Danaano
A. M. Yusuf
wayeel@operamail.com
____________________________________
Sida aar gamuun lagu dhuftoo gubayso waabaydu
Oon geesna ka arkeyn wixii nabarka gaarsiiyey
Oo meel gawaan ah u baxoo miciyihii giijey
gam'i waayey Soomaaliyeey gocashdiiniiye
— Cali Xuseen Xirsi
_________________________________________
Soomaali badan—qurbojoog aan waalalowgii dagaalkii sokeeye ba u soo joogin— ayaa
i weydiisa: 'waxa mooryaanka u gaar ah oo lagu gartaa'[1].
Aragtida aan weligay ka qabay mooryaanka, is ma ayan doorin; mooryaanku na weli
waa isla sidiisii hore—sankuneefle si ba'an had ba u sii doorsoomayay—xigaalo
iyo qarabo ba intaas waa mid la soo wada nacahayay.
Haddii ay ishaadu
qabato tuug uskag badan oo u soo dhaaraansaday xatayooyo xoolo islaameed;
xishoodlaawe barqada cad sidii bahalka dusha ugu dhaca dumarka; meheradlaawe
meereysanaya jidadka oo sidii tukuhu bakhtiga u feento oo kale, caqaar jaad ah
ugu jaadaya; wiil dhalinyar oo shakaalsan qori AK-47 ama ba garwaaxeedsan
shakado oo ay xabbaduhu sidii qindhicilku oo kale ugu tixan yihiin. Tobaneeyojir
tunka ka fuushan gaariga loo yaqaanno 'Tekniko', gadiid-dagaal oo duugnimo
awgeed la bololay ee xeerla'aan—sidii waraf la tuuray oo kale u dhex tamuuma
qeybo ka mid ah koofurta Soomaaliya; oo geddii weer cadhaysan oo kale na,
waddooyinka ugu gaafwareega: shaki ayaa aan uu kaa gelin, ha ka labalabeyn oo 'u
ogow sax iyo maan'—duulka ay indhahaagu arkayaan waa mid mid kale ee lagu kihi
karaa aan uu jirin; waa kur'ayga ku caanbaxay magaca magacyada oo idil ugu ba'an—waa
mooryaan. Mooryaanku waa manaxe aan
turriimada aqoon ee uu maandooriyuhu dilooday; waa dufkubaxe u tabaabushaysta
sidii hablo loo kufsan lahaa, sidii dhiig sokeeye loo daadin lahaa iyo sidii
saami booli ah bililiqeysi uun loogu kasban lahaa.
Dagaalooguhu, markii
ay dhashiisii runta ahayd ay ka wada qaxeen dalka, dhal Alle-ku-Sii ah oo ay
ummaddu wada inkaarto—waa mid intaas illeyn dembiga demiyada ugu weyn loo sii
biirinayo—Ibliis ayaa mooryaan ubad uga dhigay iyo ciidan xaqdarrida isaga ugu
garbeeya. Maandooriye ayaa ku wada carbiyaa.[2]
Bac 'lufluf' ah[3],
majin garaabo ah, gumad (gufad) sigaar ah, xoogaa Marijuana ah ayaa ay
adduunkoodii iyo aakhiradoodii ba ku iibsadeen; naftooda na halaagga ayaa ay ku
biimeeyaan si ay nafta dagaalooge u badbaadiyaan. Dagaalka ay nafta ugu hurayaan
dagaaloogaha, ayaa dagaalkii sokeeye u yeelay weji cusub oo aan hore loo arag.
Colaad sokeeye midda ugu sii wada sokeeyn kartay, ayaa ay hadda ku hoobtaan
mooryaantii dadyowga hoobin jirtay. Waxa uu soo jiitamo ba, dagaalkii waxa uu 'hooddi
dalaq' soo yiri guryihii qoysaska. Waxa la joogaa goortii ubad iyo aabbihiis ay
is-agabjari lahayeen. Beri waxa la soo gaaray aabbihii reerka samirkii ka
idlaaday. Mooryaan wallee ama baarri noqoy, ama baasku qaad.
