MA
HADHO!!
Qeybtii 1aad
Ma
hadho, Daabacaaddii 1aad
Haldhaa Publishing
Borlänge, Sweden December 2005
ISBN-
978-91-85514-01-4

GUJI HALKAN...
Waa sheeko xiiso iyo xanuunba leh. Waxay ka
koobantahay 4 qeybood oo midkastaa ay tahay buug gaara. Sheekadan sida aad ka
dhadhansan kartaanab magaceedu wa asheeko murugo iyo xanuunba leh, waa sheeko ha
hadlaysa hab dhaqnkii soomaalida iyo sida ay qabiilka isugu yasayeen, sida ay
gabdhah u duudsiyi jireen, kaalinta uu geel kaga jiray nolosha bulshada
soomaaliyeed iyo dhibaatooyinkii gumaysiga xabashida uu u geystay soomaalida ku
hoos nool iyo kuwa kalaba.
Waxaan filayaa akhristoow inaad sheekadan ka heli
diintid murti, xikmad farshaxnimo qoraaleed lagu dheehay.
Qoraha sheekan qora Mohamed-deeq Abdi-madar
”Haldhaa” waa markii ugu horreeysay ee uu qoro sheeko ku saabsan nolosha miyiga
oo uusan isagu aqoon u lahayn sheeko mooyaanee. Waxaanse filaayaa taasi inyasan
ka reebin inuu idiin soo bandhigo sheekadan dhiiga iyo dhuuxa dhaqaajinaysa.
Haddii ana wax yar ka soo min-guuriyo sheekdana
”Ma hadho”
Dhaqane iyo
reerkooda iyo weliba reeraha la yaallay oo idil saaka waa u subax baas. Waa
maalin madoow, oo diiwaankeeduna uu madoowyahay. Khadda diiwaanka lagu qorayna
waa dhiig aan go’ayn, oo weliba lagu qoray far aad iyo aad u waawayn. Baroorta,
ba’ayeeyda, balan balayeeyda iyo gablamayeeydaba waa mid astaan u noqotay
subaxaas. Naxdinta, murugada, ciilkaambiga iyo bishin qaniinkana wehel bay u
ahayd.
Raggu ciil buu
dhulka la qodayaa. Dumarkuna baroor bay miciinsanayeen. Caruuruhuna hadba
oohinta iyo baroortay wax ku darsanayeen, waloow aysan badidoodba ogayn siday
wax u dhaceen.
Badbaado Allaa
lehee, saaka wey indho xuntahay.
Ha indho xumaatee
mid sidaas looga tagayo maahan. Xaggee loo ciirsada? Xagga Rabbi mooyee ciirsi
kale ma jiro. Rabbi isagaa sharka iyo khayrkaba qadara. Isag uunbaana laga magan
galaa. Xal kalaana ma jiro. Haddana lama odhan Rabbi magan gal oo iska fariiso.
Waa in sababihii lala yimaadoo oo xeelad la kaashadaa.
Markalaba ha
tashadaanee, maanta muruguda, calool xumada, hundhudhka, tiiranyada, urugada,
uurkutaallada, taaha, laxawga, iyo ilinta kulul ee indhahooda ka soo daadanaysa,
xaggee bay iska geeyaan?.
Carruurtii caano
lama siin, raashin loo kariyaan warkiiba daa. Horta inay jiraan yaaba og?!.
Qalbigee xusuusannkara. La arag inay ooyayaan oo ay qaylinayaan oo weliba
ildaranyihiinee, yaase kala garan kara murugada iyo naxdinta inay la ooyayaan
iyo inay gaajo la ooyayaan?!. Yeyse intaas ka filan?! Qalibgee bayse ku soo
dhacday?! Markalaba mooyiyee maanta kanshe looma hayo. Kanshe cuntadooda lagu
xusuusto iyo kanshe wax lagu siiyaba.
GUJI HALKAN...
Mohamed-Deeq Abdi-madar "Haldhaa"
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2006 |