SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


 
Adaanka Salaada Wuxuu Caalamka ka socdaa 24- Saac oo Dhan  

Qabiir ku fogaaday Cilmiga xisaabaadka  oo u dhashay dalka imaaraadka Carabta ayaa waxa uu soo handisay mas’alo xisaabeed taas oo la xiriirta xeeldheerida mucjisada rabaaniga ah ee  aadaanka Salaada, qabiirkan ayaa waxa uu daraasadiisan ku sheegay In Aadaanka oo dadka Muslimiinta ah loogu yeero salaada uusan  ka kala go,in calamka halmarna weli, “Markasta oo uu kadhaamaado Meel waxa uu ka bilaanayaa Meel kale” ayuu Sheegay  Aqoonyahankaasi

 

          Qabiirkan oo lagu magacabo Cabdi Xamiid Alfaadil ayaa waxa uu ku sharxay Musjisadan in caalamku uu ka koobanyahay 360 Dhig  kuwaas oo waqtiga u xadida Caalamka oo idil, Dhig kasta waxa ay dhigta kale dheertahay 4 Daqiiqo (Horayn Ama Dambeyn)

              Tusaale ahaan waa marka Aadaanka la bilaabo waqtigiisii Saxda ahaa uuna u adimo Qaab dhexdhexaad ah oo aan boobsiis iyo Daahid midna ahayn waxa uu Socon Karaa Qiyaastii 4 Daqiiqo, haddii aan Si Kale u Dhigo Tusaalaha Kolka Aadaanku uu Ka Bilaabmo Meel Dhacda dhigta 10  oo uu Aadaanku Ka socdo Qiyaastii 4 Daqiiqo , Haddii ay Dhamaato 4taasi Daqiiqo Waxa uu ka bilaabanayaa Dhigta 20  Kolka uu ka Dhamaadana waxa uu ka Bilaabanayaa Dhigta 3  Sidaas ayuu ku soconayaa ilaa uu ka gaaro Dhigta 360 aad dhigkastana uu ka socdo 4 daqiiqo taas oo isku noqonaysa 1440 Daqiiqo Maalinkii oo la mid aha 24-saacadood.  

360X4= 1440 Daqiiqo  

Haddii aan u Badalno 1440 Daqiiqo  Saacado waxa ay Noqonaysaa  

1440 / 60 = 24 Saac

 waxaana uu macnaheedu noqonayaa in aadaanku uu kasocdo caalamka inta uu jiro oo dhan oo aanu istaagin marna.

By: Mustafa Yasin Sheekh (Karaama)
mysheik@hotmail.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 30, 2005

 

Siciid Tumaal oo Baaq kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar

Waraysi: Madaxweyne ku Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska

Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 28

Warbixin: Natiijadii Codbixintii Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar..
iyo Baydhabo oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed.. Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD