Naxariista iyo Dabeecad Wanaagu Ma Hooyada Uun Baa Laga
Dhaxlaa?
Zahra Abdi Hersi.
Holand
umubakar@hotmail.com
Hooyo waa insaan cajiib badan,waa qof nagu reebta raad aan
tirmayn,waa qof nolosheenii hore ku xirnayd markii aanu
yarayn,waa qof awood u yeelatay in ay naga dhigto qof fiican,
waxyaalahaas oo dhan waa wax Ilaahay Subxaanahu watacalaa ka
dambeeya in ay hooyadu awooddda sidaas u faraha badan ku
yeelato jiritaankeena.
Mas’uulkaas uu hooyada saaray Eebbe ma ahan mid
sahlan,waxaana hooyada qasab ku ah in ay ka soo baxdo xilkaa
adag oo Allah saaray ileen bulshadii adduunka oo dhan ayaa
loo dhiibaye,haddii ay ka soo bixi waysana waxay noqotay mid
qasaartay carruurtii ay dhashayna qasaarisay,laakiin waxaa
ah mid la xuso sidee ayay hooyadu u gudan kartaa xilkeeda
haddii aysan garab ka helin ninkeeda ama carruurta
aabbahood,dadka ku dul wareegsan ee ehelka ah iyo dhammaanba
bulshada oo dhan? Dadka waxay jecel yihiin in ay wax kasta
ogaadaan oo ay ka sal gaaraan,khubaro ku xeel dheer arrimaha
nafsadda iyo midda bulshada ayaa maalinba maalinta ka
dambaysa waxay inoo soo gudbinayaan waxyaalo cusub oo aan
hore loo ogayn,muddo hadeer laga joogo ilaa dhawr iyo toban
sano ayaa waxaa soo shaac baxday in hooyada inta ay
quruxdeedu la’egtahay uu ilmahdeedu caqligiisu
la’egyahay,yacni haddii ay hooydu qurux badan tahay waxa ay
dhalaysaa ilmo maskax badan,hayeeshee dad badan ayaa taasi
ka soo horbaxay,waxayna sheegeen in aysan isku xirnayn
caqliga ilmaha iyo quruxda hooyada ee ay arrintu tahay in
labada waalidba laga dhaxlo caliga,hadba sida ay hooyadu u
korsato ilmaheeda uu caqligii uu ku dhashay sii
kordhaya,waxayna aad isugu raaceen xeeldheerayaashu in
gacanta hooyada uu ku jiro caqliga iyo horumarinta ilmaheeda.
Dhaxalka qaarkiis hooyada keliya ayaa laga dhaxlaa!
Maahmaah Soomaali ah ayaa sheegaysa:Geed Walba
Dheecaankiisa ayuu Dhalaa” taas o ay ula jeedaan qof kasta
sida uu yahay ayay ilmahiisu noqdaan,marka waxaan filayaa in
aysan ahayn wax cusub in dadka kala dhaxlaan waxyaalaha
qaarkiisa,haseyeeshee waxaa soo ifbaxday in dhaxalka
qaarkiisa hooyada uun laga dhaxlo
sida:Naxariista,Akhlaaqda,Dabeecad wanaagga, iyo hab
wanaagga dadka loola dhaqmo,waxaase taas ka sii daran in
hooyadu xiliyo kooban uu sameeyo korkeeda ama jirkeedu
waxyaalahaas aan hor ku soo sheegnay,sida marka hooyadu
foolanayso iyo marka hooyadu siinayso ilmaheeda naaska,waa
arrin mucjiso ula muuqatay aqoonyahaniinta iyo annagaba.
Hooyada ayay yiraahdeen culumadaas marka ay foolanayso
ayaa korkeeda sameeyaa hormoono ama maadooyin ka samaysan
naxariis,jacayl,dabeecad wanaag iyo dhammaan waxyaalaha
wanaagga ah ee dadka qiimo u yeela,ka dib marka uu dhasho
ilmahu ayay hooyadu haddana marlabaad samaysaa
maadooyinkaas oo kale,waana marka ay ilmaheeda siinayso
naaska,hasayeeshee waxay kaloo inoo xaqiijiyeen khubaradu in
hooyooyinka qaarkiis uu ku badan yahay maadooyinkaas
wanaagsan,qaarne uu ku yar yahay,laakiin ayay inoo raaciyeen
in haddii hooyo kasta ay u dheerayso siinta naaska ilmaheeda
uu xiriirkoodu noqonayo mid caafimaad qaba oo aad u
fiican,gaar ahaan ayay yiraahdeen hooyada ayaa hantinaysa
ilmahaas yacni aad ayuu ugu kaalmaynaya ilaa inta ay
nooshahay,inkastoo faa’iidada uu ku qabo ilmuhu nuujinta
naaska aysan yarayn,haddane kan hooyadaa ka sii faa’iido
badan.
Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa markii uu ku yiri
hooyooyinka aayad quraan ah siiya carruurtiina labo sano
naaska wuu ogyahay sababta uu sidaas u yiri,nasiib xumo ayay
yiraahdeen khubaradu maadooyinka ka samaysan murugta,shakiga
tan yaraanta ama u jilicsanaanta dhibaatada iyo qaar ka mid
ah cudurrada ayaa hooyadu samaysa xilliga ay uurka
leedahay,haddii marka ay hooyadu uurka leedahay weyso
xanaano jirka iyo ruuxiga ama la kulanto dhibaato ay qaadi
weyso ayay sii gudbisaa ilmahii yaraa ee ay caloosha ku
siday,ilmahaas yar oo boqolkiiba boqol ay noloshiisu ku
xiran tahay hooyadiisa malaha difaac uu iskaga difaaco
hormoonadaas ama maadooyinkaas ka samaysan waxa xun ee
hooydiisu ku sii daynayso.
002.233
YUSUFALI: The mothers shall give such to
their offspring for two whole years, if the father desires
to complete the term. But he shall bear the cost of their
food and clothing on equitable terms. No soul shall have a
burden laid on it greater than it can bear. No mother shall
be Treated unfairly on account of her child. Nor father on
account of his child, an heir shall be chargeable in the
same way. If they both decide on weaning, by mutual consent,
and after due consultation, there is no blame on them. If ye
decide on a foster-mother for your offspring, there is no
blame on you, provided ye pay (the mother) what ye offered,
on equitable terms. But fear Allah and know that Allah sees
well what ye do.
PICKTHAL: Mothers shall suckle their
children for two whole years; (that is) for those who wish
to complete the suckling. The duty of feeding and clothing
nursing mothers in a seemly manner is upon the father of the
child. No-one should be charged beyond his capacity. A
mother should not be made to suffer because of her child,
nor should he to whom the child is born (be made to suffer)
because of his child. And on the (father's) heir is
incumbent the like of that (which was incumbent on the
father). If they desire to wean the child by mutual consent
and (after) consultation, it is no sin for them; and if ye
wish to give your children out to nurse, it is no sin for
you, provide that ye pay what is due from you in kindness.
Observe your duty to Allah, and know that Allah is Seer of
what ye do.
SHAKIR: And the mothers should suckle their
children for two whole years for him who desires to make
complete the time of suckling; and their maintenance and
their clothing must be-- borne by the father according to
usage; no soul shall have imposed upon it a duty but to the
extent of its capacity; neither shall a mother be made to
suffer harm on account of her child, nor a father on account
of his child, and a similar duty (devolves) on the
(father's) heir, but if both desire weaning by mutual
consent and counsel, there is no blame on them, and if you
wish to engage a wet-nurse for your children, there is no
blame on you so long as you pay what you promised for
according to usage; and be careful of (your duty to) Allah
and know that Allah sees what you do
Zahra Abdi Hersi.
Holland
umubakar@hotmail.com