SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii AUg 10, 2006

  • Cadde Muuse oo warqad u direy Dowladda Itoobiya
  • Xubno ka tirsa Isbahysigii la Dagaalanka Argagixisad oo ku sugan..
  • Ciidamo iyo Tikniko oo ka tirsan Maamul Goboleedka Putland oo soo gaarey..
  • Golaha Maxaakiimta oo sheegay in aysan Aqoonsaneyn Golaha Deegaaanka Gobolka..
  • Urur loogu Magacdarey Dhalinyarada islaamka oo looga dhawaaqey..

Cadde Muuse oo warqad u direy Dowladda Itoobiya

Wararka naga soo gaaraya Magaalda Garoowe ee maamul Goboleedka Puntland waxa sheegayaan in Madaxwaynaha Maamul Goboleedkaas Cadde Muuse uu warqad Qoraal ah u diray Dowladda Itoobiya, waxaana la sheegay in uu ka codsaday in ay gacan ku siiyaan sidii looga hortagi lahaa Ciidamada Golaha Maxaakiimta ee ku soo siqaya dagaano ka tirsan Maamul Goboleedkaas.

Waxaa la sheegay in Madaxwaynaha uu si deg-deg ah u codsady in lala soo gaaro Hub iyo Rasaas sidoo kale warar ayaa waxa ay sheegayaan Madaxwaynaha Dowlada Itoobiya uu u ogalaaday in Ciidamadooda ay soo gali karaan Deegaanada Maamul Gobaleedka Puntland si ay uga hortagaan waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisada ee doonaya inay soo galaan deegano ka tirsan Maamul Goboleedka isagoo ula jeeday Ciidamada Maxaakiimta ee haatan ku sugan deeganka Galinsoor.

C/llaahi Yuusuf ayaa horay uga digay Maxaakiimta in ay tagaan deegaano ka tirsan Gobollada dalka isagoo sheegay in ay keeni karto Dagaalo sokeeye oo ka dhaca dalka

Xubno ka tirsa Isbahysigii la Dagaalanka "Argagixisad" oo ku sugan..

Dad nagala soo xiriiray dalka uganda waxa ee noo sheegeen in xubno ka tirsan Isbahaysigii la dagaalanka argagixisada ee looga awood roonaaday Dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyey ayaga iyo Golaha Maxaakiimta in ay hadda ku sugan yihiin Uganda.

Xubnahaan oo kala ah Muuse Suudi Yalaxow, Bashiir Raage Sheeraar iyo C/qaadir Beebe waxaana la sheegay in muddo ah ku sugnaayeen Magaalada Bunya oo ku taal xuduuda kala qaybisa Uganda iyo kongo waxaana la sheegay in xubnahaas ay halkaas muddo ku xirnaayeen ka dib markii Baasboorradii ay wateen ku qornaayeen Magacyo kale,

Ganacsato Soomaaliyeed oo ku sugan wadanka Uganda ayaa dadaal u galay sidii lagu sii deyn lahaa waxaana la sheegay in lagu bixiyey dhowr kun oo Doollar waxaana shalay ay soo gaareen Magaalada Kambala ee dalka Uganda waxaana loo sameeyey Xaflad soo dhaweyn ah oo la sheegay in ay u sameeyeen Jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaas hase yeeshee Dowladda Uganda wax war ah kama soo saarin xubnaha Isbahaysiga ee ku sugan dalkooda ayadoo Urur Goboleedka IGAD ay horay iskugu raaceen in aan marnaba dalalkooda soo gelin Xubnihii ka mid ahaa la Dagaalanka Argagixisada ee laga soo saaray dalkooda,

Ciidamo iyo Tikniko oo ka tirsan Maamul Goboleedka Putland oo soo gaarey

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo waxay sheegayaan in Ciidamo iyo Tikniko fara badan oo uu leeyahay Maamul Goboleedka Puntland ay shalay soo gaareen Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,

Ciidankaasi ayaa waxaa la dajiyey xero ku taala duleedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana halkaa loo keenay sidii ay uga hortegi la hayeen Ciidamada Golaha Maxaakiimta oo ayaga ku sii siqaya Magaalada Gaalkacyo ayagoo doonaya halkaas ka furaan Maxkamad Islaami ah ka dib markii Maxkamaduhu sheegeen in halkaas u tageen sidii ay u fulin la haayeen rabitaanka Shacabka ee ah ku dhaqanka Shareecada Islaamka,

Maxaakimta ayaa Maamulka Puntland uga digay in ay faraha la soo galaan howlaha Maxkamadaha ay ka wadaan koonfurta Magaalada Gaalkacyo waxaana Golaha Maxaakiimta horkacaya Maxkamada Islaamiga ah ee Al-Furqaan,

Golaha Maxaakiimta oo sheegay in aysan Aqoonsaneyn Golaha Deegaaanka Gobolka

Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa shalay ku dhawaaqay in aysan marnaba aqoonsanayn Golaha Deegaanka Gobalka iyo maamulkiisa,

”Maxkamadaha Islaamiga ayaga ayaa ka gacanta ku haya Gobola Banaadir maamulka iyo Golaha Deegaanka waa mid markii hore ku yimid qabqablayaasha dagaalka “ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Faarax Janaqow oo ah Gudoomiye ku xigeenka-1-aad ee Golaha Maxaakiimta Islaamka wxuu intaa raaciyey”Filim dhamaaday ayay Tigidh u goosanayaan”

Shiikh C/raxmaan waxa uu sheegay in Golaha Deegaanka looga baahan yahay in ay faraha kala baxaan arrimaha Gobalka Banaadir maadaama Maxkamadaha Islaaamiga ay ka gacanta ku hayaan Gobolka ,

Golaha Deeganka iyo Maamulkiisa waxa ay ka qayb qaateen kacdoonkii Shacabka ee ay horkacayeen Maxkamadaha Islaamiga laguna eryey Isbahaysigii la magac baxay la dagaalanka Argagixisada ,wuxuuna ku soo beegmay hadalka Golaha Maxaakiimta xilli maanta lagu wado Muqdisho uu ka dhaco Doorashadii Gudoomiye ku-Xigeenadii maamulka Gobalka Banaadir waxaana u tartamaya ilaa iyo shan Musharrax.

Urur loogu Magacdarey Dhalinyarada islaamka oo looga dhawaaqey

Waxaa maalintii shaley ahayd Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay urur dhalinyaro oo loogu Magacdaray ururka Dhalinyarada Islaamka oo marka la soo gaabiyo uu noqonayo UDHIS,

Xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimay ayaa ka dhacday Hotel Capital ee Magaalada Muqdisho waxaana Xafladaas lagu furayey Ururukaas ka qaybglay madax ka tirsan Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah iyo marti sharaf kale,

Godoomiyaha Ururkaasi Shiikh Faarax Cabdi Max’ed ayaa ka warbixiyyey sababaha loo Aas-aasey ururkaasi wuxuuuna sheegay in ururkan loo Aas -aasay ay tahay sidii uu ula jaan qaadi la haa isbedalka cusub ee ka dhacay dalka iyo sidii Dhalinyarada Soomaaliyeed loogu toosin la haa wadada toosan ee Islaamka,

Gudoomiye ku xigeenka Golaha Maxaakiimta Shiikh C/raxmaan Faarax Janaqow ayaa waxa uu sheegay in Golaha Maxaakiimta ay soo dhaweynayaan ururada noocan oo kale ah ee ku salaysan Islaamka isagoo sheegay in Golaha Maxaakiimta halgankii ay la galeen kuwii Gaala raaca ahaa uu Xoogoodu ahaa dhalinyarada,

Waa markii ugu horreesay oo looga dhawaaqo Ururu Noocan oo kale ah Magaalada Muqdisho tan iyo markii Maxaakiimta ee gacanta ku dhigeen Muqdisho iyo Deegaaanada ku hareeyraysan, wuxuuna ururka sheegay in uu ka qaybqaadan doono dib u dhiska dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho,

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 10, 2006

Roobow “Geeddi uma suurageli doonto in saaxiibadeyn caddow nooga dhigo”
»Kulan ay xalay wada yeesheen C/lahi, Shariifka iyo Geedi..
»Wasiirka arrimaha Dibadda ee Kenya oo ku soo fool leh..
»Sheekh Shariif “Waxaa jira dad u adeegaya shisheeyaha..
»Banaanbax looga soo horjeedo in Maxaakiimtu Galaan..
»Garowe: ururka counterparty international ayaa ugu deeqay
»Dhoollatus uu sameeyay ciidanka xoreynta ee Cirjiidh...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI... Aug 9

»Qoraal ka soo baxay Xisbiga Ramaas Political Party...

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD