Qalinjabintii
jaamacad Culuunta... Muqdisho





Waxaa sawiradan qaaday: Amiin Yuusuf |
Dufcaddii
ugu horeysa oo ka qalinjabisa Jaamacadda Culuunta iyo Tiknoolajiyada
Shiikh
Shariif"Cid aan duulaan ku nahay ma jirto"
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Waxaa maalintii shalay ahayd (Aug 4) Machadka
SIMAD ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay,
waxaana ka qaybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Maxaakiimta uuna horkacayay
guddoomiyaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay madaxa
Jaamacadda, waxa uuna sheegay in jaamacadaani ay ku shaqeyso qaab Online,
wuxuuna sheegay in jaamacadaani ay ka furan tahay wadanka Yemen, isagoo sheegay
in ay dufcadaani ay tahay dufacaddii ugu horeysay oo ka qalinjabisa Kulliyadan
oo ka koobna 28 arday.
Xubnihii
halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa C/llaahi Nuure Ow Diine oo ku hadlayay
magaca ardayda qallinjabineysay, wuxuuna sheegay in mudadii ay ku jireen
Kulliyadda ay ka faa’iideen waxbarasho tayeysan, waxaa kaloo ka halday Dr.
Maxamuud Cabdi Ibraahim oo ku hadlayay Golaha Maxaakiimta gaar ahaan qaybta
waxbarashada, waxa uuna u mahadceliyay dadkii dadaalka geliyay waxbarashada
soomaaliyeed 16-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa kaloo hadalkii qaatay Axmed
Sheekh C/llaahi oo ku hadlayay madaxa Dalladda FPENS, waxa uuna sheegay
in loo baahan yahay in kor loo qaado waxbarashada soomaaliyeed, lana badiyo
madaarisa wax lagu barto.
Waxaa kaloo xafladdaasi ka hadlay Prof.
Ibraahim Caddow oo sheegay in waxbarashada Soomaaliyeed la marin haabiyay
xiligii Gumeysiga, isagoo sheegay in haatan loo baahan yahay in waxbarashada kor
loo qaado maadaama wadankii nabad lagu soo dabaalay, waxa uuna kula dardaarmay
bulshada soomaaliyeed in ay xajiyaan fursadd qaaliga ah ee ay maanta haystaa.
Waxaa kaloo ka hadlay Aadan Xerow oo ku
hadlayay magaca Jaamacadda Muqdisho, waxa uuna sheegay in mudadii 16-ka sano
ahayd bulshada Soomaaliyeed ay heleen faa’iidooyin fara badan oo dhinaca
waxbarashada, Isgaarsiinta iyo Jaamacaha ah, taas oo uu sheegay in ay ku timid
dadaadl dheeraad ah oo ay sameeyeen shacabka soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii waxa hadalka ka qaatay Sheekh
Shariif oo ah Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta, waxa uuna sheegay in waxbarashadu
ay tahay midda keliya ee bulshada Soomaaliyeed horumar gaarsiin karta.
“Waxaan maqalnaa Soomaaliya waxaan ku eegeynaa
il taxadar leh, cid aan colaad u hayno ma jirto, ci aan ku duulaan nahayna ma
jirto, waayo tabartaasi ma hayno, balse waxaa dagaal lagu jiraa Manhajka
Ilaalhay adduunkaan u soo dejiyay” ayuuyir Sheekh Shariif oo u mahadceliyay
intii soo qabanqaabisay xafladdaasi.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Aug 5, 2006
|