SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Hargeisa vs Ogadenia

Sidaan wada ogsoonnahay waxaa ka dhaxeeya labada shacbi ee soomaali , ehelnimo, derisnimo, iyo wax alle wixii ka dhaxayn kara laba dad oo jaara. Ha yeeshee in dhawaydba waxaa dhacday in madmadaw soo kala dhexgalo labadii shacab.

Maxaa sababay is-afgaranwaagan?

Ummadda reer ogadenia waxay dagaal kula jirtaa maamulka Ethiopia. Sidaas awgeed cadawga Ethiopia isagoo doonaya inuu xabbadda isaga ku jeedda iska leexiyo ayuu wuxuu bilaabay inuu adeegsado, aakhirkiina helay dad soomaaliyeed(W.Galbeed) oo isaga u dhaga waddan, danihiisana fulinaya. 96-dii ayay ahayd markii ay dabinka si dhaba ugu dhaceen maamulka waqooyi galbeed ka dib markii ay habeen madaw guryahooda kala baxeen masuuliyiin ka tirsan JWXO, oo xilligaas isaga ah qaraabo-salaan ku joogay magaalada hargeisa una dhiibeen Gumaysiga Abyssinia. Dhacdadan oo ahayd mid ugub ah waxay si wayn uga argagixisay ummadda soomaaliyeed. Dhab ahaantii shacabka reer Hargeisa maysan jeclaysan arrintan foosha xun ee uu ku kacay maamulkii ina Cigaal (give credit where it is due). Shacabka reer ogadenia wuu ka jawaabi karay dulmigaas laakiinse wanaag ayuu ka doorbiday.

Waxay ahayd 2002-dii markii xigtay ee si cad amarka looga soo siiyay magaalada Addis oo uu markaas booqasho ku joogay inuu safarrada, ganacsatada iyo wixii qaraabadooda la joogaba ee ka soo jeeda Ogadenia iyagana xidhxidho hantidoodana dhaco. Cigaal galab ayuu hargeisa ka soo degay aroortiina wuxuu ku waabariistay shacabkii reer Ogadenia ee ku sugnaa W.Galbeed oo uu ka dhigay mid uu jeel galiyo iyo mid uu Tigreega u dhiibo. Ina cigaal ma sii noolayn oo maalmo guduheed geeriyoo. Shacabka reer Ogadenia way heli kareen inay jawaab lama illoobaana ka bixiyaan, laakiin (thanks to ONLF) waxay doorteen inaysan ku dagmin dabinnada uu u maleegayo Tigreegu isagoo adeegsanaya kuwa u ah midiidinka.

Waxaa xigtay kolkii maamulka W.Galbeed isagoo fulinaya amar ka soobaxay saraakiisha ciidammada Ethiopia ee ku sugan magaalada hargeisa uu dad aad u farabadan oo isugu jira carruur , haween, iyo duqay uu xabsiga intuu dhigay yidhi waa dad ONLF. Dambigoodu dadkaasi wuxuu ahaa inay ka soo jeedeen Ogadenia. Ceebtii ugu waynayd waxay ahayd kolkii ay ciyaal qaarkood 10 jirro ah iyo duqay 80 kii ku dhaw yidhaahdeen waxaa lagu soo tababaray Eretria. Ilaa haddana qaarkood xabsiga Hargeisa ku jiraan qaarna ciidammada Ethiopia ku wareejiyeen.

Shacabka reer Ogadenia arrintan go’aan cad ayay ka gaadheen sida uu Hereri ku xusay maqaalkiisa, kaas oo ah inaysan u dulqaadan doonin gefefka faraha badan ee uu maamulka W.Galbeed kula kacayo shacabwaynaha reer Ogadenia ee u soo safar tegay degaankooda.

Wixii eegga ka dambeeyana ay jarayaan xidhiidhkii ay la lahaayeen Goboladaas, mid ganacsi iyo mid is dhex socodba. Sida uu Hereri u sheegayna waxaa rumowday hadalkii JWXO oo ahaa inay kolka shakhsi reer Ogadenia laga soo saaro hargeisa in mid reer Woqooyi ah laga soo eryi doono Ogadenia.

Maxaa saamayn ah oo uu keenay ficilkii shacabka reer Ogadenia?

Ganacsiga: mar aan fogayn warsaxaafadeed uu soo saaray golaha ganacsatada W.G waxay ku xuseen in 70% ganacsigii ay la lahaayeen Ethiopia uu u wareegay Puntland .

Waxa iswaydiin leh yay tahay Ethiopia-yadani? Ma Addis iy Axum baa? ma Gondar iyo Gojam baa? Maya e waa Ogadenia. Isla ayaamaha waxaa maamulka hargeisa waydiisanayay mag dhaqaale kuna mudaharaadayey baabuuraydii u kula gooshi jirtay Ogadenia iyo W.G oo wax ay qabtaan garan la baabuurtoodiina iska hoganayso geerashyada kuna eedaynaya maamulkooda inay iyagu ka dambeeyaan shaqa li’ida iyo dhaqaale xumada soo foodsaartay.

Sidoo kale bishan horaanteedii ayaa war ku soo baxay Jamhuuriya wuxuu qoray maqaal uu ku sheegayo inay ganacsato iyo baabuurray ku doodaya in Baabuurtoodii lagu gubay Ogadenia ay ka doonayaan maamulka W.G mag dhaw iyagoo intaas raaciyay inuu dhibkani u soo gaadhay xasarad uu maamulka W.G abuuray aawadeed. Waxaa aad looga dareemay W.G fashilka dhaqaale ee ku habsaday.

Isu-socodka: maalin dhawayd ayaa waraysi uu siiyay Waagacusub.net mid ka mida isimada W.G waxuu ku sheegay in isusocodkii labada shacbi burburay, ganacsigii burburay waxaas oo dhanna ay ka dambayso taliska hayinka u ah Tigreega ee hargeisa ka taliya isagoo sheegay inay bilaash safarradii Ogadenia isaga xidhxidheen.

Waxaa waa dhawayd dhacday in niman odayaal ah oo reer W.G ahi tageen Ethiopia iyagoo dawladda ka doonaya in ay ka qabtaan nimankan ONLF ah magna doonaya oo leh baabuurtii nalaga gubay hanalaga xaal mariyo. Waxayse odayadii amakaageen markay dowladdii ku tidhi baabuurta in la gubo way bannaanayd maxaa yeelay sharci darro ayay ahaayeen, midda kale dee dadka iyo wixii degaanka ka taliya ordaya oo kala xaajooda.

Xalku muxuu yahay?

Maamulka W.G waxay ka tallaabsadeen walaaltinimadii, darisnimadii, iyo dantii ka dhexaysay labada shacbi. Waxay abuureen is-afgaranwaa, kala irdhayn labad shacab iyagoo ka doorbiday inay u heellanaadaan, hayina u noqdaan Tigreega. Waxaan xasuustaa muddo woxoogaa laga joogo suaal ay bbc-du waydiisay Cigaal oo ku saabsanayd horumarka W.G oo sidii looga filayay wax kale la soo booday “idinku Kililka 5aad waxaad u taqaanaan Ogadenia” oo dadkii meesha joogay iyo wariyihiiba fajac ku riday. Sidoo kale waa dhexdaa ah mar ciidamada W.G ay ku jabeen weerar ay ku qaadeen kuwa Puntland ayaa wisiirka warfaafinta u qaabilsan W.G waxa uu jabka ciidamadooda soo gaadhay u aaneeyay inay dagaalka soo galeen ciidamada ONLF.

Waxa ay gaadhay heer hadday waxaryari hargeisa dhexdeeda ka cido la yidhaahdo waxay ku lug leedahay Ogadenia.

Xalku wuxuu la jiraa iyada oo maamulka W.G u soo daadego runta garwaaqsadana inaysan dan ugu jirin kala irdhaynta labada shacab. Inay dulmiga ka dayso dadka reer ogaadeeniya ee goboladooda yimaadda sida aan kuw reer W.G ee Ogadenia yimaadaba loo dhibaatayn.

Inay garawsadaan in Ethiopia iyo iyaga ay Ogadenia u dhaxayso. Inay ogaadaan inaysan dibindaabyaynta shacabka reer Ogadeeniya meel ku gaadhaynin. In cadaalad lagu wada noolaado. Haddaan sinnaantaas lagu wada noolaanaynin annagu raalli baan kanahay inaynu kala joogno. Ka billow Buuhoodle ilaa Raaskambooni ayuu shacabkayagu haybad iyo wanaag ku mari kolka idinku bal go’aan inoo sameeya.

Axmed Ismail maqaalka uu qoray waxaan ku tilmaami lahaa “cheap talk” ONLF iyo iyada ruux u adeegaya midna uuma baahna inuu Hargeisa Axmaar ku waxyeeleeyo. Humaaggaagaan u maleeyay inaad wax soo waddo. Riyaale muxuu aljazeera u caddeeyay “wax ONLF ku lug leh oo dhulkayaga ka hawl galay ma jirto” waxaa halkaa ka cad oo maamulkiinu qirayaa inaad dad masaakiin ah oo safarra ah iska –xidhxidhateen maadaama Ethiopia idinku amartay.

Kolka sxb waxaan ku odhan lahaa “odhaahdaada lama dheehan karo saa waxbaaba kuu dhiman”

By: A Omar
bulaale77@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2005

 

Siciid Tumaal oo Baaq kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar

Waraysi: Madaxweyne ku Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska

Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 28

Warbixin: Natiijadii Codbixintii Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar..
iyo Baydhabo oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed.. Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD