelinta
doorasho cusub oo ka hergasha puntland ayaa waxaa la kala diray
Golohii Wakiilada Puntland , iyada oo markasi cida kala dirtay ay
ahayeen Ismada Qarkood ee Gobolada ku bahoobay Puntland , iyaga oo
markaas u xaglinayey hankii iyo hadalkii ka soo yeeray xulifadii
isbahaysiga ahaa ee (Musharixiin) iskana indha tirayey dadntii dadka
iyo dalkba jiritaankii Puntland madax u geliyey God Modoow .
Hadaba mahmahda aan kor ku soo xusay
xagee ayeey u dhacaysaa ? runtii waa su’aal iswaydiin mudan , sedex
u dhaca mahmahadan waxay u dhacaysaa cidii puntland ku furtay
halaloowda godka madoowna madaxa u gelisay, Oo yeey yihiin waa
Iswaydiine ? cidi kama marna.
1.
Qaybta Hore ee
Mahmahdu waxay u dhacaysaa ( Isimada Qarkood ) oo ah ABOOR BAA DUN
DUBO DHISAY WAA LAYAAB!!! Sabtoo ah Isimo, Nabadoono , Cuuqaal ,
Malaaqyo, IWM ah waxaan u aqoon jiray kowo ka taliya ayaha umada ,
Nabada oo ah furaha Nolosha iyo Xasiloonida , lakiin kuma aanaan
ogeeyn isimo ku fura dadka ama dalka mariin qaldan tasoo ah inay
madasha keeneen ama ansixiyeen XILDHIBAANO ka fog cadalada intooda
badan tasi waxay keentay Aboor baa dun dubo dhisa waa la yaab.
2.
Qaybta labaad ee mah mahadu waxy u dhacasyaa Golaha
Wakiilada (Parliaments) oo ah HABEENKII BUU DHISAA WAA SHAMAREER ,
marka aan eegno micanaha eragaya Parliament ama (PM) oo ah
XILDHIBAAN runtii wuxuu xanbarsan yahay micne iyo qiimo wayn marka
loo eego dhinca Bulshada , kaba sii daranoo wuxuu sitaa sharkii
umada ama shacabka oo waa tan loogu yeeraa (GOLAHA SHACABKA / GOLAHA
WAKIILADA) sidaas owgeed qofka sita xilka ama magaca intaas le’eg
akharistoow ma ku haboon yahay qof habeenkii loo dhuuheeyo (loo
dhuunto) isaga oo markaas loo balan qaadayo, balamo qaadyo lana
sasabanayo qarkood woorkoodaba daa subxada cad ama Barqadii ayeey
calafkoodii qateen hadaba ma waysan murtidatani ku habooneeyn in
xildhibandu yihiin Laybakii mucjisada ahaa ee Dundumadii abooraku
dhisay .
3.
Qaybta sadexaad waxay soo gunaanadeeysaa halkii
reerka lagu faray oo waa xagee ? ha fogaanin ee dhinacaga ka Eeg !!!
taas micneheedu wuxuu yahay Waa anigii horay u soo xusay markaan ka
hadaleyey Aboorka oo lahaa Toloow aboorku maxaa biyaha u diiday oo
uu ugu dhisi wayey dundumadiisa ? meel kasta ilaahay biyuu dhigaye!!!
Dhinaca kale u gedi dulucdu waxay tahay Xilidhibanada maxaa dhibay
oo ay Habeen barka ug kufayaan oo u kacayaan , ilahay ma badine may
iftiinka cad oo xisabta la arki karo waxooda qataan ( Balanqadayda
, Jagooyinka IWM ) tani waxay u dhacaysaa qaybta ugu danbeysa ee
mahmada oo ah CANDHUUFTIISU KU DHISAA WAA AMA KAAG !!!
Hadaba su’sha
waxay tahay mamul soo maray sedexdas weji oo kala daran hadana kala
duwan (Three Different Stage) waa maxay wax laga faa’idi karaa ,
waxaa sii dabataal su’aashaan. Ma xaqbaa Ma cadaladbaa, Ma
dimuqradiyadii baa lagu bedeshay balaqad iyo guno waa layaabe
goormaan arkaynaa Daad (Biyo) Kor u socada !!! hadaan aragnay
Xildhibaan GorGortamaya , waa hagaage aynu sugno waqtigeeda……….
Laso Qormada
Xigta.
W/Q Mohamoud
Hayir Ibrahim (Caaqil)
Caaqil_hayir@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2005
BOGGA MAQAALADA:
http://www.somalitalk.com/maqaallo/