-
In ka badan 100 Qof
oo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo Laga Cabsi Qabo in ay Ku Dhinteen
Badda Cas
-
Xus ballaaran oo loo sameeyay
halyeygii Elman Cali Axmed..
-
Heshiis 30 Qodob ka
kooban ayeey maanta isla Gareen Xubnaha Labada Gole ee Beelaha ka soo
Jeeda Muqdisho...
In ka badan 100 Qof oo
Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo Laga Cabsi Qabo in ay Ku Dhinteen Badda
Cas
Wararka ka imanaya Yemen
ayaa tibaaxay in ugu yaraan 100 qof oo isugu jira Soomaali iyo
Itoobiyaan ay ku dhinteen badda u dhexaysa Soomaaliya iyo Yemen, dadkaas
oo la sheegay in laga daabulay aagga Boosaaso.
Sida laga soo xigtey
hay'adda qaramada midoobey u qaabilsan qaxootiga ee loo yaqaan UNHCR oo
Yemen ku waraysatay dad aafadaas ka soo badbaaday ayaa sheegtay in dooni
ay saaraayeen 93 qof ay bada cas ku degtey bishan Maarso 3deedii kaddib
markii ay doontaas la soo deristey cillad farsamo, waa sida warku u
dhigaye.
Doontaas degtey waxay ay
kamid ahayd lix doonyood oo ka baxay Boosaso, waxaana la sheegay in
shantii doonyood ee kale ay gaareen xeebta Yemen tuulada lagu magcaabo
Bin Ali, halkaasna ay UNHCR waraysi kula yeelatay dadkaas.
Sidoo kale Maarso 7deedii
ayaa dooni kale ka baxday Boosaaso taas oo sidey 85 qof , markii ay
Yemen u dhoweyd ayaa dadkii khasab badda loogu daadiyey oo lagu khasbay
in sii dabaashaan, waxaana la sheegay in ay dhinteen 17 Soomaali ah iyo
hal Itoobiyaan ah oo doontaas laga daadiyey. 67 ayaa xeebta u soo
dabaashay oo kamid ah dadkii doontaas laga daadiyey. Waxaana la geeyey
meesha la yiraahdo Mayfa, waxaana dadkaas gacanta ku haya qaramada
midoobey UNHCR, sidaas ayaa waxaa Yemen ku gaarey 535 qof in ka yaray
toddobaad oo dhammaantood laga daabulay xeebaha Boosaaso. Waxayan ku
biireen 47,000 oo Soomli ah oo horay Yemen Qaxooti ugu ahaa.
Maamulka Cusub ee Puntland
arrintaas weli wax war ah kama soo saarin. Si aad wax badan uga ogaatid
sida Puntland dadka looga dhoofiyo akhri faalladii SomaliTalk ee
Febraayo:
Puntland
iyo ka Ganacsiga Tahriibaya.
ISha Warka:
Somalia News
Today...
Heshiis 30 Qodob ka
kooban ayeey maanta isla Gareen Xubnaha Labada Gole ee Beelaha ka soo
Jeeda Muqdisho...
Shir goor dhaweyd u
dhamaday Wasiirada iyo Xildhibaanada ku jira DFKMG ee ka soo jeeda
beelaha Hawiye ayaa lagu heshiiyey maamul u sameynta gobolada ay ka soo
jeedaan beelahasi ayagoo isla meel dhigay dhamaan qodobadii lagu mareen
lahaa maamulka ay sameyn rabaan waxeyna dhamayeen qodobada lagu
heshiiyey oo ah 30 qodob .
Kulankii maanta oo ay ka
soo qeyb galeen 46 xildhibaan oo kasoo geeda beesha hawiye ayaa waxaa
leysla ogoladay dhamaan qodobada 30 ah ayadoona lagu wado maalinta Bari
ah in lagu saxiixo meel fagaaro ah oo ay ka soo qeyb galayaan dhamaan
beesha calaamka iyo marti sharaf kale oo badan .
