SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


IS EEDAYNTU IYO AYATIINKU KALA FOG 

W/Q: Axmed Cali Aadan AC

  C/O: Muqdisho, Soomaalia

 Email:  ahmedaliac@hotmail.com

 Waxaa nasiib daro ah muddo ku dhow Saddex sano shirkii Soomaalida uga socday dalka Kenya oo muruq iyo Maalba loo huray najiidadii ka soo baxday ay noqotay Hagardaamooyin iyo hob aruursi mar kale la doonayo in dib logu dhig shacabka diifta iyo daruufuho ka daaleen. Dad badan ayaa is waydiiyay hadiiba la siiyay mansabada hugaanga dalka ugu saraysa iyo mida ugu hosaysaba damiir laawayaasha dadka iyo dalka duugay miyay san wali ka astaxyoon dhaqan koodi guracnaa.

    OCT 10/04 C/llaahi yuusuf Axmed oo ay itoopiya taageerto waxaa loo doortay in ka noqdo Madaxwayne Jamhuuriyadda Soomaaliya,--- xiliigii  Codayntu socotay ayaa waxaa ii soora gashay in aan su’aal waydiiyo midka mid ahaa aqoonyahanadda Soomaaliya ahna siyaasi rugcadaa ah inkasto shacuurta ka muuqatay ay aheyd mida iga galiftay su’aasha.  Waxuu yire “Waxaa nasiib daro ah muruga iyo magaan ka guurna u ah Soomaaliya, C/llaahi oo taariikhdiisa saqiir iyo gabeer ka dharagsan tahay, ahna  baaruudi Caddowka Soomaalia, kadib halgalkii dheeray ee geesiyaasha birta ahaa,----Sayid maxamed, Axmed Gurey, Dhagax tuur, SYL, MSBare mirihii ay gureen in manta C/llaahi loo dhiibo uuna gubo, 27 sano ayuu wuxuu ka shaqeynaayey sidii soomaalia loo kala dirilahaa ama cadow ugu qaban lahaa”. is kastaba ha ku yimaade,--yuusuf inta samaha saaxiibka u ah doorashadiise sooma dhawayn hadana ma mucaaradin balse dantaa kaa adag.

    Haddaba duurashadiise ka dib, majirin ruux ka hadla oo mucaaradda mudane Yuusuf, asaga hortees, taas oo ku tusinaysa bisalka shacabka, isla habeenkii la doortay waxuu soo jeedayay Qudbad dhinacya badan loo fasirtay, isla meeshiina wuxuu uga dhawaaqay ciidamo ay hormood u yihiin Itoopiya maalmo ka dibna wuxuu ka dagay Caasimadda Itoopiya ee Addis Abba, wuxuu kulan xasaasiya la yeeshay Macalinkiisa quraafaadka, muda yar ka dib wuxuu doortay RW oo loo xagliyo inta biya dhaamiska Itoopiya taqaan in uu ka mid yahay, doorashadii wasiiradda waxaa lagu qoray markale qalin qadiiso  Itoopia tahay, kuma imaan ma gudan garaa balse bilcagse waxaa lagu qaatay Itopia mataqaan.

    C/llaahi wuxuu bilaabay daaf wareeg iyo dibad joog, halkii gudaha dalka oo wax ka qaban lahaa, wuxuu booqday waddama badan oo jaar ahaayeen xiligii qalalaasaha, gaarkoodna asaga la gulmin xitaa Jaaliyaddi Soomaalida ayuu wuxuu dalxiis iyo fiirfiiris u galay goobihii dalxiiska muda isboocya kabadan, Jaaliyaddu  marka ay soo codsadaan amaanka iyo ayagana hala iga soobaaro ayuu yire hadiiba uu codsiga aqbalo.!! Balhadaba is waydii nin qaxuuti ku ah dal shisheeye ninka ka dowlad jecel ama ka leeta ee u yahay Ma’uulka. Bilo ka dib waxaa kacday murunkii 17 april oo ku salaysnaa labada qodub: Caasimada iyo Ciidamadda Itopia, hadana waxaa ku xigay shirkii dalxa uu gudoominaayey balse C/llahi watay iyo dhaleecayntii Guddomiya Baarlamaanka ku weeraray iyo dagaalo meela badan gubaladda dalka ka qarxay sida Baay iyo Bakul, wuxuu booqusho ku yimid Guboladda dalka qaar oo ay isku qabiil ama isku xulufo ahaayen kana jeediyay qudbadu xanaflahaa, taas oo dad badan u micneeyeen ilaa iyo hada in uu yahay hugaamiye xisbi, oo ay udheerayd halhayskiise Soomaaliya argagaxiso ayaa joogta, Mudane intaan oo qalad iyo ka badan ayaad gashaye qiro ama  qiil u geen.

    Hadaba C/llaahi maahan in aftahan ah mana yaqaan dhinaca birto xanafta ka leedahay ayey yiraahdaan dadka wax naqdiya hadana ma aamuso mana qaato talooyinka dadka ka garaadka sareeya, mana la saaxiibo  taladiisa mid aan aheyn nin keene kara, eray walba uu yiraah waxay galsooni daro iyo kala fogaansho ku ridaa kuwii markii hore magaarka meela duldulee ka eegayey kama dhaadhicin xaalku in yahay Ukun la dhawrayo ee wuxuu mooday Ciidamadii Daraawiisha ee Putland in ay meel walba uga horeeyaan awoodi iyo cagajuglayntiina u tahay mida aasaska u ah xilkiisa. Hadaba Mudane is eedayntu iyo ayatiinku kala fog ee aayarso.

    Mudane dhamaan hugaamiya kooxeedyada ka jira dalka waxaa la sheegaa in ka soo bexeen Jaamacadii aad aasastay 1978 aheyn ee Maquuste, waana dhashaadee aad soo barbaarisaye Waaridkuna waa yaqaan ilmaha meesha laga maree, naga qanciyo qayladooda jooje sii looqaata daruustiina wali. Hadiis ilama ehelo belo oo caasiyay aad ka dhigto  colaaduna idinka fugaato waxaa soo bixi doona rag daruustiina dib u aqriya 

XALKA AMA XISBI

    Dhamaan xubnaha labadda gole waxaa idin horyaal laba daran mid dooro, 1aad isqabsika isku doorka in aad ka gudubtaan oo aad Xalka raadidaan si aaqiradiina iyo addunyadiino u samaato taariikhdiina xuna loo ilaabo, dadka aad utihiin madaxda aad waajibka idinka saran uga soo baxdaan, xifiltanka, laaluusha, caayda, tiina gaar ahaaneedna ka hormarisaan danta guud ee dadkiina tabaalaysan, Samir iyo is aaminaadna aad la timaadaan si xalku u soo daadago. 2aad in waxii aad u dhaarateen ka duurbitaan xisbi iyo qabiil, Mas’uuliyadiina ay ku sinaato debed jog, daaf wareeg iyo darxuma shiisheeyo aad ku dhamaysataan waqtikiina.

    Xaalka manta taaqan waxaa dhameyn kartaan adinkuu Alle ka cabsada, Aqoon iyo waayo-aragnimu, Shakhsiyad-xooggan, oo uu ku sifoobtaan, daacadinmo, aaminnimo, xaq-ku-dhegidd,  Dulqaad Runle, Xalaal-quudasho, wuxuu ku kasbanaysaan Ixtiraamka iyo kalsoonida Shacabkiina  kala duwan oo ay ku jiraan xataa kuwa aad colka tihiin, culaadaasi ma ahan mid qabiil ama shakhsi, ee waa mid ku salaysan aragti mabaada’i  iyo mid siyaasadeed. Maa daama goluhu yahay hoy’ada la isugu geeyay afkaar kala nooc ah,  axsaab iyo kooxo kala siyaasadd ah, waa in uu Madaxwaynuhu, Gudoomiyaha Baarlamaanku ka noqdaan dhexdhexaad, si uu u hantiyo kalsoonida golaha iyo xukumaddaba hadii kalase  waa in uu qeexaa in qayb meesha u joogo.

HIILWAYNE HAATAN WAA SEE? 

   Maalintii jimcihii ayaa waxaa ii sooragashay in aan safar gaaban ku tago Xeradda maleeshiyooninka laga xarayey ee Hiilwayne abaarihii kowdii duhurnimo, inta badan marka aad joogto Muqdisho waxaad maqlaysa wax badan oo aad ku farax galiya iyo hididiile nabadeed marka laga hadlayo xirooyinka ciidamadda iyo aroorintoodaba taas oo inta badanba waayahaan ay saxaafaddu ku mushquulsanayd. Inkasto ay ii aheyd Maalin aan doonayey in aan ugaado xaqiiqda ka jirta meesha, markii aan ka degay laamiga oo u jira in yar xeradda una daadagay dhinaca qurax u dhaca durbadiiba waxaa iga horyimid ninman yar yar oo garabku ugo jiro AK47 inta aan gaarin xeraddi oo lugaynaya, markii aan soo mooday ayaan waxaan soo galay daqiiqadu ka dib. 

    Xiraddu waxay aheyd meel aad ii soo jeeday deegaan ahaan iyo ku haboonaanshaha ku xaraynta ciidamadda, hadana markii aan guud ahaan ku dhex wareegay Xeradda Hiilwayne waxaa jira dhaliilo yar yar inkasto hadana howsho ay wali bilow tahay. 1aad majirin cid kuurtaroolaysa bixitaanka iyo soo galida maleeshiyadda ku xaraysan meesha, 2aad nin walba wuxuu wataa qurikiisa oo ilaa iyo hadaa ma jirto istoor loogu talagalay in looga xareeyo  hubka ay wataan maadaama ay badan tahay halistiiso  hadiiba nin walbaa qurikiisu garabka ugu jiro, 3aad waxaa jiray xilikii aan ku sugnaa meesha xabaddu baraawa ah oo ninkii doonaa uu iska redayo iyo maleeshiyuunka oo qaarkood uba dagan qaab beeleed ama sidii markii hore  ay uwada daganaayeen.  

    Waxaan isku dayey in aan ukuur galo  xaaladda dhabta ah ee ka jirta Xeradda hiilwayne waxaa ii sooragashay in aan su’aal waydiiyo in badan oo ka mid ahaa raga meesha dhaqan cilinta u jooga si aan dhenac walba uga helo xog faahfaahsan, guudahaana waxaan lugta soo mariyay inta ay ku sugan yihiin, inkasto badan kuudu kuwada qanacsanaayeen joogitaanka meesha hadana  qaar ayaa waxay qabaan ay  Xeradda kale ee Laanta Buure ka haboon tahay tooda Maadaama dhex fadhiyo Wasiirka Ganacsiga AL-Xaaji Muuse Suudi, taas oo ku tusinaysa galsoonida kali garta hadiiba nin mas’uul ahe dhef fadhiyo.

W/Q: Axmed Cali Aadan Ac
C/O: Muqdisho, Soomaaliya
Email:
ahmedaliac@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 29, 2005

 

Siciid Tumaal oo Baaq kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar

Waraysi: Madaxweyne ku Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska

Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 28

Warbixin: Natiijadii Codbixintii Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar..
iyo Baydhabo oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed.. Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD