Soomaalida
ka Imanaysa Dibadaha
iyo Guurka Gabdhaha
Hindida
Cali
Cabdalla Shukri
Caliga1@hotmail.com
Ama
calishukri@yahoo.com
Hyderabad, India
Qaybti
3aad |
1aad
|
2aad |
3aad...
Fikradaha
Ardayda Somaalida
ee Hindia Ku Nool

Ultrasound |
Inta naanan u guda
gelin Fikradaha
Ardayda ayaan rabaa
inaan wax yar idinka
xusuusiyo
dhibaatooyinka loo
gaysanaya ilmaha
caloosha ku jira
gaar ahaan hadii
ilmaha la ogaado
inuu yahay Dhedig,
taas oo ka dhacda
wadankan (Hindiya) maalin
walba soo tuurida
ilmaha caloosha ku
jira (Girl
abortion)
taas oo ay badanaa
sameeyaan qoysaska
dhaqaalohoodu
hooseeyo iyagoo
sabab uga dhigaya
inaysan awood u
lahayn gabadhooda
marka ay waynaato
inay u guuriyaan,
Waxayna ku
tilmaamaan arrintaan
inay tahay sida
adigoo Lacag ku
kaydinaya dariskaaga
Baankiisa.
Waxaana dhacday in
mar la xayaysiinayay
qalabka lagu ogaado
ilmaha uurka ku jira
(Ultrasound) ayaa
waxaa xayaysiintaa
ku daabacnaa.
“Maanta Bixi 500 si
aad Berrito u
badbaadiso 5000”.
(500 now, save 5,000
later).
taas oo loola jeedo
maanta in uu bixiyo
qofka lacag yar si
uu u ogaado ilmaha
uurka ku jira waxa
uu yahay si berrito
uu u badbaadiyo
lacag badan oo uu ku
bixin lahaa gabadha
Guurkeeda, balse
xayaysiintaan ayaa
markiiba laga
dacwooday oo isla
markiiba la
baabi’iyay.
Ardayda fikradooda
ayaa muhiim ah
maadaama ay wadankii
joogaan xog-ogaalna
ay u yihiin arrimaha
iyo dhaqanka dadka
ay wax ka baranayaan
lana baranayaan,
hadaba si aan
arrintaa si
faah-faahsan uga ogaanno
ayaa waxaan wax ka
waydiiyay qaar ka
mid ah Ardayda waxa
ay ka qabaan guurka
hablahan iyo qaab
dhaqankoodaba.
Ugu horrayntii
Axmed Maxamed Amiin
(Jaanduug) ayaa
wuxuu aad u
taageersan yahay
Guursiga gabdhahan
kuna tilmaamay inuu
yahay Guur aad u
wanaagsan lehna
Mustaqbal wanaagsan
iyo Nolol raaxo leh,
Ali Axmed Cali oo ka
mid ah Ardayda waaya
arraga ah uguna
da’da wayn ayaa
wuxuu aaminsan yahay
in uu aad u
taageerayo guurka
gabdhahan isagoo
sabab uga dhigay
inay aad ugu fiican
yihiin xaga
Ixtiraamka iyo ka
dambaynta raggooda.
Maxamuud Ducale
Waliye(Suubane) ayaa
isagana aaminsan
fikrad taa ka duwan
oo isagana aan
marnaba rajo ka
qabin guurka
gabdhahan sheegayna
in haweenkan aysan
ku fiicnayn xaga
tarbiyaynta caruurta
maadaama aysan
Diinti si fiican u
aqoon sidoo kalena
ay yihiin kuwo aan
ku wanaagsanayn xaga
nidaaminta iyo
nadaafada gurigaba
waxaa kale oo uu
raaciyay in ay
haweenkan yihiin
kuwo aad ugu
jilicsan ragga.
Cabdi Xabiib(B.Com)
oo isagana ah Arday
Ganacsiga barta
ayaa wuxuu aad ula
dhacsan yahay
gabdhahan qaabka ay
ula dhaqmaan ragooda
isagoo ku tilmaamay
inay hablahan yihiin
kuwo jecel ragooda
jacayl dhab ah,
wuxuuna sheegay inuu
aad u jecel yahay
guurka gabdhahan
maadaama uu arkay
waxyaabo badan uu
aad ula yaabay taas
oo uu ku tilmaamay
Ixtiraam, Jacayl iyo
Karaamayn joogto ah
oo ay u hayaan
raggooda yihiinna
Raaliyooyin.
Mukhtaar Ibrahim
Isaaq (Ganacsade)
ayaa wuxuu sheegay
isagana in uu ka soo
hor jeedo guurkooda
maadaama aan ku kala
duwannahay xaga
dhaqanka Afka iyo
Cuntadaba waa dhib
ayuu yiri sidii la
isu fahmi lahaa,
sidaa daraadeed ayuu
yiri hableheena
Somalida ah ayaa
waxay yihiin kuwo
aad uga qiimo
badan.
Sidoo kale Siciid
Cabdulqaadir ayaa
wuxuu aad uga soo
hor jeedaa guurkan (gabdhaha
Hindida)
oo uu ku tilmaamay
inuu yahay mid
dhibaatadiisa leh oo
labo qof oo aan isku
Af iyo Dhaqan ahayn
sidaa daraadeedna uu
arkay rag badan oo
dhibaato kala kulmay
is faham darri
awgeed, isagoo sii
raaciyay(Wax aad
taqaan Guurso wax
aad taqaano hakuu
Dhalaane).
Sidoo
kale Cabdi Qorane
Adam ayaa isagana
qaba Fikrad taa la
mid ah isagoo
sheegay inay jiraan
sababo badan oo uu
ku dhaliilayo
guurkan kuwaas oo
ah, (1)- In labo qof
oo aan horay wax
aqoon ah isu lahayn
ama aan wada
sheekaysan ay dhacdo
in wax aan dhamayn
hal maalin guri la
isugu geeyo,
halkaana ay ka
dhalato is faham
la’aan.(2)- Ayadoo
ay jirto kala
duwanaansho
dhaqameed.(3)-
Dhibaato ka timaada
xaga luuqada.
Hadaba isku soo wada
duuboo waxay u
muuqataa in Ardayda
Somaliyeed ay
badanaa ka soo hor
jeedaan guurka
Hindiyada iyadoo
uruurinta
fikradohooda markaan
xisaabiyay ay noqotay
in ku dhowaad 60% ay
ka soo hor jeedaan
guurkan.
Ka dib markii
Somali badan oo
adduunka dacaladiisa
ku kala nool ay
akhristeen maqaalkan
ayaa ila soo
xiriiray kuwaas oo
isugu jira Rag iyo
Dumar, iyaga oo qaba
fikrado kala duwan
oo ku saabsan
Guurkan sidaa
daraadeed ayaa
waxaan rabaa
maqaalka xiga inaan
ku soo qaato fikradaha
ay qabaan
akhrisatayaasha,
Gaar ahaan gabdhaha
Somaliyeed maadaama
ay raggii
eedaynayaan gabdhaha
kuna sheegeen inay
dhaqankii ka tageen
markii ay dibadaha
tageen. Hadaba
gabdhuhu iyagana
maxay ka yiraahdeen
arrintan?..
Akhri: Qaybta Afaraad.
Fikradaha Somalida
ku Nool Dibadaha iyo
Guurkan
Cali
Cabdalla Shukri
Caliga1@hotmail.com
Ama
calishukri@yahoo.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2006
|