- Af-hayeenka Madaxweynaha DFKMG
ah oo sheegay in Dowladda ay ka xun tahay dagaalkii Baydhabo, lugna
aysan ku lahayn.
- Maamulka isbahaysiga dooxada
jubba oo maanta mar labaad ku celiyay in ciidamadoodu ay gali
doonaan magaalada Baydhabo hadii halkaa ay gacan sadexaad soo fara
galiso oo ay ula jeedeen ciidamda itoopia
Af-hayeenka Madaxweynaha DFKMG ah oo
sheegay in Dowladda ay ka xun tahay dagaalkii Baydhabo, lugna aysan ku
lahayn.
Yuusuf Ismaaciil bari-bari oo ah
Af-ahyeenka madaxweynaha Dowlada FKMG ah ayaa maanta shir jaraa'id oo uu
ku qabtay Hotelka Chaster House ee Nairobi kaga waramay dagaalkii
dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay iyo dib u guurista
labada Gole.

Yusuf Ismail, Afhayeenka Madaxweynaha DFKMG
Sawirka: AP | May 31, 05 | NRB
|
Bari-Bari waxa uu ugu horayn sheegay in
dowlada FKMG ah ay baaq nabadeed u dirayso dhinacyada ay dagaalada ka
dhexeeyaan ee isku haya baydhabo,tacsina ay gaarsiinayso iyadoo ka xun
dhibka ka dhacay gobolka Bay dadkii ku nafwaayay iyo kuwii ay
dhaawacyadu ka soo gaareenba.
Dowladda FKMG ah wax lug ah kuma lahan
ayuu yiri Af-hayenka oo intaas ku daray in dagaaladaas aysan xukuumadu
(Madaxweynaha iyo Ra'iisulwasaaraha)wax shaqo ah oo siyaasadeed aysan ku
lahayn labada dhinac dhibka soo gaarayna ay ka wada xun tahay, waxa ayna
labada mas'uul u dirayaan ayuu yiri Baaq nabadeed oo la xiriira sidii
loo joojin lahaa wax walba oo u muuqda abaabul dagaal oo markale ka
dhaca gobolka Bay (baydhabo.)
Waxaa kale oo shirkan afhayeenka
Madaxweynaha ku sheegay in dhawaan ay labada gole ka guurayaan magaalada
Nairobi,dib ugu laabashada dalkana ay haddaba socoto isagoo xusayay in
ergadii shirka ay bilaabeen guuristaas maalmaha soo socdana ay dowladda
gabi ahaan ka guuri doono dalka Kenya iyadoo qaban doonta Magaalooyinkii
horay loogu codeeyay ee Jowhar iyo Baydhabo.
Ciidamadii la gaynayay Somaliya mar uu uga
hadlayay shirka waxa uu sheegay in qaar ka mid ah ciidamaas uu u
dhamaaday tababarkii loo furay,marka ay dowladu dagtana ay ka daba imaan
doonaan qorshahaasan uu hadda meel fiican marayo si loogu guulaysto ayuu
yiri Amaan lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya.
Warbixintii: Canab Mumtaz | Somalitalk |
Kenya
Email:
canabmumtaz@yahoo.com | May 31, 2005
Maamulka isbahaysiga dooxada jubba
oo maanta mar labaad ku celiyay in ciidamadoodu ay gali doonaan
magaalada Baydhabo hadii halkaa ay gacan sadexaad soo fara galiso oo ay
ula jeedeen ciidamda itoopia
cabdi qadar nuur
maxsamed filipiin
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Maamulka isbahasiga dooxada jubba ayaa ciidamdooda heegan buuxa la
galisyaya tan iyo markii shalay uu iska hor imaadka ku dhexmaray
magaalada Baydhobo labada maleeshiyo oo kala taageersan masuuliyiiinta
ka kala tirsan dowalada FKMG ah ee soomaaliyeed ee kala ah xildhibaan
xaabsade iyo wasiirka beeraha xasan maxamed nuur shaati guduud iyo
wasiirka garsoorka sheeq aadan madoobe.
Mar uu maanta saxaafada u waramayay
taliyaha ciidanka isbahaysiga dooxada jubba ninka lagu magacaabo maxamed
rooble jimacaale goobaale ayaa waxa uu cadeeyay in ay san faraha ka
laaban doonin hadii ay magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Bay ee ay
isku hayaan labada maleeshiyo ee walaalaha ah ee ku abtirsada beelaha
digil iyo mirifle ay soo fara galiso gacan sadexaad oo uu kala jeeeday
ciidama itoopiya oo ayagu la sheegay in ay soo hubaysay garab ka mid
labada maleeshiyo ee ku hardamaya gacan ku hayenta magaalada baydho.
Taliyaha oo isagu canbaareyay dagaalka
naxdinta leh ee u dhaxeya dadka walaalaha ah ee ku sugan gobolka baay
ayaa hadalkiisi waxa uu raaciyay in dagaalkan ay ka danbeeyaan qaar ka
mid ah masuuliyiinta sarsare ee dowlada FKMG ah ee soomaaliyeed taasna
ay tahay mid aad looga xumaado .
Dhanaka kale waxaa soo baxaya hadalo
sheegaya in uu maamulka isbahaysiga dooxada jubba dhaqaale u diray
maamulka xildhilbaan Xaabsade oo la sheegay in ay isku xulufo ka yihiin
dhanka siyaasada dowlada FKMG ah ee soomalaiyeed .
cabdi qadar nuur maxsamed
filipiin
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2005
Warar
Googoos ah:::
»Muqdisho:
Aqoon isweydaasi ay qabatay SSUP
»Sweden:
Hadal kasoo baxday gudiga sharcilaawayaasha
»Baydhabo:
Baaq nabadeed ku wajahan baydhabo...
»Laanta
Buur: Urur deeq gaarsiisey ciidanka laanta-buur
»Al-Islaax
oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka
»Qaahira:
Siminaar loo soo gabagabeeyey suxufiyiinta Afrika
Wararka
oo dhan halkan ka akhri... Guji...
Kulamo Ka Dhici Doona Holland iyo Minneapolis
»June
4 & Holland: Waxa laga ogyahay sunta ku duugan som.
»June
5 & Minneapolis: Tsunami ka dib iyo degaanka Somaliya
Goobaha lagu qaban doono kulamadaas ka akhri
halkan... Guji
Siciid Tumaal oo Baaq
kasoo Saaray Dilkii Khadar Cismaan Dhabar
Waraysi: Madaxweyne ku
Xigeenka DGPL
Galkacyo: Qaylo dhaan ka soo yeertay Ceelka Yamayska
Garoowe: Xasan Abshir oo ka qayb qaadanaya caana shubka
Muqdisho: Kulan looga hadlay qaadisat Isbaarooyinka...
Wararka oo dhan ka
akhri halkan... May 28
Warbixin: Natiijadii
Codbixintii Qodobka 76aad ee Dastuurka Dalka Masar..
iyo
Baydhabo oo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed..
Guji...