Xalay habeenimadii
waqti-dambe ayaa Booliiska Dalka Sweden waxay qabteen
Cabdi-Qeybdiid iyagoo amar ka helay Xeer-ilaaliyaasha
Caalamiga ee Magaalada Gothenberg .

Col. Cabdi
Xasan Cawaale "Qaybdiid" |
Qeybdiid ayaa booqasho
ku joogay Sweden,isagoo kaga qeybgalayey shirka looga
hadlayey arimaha Nabada geeska afrika kaas oo ay
maalgelisay Hey'ada qaabilsan dhinaca macaawinada ee
Wadanka Sweden.
Hadii lagu helo
denbiyada lagu soo oogay wuxuu muteysan doonaa
xabsi-daain, sida ay Sheegeen Soomaali ku nool Wadanka
Sweden.
Wuxuu Qeybdiid hogaanka
u hayey Ciidanka mudadiii uu socday dagaalkii sokeeye,
Cabdi Qeybdiid ayaa la qabtay Xalay saacadahii dambe
2dii iyo 25-daqiiqo,iyadoo Booliis khaas ah u yimaadeen
Hoteelkii uu deganaa ee Concordia kuna yaal Magaalada
Lund.
Booliiska ayaa
boorsadii uu watay horey ugu soo qaaday maadaama uu
gaariga Booliiska ku sugayey Hoteelka dibadiisa.
Wararka u horeeya ee
kasoo baxaya Xariga Col. Qaybdiid
Ciidanka Amaanka Dalka
Sweden ayaa gacanta ku dhigay Col.Cabdi Cawaale
Qeybdiid oo ay ku raad-joogeen Mudooyinkan Ciidan
khaas ah oo ka socday Maxkamada Dembiyada Baarta ee
Hague, ayaa su'aalo ku weydiineya Saldhiga Dhexe ee
Degmada Lund oo ka tirsan Koonfurta Sweden oo ay
maalmahan shirar lagu martiqaaday Wadamada Bariga
iyo Bartaha Afrika uu ka socaday.
Warar ayaa sheegaya in
Garyaqaanka dacwada soo oogay uu sheegay in ay
gacanta ku hayaan cajal fiidiyoow ah oo la duubay
isagoo Cawaale Qaybdiid gacantiisa (ama amarkiida)
ku dilaya 4-Wiil oo Soomaali ah, dhacdadan ayaa
waxay ka dhacday Magaalada Jilib, iyadoo sida
wararku shegayaan ay sidaas xaqiijiyeen Garyaqaanada
dacwada ku soo oogay Col.Cawaale.
Xaqiiqada la
ogyahay ilaa hadda::
- Col. Qeybdiid
waxa uu kamid ahaa wafdigii la socdey
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan,
ee booqashada ku joogey dalka Sweden..
- Col.Cabdi
Qeybdiid waxaa Taliyaha Ciidanka Booliiska u
magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka DKMG, waxaase
magacaabidaas diidey Ra'iisulwasaaraha DFKMG,
Cali Maxamed Geedi.
- Col. Qeybdiid
waxa uu kamid ahaan jirey hogaamiyaasha Muqdisho
ee hubka sidey...
- Dawladii Carta
ee uu madaxda ka ahaa C/Qaasim waxa uu ka noqday
Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir...
- Ciidanka
Booliska Sweden ayaa Xalay goor dambe ka xiray
hotelka uu degaanaa..
Wixii ku soo kordho
dhacdadan kala soco Warsidaha SomaliTalk.com
Xigasho:
http://www.aftonbladet.se
Xuseen Yaasiin Gode-Gode
godegode_6@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com
| Oct 17, 2005
Gen. Cadde Muuse oo
kusoo laabtay Boosaaso:::
Wararka ka imanaya
magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in madaxweynaha DGPL,
Gen. Cadde Muuse uu dib ugu soo laabtay Boosaaso kaddib
markii uu ka soo duulay Dubai oo uu muddo ku maqnaa.
Wararku waxa ay
sheegayan in Gen. Cadde Muuse uu isla maanta saacado
gudohood dib ugu laaban doono Dubai, halkaas oo la
sheegay in uu ka soo aadi doono dalka Jarmalka.
Wararka galabta ka
imanaya Boosaaso ayaa sheegay in Gen.Cadde Muuse uu
Boosaaso ka dhoofay isla galabta 4:30 galabnimo. Waxaana
wararku tibaxeen ujeedada uu u yimid Boosaaso waxay
ahayd in uu cusboonaysiisto 60 maalmood ee dastuurka
Puntland u ogolaanayo in madaxweynuhu uu dalka dibada
kaga maqnaankaro.
ISHA: Wargal Jooga
Boosaaso | Oct 17, 2005
GOLAHA BADBAADINTA
IYO XORAYNTA SHACBAKA JUBBADA HOOSE
Shirya yeelatay
Jaaliyada W/America Gar ahaa Gobolka Minnesota,
Minneapolis
12-14/10/2005 waxay samaytay Gole lagu magacaabo Golaha
Badbaadinta iyo Xiraynta Shacabka Jubbada Hoose,Golahaan
waxaa loo asaasay markii la arkay dhibaatada Gaamurtay
oo lagu hayo dhamaan shacabka ku nool Jubooyinka oo
xooga lagu haysto,oo maalinkasta sidii xoolihii la iska
badugayo ayaa Golahaani waxay go'aamiyeen oo lagama
maarmaan noqotay in la sameeyo Golahan si loo badbaadiyo
shacabka Jubooyinka Golahaani wxuxuu soo saaray
Arrimahaan:
1-In Maxkabad Caalami ah lagu soo oogo Sadex Xarigle
Barre Aden Shiire(HIIRAALE) oo sheetay in uu yahay
Sarkaal sare,dhibaato faro badana u geystay Shacabka
Jubbada Hoose.
2-Goluhu waxaa kale oo aad uga hadlay in sida ugu
dhaqsaha badan loo sameeyo dacwad ka dhan ah qabqablaha
ku soo aan baxay shacabka aan waxba galabsan ee ku nool
jubooyinka(BARRE HIIRAALE)
3-Goluhu wuxuu soo Bandhigayaa 1996 ilaa 2005 dadka uu
ku xasuqay Dhamaan jubboyinka tiradooda
4-In gargaar deg deg ah lala gaaro dadka ku Tabalaysan
Jubbada Hoose.
5-Gollahan Cusub wuxuu ka digey in ay soo laabkarto
dagaalkii sookeye in uu mar kale ka qarxo jubbaddda
hoose,Taaso kaliftay in aan marnaba loo dulqaadan karin
dhibka lagu hayo dadka xooga lagu haysto golahaani marna
kama caajisayo inta ay iska xoraynayaan burcada ku
naaxdey dhiiga iyo xaaranta,wixii halkaas ka yimaadana
waxaa ka masuul ah dagaal ogaha Saddex Xariigle Hiiraale.
Golahaani wuxuu si kulul u canbaraynayaa
falalkii u danbeyey oo malmahaan ka dhacay Jubbada hoose
oo ay sameeyeyn Burcada xooga ku haysata magaalada
kismaayo,markii dhawaan lagu dilay magaaladaas nin u
shaqayn jirey hay'adaha ka walgalijirey magaalada
kismaayo,oo ka soo jeeday dadka xooga ku haysta
magalada,oo uu diley nin ay isku beel ka soo jeedan oo
ku dilay lacag uu ku lahaa oo dhamayd $25,000 000 oo
Dolar ka dib marku bixiin wayey uu Meel fagaaro ah ku
toogtay,arrintaasi markay dhacday ayaa danbigii waxaa
dusha laga saaray dadka deeganka si loo kalbadbaadiyo
burcada xooga ku joogta gobolka,isla markaasna qaar
xabsiyada loo daxaabay qaarna si bareera loo dilay.
Goluhu wuxuu dhawaan soo bandhigayaa ninkii
falkaas geystay magiciisa iyo Beesha uu ka soo
jeedo,goluhu waxaa kale oo soo ogaaday in nikii wax
dilay loola cararay(Cabdu-waaq-Galgaduud)
Fahfahiin kala soo xiriira Afhayeenkii Hore ee
Golihii SRRC
abdibarre ahmed |
jabriil62@hotmail.com
Afaaf: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
MAQAALADA DADWEYNAHA:::
Qeeybdiid
qiraallo ayaa laga hayaa...
baydan Samatar khalaf
baydan@mail.com
Dagaalka sokeeye markii
uu bilaabmay , dadka qaarkiis waxay iska duubeen
cajalado muujinaya dambiyadii ay faraha kula jireen.
Dadkaasna waxaa ka mid ahaa Qeeybdiid oo cajalad ku
qiranaya xasuuq uu Galkacyo ka geystay mar uu u
waramayey Caydiid, xasuuqaasna waxaa lagu dilay dad
gaaraya 500 oo u badan odayaashii degaanka. Waxaana
xusid mudan in dadka halkaas lagu laayey ay ka buuxeyn
dad badan oo aan waxba galabsan, markhaatina
faahfaahsana laga heli karo dadka la laayey eheladoodii.
Tusaale ahaan odayaasha Gaalkacyo waxaa ka mid ahaa
maalqabeenkii la oran jiray Moxamuud Xaaji Xasan oo
aabihii loo tiriyo nabadoon aan dadku u kala soocnayn,
wuxuuna qabay Gen Caare islaan la dhalatay, isaguna
gurigiisa ayuu ku soo koray. Marka , taas waa tii uu ka
galay Mudug oo keliya, balse waxaa jira dambiyo kaloo
badan uu ka galay Somaali iyo ajnabi intii dagaalka
sokeeye socday. Waxaana jirta oo kale in BBCda af
Injiriiska looga soo duubay barnaamij uu kaga sheekeynayu
sidii ay ula dirireen Mareykanka , dagaalkaas oo ay
dhegta uga go'day. Waxaan filayaa marka in xaqii uu
feeraha ka dillaci rabo ee ILahayoo cadaalad dalka
nooga yeel..
Baydan. S. Kh
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan