Xildhibaan Cabdirashiid Ciro: Xul
ma Nihin ee Xal baanu Nahay
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed CabdiXaashi (Ciro) oo ka mid ah
mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo booqasho dhawaan ku yimid
Aarhus,Denmark ayaa maalintii Jimcaha bishuna ahayd April 7,2006 la kulmay
madaxda gobolka oo uu ugu horeeyey Nicolai Wammen oo ah duqa magaalada
Aarhus oo isagu xafiiskiisa ku qaabilay.

Cabdirashiid Ciro iyo Nicolai Wammen
Cabdirashiid
Ciro
iyo Nicolai Wammen oo ah duqa magaalada waxaa ay ka wada hadleen
arimaha Soomaaliya iyo xaalada ay hadda ku sugan tahay siday gacan uga
gaysan karto dawlada Denmark, waxayna isla soo qaadeen nolosha dadka
Soomaalida eeku nool Denmark.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kasoo qayb galay kulanka
Nicolai Wammen ayaa Soomaalida ku amaanay garab istaagii ay is
garab taageen xiligii uu tartanka madaxnimada gobolka
Arhus uu ku
jiray, waxaana uu sheegay in uu Soomaalida garab taagnaan doono had iyo
goorba.
Waxaa Nicolai Wammen uu sheegay in uu daneeynayo la kulanka madaxda
sar sare ee dowlada Soomaaliya, waxaana uu sheegay in uu ka shaqeyndoono
sidii uu ula kulmi lahaa.
Mudane Cabdirashiid Ciro ayaa isna uga mahadceshay dowlada Denmark
sida ay Soomaalida wadankeeda ku sugan u daryeeshay, xaga sharci bixinta iyo
daryeelada kale, sida waxbarshada, caafimaadka iyo nabadgelyada, waxaana uu
tibaaxay in ay tahay abaal ay dowlada Soomaaliyeed u heyso wadanka Denmark,
kulankaasi oo uu goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee
Denmark Cabdirishiid Shiikh Maxamuud oo loo yaqaan (Siyaasi) ayaa ku
dhamaaday is faham.


Cabdirashiid Ciro ayaa isla maalintaas galinkeedii dambe saacada
Denmar markay ahayd lixdii galabnimo
kulan dheer oo warbixin iyo wax is weydiin isug jirayba la yeeshay shacabka
Soomaalida
ee ku dhaqan magaalada Aarhus oo uu uga waramay xaalada dawlada Federaalka
Soomaaliya iyo xaalka uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya ayaa ugu horayn
hadalkiisii ku bilaabay sidan. Mudo sannad ah ayaanu baarlamaan ahaan kala
maqneyn, waana dhib aanan la inkri karin, hase ahaatee hada waanu wada
joognaa, insha allaahna ma kala tegi doono"

xildhibaan ciro, siyaasi iyo duqa magaalada
Waxa uu sheegay in siyaasada dowlada tahay mid dib u heshiisiin ah, waxaana
uu yiri" waxaa waajib ah mar haddii xubnihii sar sare ee dowladu wada
joogaan haatan, meelna ku wada shaqeeynayaan, in dalka intiisa kale iyana
wax laga qabto, oo hawl xoogan laga qabto".

Xildhibaan Ciro iyo gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee
Denmark, C/rashiid Sheekh Maxamuud (siyaasi).
Xildhibaan Cabdirashiid waxa uu ka hadlay kaalmada caalamka wuxuuna
sheegay in markasta oo ay la kulmaan caalamka in laga codsan jiray in
dowlada kala qeybsanaanteeda lasoo afjarto, si wadanka wax loogu qabto, "haatan
oo kala qaybsanaantii lasoo afjaray, wadamadii caalamku Soomaaliya
indhahooday kusoo duween, balanqaadyadii ay Soomaaliya u sameeyeenna way soo
dedejinayaan" ayuu yiri xildhibaan Ciro, isagoo xusay in shirkii ugu
dambeeyey ee Bruxells ay Soomaalidu hanatay saaxiibtinada Midowga Yurub,
waxaana midowga Yurub ka sokoow dowlada Belgium ay balan qaaday booqasho ay
kusoo gaarayaan magaalada Baydhabo, halkaana ku qeexi donaan qorshahooda
Soomaalida ku beegan.

Jaamacada Carabta waxaa ay si gaar ah isu arkeen madaxweyne
Cabdullaahi Yusuf, ras'iisal waasaare Geedi iyo gudoomiyaha Baarlamaanka
Shariif Xassan magaalada Kharduum oo ay kulamo gaar ah isla qaateen madaxda
carabta, iyaga oo Soomaaliya ugu hambalyeeyey heshiiskii
Yemen kuna
tilmaamay horumar la taaban karo, iyagoo balan qaaday taageeradooda.
Mar uu
ka hadlayey nabad gelyada
waxaa uu Xildhibaan Ciro sheegay in dowladu ay ku guuleysatay xasilinta
colaadihii ka jiray meelo dhawra oo ay ka mid tahay gobolada dhexe oo ay
haatan arintoodu gebo gebo tahay, waxaana uu sheegay in heshiisiinta dadka
Soomaliyeed ee wada dhashay ay tahay dowrka ugu horeeya ee nabad waarto lagu
gaari karo.
Waxaa uu xusay in dagaalada ka soconaya caasimada Soomaaliya ay
yihiin kuwo macno daro ah, aana loo baahneyn in ay haatan shacabka rafaad
noocaas ah ay marshaan, barakac iyo burburna la gaarsiiyo goobaha maslaxada
dadku ku xirantahay gaar ahaan, guud ahaana magaalada oo dhan.

Xildhibaanka ayaa su'aalo ay waydiiyeen xubno jaaliyada ka tirsan,
isagoo mid mid uga jawaabay, mar la weeydiiyey kaalinta ama dowrka haweenka
Soomaalida ay ku leeyihiin baarlamaanka iyo aragtida dowlada ee ku beegan
daryeelka dumarka iyo dhalaanka Soomaalida waxaa uu yiri" sida aad la
socotaan waxaa jirta wasaarad ay maamusho wasiirada Fowsiya, kana shaqeeysa
danta dumarka Soomaaliyeed iyo dhalaankaba, waxaana baarlamaaku sameeyey
gudi gaar ah oo ka kooban gudiyada la sameeyey dhamaan, waana horumar loo
baahan yahay in la dardar gesho".

"Xubin kasta oo baarlamaanka ka mid ah si kastaba haku timaadee
waxaa waajib ku ah difaaca go'aamada uu baarlamaanku ansixiyo, hadalna waxaa
uu banaanyahay inta dooduhu socdaan, mar haddii la codeeyo, waxaa waajib ah
in 50+1 ama inta badan codkooda la wada qaato, afkoodana saxaafada lagula
hadlo, balse waa dhacdaa in dad badan oo aan macnahaa la socon ay naga mid
yihiin balse ogaada
anagu
xul ma nihin ee xal baanu nahay" ayuu Xildhibaan Ciro kaga jawaabay su'aal
ahayd Sababta baarlamaanka Soomaalida marka ay wax isla gartaan ama go'aan
baarlamaanku isku raaco uu xildhibaan walbaa sida uu doono uga hadalo.


Xildhibaan Cabdirashiid
Ciro
ayaa lakulamadiisa Soomalida Denmark ay uga faa'iidaysteen xog ogaal u
noqoshada arimaha ka socda dalkoodii Soomaaliy.Shirkaas kadib ayaa
xildhibaanka waxaa qado sharaf usameeyey haweenka Soomaaliyeed eek u nool
magaaladaas Aarhus,wuxuu kaloo la kulmay xildhiaab ciro qaar ka mida
jaaliyada Soomaalida eek u nool degaanada ka baxsan magaaladaas oo booqasho
ugu yimid. Xildhibaanka ayaa ubaqoolay maalintii Axada dalkaasi Ingiriiska
oo uu casuumad ka helay jaaliyada Soomaalida eek u nool halkaas isagoo sida
uu usheegay halkaas uga sii gudbi doona dalkii hooyo, gaar ahaan magaalada
Baydhaba oo fariisan ku meelgaar u’ah labada gole ee dawlada federaalka
Soomaaliyeed.

Waxaa
soo tebiyey
gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee Denmark
C/rashiid Sheekh Maxamuud (siyaasi).
Faafin: SomaliTalk.com | April 10, 2006
Axmed Nuur oo noqday Musharixii Tobnaad oo isu
soo taaga xilka Guddoomiye ku Xigeenimada ee Xiriirka K/cagta..
Guddoomiye ku xigeenka
kooxda Elman FC Axmed –Nuur Xasan C/lle oo ah Musharaxa Guddoomiye ku
xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaa shaley kulan qado ah la
qaatay kooxaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxaana uu sheegay inuu
aad ugu faraxsan yahay sida ay kooxuhu u aqbaleen codsigiisa ku aadan
Jagada Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta...
AKhri....
Musharaxa
Yaasiin Abuukar Cariif oo isaga oo ku sugan Mareykanka la soo xiriiray
Kooxaha K/cagta
Hotel Ramadaan waxaa
ka dhacday Xaflad qado ah oo loo sameeyay 24-ka Kooxood ee iyagu ka
qayb-qaadanaya doorashada..
Guji... Apr 4
Amiin Yuusuf
Khasaaro oo isu sharaxay in uu ka mid noqdo Guddiga Fulinta Xiriirka
Kubbadda Cagta.
Waxaa
bisha May la qaban doonaan doorashadii xubnihii hogaamin lahaa xiriirka
Soomaaliyeed ee K/cagta kaddib markii uu dhowr sano uu ka taagnaa khilaaf
iyo is qabqabsi waxaana markii dambe la go’aamiyay in doorasho la qabto,
waxaana go’aamiyay xiriirka K/caga ee Adduunka FIFA...
Akhri...
Saraakiil Itoobiyaan ah oo
Shalay soo Gaaray Magaalada Jowhar...
»Xildhibaan Fiqi “Xukuumaddu Jowhar lama gayn
karo..
»Shiikh Shariif oo beeniyay warqado lagu daadiyay Muqdisho..
»Cali Geeddi oo sheegay in ay wada Xaajood la geli doonaan
»Wafdi ka socda DFKMG ah oo dhawaan tagi doona Jabuuti
»Qabsashadii Baqdaad kaddib maxaa soo Kordhay..
»Bandhiga Buugaagta Soomaalida.. Espoo, Finland...
iyo Warar GooGoos ah ka
akhri halkan... Guji.. Apr 10
DAAWO
video: Barnaamijkii
NBC ay ka diyaarisay Quixtar [Barnaamijkaas oo TV-ga ka
baxay May 7, 2004]
"QUIXTAR OO GURIGAYAGII
BURBURIN GAADHAY"