SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Faalo kooban:   Muqdishu oo ku caan baxday soo dhoweyn aan shaqo la socon

Qormadan waxaan ku bilaabayaa hadalo aanka soo xigtey siyaasiyiin waaweyn ee ku nool magaalada muqsisho. Kuwaasoo ka hadlaaya sida siyaasiyiinta loogu soo dhoweeyo xamar.

” Geedi, sida adiga laguugu soo dhoweeyey xamar, si ka daran ayaa loogu soo dhoweyn doonaa halkan madaxweynaha dowlada ku meel gaarka ah mudane. C/lahi yuusuf” sidaa waxaa yiri siyaasiga caanka ah ee Cali mahadi maxamed”

” Md. Ra’iisal Wasaare u sheeg Madaxweyne C/llaahi Yuusuf sidan oo kale ayay dadka Muqdisho diyaar ugu yihiin in ay soo dhaweeyaan ee yaanan Qaranka nalooga xawilin meel kale”  Sidaasna waxaa yiri: Ku simaha gudoomiyaha gobolka banaadir Md. Cabdullahi xassan geney Firinbi.

“ku soo dhawaada magaalada Xamar iyo dadkeeda oo dowladnimo u hamuun qaba, wixii kale oo farsamo ah oo aad nagu biirineyso Md. Ra’iisal Wasaare waan kaa rabnaa” Taasna waxaa yiri Xildhibaan Cumar Xaashi.

Tana waxaa yiri madaxweynihii dowladii carta Md. C/qasim salad xassan:


MAXAY INA YEESHAY CARTA?
 Xariiri 2003


"Md. C/llaahi Yuusuf tan iyo markii uu soo garaadsaday wuxuu ku noolaa halkan oo uu guryo ku leeyahay, Prof. Geedina waxaan xusuustaa in uu Jaamacaddii Umadda uu duruus ka bixiyay aniga oo madax ka ah Wasaaradda Tacliinta sare"

Oraahyada aan ku soo sheegnay ee ay ka dhawaajiyeen madaxda magaalada Muqdishu waa kuwo run ahaantii aad iyo aad u wanaagsan. Waxaa iyana xusid mudan sida ay isugu soo baxeen dadwenaha ku dhaqan magaalada muqdisho, oo badankood u hamuun qaba in la helo dowlad loo dhan yahay. Balse waxaa iyana lagama maarmaan ah in la falanqeeyo meesha ay wax ka qaldan yihiin iyo waxii la bedeli karo.

Soo dhoweynta madaxda dowladu waa wax wanagsan, muujineysana in dadweynuhu uu rabo dowlad. Balse aan dib u eegno waxyaalihii horey u dhacay, kuwaasoo ay haboon tahay in cashar lagu qaato. Waxaa la wada xasuustaa soo dhoweyntii xamaasadu ku dheehnayd ee uu la kulmay madaxweynihii carta c/qasim salaad xasan kolkii uu xamar soo caga dhigtay. Aan isweydiinee maxaa ka dameeyey? C/qasim iyo dowladiisii waxaa ay ku oodmeen in ka yar hal xaafad. Aawey dadkii tirada badnaa ee soo dhoweeyey? Miyey taageeradii kala noqdeen?
Waxaan kaloo xasuusanaa soo dhoweyntii uu la kulmay kolkii Cali mahdi loo doortay madaxtinimada? Maxaa ku xigey?


Hotel Curuba | Waagii Xamar Caasimaad Ahayd
XAMAR DAAWO DACALADA... SAWIRO....

MUQDISHO CAASIMAD MA U QALANTAA | fahad 2003

Waxaan kaloo ognahay sidii loo soo dhoweeyey gudoomiyaha baarlamaanka Md. Shariif hasan. Waxaan kaloo ognahay sidii loo soo dhoweeyey hogaamiyaasha xamar kolkii ay Nairobi ka yimaadeen?

Hadaba suàasha isweydiinta mudani waxaa yeelaan: Dowladu hadii ay xamar ka degto ma waxaa keliya oo ay u baahan tahay, soo dhoweyn idaacadaha laga sheego mise taageero qoto dheer oo lala garab istaago?  Maanta oo aan kusoo dhoweeyo berina aan isbaaro kuu dhigo, ma aha dhaqan wanaagsan. Hadaba waxaa haboon in dadweynaha iyo siyaasiinta xamar ay soodhoweynta ku daraan taageero ficil ah. Taas oo aan ula jeedo in niyada wanaagsan ee soo dhoweynta loo rogo ficil wacan oo wax qabad. Hadii kale waxaa laga yaabaa in caasimada ay weydo kaalinteedii ay ku lahayd siyaasada soomaliya. Oo ay soo baxdo magaalo kale oo isku darsata soo dhoweyn iyo wax qabad ficil ahaaneed.

   Mahadsanidin

C/risaq maxamed Xuseen- Sweden
habdirisak@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2005

XAMAR DAAWO DACALADA... SAWIRO....

 AKHRI BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA.. Guji


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD