SABO
Ismail A.
Hassan (Khaliil)
khaliilha484@hotmail.com
Ummaddaha adduunka qoloba
Ilaah meel buu kaga abuuaray. Kala duwanaanshaha muuqaalka, afka, dhaqanka,
diinta iyo midabka ka sakow ummad waliba waxay leedahay sabo loogu soo hagaago
oo lagu yaqaan, magaceedana ay ku suntanyihiin.
Dalku waa sabo uu qofku
waxyaabaha noloshiisa lama huraanka u ah ka helo, la iskana soo dhaxlayay
qarniyaal badan awoow ka awoow, qofkuna wuxuu sharaf iyo karaamo ku yeeshaa
baradiisa iyo dadkiisa dhexdooda, ileen waa tii hore loo yidhi ninna dhulkiisa
looma dhaamo’e.
Iyadoo arintu sidaas ah ayaa
hadana ay dadku dool ku jiraan oo qaarado isaga gudbaan, iyagoo safarkooda ka
leh ujeedooyin kala duwan. Soomaalidu muddo fog ayay bilaabeen inay dibadaha u
safraan iyadoo inta badana ujeedadoodu ahayd inay wadamadaas ka soo shaqaystaan,
ka dibna dalkooda dib ugula soo laabtaan wixii hanti ah ee ay soo shaqaysteen.
Hadaba wixii ka dambeeyay
dagaaladii sokeeye waxaa batay Soomaalida dalandoolka ah ee iyagoo magangelyo
doon ah qaaradaha adduunka isaga kala gooshaya. Qaxootinimada ayaa waxay noqotay
rajo ay Soomaali badani ku hamiso.
Inkastoo dadkaas
Soomaaliyeed ee qaxootiga ahaa oo hadda qurbo joog loogu yeedhaa ay ku taamaan
in mar ay ahaataba ay dalkooda dib ugu soo laaban doonaan, hadana arintaasi ma
ahan mid la hubo oo shaki badan ayaa ku jira sida ay waayo aragnimada ummaddaha
kale ee hore dibaddaha ugu baqoolay ina abarayso, dad fara ku tiris ah
ayuunbaana riyadaas dib u noqoshada ka dhabayn kara.
Qurbo joognimadu waxay
noqotay isha keliya ee qoysas badan oo Soomaaliya ku nool laga quudiyo, taas
ayaana lagamamaarmaan ka dhigaysa in Soomaali badani ku sii nagaadaan qurbaha
xataa haddii wadanku hagaago oo dawlad hanataa ka dhalato.
Hadaba Mahad iyo reerkiisu
waxay ka mid ahaayeen malaayiinta Soomaaliyeed ee iyagu iska aaaminay dalkooda
ee aan dhinacna u dhaafin sabadii ay daganaayeen.
Hodan oo ah xaaska Mahad
ayaa maalin iyadoo aad u murugaysan inta ay gambar hoos yaalay geed weyn oo
daaradda gurigooda ku yaalay fadhiisatay dhabanada qabsatay. Waxay aad u hiiftay
nolosha aan ka soo raynayn ee ay ku sugnayd tan iyo intii ay dawladdu burburtay.
Waxay fiirisay dariskeedii
iyo asxaabteedii. Waxay noqdeen wax wadanka ka baxay iyo kuwo hadda safar u
guuxaya.Waxaa xaafaddii ay deganayd iska soo buuxiyay dad cusub oo aanay is
fahmi karin iyada iyo ninkeeduna u yaqaaniin reer baadiye. Iyadoo nafteeda la
hadlaysa ayay tidhi intaa in ka badan meeshan looma sii adkaysan karo, wax ka
sii daraya mooyaane wax hagaagaya lama arko.
Hodan, Mahad iyo shanta caruura ee
ay dhaleen tan iyo intii ay dagaalada sokeeya bilaabmeen meelna ugamay bixin
Xamar oo ah goobtii ay ku dhasheen, kuna barbaareen.
Mahad wuxuu ka mid ahaa
shaqaalihii dawladda, waana nin aqoontiisu heer jaamacadeed gaadhsiisantahay,
waxaana xaafadda looga yaqaan Datoorka. Intii burburka ka dambaysay wuxuu nolol
maalmeedka reerkiisa iyo inta kale ee ku xidhan ka soo saaraa dilaalnimo uu
aroorta hore suuqa ugu foofo. Maalin uu wax soo helo iyo maalin uu faro madhni
la soo noqdana waa la arkaa.
Hodan oo fikiraysa welina
geedkii keligeed hoos fadhida ayaa uu albaalka soo garaacay Mahad. Waxay ahayd
xilli duhur ah oo qorraxdu aad u kulushahay. Isagoo dhididku dhabanada ka da’ayo
ayaa inta uu darin duuduubnayd oo geedka hoostiisa ku tiirsanayd la kala baxay
ku yidhi Hodan abaayo bal biyo aan cabbo ii keen.
Hodan ayaa inta ay joog biyo
qaboobi ku jiraan iyo koob Mahad soo hordhigtay iyana soo ag fadhiisatay.
Wajigeeda murugada iyo cadhadu ka muuqdaan intuu dareemay ayuu ku yidhi Hodan
sidee maanta wax u jiraan?.
Hodan ayaa garbasaar yar oo
madaxa u saarnayd inta yara giijisay oo qoorta labada dacal uga kala riday tidhi
wax cusub ma jiraan ee meeshan joogisteeda ayaan nacay. Hadda uun bay rajadu u
fiicanatahaye sidee Alle ku yidhi ayuu mahad ugu jawaabay. Rajo aan jirin uun
baad adna sheegtaa, lix bilood ka hor baad lahayd dawlad baa dhalatay oo waxbaa
hagaagaya, ilaa haddana wax dawlad ah ma aragno ee kuwii dhawr iyo tobanka sanno
dhibaatada nagu hayay ayuunbaa magacyo cusub la baxay oo xildhibaano iyo wasiiro
isku sheegay oo hadana is wada hyaysta, ee meeday dawladdii aad sheegaysay ayay
si cadho ka muuqato u tidhi Hodan.
Mahad oo aan weli afkiisa
wax hadal ahi ka soo bixin ayay hadana Hodan u sii raacisay tixdan heesta ah:-
Mahad oo aad ula yaaban sida
ay xaaskiisu uga quusatay nolosha wadanka iyo xaaladda ay ku suganyihiin ayaa
markan isku dayaya sidii caadada u ahayd inuu waxoogaa rajo ah u muujiyo Hodan,
isagoo saadaalinaya inay wax isbedeli doonaan mustaqbalka dhaw oo aanu xaalku
sidan ahaan doonin ayuu yidhi:-
-
Subaxdii timaadaba
-
Waayuhu si weeyee
-
Sannadihii na dhaafiyo
-
Colaadii sokeeyaha
- Naftu way u samirtoo
-
Ilaahbaa ka saaree
-
Saakadan la joogana
-
Sahankaa u maqanoo
- Saadaashu siday tahay
-
Nabaddoo sugnaatoo
-
Soo celino qaranimo
-
Degdeg baan u sugaynaa
-
Ha saluugin inanyahay
-
Sabada dhulkeenoo
-
Safarkiyo qaxootiga
-
Sadaqada shisheeyaha
-
Ha u sacaba tuman.
Hadaba Mahad iyo malaayiin
kale oo Soomaaliyeed waxay ahaayeen 14kii sanno ee aan soo dhaafnay rajo ku nool.
Waxay ahaayeen kuwo aaminanay dalkooda hooyo dhib kastaa ha ku soo gaadhee.
Waxay markasta rumaysnaayeen
in dhibaatadan laga gudbi doono, waayihii beri samaadkuna ay dib u soo dhalan
doonaan. Dhanka kale waxay bulshadani mudadaas u afduubnaayeen dagaal oogayaal
fara ku tiris ah oo iyagu darxumada iyo dhibaatada shacabka ku caano maala.
Rajo iyo yididiilo kasta oo
u soo bidhaanta Mahad iyo malaayiinta kale ee Soomaaliyeed ee wadanka ku noolna
waxaa isbaaro iyo caqabado lagama gudbaan ah hordhiganayay dagaal oogyaashaas.
Mahad wuxuu labadii sanno
iyo badhkii aan soo dhaafnay ku maaweelinayay xaaskiisa shirkii Nairobi iyo
midhihii ka soo baxay, hase yeeshee rajadii uu qabay waxaa waxba kama jiraan ka
dhigay sidii caadada u ahayd dagaal oogayaasha Muqdisho qaarkood iyo xulafadooda
oo hadda faraska ugu jooga burburinta natiijadii shirkaas.
Waxaan hadaba shaki ku jirin
in hadda waqtigii dagaal oogayaashu uu dhammaaday, shacabkuna aanay marnaba u
dulqaadan doonin cidkasta oo isku dayda in ay mustaqbalkooda isbaaro hor
dhigato.
Mahad iyo malaayiinta kale
ee Soomaaliyeed ee u soo samray dhibta iyo rafaadka mudada dheer ay ku jireena,
waxaa la soo gaadhay waqtigii codkooda iyo rabitaankooda la maqli lahaa,
sabadooduna noqon lahayd mid nabad iyo barwaaqo ku waabariisata.
Ismail A. Hassan (Khaliil)
khaliilha484@hotmail.com