SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


 

Jawaab: Ogadenia Vs Hargeysa

 

Maqaalka uu soo qoray ninka la yidhaaho Hereri oo tilmaamamy in Hargeysa iyo Burco macaluuli ka taagan tahay taasoo uu ku sababeeyey xidhiidhkii ay la lahaayeen Ogadeenia oo joogsaday ayaa ah mid runtii aad iiga qosliyay mararka qaarkoodna iga yaabiyay. Aan ku horreysiiyee waxaan aad ula yaabay cida ninkaan ku tidhi macaluul ayaa Hargeysa iyo Burco ka jirta. Muddo dhowr bilood laga joogo ayaa iigu dambeysa labada magaalaba, horumarka ka socdaaana wuxuu ahaa mid aanan aniga weliga horuu arag. Xaafado (suburbs) iska dhan oo ay dhan yihiin gebi ahaan adeegii nolosha casriga looga baahnaa sida biyaha, kahrabada, iskuulada iyo rugaha caafimdaad ayaa sannad kasta qaarna la dhameystiraa kuwo kalena la dhagax dhigaa. Dhismayaasha ka socda daafaha magaalooyinka iyo ganacsiga noocyada badan ee jid kasta aad ku arakaysa ayaa ah kuwo aan hore u soo marin. Waxa intaa dheer iyada oo iskuullada iyo cisbitaalada gaarka loo leeyahay oo aan hore u jiri jirine ay meel kasta ku yaallaan taasoo ka marag kacaysa in dakhliga dadka caadiga ahi aad kor ugu kacay. Waxa labada magaalaba u soo shaqo tegay dad badan oo ka kala yimi geeska Afrika oo dhan kuwaasoo daryeel fiican u dira qoysaskii ay ka yimaadeen. Dhinaca waxbarashada, waxa labda magaalo iyo weliba Boorameba laga hirgeliyay jaamacado heerkoodu la siman yahay kuwa caalamka ka jira, iyaga tirada dugsiyada hoose, dhexe iyio sareba hadalkooda iska daa. Taasi waa xaqiiqada jirta ee maanta taagan.

Waxa aan ugu qoslay garaadka ninkan Hereri oo u haysta in nolosha iyo ganacsiga magaalooyinka waqooyigu ku xidhnaayeen Ogaadeenka. Anigu shakhsiyan waxaan ka soo jeedaa qoys degen Burco oo lahaa ilaa haddana leh ganacsiga nooca jumladala (wholesale) loo yaqaan. Markii aan akhriyay maqaalka Hereri ayaan la xidhiidhay aabbahay oo hadda da’ jooga si aan u ogaado bal inay jiri jirtay in ganacsigiisu ku xidhnaa reerka Herei sheegay. Odaygu wuxuu ii sheegay inuu muddo siddeed iyo afartan sannadood ah ganacsi Burco ka waday mar keli ahna aan qof beeshaas ka soo jeeda ganacsi dhexmarin wuxuuse intaas iigu daray in ganacsiga Ogaadeenku u badnaa dhinaca Hargeysa. Si aan taas uga gun gaadho ayaan la xidhiidhay niman reer Hargeysa ah oo qoysaskoodu gancasato ahaayeen haddana deggen waqooyiga Ameerika. Nimankaasi waxay ii xaqiijiyeen inay jireen safarro ka iman jiray Dhagaxbuur iyo nawaaxigeeda kuwaasi oo xoolo adhi u badan keeni jiray ka dibna badeecad ku bedelan jiray. Waxay intaas iigu dareen in ganacsigaasi ahaa mid aan baaxidiisu badnayn laakiin jiray.

Mr. Hereri waa safarradaa kuwa uu sheegayaa ee uu u haysto in nolosha iyo ganacsiga Burco iyo Hargeysa ku xidhnaayeen. Mudane Hereri wuxuu u eeg yahay nin aan weli cidi u sheegin in wixii ay safradaasi keeni jireen oo ahaa adhiga muddo hadda toban sano laga joogo uu Sucuudiga oo suuqa ugu weyn ee loo iib geeyo ahaa mamnuucay. Waxaanu ninkaas odayga ahi weli garan in haddiiba uu xataa maanta adhi Hargeysa keeni lahaa aan cidiba ka iibsateen, illeyn meel la geeyaaba ma jirtee.

Arrinta kale ee uu aadka ugu nuuxnuuxsaday ayaa ah in is dhexgalka dadka sidaa lagu soo af jaray taasoo aad moodo inuu ku faanayo. Mid iyada ogow oo dadka ehelka ahi sinaba uma kal maqnaan karaan dhinacay doonaanba ha joogeene isu soo hilowgoofduna maaha mid siyaasad iyo wax la mid ahi toona joojin karto.

Ta adiga ku dhibaysa ee ah xidhiidhka Ethiopia ay Somaliland la leedahay maaha mid sina lagaala tashanayo. Waxaad ku eedaysay maamulka Somaliland inuu weji ka doonayo Ethiopia, waxaanad taas hadda wax weyn ugu dhiganba waxa Somalia u dhalatay dawlad doonaysa inay Ethiopia dalka qabsato, taa iyada bal wax ka soo dheh. Aniga shakhsiyan maalintay iigu cadhada badnayd waxay ahayd markii aan ogaaday doorashadii Ethiopia ka dhacday laga reebay Somalida Ethiopia. Waxaan dareemay dulmiga jira. Waxase igaga sii cadho badnayd markii la ii sheegay in qabiil keli ahi uu goostay inuu dalka xoreeyo isgaoo magacii dalkana u bixiyay magaca qabiilkiisa jabhadii dagaalamaysayna uu magac qabiil huwiyay. Waxase yaab yaabkiisa ah in ninka waxan oo dhan samaynayaa uu mar ahaa taliyihii ciidankii badda ee Somalia.

Suaalo badan ayaa meesha ka soo baxaya. Sidee ayay marka horeba ku dhacday in nin aan muwaadin ahayni uu noqdo taliyaha mid ka mid aha qaybaha muhiimka ah ee ciidankii dalka Somalia. Waxa la ii sheegay in generals ugu badan ee ciidankii qaranka ee Somalia ay ka soo jeedeen dalka Ethiopia. Maxaynu markaa ula yaabsanahay in ciidankeenii qaranku uu dalkii ay ahayd inuu difaaco uu burburiyo aakhirkiina uu ciiddanka laftiisii baaba’o. Waxa waddan Yurub ku yaala jooga nin reer Sidaamo ah oo ciddankii Somalia ka gaadhay darajada Dhame (Captain). Ninkaas anigu waan la kulmay si fiican baanu afka Somaliga u yaaqaanaa, markii aan weydiiyay siday ku dhacday inuu ciidankii Somaliya galo oo weliba derejadaa kaa gaadho wuxuu iigu jawaabay "wax waalanaa iska ahaydeyn". Waxay u eegatahay in weli khaladkii lagu socdo.

Ugu dambayn waxaan xasuusinayaa Hereri in dadka ka tirsan ONLF ee Hargeysa ku xidhan oo ujeedada loo xidhay ay tahay iyaga oo isku dayay inay qarxiyaan diyaarad ay leedahay Ethiopian Airlines oo Hargesya duulimaad ka bilaabtay berigaa ay si walba argagixiso ugu sifoobaan. Haddii dooddaadu ku salaysan tahay aan diyaarada qarxiyee ii daaya, haddaad indhaha iyo dhegahaba qiiq ka sii deynayso taas kaa yeeli maayo, waad og tahay dadka diyaarada Hargeysa ka kacaysa ama soo fadhiisanaysaa sido cida ay yihiin. Haddaad doonayso inaad diyaarad Ethiopia leedahay qarxiso adduunyada oo dhanbay martaaye meel kale ka eego.


Axmed Ismaciil
waarrya1955@hotmail.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

 

»OGADENYA Vs HARGAYSA IYO HADALKI  DIRIDHABA | Hereri

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2005

 

»Madaxweyne Hadalkaaga Qurxi Hadafkaagana Bedel!! |Abtidoon
»
Shirkii Soomaalida ee Kenya 2+2=8|A. D. Elmi
»GABADHAYDIIYEEY 2aad !!!!!!!!! |
C/qaadir C. Diini
»Isbaaradu waa canshuur shacabka lagu leeyahay|Xasan Kashka

»Naxariista iyo Dabeecad Wanaagu Ma Hooyada Uun Baa|Zahra Abdi
»KADUUDSHE|Abdifitahaam
»MAREYKANKA MAXAA U QARSOON?|Abdifitahaam
»Qaran diid shariif iyo muwadin Yusuf yaa guulaysan doona?|Saajinka
»Gabay: Gabay::Xog-ogaalka waayaha|Doodi
»Gabay: Maanso:: allow|Maxamad bashiir jaamac
»GABAY:: Manqo Koriye | Afjano
»BARLMAANKA QAXOOTIGA AH  IYO ASTAAMIHIISA | Dr. Abdi
Dhammaan ka Akhri Bogga Maqaallada & Faallooyinka.. Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD