SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  UK
Madaxwaynaha Soomaaliya oo Markii 3aad Baaritaan lagu samaynayo Maanta Cisbitaalka Cromwell ee ku yaala Koonfur-Galbeed London.
 
Ridwaan Xaaji C/wali--London.
18/5/2005
 
 
Dhakhaatiirta Cisbitaalka Cromwell ee ku yaala koonfur galbeed Magaalada London ayaa baaritaankii 3aad waxaa ay maanta ku wadaan Madaxwaynaha Dawladda Kumeel gaarka Soomaaliya Cabdulaahi Yusuf Axmed oo Isniintii soo gaaray London.
 
Somali President Abdullahi Yusuf AhmedCabdulaahi Yusuf oo labo todobaad arimo caafimaad u joogi doona London waxaa shalay uu laba jeer dib ugu noqday Cisbitaalkaasi sida ay ii xaqiijiyeen Mas'uuliyiin cisbitaalkaasi ku sugan inkasta oo mar aan isku dayay in aan la xiriiro dhakhaatiirka cisbitaalkaasi ay ka gaabsadeen.
 
Cisbitaalkan oo Madaxwaynaha lagu qalay 1996kii waxaa dhowr jeer uu u yimid dalkan Britain baaritaano lagu samaynayay xaaladiisa guud ee caafimaadka, hase yeeshee Madaxwaynuhu in muda ah ma 'uusan marin wax baaritaan ah kadib markii uu aad ugu mashquulay ololihii doorasho ee Madaxwaynanimada Soomaaliya.
 
Madaxwaynaha waxaa ka muuqda daal iyo tabar daro laga dareemayo jirkiisa , waxaana taasi u dheer khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Mas'uuliyiinta Dawladda Soomaaliyeed oo cirka isku shareeray iyo waayeelnimada haysa Madaxwaynaha.
 
Dhinaca kale warar lagu kalsoonyahay ayaa ii sheegay in Madaxwaynuhu uusan qaban doonin shir guud oo uu kula hadlayo soomaalida dalkan Britain arimo caafimaad awgeed hase yeeshee waxaa la filayaa in kulamo gooni gooni ah uu la yeesho Madaxwaynuhu kooxaha dhaq-dhaqaaqa ee Soomaalida Britain oo ay iska waraysan doonaan arimaha Soomaaliya.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali

London, UK.

ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2005

Caasimadaha Addis-ababa iyo Muqdisho oo diiday Xukunka Zenaawe


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13

BFKMG oo ansaxiyay in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD