Soomaalida
ka Imanaysa Dibadaha
iyo Guurka Gabdhaha
Hindida
Cali
Cabdalla Shukri
Caliga1@hotmail.com
Ama
calishukri@yahoo.com
Hyderabad, India
Qaybti Labaad |
Qaybtii
1aad
| 2aad |
3aad...
Guurka
Hindida Dhexdooda
Guurka ka dhexeeya
dadka wadankan u
dhashay ayaa ah mid
dhaqankiisu uu aad
uga duwan yahay
marka loo eego
dunida inteeda badan,
Guurkan dhaqankiisa
ayaa ah mid ay ka
siman yihiin dadka
Hindida ah oo dhan
Diin kasta ha
haystaane, dhaqankan
oo ah in Gabdhaha ay
lacag bixiyaan
iyagoo siinaya ninka
ay guursanayaan,
lacagtan ayaa loo
yaqaanaa “Dowry” (ama
meher gabadha la
guursanayo ay bixiso).
Lacagtan ayaa waxay
ku xiran tahay
tiradeeda hadba
labada is guursanaya
dhaqaalohoodu inta
uu la eg yahay iyo
gaar ahaan ninka
gabadha guursanaya
qoyskiisu heerka
noloshoodu ay tahay,
hadii ay yihiin qoys
noloshoodu iska meel
dhexaad tahay ayaa
sida badan gabdhaha
waxa ay bixiyaan
lacag ku dhow ilaa
$5000 marka laga
saaro alaabaha
guriga sida TV,
Qaboojiye, AC iyo
dhammaan waxyaabaha
ugu muhiimsan ee
aasaaska u ah
nolosha guriga taas
oo looga baahan
yahay gabadha inay
soo sharraxdo guriga,
Ninka ayaa imanaya
isagoon waxba wadan
guriga lakin
Masaruufka qoyska uu
waajib saaran yahay
dushiisa.
Hadaba dhibaatooyin
badan ayaa halkaa ka
dhaca oo gabdhaha
qaarkood iyagoo
lacagta wada bixiyay
ayay hadana
waydiiyaan lacag
dheeraad ah,
Qaarkoodna waxaa
dhacda inaysan u
suurtoobin inay soo
dhamaystiraan
lacagta Ninka uu ka
doonayo halkaas oo
lagu ballamo in
gabadha ay lacagta
dib ka bixiso ama
ehelkeedu ay ka
bixiyaan xilligii
lagu ballamay.
Inta badanna
arrintaa ayaa
suurtoobi waysa oo
halkaa waxaa ka
dhasha is khilaaf
iyo Bur-bur qoys
ilaa mararka qaar ay
ka dhacdo waxyeelo
inay isu gaystaan
labada is qabta gaar
ahaan gabadha ayaa
dhibaatooyin aad u
xun kala kulanta
tusaale ahaan
hadaan u soo
qaadano labadan
dhacdo oo ka mid ah
dhacdooyin
maalmeedka ka dhaca
dalkan.
Shanti iyo
Guurkeedii
Shanti
ayaa waxay guursatay
Raghu sannadkii 1987
iyadoo Shanti siisay
ninkeeda lacag
gaaraysa $500 oo
xiligaas ahayd lacag
aad u qiimo badan,
lacagtaas oo ahayd
lacagtii uu ku
guursaday
ninkeeda,iyadoo
Shanti u haysa 2
carruur ah ayaa
ninkeeda Raghu iyo
waalidkiiba
bilaabeen inay
waydiiyaan Shanti
lacag dheeraad ah oo
ahayd lacagtii uu ku
guursaday balse
Shanti arrintaas
dhib ayay ku noqotay
oo waalidkeed ayaa
ah kuwo aad awoodin
lacagtaa inay
bixiyaan, lakin
intaa loogama harin
Shanti ee waxay
bilaaben inay
Jirdil iyo caga
juglayn ku hayaan
maalin kasta
ninkeeda iyo
walidkiiba.
Dhibaatooyin ayay
kala kulantay
arrintaa
dhibaatadaasna waxaa
u adkaysan waayay
waalidkeed oo
arrinta ogaaday in
gabadhiisa laga
doonayo Lacag
dheeraad ah,
Aabeheed ayaa lacag
soo amaahday si uu
uga bixiyo
gabadhiisa lacagta
ay waydiisteen oo
halkaa ayuu lacagtii
ku bixiyay.
Arrintu halkaa kuma
soo af jarmine
Lacagtii uu odayga
bixiyay ayaa ay
reerkii aad u
saluugeen oo weli
gabadhii kama aysan
joojinin Jirdilkii
iyo Aflagaadadii oo
sideedii aan waxba
iska bedelin.
Shanti ayaa waxa uu
ninkeeda ku amray
inay lacagta ka soo
qaado reerkeeda ama
ay isaga tagto
guriga, Ugu
dambayntii waxay
go’aansatay inay
iska aado Gurigii
Aabeheed iyadoo
labadeedii cunugna
hore u soo wadatay,
waxay so gaartay
gurigii Aabeheed
halkaa oo ay ku
noolayd ilaa mudo
Sannad ah.
Halkaa markii ay
joogtay mudadaas
ayuu ninkeedii ugu
yimid oo uu ka
codsaday waalidkeed
inay iska iloobaan
wixii hore oo uu
hada diyaar u yahay
inuu dhaqdo
xaaskiisa oo uu
jecel yahay,
Waalidkeed ayaa ka
aqbalay arrintaa oo
ogolaaday inay
Shanti iska raacdo
ninkeeda oo
gurigeedi dib ugu
noqotay.
Laakin gurigii
Ninkeda markii ay
dib ugu soo laabatay
ayuu Jirdilkii iyo
Aflagadadiisii
halkii ka sii watay
oo reerkiisiina
sidoo kale Afxumeyn
iyo lacag
waydiintoodii halka
ka sii wateen.
Tii ugu darnayd ayaa
waxay ahayd Subax
iyadoo huruda ayuu
Ninkeedii soo qaatay
Asidh oo wejiga uga
shubay halkaasoo ay
ka soo gaartay
dhibaato aad u xun
oo ay ku wayday
araggeedii,
maqalkeedii iyo
weliba cuntadii oo
dhib ku noqotay
cunitankeedi ka dib
markii xitaa
afkeedii kala
furitaankiisa uu
dhib ku noqday.
Surekha iyo
Guurkeedii
Surekha
Nitin oo 25 jir ah
Guursatayna
sannadkii 2001-dii
Nitin oo ah nin ka
ganacsada dharka
iyadoo u dhashay
wiil 2 sano jir ah,
Surekha ayaa waxay
sheegtay in iyada
iyo ninkeeda ay mar
kasta dhex mari
jirtay muran ku
saabsan lacag
dheeraad ah oo uu
waydiisan jiray
isagoo ka dalbanayay
inay reerkeda ka soo
qaado lacagtaas,
Sidoo kale walidkiis
ayaa si joogto ah
iyagana u waydiin
jiray lacagtaas.
Galab ayuu mar
keliya kula soo
booday inay
reerkeeda aado oo ay
lacagta ka doonto,
Muran dhex maray ka
dib ayuu wiilkii ka
dafay dabadeedna
iska dhaqaajiyay,in
cabaar ah mar uu sii
maqanaa ninkeeda
iyadoo Jikada dhex
fadhida oo iska
fikiraysa ayaa
ninkeeda eedadii oo
layiraahdo Kanchan
ay caag uu batrool
ka buuxo ku
faaruqisay dusheeda
ka dibna wiil ay
dhashay uu isla
markiba tarraq ku
qabtay iyadii oo
holac cirka isku
shareeray, isla
markiiba dariskii
ayaa soo kala yaacay
ka dib markii ay
maqleen qayladeeda
oo dabkiina ka
damiyay isbitaalna
ula cararay.
Surekha lacagta laga
rabay ee dabka loo
qabadsiiyay awgeed
ayaa waxay dhamayd
ilaa 600$ taas oo uu
ninkeeda iyo
ehelkiisaba
sheeganayeen inay
tahay mid ay ku
lahaayeen xiligii
guurkeeda lacag ku
dhimanaydna ay ahayd
oo aysan bixin.
Qaybta 3aad...
Fikradaha Ardayda
Somalida ee Guurka
Hindida.
Cali
Cabdalla Shukri
Caliga1@hotmail.com
Ama
calishukri@yahoo.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Akhri qaybtii
1aad... Guji....