Heshiiska maanta oo ah mid
taariikhi u ah dadka ku nool degaanada ay ka soo jedaan beelahasi oo la
dagatay dagaalo iyo foowda ayaa la rajeynyaa in ay ka soo baxaan wax wax
ku ool u noqon doona dadka ku nool deeganada beelaha USC haba ugu
horeysee caasimada Soomaliya ee Muqdisho.
Kulanka maanta oo ay u
dhamayeen dhamaan hogaamiyasha Muqdisho oo ayagu ah kuwa u xuubsiibtay
wasiirada ayaa ahaa mid ka gadisan kuwii horey loogu yaqiinay ayagoona
la arkayey maanta wajiyadooda kuwa ka muuqatay farxad iyo damaashaad.
Dhinaca kale Dad badan
ayaa is waydiinaya sida ay meelmarka unoqon karto in ay ku midooban
Hogaamiyaashani Nabad ku wada noolaansho, dadku waxa ay sheegayaan in ay
fududahay in ay Hogaamiyaashani ku heshiiyaan in ay wax dumiyaan, iyagoo
Maanka ku haya ka hor Imaadkii ay ka horyimadeen Xukuumadihii Cali Mahdi
Maxamed iyo Dr Cabdi Qaasin Salaad Xassan, waxaa kaloo ay dadku maanka
ku hayaan Colaadihii Hogaamiyaashaan dhaxmaray.
Xubnaha Shirkan Joogay
waxa ka mid ahaa Wasirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax, Ku xigaha
Raysulwasaaraha Ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Eng Xuseen Maxamed Faarax
Caydid, Hoowlaha Guudiyo Guryeenta Cusmaan Xasan Cali Caato, Wasiirka
Ganacsiga Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxow, Awqaafta iyo Dinta Cumar
Maxamuud Cumar Finish, Xubno kalle oo iskugu Jira Wasiro iyo Wasiro ku
xigeeno iyo Xubno Baarlamaan.
Qodobabada heshiiskan ayaa
Iminka Qoraal lagu hayaa isagoo Gacanta ku Haya Dr Cali Baashi Cumar
Rooraaye.
Afayeenka Labada Gole ee
Beelahan Xidhibaan Cumar Xaashi Adan ayaa ii sheegay in uu saxafada Sin
Doono Dhawaan 30 Qodob.
Axmed Muusse
Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya_Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com
Xus ballaaran oo loo sameeyay
halyeygii Elman Cali Axmed..
Waxaa maalintii shalay
ahayd hotel Naasohablood lagu qabtay xaflad ballaaran oo lagu
xusayay Halyeygii Nabdda Eng. Elman Cali Axmed, waxaana ka qaybgalay
qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ugu horreyn halkaas ka
hadlay guddoomiyaha hay’adda nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee Elman
Eng. Suudaan Cali Axmed oo isagu si weyn ugu dheeraaday taariikhdii
halyeygaas, wuxuuna sheegay in Elman uu bulshada Soomaaliyeed wax
weyn u qabtay intii ay ku jireen xaaladda aadka u qallafsan ee
dagaallada sokeeye.

Waxaa kaloo halkaas ka
hadlay guddoomiyaha hay’adda INXA C/naasir Axmed Cismaan oo isna
sheegay in Elman ay weligeed bulshadu xusuusan doonto, isagoo
sheegay in raadkiisii uu weli qoyan yahay, waxaa kaloo ka hadlay
guddoomiyaha gobolka Banaadir C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi),
wuxuuna sheegay ina shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba xusuustooda
ka go’i doonin waxqabadkii Elman. Mar uu ka hadlayay
siyaasadda C/naasir wuxuu sheegay inay ka soo horjeedaan in ciidammo
shisheeye la keeno Soomaaliya.
