SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


JENARAL MORGAN: DAGAAL OOGIHII KOOWAAD EE UMMADDA SOOMAALIYEED CAFIS KA DALBADA   

Jenaral maxamed siciid xirsi Morgan oo ah jenaraal ku caan baxay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya, jenaraalku wuxuu soo gaaray magaalada Muqdisho 25/5/2005 isaga oo ka soo baqoolay dhanka Nayroobi.

Jenaraal Morgan wuxuu durbadiiba aad u soo jiitay warbaahinta gudaha, gaar ahaan tan caasimadda Muqdisho wuxuuna  waraysiyo siiyay Idaacadaha iyo warbaahainta kala duwan ee magaalada Muqdisho isagoo waliba si aan leexleexad lahayn uga cudur daartay waxayaalihii horay uga dhacay.   Jenaraalku wuxuu aad ugu nuux-nuuxsaday in loo baahan yahay in hadda iyo wixii ka danbeeya laga waantoobo dagaalada sokeeye oo waxaan khasaaro ahayn aan laga dhaxlin lagana dhaxlayn isaga oo Cudur-daar u gudbiyay gobolada waqooyi iyo in allaale intii gacantiisu gaartay sheegayna in xitaa Maxkamad cadaalad ku dhisan uu diyaar u yahay!!!.    Inkasta oo aad mooddo in toobad-keenka Morgan ku soo beegmay xilli xaaladda jananka lagu tilmaami karo “ shalay oon tabar hayayna talo ma hayn maanta oon talo hayana tabar ma hayo” oo aan ula jeedo in Morgan maanta uu da’ yahay dagaaladiina uu ku jilcay, xoogaggii uu hogaamin jirany badan-koodiina ay meesha ka bexeen: hase ahaatee

 J. Morgan waa ninka kaliya ee inta la og yahay si cad u toobad- keen ugu dhawaaqay, ummadda Soomaaliyeedna si rasmi ah cudur-daar ugu gudbiyay arintaas oo ah mid aan hadda ka hor nin dagaal ooge ah aan ka dhicin.   Jenaraal Morgan waa in dadka Soomaaliyeed oo dhami ay cafiyaan gaar ahaan dadka ka soo jeeda gobolada la magac-baxay soomaali land, waliba waa in uu helaa Jeneraal Morgan abaal marinta uu mudan yahay maadaama uu yahay Qabqablihii koowaad ee toobad-keena iyada oon cidina khasbayn waana in xil u qalma uu helaa.

Jenaraal Moorganna waxaan leeyahay waa in intii aad wax kharibtay in u dhiganta ama ka badan Wanaagga, Horumarka iyo Nabadda ummadda Soomaaliyeed aad ku bixisaa , dibna aadan ugu noqon dagaaladii sokeeye, ragga Soomaali-nimada sheeganaya ee dagaal-ooge nimadii iyo shisheeye u xaglinta ku harayna aad ka waanisaa xumahaas ay ku jiraan waqti badanna aad ku bixiso arinkaas.

Guud ahaan siyaasiyiinta Soomaalida waxaan ku leeyahay war ku waana qaata toobadda Morgan oo intaan Alle idin qaban, ama Ummadda Soomaaliyeedna aysan danteeda garan, war ka waantooba kana soo laabta dhibaatada qaan gaartay ood ku haysaan danaha Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. 

Maxaa keenay in Soomaalida Sisaasadeedu ay sal dhigan waydo:

Jawaabta su’aashaasi waxay leedahay labo dhinac

A-   Qalooc ka jira dhinaca bulshada Soomaaliyeed ee wax loo dhisayo

B-   Qalooc ka jira qolyaha leh waxbaan dhisaynaa.

-Qalooca ku jira dhanka shacabka waxaa u asal ah: wacyi iyo aqoon daro ku wajahan danta caamaka ah iyo caadifad qabiil oo indha la’. 

Qalooca dhanka Siyaasadda waxaan u qaybinaynaa labo qaybood:

A-      Dhanka Siyaasiyiinta Soomaalida oo siyaasaddoodu ay leedahay tilmaamaha soo socda:

1-   Qabyaalad, kooxaysi iyo gobolaysi in lagu adeegto ummadda Soomaaliyeedna lagu kala qaybiyo.

2-   In la hogaamiyo Xisbiyo iyo Ururo aan lahayn hadaf saxan iyo wax barnaamij ah, qaab urur iyo qaab maamulna aan ku dhisnayn, hal nin oon cidna la tashan oo aan la badalin ayaa urur beeleed kasta hor booda .

3-   Tanaasul la’aan iyo qalad qald lagu saxo .

4-   Aqoon daro iyo iyaga oon u qalmin sida badan xilalka ay sheegtaan.

5-   Siyaasad ku dhisan qaab geel qaadnimo iyo is boob.

6-   Qiyamaka iyo mabaadi’dooda oo hoosaysa .

7-   In dana gaar ah laga diba cararo danta guudna meel lagu duuro.

8-   In U adeegid dana shisheeye laga dooribdo tab ummadda Soomaaliyeed.

B-      Tan oo Siyaasadda Soomaaliya ragaadisay waa hardan goboleed iyo mid caalami ah oo Umadda Soomaaliyeed ku dhacday gaar ahaan dalka Itoobiya oo u arka in soomaalidu tahay cadaw geedii oo kufay aysan ahayn in uu mar labaad soo kaco, iyada oo wax walba iyo qaab walba u adeegsanaysa waliba sidii aan Soomaaliyi mar danbe cageheeda iskugu taagi lahayn.

Waxaa wax ku hagaagi karaan in khaladaadkaas kor xusan oo dhan la saxo si dhex dhexaadnima ahna wax looga qabto. 

Ilaahow danaheena guud iyo kuweenna gaar ahaaneedba adigu na fahansii,          AAMIIN.

W/Q/ C/QAADIR M. MAXAMED.
kkitaab1@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2005

 

Siciid Tumaal oo Baaq kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar

Waraysi: Madaxweyne ku Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska

Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 28

Warbixin: Natiijadii Codbixintii Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar..
iyo Baydhabo oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed.. Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD