Sidee loo soo celin kara sharaftii baasaboorka
Soomaaliyeed?
Dhowaan
ayaan ka akhriyey Hiraan website in dowlada soomaaliyeed ey ku
mashquulsantahy sidii loo bedeli laha basaaboorki cagaarnaa heshiisna ey la
gashey shirkad caalimi ah oo daabacda baasaboorada, ayena badeli doonta
muddo sanad gudihiis. Waa arrin loo baahan yahey in ey dawladu ku dhaqaaqdo
una qabato si degdeg ah laakin waxa ka muhiimsan habkii loo qaban laha iyo
sida ugu haboon oo loo hir gelin laha arintan culus marka laga eego xaga
maamulka, hirgelinta, doorashada baasaborka, qalabka iyo farsamada lagu
adeegi laha, nabadsugida soosaarka baasaboorka, habkii loo bixin laha,
xarumaha laga bixin lahaa iyo baahinta iyo aqoonsi u raadinta baasaboorka
cusub.
Hadaba
waxyaalaha aan soo sheegey aan dadka soomaaliyeed iyo dawladaba uga muujiyo
meelo laga yaabo in ey ka daahsoonyihiin. Waayo waxaa iga muuqatey habka
lagu soo baahiyey internetka in uu khatar ku yahy baasaboorka cusub
qiimihissa iyo nabad gelyadiisa kadibna ey saameyneyso qofka soomaaliyeed oo
xambaarsan.
1-
Baasaboorkasta oo aduunka laga bixiyo wxuu ku sal leeyahy Dawlad la
ictrifaasanyahy. Dawladaana, waxa looga baahanyahy in ey aduunka u soo
bandhigto basaaboorkeeda iyadoo soo marineesa heyadeheeda dublumaasiga ah
sida safaaradaha iyo qunsuliyadaha ama wixi metela.Bandhigaas oo watta
tusaale asli ah (original sample) oo muujinaya midabka
baasaboorka, xashaadaha, tafashiisa qofka sita, sawirka noociisa, mudada u
soconaya, nooca qoraalka iwm. Kadibna dawladii u soo gaarey aya ku
baahineesa dhamaan ilaha soogelitaanka iyo bixida dalkeeda sida xafiisyada
amagreeshanka iyo kastamada si aan loo carqladeyn qofkii sita basaaborka
nocaas ah. Dawladaasi markaasey war gelineysa dawladii baasaborka laheyd in
ey sugeen hawshii aqoonsiga basaboorka cusub loga baahna sida brotokoolka
dublumaasigu sugaayo.Taaso mararka qarkood qaadata muddo 6-9 bilood. Hadii
aan arinta loo hergelin sida ku habboon inta aan dadweenaha soomaaliyeed loo
soo bandhigin basaboorka cusub waxa laga yaaba in aad ku aragtaan soomali
badan oo sidata basaboorka cusub oo loo diidan yahey in ey aduunka xuriyad
ku maraan sida dadka kale . Waana tii ku dhacdey baasaboorkii Somaliland.
2-
Baasaboorkasta wuxu halis u yahey in la foojariyo (falsification).Sidaa
darteed ayaa dawlad walba ku dedaasha in uu paasaborkeedu noqodo mid ey
adkaato sidii loo foojarin lahaa. Waana tan iminka ku kaliftey dawlada
mareykanka in ey 26 dawladood oo mareykanka ku gala fiisa la’aan in ey
dadkoodu ku soo galan (Biometric passport) laga bilaabo Oct
,2005 .
Foorjarinta
passaporkuna waa laba nooc sida ey u badantahy, midi waa iyadoo lasoo
daabici karo mid la midah kan dawlada, midna waa in ey sahal tahey in wax
laga bedelo baasabor shraciyah sida sawirka laga fujiyo ama macluumadka
kale. Labada sidii looga hortegi lahaa ayaa looga bahanyahey dawlada
soomaliyeed in ey dedaal xoogan saarto.
Tan hore waa
in shirkada laga soo daabacayo baasaaborka ey noqoto mid leh (good
profile) taarikh kalsooni leh, oo aany noqon mid Maafiya ah oo marba
qofkii doona u daabacda.
Tan labad
waa in uu bassaboorka noqdaaa mid kamputer daabaco sawirka iyo macluumadka
kale(Printed & laminated) ee aan gacan bani aadan soo dhex
gelin.
Tan sadexaad
waa in la isku xiro goobaha laga bixinaayo baasaboorka iyo ilaha socdaalka
ee dalka iyo safaaradaha si loo kala ogaado kan sharciga ah iyo kan
kale.Hadii aan taas la fulin mashruuca baasaboorka cusub wuxu u muuqdaa mid
kala dhantaalan.
Tan afraad
waa in shaqaalaha arintu khuseyso aad loo tababara laguna dhiiri geliyaa
maamul anshaxan, aqoon isweydaarsi iyo abaalgud .
3-
Computer
Technology
ama cilmiga kamputarka ayaa qeyb libaax ka ciyaaraya sidii loo heli laha
baasaboor soomaaliyeed oo qurux iyo heybad iyo sharaf leh, amaankiisuna
suganyahey. Taasina waxey u baahan tahy aqoon, farsamo, tababar, wakhti, iyo
miisaaniyad.Hadii intaa qaar laga tago ma filaayo in la gaari karo meesha
eynu la rabno baasaboorka cusub mana dhaafeyno hogtii kii hore ku dhacey.
Shirkadaha
daabaca baasaboorka waxa ey gadayaan qolofkii baasaboorka, xashiyihii iyo
makiinadii qofka sawirysey iyo daabacdii soo sari laheyd basaboorka iyo
tababar yar.Laakin iskuma xiri karaan goobaha laga bixinaayo baasaboorka
mana sugi karaan amaankiisa. Taasina waxey keeneysa in la baadi doono cid
kale oo qabata hawsha isku xidhka si mashruuci uu u noqdo mid midha leh
iyana wakhti iyo daraasad ayey u baahantahy si loo sameyo (Network/Application/Database)
sistamkii lagu shaqynlaha iyo tababar la siiyo shaqaalaha dawlada waxaana
laga yaaba in uu ku qaato mudo 10-14 bilood.
Ugu
danbeyn.Nimankan arintan loo xil saarey iyo dawladaba waxaan leeyahey arinta
ha ku eegina indha baayac mushtar iyo baasaboor baanu bedelney oo keliya ee
ka eega dhinacyada kale oo ka muhiimsan oo aan qaar kor ku soo sheegey si
loo soo celiyo sharaftii baasaboorka soomaaliyeed aduunkuna inagu
xurmeeyo.Taaso idinkana sharaf iyo magac idin noqon hadii aad arinta sidii
loorabey u qabataan, qofka soomaliyeedna uu kalsooni iyo xuriyad aduunka ugu
mari doona mar labaad.
Wa billahi
tacaala altowfiiq.............
C.M.Cabdalle
Dubai.UAE
a_abdulla@thuraya.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2005
XAMAR
DAAWO DACALADA... SAWIRO....
AKHRI BOGGA MAQAALADA
DADWEYNAHA.. Guji
BOOSAASO
& LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka
Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen
Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland
Qaar ka mida...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|