Shaqsiyaad bulshada wax u
qabay ayaa iyagana halkaas lagu guddoonsiiyay shahaadooyin iyadoo
xafladdaan ay ku lammaansanayd sannadguuradii 15-aad ee ka soo
wareegtay aasaaskii Hay’adda Nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee Elman,
waxaana halkaas lagu soo bandhigay ruwaayad ka hadlaysa waxqabadkii
Elman.
Taariikh
nololeedkii iyo waxqabadkii ALLAHA u naxariistee Marxuum Elman Cali
Axmed

-
U ololeeyihii nabadda
-
U doodihii xaquuqda dadka dolman
-
Aabbihii masaakiinta
-
U ruuriyhioi agoonta
-
U kaalmeeyihii kuwa taagta daran
-
Saaxiibki dhamaan kuwa nabadda
jecel.
Allaha u naxariistee marxuum Elman
Cali Axmed wuxuu ku dhashay Magaalada Ceel Buur sanadku markuu
ahaa 1956-kii, wuxuuna dugsiga Quraanka ku bartay Magaallada
Muqdisho, isagoo waxbarashada Dugsiga Sare ku soo qaatay aqoon darsi.
Wuxuu baran jiray farsamada Korontada
isagoo ku soo bartay markii ugu horeysay W.X.K.U. ee ENEE
Muqdisho, isagoo markii dambe loo qaatay in uu Koronto yaqaan ka
noqdo Stadium Cons.
Elman wuxuu ku soo koray bahda
isboortiga, isagoo ka mid ahaa ilmaha soo qabta kubadda marka ay
dibadda u baxdo iyo in uu qoro dhibcaha Kubadda Kolayga ee Gaeroonka
Ex-Luujino.
Maxamuud Cali Axmed (Elman) wuxuu
jeclaa isboortiga isgaoo ciyaari jiray Kubadda Cagata, Koleyga,
Laliska iyo Biingaha markii dambena ka mid noqday ciyaartoyda loogu
jecel yahay.
Sanadkii 1976-kii ayuu dalka Jabuuti u
dhoofay isagoo sii raacay ciyaartoydii Reer Jabuuti ee kaddibna
Sucuudiga ka sii aaday, halkaasna muddo labo sano ah shirkad ugu
shaqeynayey Koronto yaqaanimo.
Allaha u naxariistee Marxuum Elman
Cali Axmed wuxuu ka soo shaqeeyey waddammo badan sida Saudi Arabia,
Kuwait, Liibaya, Urdun, Ciraaq, Turki, Malta, Talyaaniga, Romania,
France, Magaalada Nice iyo kuwo kale, 1983-kii Marxuumku wuxuu
guurkiisii ugu horreeyey ka dhacay dalka Talyaaniga gaar ahaan
magaalada Roma.
1984-kii ayuu Elman waxbarashadiisa ka
gaaray heer Injineernimo oo xagga korontada ah wuxuuna goostay in uu
iskiis u shaqeysto kuna soo noqdo dalkiisa hooyo, isagoo
dabayaaqadii 1984-kii ku soo laabatay dalka wuxuuna aasaasay
shirkaddii can baxday ee Elman Electronic Company 24hrs Service,
taas oo markii dambe laamo ku lahayd dhammaan degmooyinka magaallada
Muqdisho iyadoo shaqeyn jirtay 24-saacadood, shirkadda Elman oo
muddo yar kaddib magac iyo sumcad wanaagsan yeelatay ayadoo ahayd
qandaraaslay heshiis la gali jirtay iyo shacabka Soomaaliyeed ee u
baahnaa xafladaha dhalashada Arooska I.W.M. Waqtigaas ayuu bilaabay
Elman Cali Axmed in dhallinyaro badan shaqo u abuuro, iyagoo ka
faa’iideysanaya shirkadii Elman iyo in dhaqan celin ku sameeyo
dhalinyarada ku qaraabata Tooreeyadda, Bururka, Sakiimaha, iyo kuwa
Koollada caba isagoo bari jiray xirfado farsamo, oo ay ku
shaqeystaan si ay u noqdaan dad sharaf leh oo ka xishooda dhaqan
nololeedkii hore.
Shirkaddii Elman Electronic Company oo
ka qab gashay carwadii Caalamiga hayd ee Soomaalia sanadkii 1986-kii
ee Muqdsiho lagu qabtay ayaa dadku aad iyo aad u jeclaysteen
waxyaabihii ay soo bandhigatay sida gaari qaylinaya hadii tuug xadi
tago, shirkaddii Elman oo tiro iyo tayo ahaanba korortay ayaa
inteedii badnayd lagu bililiqeystay dagaalkii lagu qaaday Maxamed
Siyaad Barre 1991-kii. ALLAHA u naxariistee Marxuum
Elman Cali Axmed markii uu arkay dhibaatada ay dagaalladu geysteen
iyo dhibaatadii heysatay Maatida Soomaailyeed oo aan helin hay’ado u
soo gurmada, isla markaana aysan jirin dowlad dhexe oo arrintooda
maareysa ayuu Elman shacabka Soomaaliyeed ugu deeqay haraaggii
shirkaddiisii, isagoo aas-aasay Machadka Tababarka Farsamada (OTTI),
kaasoo la furay sanadkii 1991-kii, iyadoo dhallinyarada lagala
dagaallamayay arrimaa Qabyaaladda, gaar ahaan qalabka loo adeegsado
dagaallada. Elman waxa uu dhallinyarada ugu baaqi jirey (Qoriga
dhig qallinka qaado), waxaana uu bari jirey xirfadaha ay ka idka
yihiin: Makaanikada, Wadista Baabuurta, Dabka Guryaha, Alxanka,
Barashada Najaarnimada, Barashada Fuundinimada, Barashada Type-ka,
Gar-gaarka deg-degga ah, Isboortiga, Barashada Luqadaha iyo kuwo
kale.
ALLAHA u naxariistee
waxa uu Elman ummaddiisa ka kasbaday sharaf iyo sumcad dheeri ah,
waayo wuxuu nolosha ku soo kordhiyey falsafad cusub, taasoo ah shaqo
abuurista uu ku caawin jirey dhallaanka derbi jiifka ah ee aan
lahayn cid daryeesha oo uu u sameyn jirey Qalabka caseeyaha oo loogu
qori jirey “Shaqo haa, tuugsi maya!”, waxaa kale oo uu kaalmeyn
jirey Haweenka Garoobbada ah ee ay nimankoodu ku dhinteen dagaallada
sokeeye oo uu miiska u saari jirey badeecado ay noloshooda ku
maareyn jirey, Gaari Gacmeedyo uu siin jirey nimanka Qaxootiga ah
iyo kuwa soo bara kacay ee awoodda u leh in ay wax xamaalaan.
Elman maxaa loo dilay yaase
dilay!?
ALLAHA u naxariistee waddanigii,
Geesigii da’da yaraa Elman Cali Axmed waxaa loo dilay dadweynaha
Soomaaliyeed dartood, waayo wuxuu ahaa nin wax fahmay, kana
danqanayay dagaalkii sokeeye ee dhibaatada baaxadda weyn leh u
geystay Ummadda Soomaaliyeed, waana sababtii loo yiri “Aabihii
Nabadda”, “Saaxiibkii Ummadda” iyo “Ururiyihii Masaakiinta iyo Dan
yarta Soomaaliyeed”, waxaana dilay saddex nin oo calooshood u
shaqeysteyaal ahaa oo la soo kireystay, kuwaasoo mid ka mid ah
gacantiisu ay sababsatay dilkii Elman Cali Axmed 1996-kii, 9-kii
Maarso, habeen Axad ah 7:30-fiidnimo, waxaana Ummadda Soomaaliyeed
ay u aqoonsatay habeenkii Madoobaa.
amiin yuusuf khasaaro |
amiinkhasaaro@hotmail.com
| Muqdisho