SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
  • Waraysi Garaadka Beesha Gabooyaha oo Jooga Sweden
  • Baaq uu soo saarey Gudoomiyaha Beesha Gabooye ee Yurub & W/Ameerika

Nin u Dhashay Beesha Gabooyaha oo Hargeysa Lagu Diley, Dadkii Arintaas Ka Mudaharaadayna Xabsi Loo Taxaabay...

Waraysiga Halkan ka dhegeyso

Hadaba arintaas mudaharaadka iyo dilka ka dhacay Haregysa waxaan waraysi kala yeelanay Garaad Axmed Diiriye Geylan, garaadka Beesha gabooyaha, asagoo jooga dalka Sweden.

Garaad Axmed Diiriye waxa uu shaaca ka qaaday in ninka la diley ee ka tirsan beesha Gabooyaha magaciisa la oran jirey Khadar, ninkaas oo Haregsya dhowaan kusoo laabtay asagoo kasoo laabtay Kuwait, waxana uu garaadku caddeeyey in ilaa hadda la diley ilaa lix qof oo ka tirsan beesha.. Waxa kale oo Garaad Axmed uu sheegay in dad aad u tiro badan loo taxaabay xabsiyada Haregysa.

Arinta dadka lagu xirxiray Hargeysa waxaa ka hadashay hay'adda xuquuqda aadamaha u dooda ee Amnesty.

Waraysigii Garaad Axmed Halkan ka dhegeyso

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2005


NIN KA DHASHAY BEELAHA LA HAYBSOOCO EE KU DHAQAN SOOMAALILAND OO LA DILAY, KA DIBNA WAXA XABSIGA LOO TAXAABEY DADKII ISUGU SOO BAXAY IN AY KA MUDAAHARAADAAN CADAALAD XUMIDA KA JIRTA SOOMAALILAND.

Horudhac.

“Askari ka tirsan Soomaaliland oo ah (Somaliland Police Officer) ayaa sigaar weydiistey nin ka dhashay beesha Gabooye , {Midgaan-Madhibaan} sigaar markii uu siiyey hal sigaar ah, ayuu si baad ah u weydiistey mid kale, ninkii ka dhashay beesha Gabooye, waa uu diidey, oo wuxuu ku yiri ma adigaa inala iibsaday” Ka dibna askarigii Soomaaliland ninkii wuu dilay. Dadkii u badnaa beeshii Gabooye, waxa ay isugu soo baxeen mudaaharaadyo nabadaysan, Askarigii haystay ciidamada nabad galyada magaalada quruxda badan ee Hargaysa, waxa uu ka muraaro- dilaacey Gabooye mudaaharadaaya, ka dibna waxa uu amray in dhamaantood xabsiga loo taxaabo, illaa iyo hadana lama soo dayn.”

Baaq uu soo saarey Gudoomiyaha Beesha Gabooye.

Gudoomiyaha Beesha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika Mudane Maxamed Ciise Caabdi (saaqa) ayaa si weyn u canbaareeyay Taliska Boliska iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Waqooyi Galbeed iyada oo uu ku canbaareeyay inay si fool xun ula dhaqmeen dadweyne u dhashay Beesha gabooye ee Waqooyi Galbeed oo mudaaharaad nabadgelyo ah shalay ka dhigay Hargeysa iyaga oo ka cadhaysnaa dil foolxun oo askari Booliska Dawlad Goboleed Somaliland ka tirsani uu u geystay muwaadin beesha Gabooye u dhashay oo magaciisa la odhan jiray Marxuum Khadar Aadan Cismaan Dhabbar.

Waxa uu Gudoomiyhu sheegay inay tahay wax laga naxo in Booliska dawlad goboleedka Somaliland ay jirdil iyo xadhig u geystaan muwaadiniin cabashadooda mudaaharaad nabadgelyo ah ku muujinayay, waxaana uu gudoomiyuhu murugo weyn ka muujiyay sida foosha xun ee loola dhaqmayo muwaadiniinta dawlad goboleedka Somaliland ee Beesha Gabooye oo marba marka ka danbaysa lagula kacayo foolxumooyin kasoo horjeeda dastuurka u degsan dawlad goboleedka iyada oo aan loo kala aabo yeelin Rag, Dumar iyo carruur toona. Gudoomiye Maxamed waxa uu ugu baaqay Hay'adaha u dooda xuquuqda adaamaha ee ku sugan Waqooyi Galbeed gudaheeda, Xisbiyada Mucaaridka iyo dadweynaha ku nool deegaankaas inay canbaareeyaan dhibaatada lagu hayo beesha Gabooye (Midgaan), waxaana uu ugu baaqay Xukuumada Somaliland inay si degdeg maxkamada u horkeento dhagar qabaha geystay dilkan, si loogu qaado sharciga dawlad goboleedka Somaliland u degsan oo dhigaya in qofka si badheedh ah u dila qof kale xukun dil ah lagu qaado, taasoo ay ku jirto maslaxada guud.

Dhacdadan dilka ah ee imiku maaha tii u horraysay ee lagula kaco muwaadin beesha Gabooye u dhashay, iyada oo ay ahayd uun sanadkii hore ee 2004 dabayaaqadiisii markii lagu toogtay gabadh uur leh oo u dhalatay beesha Gabooye walaalkeedna lagu dhaawacay xaafada Dumbuluq ee magaalada Hargeysa, iyada oo sanadkii 2001ka badhtamihiisiina Jeelka Hargeysa uu ugu dhex dhintay jidh-dil loo geystay Marxuum Qorane Qadax markii ninkaasi lagu eedeeyay inuu ka danbeeyay dilkii loo gaystay Fanaankii Axmed Gacayte oo sanadkii 1988kii lagu dilay magaalada Hargeysa xiligaas oo Jabahdii SNM iyo Ciidamadii Siyaad Barre ay dagaaladu ku dhex marayeen deegaanada Waqooyi Galbeed. Ninkaas Jeelka hargeysa ku dhex dhintay oo la odhan jiray Maraxuum Qorane Qodax Digaale ee lagu eedeeyay dilka Marxuum Axmed Gacayte ayaa maxkamada deegaanka Hargeysa ay ku weyday dilkaas lagu eedeeyay, hase yeeshee waxay maxkamada Hargeysa waagaas Qorane Qodax ay ku xukuntay inuu jeelka Hargeysa kusii jiro amaankiisa awgeed iyada oo ka cabsi qabtay hadii lasii daayo in magaalada lagu dhex dilo, nasiib darrase waxaa uu qorane ugu dhex dhintay jeelka Hargeysa jir dilkii loo geystay markii baadhistu socotay, ilaa iyo maantadan aynu joognana dawlad goboleedka Somaliland wax magdhow iyo raali galin ah may siinin eheladii ay dadkaasi ka geeriyoodeen.

Ugu danbayn waxaa uu gudoomiyaha beesha gabooye ee Qaarada Yurub iyo waqooyiga Ameerika Mudane Saaqa uu ugu baaqayaa, aqoonyahanka, culumaa’udiinka, waxgaradka, guurtida iyo guud ahaan muwaadiniinta Somalida meel kasta oo ay joogaan inay canbaareeyaan kana dhiidhiyaan foolxumooyinka iyo dhibaatada lagu hayo dadweynaha Gabooye ee ku dhaqan deegaan goboleedka Somaliland. Waxaana uu Gudoomiyuhu tilmaamay inay beesha Gabooye kaalin laxaad leh kaga jirto horumarka iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan dawlad goboleedka Somaliland, isla markaasna ay waajib dastuuri ah tahay in beesha Gabooye ay xaq u leedahay inay hesho kaalinta hogaamineed iyo maamul ee ay xaqa u leedahay si dadaweynaha ku nool Waqooyi Galbeed ay u noqdaan qaar si cadaalad ah u qaybasada khayraadka iyo hogaanka dalka.

Kaysar Cabdilaahi
kaysar@europe.com
Tafatiraha the Somali Voice
London, UK

Oraahyadii ay ka yiraahdeen, aqoonyahanada, culumaa’udiinka, iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

“Dilkaan iyo dhibaatooyinka lagu hayo beelaha Gabooye ee ku dhaqan Soomaaliya gaar ahaan Waqooyi Galbeed Soomaaliland ma ahan wax cusub, waxana ay ka tarjumaysa Jahliga iyo Dib u dhaca haysta dadka ku nool deegaanadaas.” Yusuf Shabac, oo ah qoraa ku nool Waqooyiga Ameerika.
SULDAAN DAAKIR: BUUHOODLE
Suldaan cusub oo ay doratay beel ka mida beelaha la hayb sooco: shir ballaaran oo lagu abaabulay magaalada Buuhoodle ayaa. Guji

“Ogaandenya weligeed meel gaari mayso illaa ay ka ictiraafaan dadka kula nool deeganadooda, sida oo kale, Somaliland weligeed waxba ma noqon mayaan illaa beelaha tirada yar ee ku dhaqan deeganadooda ay u ictiraafaan in ay yihiin dad nool oo xuquuq leh.” Dr. Barkhadle oo ah qoraa ku nool Dalka Kanada.

“Waxa Soomaliland u sugnaatey taariikh mugdi ah, kol haddii ay xirayaan, kufsanayaan ama dilayaan qofkii aan ka dhalan labada qabiil Isaaq iyo Gudabiirse ee maamula dawlad goboleedkaas.” Sheekh Cabdikariim Yusuf, hogaamiyaha dallada culama’udiinka Soomaaliyeed ee Yurub.
Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

“Waa wax laga naxo, oo u baahan baarid deg-deg ah, iyo in wax laga qabto waxa ay ku dhaqmayso dawlad Goboleedka Soomaliland, waxa aan ka codsanayaa hay’adaha u dooda xuquuqda aadane ee ka jira dunida in ay Soomaliland si deg deg ah wax uga qabtaan, inta aysan laayin dadka ay dhowaan u taxaabeen xabsiyada Magaalada Hargaysa ee u dhashay beelaha la yasay."”Ayaan Xirsi Magan, oo ah haweenay ka tirsan baarlamaanka Holland.

###

Waxaa isku soo dubaridey oo soo tebiyey
Yusuf Shaba | yusufshaba@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2005

HAFZA oo ku adkaysaneysa Heshiiskii Xaafuun iyo DGPL & DFKM oo aan war cad kasoo saarin
Ciise Maxamuud Dholowaa oo ay SomaliTalk waraysi la yeelatay ayaa waxa uu DGPL ugu baaqay in ay war cad ka soo saaraan arinta shirkada Xafza maadaama shirkadaasi ku adkaysaneyso heshiiskaas Guji.. May 20

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Markii 3aad Baaritaan Caafimaad lagu samaynayo
UK: Dhakhaatiirta Cisbitaalka Cromwell ee ku yaala koonfur galbeed London ayaa baaritaankii 3aad waxaa ay Guji May 18

Caasimadaha Addis-ababa iyo Muqdisho oo diiday Xukunka Zenaawe


Zenawi: Soomaaliya waa Argagixiso, C/laahi iyo Geedi:  Itoobiya waa saaxiibadeen!
Zenawi ayaa Markale Soomaalida Ku Sheegay "Argagixiso" kaddib markii ay waraysatay AP... Guji May 13

BFKMG oo ansaxiyay in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD