SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


SULDAAN HURRE, WALLEE KUMA ILLOWNO

In qaddiyadda Suldaan Hurre soo noq-noqoto waxay fajac ku noqotay malaha dadka qaar, aniguse lama yaabbani. Runtii waxaan la yaabay sida Cabdullahi Yuusuf oo dilka Suldaankaas  (wax-garadka qaaliga ahaa) uu u ahaa eedaysana sahalka uga dhigtay. Dagaal-oogahaas hore wuxuuse ku dadaalay siduu u aamusin lahaa asxaabta iyo xigtada Suldaan Hurre, asagoo ka war-wareegaya inuu abbaaro halka arrinta salkeedu ahaa oo ahayd horta in la ogaado side Suldaan Hurre ku dhintay yaase dilay ama ka masuul ahaa toogashadiisi.

Qaddiaydda Suldaan Hurre ma aha mid dhextaal dad yar iyo hoggaamiye aamminsan in uu dantiisa wax kasta u sameeyo (Machiavellian). Waa mid u dhaxaysa inta aaminsan sarraynta sharciyidaa iyo in qofwalba lagula xisaabtamo waxa uu gaystay, iyo inta aaminsan in shacigu yahahay la-jiifiyaaba bannaan, uuna jabin karo kan sameeyaa, ayadoon deero deero u hardiyin.

Waa nasiib darro in maraka qaarkood la arko dad u arka dilkii Suldaan Hurre mid ka mid ah dilalkii badnaa ee Somaliya ka dhacay. Markase la eego xaaladda lagu dilay Suldaanka (oo ahayd dil siyaasadeed) ama nooca uu ahaa (Suldaan aqoon yahay ah mabda’na leh) waa mid walaac galinaysa Somali kasta ee wax aaminsan. Si kale haddii aan u iraahdo, Suldaan Hurre wuxuu ahaa geesi u dhintay waxa uu aamisanyahay, oo ahayd inuu ka horyimid hooyada kali-talisnimada.

Mudane Yusuf wuxuu ku doodayey inuu yahay hoggaamiyaha Puntland markii ilaaladiisa gaarka ahi Kalabayr (Puntland) ku dileen  Agoosto 17, 2002 Suldaan Axmed Mohamed Hurre. Ma aha wax qarsoon in Cabdullahi bixiyey amarka ah in Suldaanka la weeraro ka dib markii baaburta Cabdullahi iyo gaariga Suldaan Hurre si lama filaan aha isaga hor yimaadeen.  Waxaa hari la' in ilaalada Cabdullahi ka daba tagtay Suldaanka kadibna xabbad ku tuujieen asagoon dagaal daaye aan far dhaqaajin.

Cabdullah iyo gawaaridiisi dib uma eegin Suldaanka ay xabbadaha shaandhada uga dhigeen aadna xaalkiisu u liitay. Dadkii joogay Kalabayr ayaa dhaawacii u qaaday dhanka Gaalkacyo, meel dheerse naftu lama gaarin. Cabdullahi, oo maydkii Suldaanka ay Gaalkacyo isku mar galeen, iska daa wax uu ka qabto dilkaase, wuxuu hor istaagay dad waday in arrinta loo galo qaab beeleed. Waxaa Cabdullaahi markaas ku doodayey, ninkan Puntland baa dishay ee beel shaqo kuma leh. In kastoo Cabdullahi gadaal ka qirtay inuu kiiska lug ku lahaa, ilaa hadda wuxuu la meeraysanayaa sheekooyin wakhti dhumis ah ee uu kaga cararayo masuuliyadda dhabta ah ee ay leedahay ka takhalusid qof aad siyaaso ama mabda' isaga soo horjeeddaan. 

Sida la garan karo dawladda Puntland waxay leedahay hay'ado wax ka qabta wixii wax dila, iska daa wixii Suldaan caam ah dilee. Maxaa ilaa hadda hay’adaha Puntland arrinkaas ka qabteen? Jawaabtu waa waxba. Sabab! Cabdullahi ma samayn baaris xitaa asagoo BBC ka sheegay in arrinka la baarayo waayo wuxuu ka baqayaa in asaga naftiisa farta lagu taago – adeer asagaa ii siiyey amarka. Macne kale oo manka gala ilaa hadda looma hayo sababta nin dawlad sheegnayaa u baari waayey Suldaan barqo la toogtay.
 

"Marwadii Suldaan Hurre oo Ingiriiska ugu baaqday in la xiro madaxweynaha Soomaaliya"..
Labo darsi ayaa laga faa'iidaysan karaa dhacdadaan muhiimka ah. Suldaanku wuxuu leeyahay taageerayaal ama asxaab aysan dhici karin inay iska illaawaan ama aammusaan. Dabcan Cabdullaahi ma wada layn karo dadkaas. Arrinkuna kama dhaxeeya qoyska Suldaanka iyo Cabdullaahi. Wuxuu ka dhaxeeysaa dad fara badan oo wada diiddan dhaqanka ah qab-qable dagaanimada iyo ku tumashada sharciga. Waa in caddaalad iyo dimoqoraadiyad doonaysa oo ka soo horjeedda baadil xoog iyo xabbad wax ku raadinaya, sharcina aanba isku dayin inuu eego.
 
Darsiga labaad, in ayadoo la ogyahay inta ku maqan oday Cabdullahi iyo inta jeer uu hareer maray sharci iyo dastuur ayaa inta Somali isugu timid Nayroobi hoggaamiye ugu dooratay, ayagoo dad badani markaas boos been ah loo ballan qaaday.  Waxay ahayd Agoosto madow oo kale, ka dib tii uu dilay Suldaan Hurre. Nasiib darro waxay ahayd in dad badan ee ka yimid deegaanka Cabdullahi Yusuf ay Nairoobi ka yiraahdeen, war odayga iska daaya haddii kale waad ka shallaysayaan. Maanta ayey maraysaa, “maxay ka nuugtaa ama ku nuugtaa”, meeshii Somalid hore uga tiri. Xikmadda derisigaa 2aad waa inaan Somali waxba ka faa'iidysan 15kii sano ee burburka ahaa ee la soo maray – oo ceeriib baaba ka sii noqday meeshii laga bislaan lahaa. Waa nasiib darro in hadba isku khalad lagu noq-noqdo. Hadba keligitaliyeÂ…hadba Oktoober.

Suldaan Hurre waa dhintay mase noqon doono mid la illaawo. Ama Cabdullahi ha noqdo madaxweyne ama yuusan ahaan, wuxuu ahaan doonaa dacwad suge, ilaa inta uu nool yahay ama si caddaalad ah looga jeebayo dhibkii uu geystay. Dadaalkeennu waa socon ilaa xaq feero ka dillaaco.
 Hashi Sagaar


Sultan Hurre – we will not forget you!!!

That the case of Sultan Hurre is haunting Abdullahi Yusuf in London is perhaps a surprise to many Somalis, but not to me. In fact, I was surprised that Mr. Yusuf sat back with comfort while he is accused of killing a prominent Sultan cum intellectual. The former warlord has tried all the tricks of the trade to silence “friends of Sultan Hurre” and the victim's family, but that was to no avail.

The case of Sultan Hurre is not between few individuals and a Machiavellian leader. It is between those who believe in the rule of law and accountability, and those who believe that rules are made by men and they can breach with impunity (la jiifiyaana bannan).

It is unfortunate to see people considering the death of the Sultan as “a minor event”. But if we look at the circumstances he was killed, as well as his personality and profile, it is regrettable to be a Somali with conviction. Let me simply put it this way, the Sultan was killed because he stood up against the mother of dictatorship.

Mr.Yusuf claimed that he was the ruler of Puntland when his bodyguards gunned down the respected Sultan in Kalabayr (Puntland) on August 17, 2002. It is no secret that Yusuf gave the instructions of hunting the Sultan after his convey accidentally converged with the Sultan's car. The persistent story goes that Col. Yusuf's bodyguards run after the Sultan whom they gunned down without raising a finger to resist.

The Colonel and his convoy did not even pay attention to the seriously wounded Sultan. People at Kalabayr took the bullet-riddled Sultan towards Galkacio. Unfortunately, he died on his way to Galkaio. No action was taken what so even. Again it is no secret that certain individuals tried to accept the culpability of the Sultan's killing and make the case between Abdullahi's family and the Sultan's. Abdullahi rejected and claimed that “Hurre” was killed by the State of Puntland.  Despite accepting the sultan's killing in the hands of his bodyguards (and responsibility), he is still convinced that he could divorce himself from the political accountability of the death he caused. Time and money can erase Sultan Hurre's case, is Abdullahi's bet.

Apparently, Puntland (State) has institutions that take into task any killing, more so when a prominent figure is the victim. What have these institutions done to shed some light on the killing of Sultan Hurre? The answer is nothing. Reason!  Abdullahi did not try to investigate, despite his well known claim in the BBC Somali Service, because the killers, his bodyguards, may point a finger at him.  There is no other explanation, and indeed that is the commonly held version.

There are two lessons from this unfortunate episode of Somalia's recent history. The Sultan has enough supporters who will not give up their campaign to let the justice prevail. The matter is not between Abdullahi and the family of the Sultan. There is a significant number of Somalis who are against the warlordism culture which is based on impunity in today's Somalia. It is the forces of democracy and rule of law against the forces of arrogance and in-culpability.

The other lesson is, despite his record of warmongering and litany of political assassinations, Somalis gathered in Nairobi in another black August, and chose Abdullahi Yusuf as a national leader. Notwithstanding the warning from his constituency about Yusuf's inability to be a national leader, it happened that Mr. Yusuf, the man who white-washed a broad-day-light murder of a Sultan, to be selected as President of Somalia, albeit in exile. This lesson is underling the fact that Somalis have failed to learn from their previous mistakes. It is pity that they did it again and again and again. Sultan Hurre is dead but NOT FORGOTTEN. President or no president, Abdullahi Yusuf will continue to be a defendant of Sultan Hurre's brutal killing.  We will continue to call for justice until justice prevails.
 
Hashi Sagaar
Hashis@VTmail.com
 
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2005

 

Siciid Tumaal oo Baaq kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar

Waraysi: Madaxweyne ku Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska

Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 28

Warbixin: Natiijadii Codbixintii Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar..
iyo Baydhabo oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed.. Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD