SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  FAALLO
Daabaco Boggan | Print


  • Puntland oo dabargoyn ku haysa hantidii dawladda dhexe
  • Amin Caamir Arts iyo saamaynta Bulsho waynta Soomaliyeed

Puntland oo dabargoyn ku haysa hantidii dawladda dhexe

Tan iyo intii ay meesha ka baxday dawladdii dhexe ee soomaaliyeed sanadkii 1991dii horaantiisii, Jamhuuriyaddi soomaaliyeed waxay u kala qoqobantay deegaano ku soocan qabiilo iyo kuwa magacyo la baxay iyagoo ku andacoonaya inay yihiin xukuumad metalaysa shacbiga deegaankaas. Waxaa la iska degay dhamaan dhulkii ay la hayd dawladii soomaaliyeed iyadoo si bahalnimo leh loo bililiqaystay dhammaan wixii ku hoos jiray ee qaadmayay sidoo kale waxaa la fiiqday tarniigyadii iyo mutoleeladii dhismayaashii dawladda sida Iskuulada, xeryihii Ciidamada, Wasaaradihii iyo wakaaldihii dawladda.ayrobooradii iyo dekadihii ummadda ka dhexaysay.

 
Waxaase badi dadka xoogga ku degay hantidii dawladda u suuroobi wayday inay ka dhigtaan hanti u gaara amase ay sii gadaan dhulkaas ahaa hanti dawladeed, waayo dadku waxuu ogaa in berri la iskaga daba imaanayo oo marna noqonayn hanti cid u gaara. Maamulka Puntland waxaa muddooyinkaan ka soconayay xaalufin lagu hayo hantidii ummadda u dhexaysay gaar ahaan tii ugu darnayd ee ay lahaayeen ciidamadii dalka difaaci jiray, waxaa nasiib daro ah in iyadoo ragga ugu sareeyay maamulkaas ay kulli soo wada mareen ciidankii lagu dhaadan jiray ee huwanaa astaantii dalka ee looga gaban jiray inuu dhulka cadaw soo hawaysto ay hormuud ka yihiin xaraashidda dhulkii ay ciidamadu deganaayeen. Hore waxaa loo xaraashtay xeradii ay lahaayeen ciidankii darwaashiista ee hoos tagi jiray booliskii soomaaliyeed, maanta warar naga soo gaaraya magaalada Gaalkacayo waxay xaqiijinayaan in la rabo in la xaraasho xeradii ugu waynayd ee loo yaqaan xerada dayaxa oo ah xero astaan u ahayd haybadii ay lahaayeen ciidankii xoogga Dallka Soomaaliyeed iyadoo ku fadhida dhul aad u baaxad wayn isla markaana leh astaan ama calaamad taariikhiya, waayo badi dadlka reer Gaalkacyo ku nool xeradaasi way ka facwayntahay waxuuna ii sheegay oday reer magaalkaas ka mid ah in xeradaasi xitaa ay jirtay xoriyadii ka hor.
 
Maamulka Puntland awood uma leh inuu xaraashto hanti dawlad dhexe, waliba waxaa dambi wayn oo culus noqonaya marka la isku yimaado qofkii gaday amase gatay dhulkaas ahaa hanti guud. Kuwii hore u gatay xeradii Daraawiishta waa inay maskaxda ku hayaan markii la isku yimaado oo dawlad la isla oggolyahy timaado in waxa ay gashteen dhulkaas u yahay hanti dawlo oo ka ka-kac tahay maalkii uga baxay loona qabsan doono ku takri fal hanti ummadeed. Sidoo kale dadka u hanqaltaagaya inay gataan xeradii ciidaanka ee Dayaxa ay ogaadaan in hantidooda ay ku khasaarinayaan meel cidla'ah.
 
Waxaa kaloo in la ogaado mudan in la dhawro goobaha muhiimka ah ee Taariikhda leh sida xeryahaas aan soo sheegnay oo ah astaamaha iyo waayo waayihii lagu xasuusanayo bilowgii magaalada Galkacyo, waxaan shaki ku jirin in qofkii xeradaas isagoo yar oo labisan hugii ciidankii soomaaliyeed cadawgii hawada iyo dhulka ka soo duqaynayana uu ka difaaci jiray gudaha xeradaas uu muraala dilaacayo hadduu maanta arko iyadoo loo jarjartay boos boos oo sandaqad sandaqad laga taago.

Garyaqaanada iyo dadka cilmiga u saaxiibka ah waa inay ummadda ku baraarujiyaan in aan la gadi karin hanti dawaladeed oo xitaa uuna awood u lahayn Madexwaynaha Jamhuuriyadda soomaaliyeed isla markaana la dhawro goobihii ciidamada iyo waliba meelaha Taariikhiga ah ee ay soomaaliya ku faani jirtay sida xeryaha ay xaraashteen amase hadda u hanqal taagaya inay xaraashtaan maamulka Puntland. Waxaa sidoo kale naxdin leh in iyana safaaradihii dibadda la rabo in la bililiqaysto dani gaar ahaaneedna loo xaraashto.

 


Amin Caamir Arts iyo saamaynta Bulsho waynta Soomaliyeed

Saxaafaddu waxay soo martay heerar kala gooniya. Qoomiyadda soomaalida oo ahayd dad reer guuraaya waxay isugu gudbin jireen waagii hore wararka xagga suugaanta oo intii qof loo dhiibo ayuu gaarsiin jiray bulsho markaas ka durugsan. Waxaa kaloo loo isticmaali jiray baraarujinta iyo iska caabinta xurgufta ka dhexeysa beelo wada dega oo beeshii yeelata aftahan aan cidina gaarin balaaqadiisa waxuu noqon jiray halyeey ay beeshaas ku dhaadato.

Casrigaan cusub oo adduunku xag walba ka hormaray dhanka Teknoolojiyada waxay Dunido noqotay qol kaliya oo lagu wada sheekaysanayo. Sidaas awgeed hal sadar oo la soo geliyo Saxaafadda horumartay waxuu saamayn wayn ku yeeshaa malaayiin qof oo markaas daawanaysa,dhegaysanaysa amase daalacanaysa sadarkaas wax kicinaya. Dhawaan markii Majaladda lagu magacaabo News Week ay soo daabacday in kitaabka Quraanka kariimka ah lagu daadshay Godka lagu Xaajoodo, waxaa dhacday intaan aqalka cad ee Maraykanku ogaan ay gaartay meesha lagu daabacay dhul aad uga fog, ayadoo hal mar isla kaceen dadka ku nool Bariga fog iyo Koofur Aasiya sida Afgaanistaan, Pakistaan iyo Maleyshiya, taasoo mar qura kicisay dareenkii dadkaa muslimiinta ah, waxayna qormaadaas aadka u koobnayd laakiin warkeedu cuslaa ay galaafatay inay naftoodii qaaliga ahaa ku waayaan dad ku dhaw 20 qof in badanna ku dhaawacmeen, iyadoo Majaladdii qortay ka noqotay warkeedii oo tiri uma hayno caddayn.

Haddaba Ummadda soomaaliyeed oo la saan qaadaysa horumarka Teknoolajiyada Saxaafadda ayaa hadda waxay maalin walba u dhaqaajiyaan meelaha laga heli karo shaashadda laga daaalacdo qalabka Internetka, ayagoo si gaara ah u xiiseeya dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhaca dunida iyo gaar ahaan wadanka hooyo. Amiin Caamir oo aan filayo in dalka uu ka maqnaa tan iyo burburkii ayaa maanta haddaad waraysato qaybaha bulshada badidoodu ay wada yaqaaniin oo waayeel iyo dhalin yaro kaad waraystaa uu kuu sheegayaa in hal dhacdo(Sawir/Farshaxan)uu soo geliyo aaladda Intenetka ay udhiganto bogag badan qoraalkood. Aamiin Caamir waxuu baal dahab ah ka galay saxaafadda casriga ah ee runta taabanaysa ee ka nadiifka ah Qabyaaladda sumaysan ee halaagtay Ummadda soomaaliyeed, Waxuu ku sifoobay wadani aan marna qalinkiisu rabaayad gelin oo ma noqon qoraa amase saxafi qawaday oo damiirkiisii dhaafsaday qof jeclaysi iyo dhadhamo jeclaysi sida kuwa badan oo saxafi iyo qoraa sheegta oo qalinkoodii u leexiyay qaybta caadifadda iyo dhadhamo jacaylka. Aamiin Caamir waxuu kor u qaaday dhaqdhaqaaqa booqashada meelaha laga daalacdo Internetka ee loo yaqaan (Intenet Cafe) kuwaasoo suuqoodii xaami ka dhigay.

Maalmahan Aamiin waxuu dhalinta jecel Fanka iyo qaybta madadaalada ku so kordhiyay farshaxan cusub oo  waaqici jira taabanaya dareenka dadka iyo Gumaysiga Zenawi sida " Saarka Waraabe iyo Wanka", waxay dhalinta maalmahan ka xiisa dhici waayeen Muusikada Dabagaalha ku Ciyaaraya heestii "Guuleed Hurdow--- Soomaadan Garan", sidoo kale Heestii "Hohey afrikay Hurudooy","Meles oo soo malbasanaya iyo Dameerlawayaashii soomaaliyeed {Qabqablayaasha}oo Maandeeq rifanaya.

Waxaa kaloo aad moodaa Amiin Caamir inuu Wadanka joogo siduu u taabtay sawirka Cabdillaahi Yuusuf oo iska arkay in Mels Zenawi uu soomaalida u sun-dullayn karo, ayadoo hooyooyinkii iyo ardaydii dugsiyada leeyihiin meeyay madexweynihii la soo doortay oo ula diyaar yihiin ubax inay ku soo dhaweeyaan,balse isagu nin tiisa wata (Zenawi) oo ah inaan soomali waligeed midoobin oo cagaheeda isku taagin ayuu ka door biday dadkiisii iyo dalkiisii.

Waxaan hubaa haddii Mahadi haka gaadhee Amiin halkaas kasii wado sii amba qaadida iyo waliba qaybtaan cusub ee kusoo korodhay ayaamahan in xitaa ay taaban doonto in dhalin badan oo waqtigooda ku dhammayn jiray Qaad iyo wixii la mid ah ay usoo jeesan doonaan daalacashada iyo dhegaysiga Kartoonka Amiin Caamir oo durbadiiba aad daraymayso in dhalin badan ay haddaba ku celcelinaayaan dhagaysiga iyo daawashada Kaartoonka Amiin Arts.Waxuu sidoo kale saamayn weyn ku yeelan karaa in dadka lagu baraarujiyo wadaniyadda iyo qiimaha dhulka uu leeyahay lagana waantoobo qabyaaladda nasteexada u ah cadawga soomaaliyeed ee Zenawi iyo dhashiisa uu tababartay ee ku qarwaya soomaaliya waa hoy argagixiso. 

 
Cabdi Xasan   Muqdisho
abdi172@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 30, 2005

 

Siciid Tumaal oo Baaq kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar

Waraysi: Madaxweyne ku Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska

Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 28

Warbixin: Natiijadii Codbixintii Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar..
iyo Baydhabo oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed.. Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD