SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


JANANKA XAMAR DAN BAA BIDAY,XAMARSE GOORMA LAGA QAADI ISBAARDA

ILAAHBAA MAHAD LEH NABI MOHAMED NAXARIIS IYO NABAD GALYO KORKIISA HA AHAATO

Qormadaydaan todobaadkan ayaa waxaan ku yara jeedaalin doonaa fikirkaygana kaga dhiiban doonaa sababr xiligan jananka gaysay xamar iyo xamar oo la leeyahay nabadbaa laga wadaa walina dhiigii shacabka lagu miiranayo

Sidaan la wada socono waxaa magaalada nayroobi ee xarunta dalka kenya labo bilood ka hor ka soo kicitimaya qayb dawlada ka mida iskuna magacawday inay nabad ka dhigayso xamar kadib markii dawladu go,aan ku gaartay  xamar inta laga nabadaynayo ay dawladu fariisin ka dhigan doonto magaalooyinka jawhar iyo baydhabo

Hadaba aqristow markii halkaa giraantu maraysay ayaa qayb dawlada ah oo ay horkacayaan qabqablayaasha dadka dhiiga kaga miirta isbaarooyinka xamar u yaalaa ay ka soo baxeen kenya soona wajaheen xamar oo ay sheegeen inay nabad ka suura galinayaan taas oo ay gaari wayeen shan iyo tobankii sano ee ay xamar isku haysteen dadka masaakiinta ee reer koonfureedna ay dhiiga kaga miiran jireen

Hadaba aqristow see ayay macquul ku tahay dadka shan iyo toban sano heshiin waayay inay ku heshiiyaan maalmo gudohood maxayse xamar ka badali karan mar hadii ay wali dhexyaalaan isbaarooyinkii ay dadka dhiiga kaga miiran jireen oo la rabay talaabada u hoaraysa ee ay qaadayaan inay noqoto qaadida isbaarooyinkaa , qofkasta oo caqli u saaxiiba jawaabtu waa u fududahay oo waxay la mid tahay qawda maqashii waxna ha u qaban

Hadii aan anigu fikirkayga ka dhiibto arintaa murugsan waxay iila muuqataa in xalka xamar laga bilaabo isbaarada masaakiinta dhiiga looga miirto oo horta marka u horaysa la qaado markaa ka dib hawshu sida ay isu xigto la isugu xijiyo laakiin hadii mooryantii  inta xero lagu xareeyo halka lagu masruufo isbaradiina wali dhex taal magaalada waxay u muuqataa shirqool hor leh o lagu wado dadka masaakiintaa ee reer koonfureed ee 15 sano nabad la,aantu haysay iyo isbahaysi hor leh oo dawlada looga hortagayo

Aqristow saan la wada socono mar kasta oo soomaali dawlad loo soo dhiso waxaa is gaashaan buursada rag aan awal isa soo hor istaagi jirin oo qoriga xabadu isugu jirtay sida hada ka muuqata xamar oo u eg gaashaanbuursigii  hore ee dawlado badan o soomaali loo soo dhisay looga hortagi jiray waxaana taas kaaga marqaati ah xamar maanta waxaa ku sugan jeneraal moorgan oo ah ninkii ay qabqablayaasha xamar  wax badan xabad isaga horyimaadeen shan iyo toban sanana aan xamar iman

Hadaba aqristow miyaanay taasi marag iyo marqaati ka ahayn in xamar kooxda isugu tagtay ee ku mashquulsan maleeshiyaan xaraynaynaa ee aan qaadayn isbarada kana war wareegayaa ay yihiin koox isu biirsatay sidii soomaalida reer koonfureed dhibta ugu sii jiri lahayd ? jawaabtu qofkasta oo caqli u sxba waa u cadahay oo waa haa

Hadaan usoo noqdo ciwaanka qoraalkaygan ee ah jananka xamar danbaa biday , saan wada ogsoonahay jananka sanadihii u danbeeyay waxuu dagaal kula jiray kooxda dooxada juba oo uu horkacaayo barre hiiraale kooxdaa oo laga taageeeri jiray xamar aanay tageeri jireen kuwa ay maanta xamar wada joogaan ee uu leeyahay nabadban xamar kala dhigaa ,hadaba jananka xamar nabad ka dhigi mayo kamana dhigi karo waxaase la oran karaa jananka danbaa biday inuu maanta isu dhiibo kuwii shala iyagu xabada kaga saaray kismaayo ilaa maantana ay gacanta ku hayaan kuna dhibaaataynayaan dadkii deegaanka iska lahaa sida ay xamarba dhibta ugu hayaan iyo asaga oo wax jago ah ka waayay dawlada kenya lagu soo dhisay

Tagitaanka jananka ee xamar waxuu ka marqaati kacaa in qofkii dawlada raba inuu jilaafeeyaba uu xamar aado halkaana ay ka socoto shirqool sidii dawlada lagu minjo xaabin lahaa maadaama dad aan is hor iman jirin ay maanta xamar wada joogaan leeyihiina nabad ayaan ka dhalinayna waxayna u muuqataa gaanshaanbuursiyadii xili kasta oo dawlad la helo abuurmi jiray ,maleeshiyanka xamar lagu aruuriyayna waxay noqon doonaan kuwa looga hortagi doono dawlada soomaaliyeed

Qalinkii Mohamed Ahmed Aden (kulmiye)
email  
save1428@hotmail.com
loc    india

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 29, 2005

 

Siciid Tumaal oo Baaq kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar

Waraysi: Madaxweyne ku Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska

Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 28

Warbixin: Natiijadii Codbixintii Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar..
iyo Baydhabo oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed.. Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD