Geeddi: “Meelna Gaari
waa Geeddigaan Wadey”
C/Waaxid
C/hi Khaliif
Lonodn, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh.
Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Markii la yiri: Geeddi
garwadeen ha ka noqdo “dowladdii” Mbagathi lagu
dhishay buu Geeddi shir Hawiye u dhanyahay ka yiri
dhowr tuduc oo hees leedahay isagoo leh:
Laakiin Soomaalidu
waxay tiraahdaa ninka raggaa qowlkiisaa loo qabtaa.
Geeddi wuxuu warbaahinta uga jeediyey Soomaalida iyo
Beesha Caalamkaba inuu waddankii hooyo uguurayo
28-kii May ee ina dhaaftay. Fiicnaan lahaydaa hadduu
iska dhihi lahaa muddo aan fogeyn baan guuraynaa
isagoon waqti cayimin!
Geeddi inuu Muqdisho u
guuro loo diidye maxaa u diiday inuu Jowhar u guuro?
Magaalada Jowhar, “magacna raac; dowladna ma imaan”.
Muddulood badan oo bayaanno soo saaray oo leh
Muqdisho dowladdu ha tagtana la arag.
Maaddaama la arkay
waddamo ka dad iyo bed yar (inta dhulku ku fadhiyo)
gobolka Shabeelaha Dhexe; maxay wasiirradu u rabaan
inay labo magaalo kala degaan? Caqligu wuxuu
keenayaa in xafiisyada wasaaraduhu isku dhowyihiin
hadday suurtogal tahay khaasatan kuwa muhiimkaa,
iska daa inay kala fogyihiin ama kala magaalo
yihiine.
Markii hore, Baydhabo
iyo Jowhar waxaa laga dhigay sidii xarafka Ta’da ee
Carabiga ileyn labo dhibcood bay leedahee. Hadday
rabto ta’du waxay u taagnaan kartaa Tigree laakiin
dhibicdii Baydhabood baa go’day. Marka xarafkii
wuxuu isu bedelay nuun. Ma garanayo wuxuu nuunku u
taagnaan karo. Maaddaama aan awalba Jowhar loo dan
lahayn ayaa korneylku leeyahay haddii ta’da dhibicda
laga qaado, nuun bay isu bedeleysaa, mana ahan meel
aan rabnay laakiin dhibicda soo hartay hoos hala
dhigo si ay ba’ u noqoto. Dabadeedna hal gobol
halooga noqdo Bay dhinaca Itoobiya iyadoo la tagayo
Bakool. Waxaa dhici karta in qolyo faalka dhigaa
dhahaan: waxaa la hayaa meel sida Banaadir, gobolku
xarafka ba’ ka bilaabmo; magaala-madaxduna ka
bilaabato xarafka ugu horreeya ee mid ka mid ah
xarafka ugu horreeya ee mid ka mid ah magacyada
magaalada Muqdisho, Xamar. Waana Bakool oo
magaalo-madaxdu tahay Xuddur. Walibana xuduud la leh
dhulka Soomaaliyeed ee Xabashidu heysato.
Sidii loo lahaa Geeddi
baa Jowhar hayaan u soo ah baa la maqlay
“madaxweynihii” oo la shiraya beesha Sacad! Dhib ma
lahaateen haddii Sacadku madaxweynaha
dalbanlahaayeen laakiin waxaa la leeyahay isagaa u
yeertay. Maaddaama uusan qofna caadadiis deyn ayaa
madaxweynuhu iska jantay sheekooyinkii iyo
madadaaladiisii uu yaqaanay. Mar hadduu qurbe joogo;
cid uu xukumo oo ka amar qaadaneysana aysan jirin
buu goostay inuu kaftankii iyo qabiilkii uu yaqaanay
ka sheekeeyo.
Waxaa isu key qaban
la’, taageerayaasha korneylka oo leh inta Xabashi
soo wadano baan qolyaha Xamar dega (ooy ku jiraan
kuwa madaxweynuhu la shirayo) xasuuqeynaa iyo
casuumadda loo fidinayo beel ka mid ah beelahaas.
Saxaafadda ku-tiri-ku-teenta ku dheeraysaa waxay
leedahay waxaa wax wadi la’ Muddulood (Geeddi) marka
waxaa la rabaa in la sameeyo Walaalaha Mudug. Ogoow,
Walaalaha Galgaduudna horay u jireen. Saxaafaddaasi
waxba kama oran Walaalaha Galgaduud. Ma qeybi oo
xukun baa arrintaas loola danleeyahay mise waxaa la
rabaa in Muddulood meesha laga saaro?
Ku-tiri-ku-teentaas
waxaa xiiso u yeelay iyadoo la sheegayo khilaaf soo
kala dhexgalay korneylka iyo Geeddi inkastoo
af-hayeenka korneylku uu arrintaas beeniyey laakiin
weli af-hayeenkii Geeddi war lagama hayo. Waxaa la
sheegay inuu Geeddi ka baaqsaday kulan uu la lahaa
korneylka.
Wasiirkii warfaafinta
ee Sifir bedelay, inkastuusan xitaa “raadiyow reer
hebel” xukumin, wuxuu sheegay in xubnaha labada gole
la daadgureyn lahaa maalmihii ku xigay 28/05/05
laakiin iyada lafteedii ma dhicin.
Markii Geeddi ka
qeybgalay shir xannaanada Xoolaha oo ka dhacayey
Yurub iyadooy dhoweyd muddadii uu u qabtay inuu
Soomaaliya u guuro ayaan is iri: ninka, ma hogaankii
dowladdaa lagu qabsadoo wuxuu rabaa inuu boos ka soo
xirto shirkaas. Halka ra’iisul wasaaraha Britian
markuu ku guuleystay doorashadii seddexaad iyadoo
laga filayey inuu tago Ruushka si uu uga qeybgalo
xaflad ku saabsaneyd dhammaadkii dagaalkii labaad oo
weliba muhiimad weyn u lahayd Britain ayuu goostay
inuusan aadin oo uu gudogalay sidii uu dhisan lahaa
xukuumaddiisa.
Muxuu Geeddi ku oran
dadkii badnaa ee ehelkiis ahaa ee habeynka dhan uu
ku lahaa waxaan idiin soo wadaa dowlad? Maxay
Maxamed-dheere iyo isaguba intaas u saaranyihiin
xildhibaannada aan ka soo jeedin Muqdisho? Sida
Maxmauud Sifir, Shariif Xasan iyo Caasho Axmed
Cabdalla? Runtii waxaa u ceebasturay Cali Mahdi,
Caddaani iyo Bashiir Raage oo iyagu u dabaashay
dhinaca ay mowjaddu u socoto (Xabashi-diidka). Marka,
Muqdishana diiday; Jowharna laguu diidye waa inaad
Maxamed-dheere u celisaa xubinnimadiisii
baarlamaanka ood dhowr bilood ka xarrimtay.
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | June 5, 2005