Abbaartii 06:00 saac
ee arrooryadii hore—Sabti, Jannaayo 24, 2005—Sharmaarke Axmed Sharmaarke ayaa
lagu dilay xabsi ilmaha lagu xakaaro ee ku yaal magaalada Garbohaarrey.
Gacankudhiiglihii dilay weli waa nin deysan oo carrada meeshii uu doono ba
mushaaxa. 'Gacanta Dheer ee Sharciga Ilaahay' ayaa aan rajeynayaa in ay
eedeysanaha dhowaan soo qaban doonto. Tirada waxa lagu hayaa ugu yaraan saddex
dembi oo kaas oo kale ah in ay hore uga dhaceen gobolka Gedo.[4]
Waa qeylodhaan. "War 'yaa Muslim aheeey!", 'Yaa Soomaali aheeey! Qof dambe meel
xukun iyo xeer ba ay ka jiraan waa in aan lagu dilin. Dilka kaas oo kale ah na,
ha istaago! Qofkii sidaas oo kale wax u dila, waa gacakudhiigle!
Hadda ba—xeerka
gacanta birta ah ku qabtay Sharmaarke, loogu na talogalay in lagu soo
dhaqanceliyo; si waxyeellooyinkiisa ay dadweynuhu na uga nabadgalaan—haddii
maxbuuskii lagu dhex toogtay gurigii badbaadada,
qaarijintaas oo kale ma wax ay bulshadu xasiloonaan ku heli doontaa, ma se waa
maya? Waa su'aal aan doonayo in aan Soomalida oo dhan soo hordhigo. Dembiga ku
saabsan dilka isaga ah, ayaa la sheegay in uu ka dhacay xabsi uu wiilku
ku xirnaa muddo saddex bilood ahayd. Gaashaanle Axmed Sharmaake ayaa dilay
wiilkiisii oo 22 jir ahaa—dulmanaha—waxa lagu jarribay in uu gamo' hurada dheer
ee aan weligeed ba dib looga soo baraarugin. Gaashaanlaha dilka geystay kolkii
la weydiiyay sababta uu u qisaasay maxbuuska, waxa uu ku jawaabay:
"Waa la dilayaa mooryaan caasi
ah,"[5]
ku na andacooday in "ay
wiilkiisa ka go’nayd"[6],
ku na hanjabay in uu u dili lahaa isaga, sida ugu dhaqsaha badan, goorta uu ka
soo baxo xabsiga. Sharmaarke ayaa "…ceego ku dilay neef ari ah" oo maalin Axad
ahayd isaga soo ag maray oo sidii bahal oo kale qoloftii iyo lafihii ba,
qalleylkii ku liqay![7]
Fulaynimo darteed ayuu 'Xooggii Dalka', ma yeelin sidii Cigaal Shiidaad in uu
wiilka hooyadii uga ashtakoodo ama se uu waranka ku ag tatoomo; ee si
darandoorri ahayd, ayuu halistii kala dhacay rasaas aan wax ba kala reebin—ilmahiisii
ayuu u quuri waayay noloshii uu xabsiga ku la asturnaan lahaa ama ba uu ifka ba
waayo gaaban ku la sii waari lahaa; waxa uu ugu bedelay mid uu geeri xabaasha ku
la aasnaado. Qisada, qadiyadda iyo qaantu ba waa ma-dhinteyaal, ma-qudhmayaal,
ma-duugoobeyaal—aan la dili karin, la na duugi karin. Sharmaarke ayuu dunida uga
dareershay, sitaahoo uu isagu ku heli lahaa cimri dheeri, sitaahoo qarsinkii u
baaqan lahaa, sitaahoo 'Billad-Geesi' tuutaha loogu toli doono. Waa maalmo faro-kutiris
ah waxa uu nolol uga dambeyn doono. "Intaan gefka iyo geeridu iman, Gaashaanle
wanaagsanaayaa!" Xeer rag, xeerka milatariga iyo xeerka Rabbi, inta ba waa aad u
geftay, Gaashaanlow. Taa na waa aad og tahay! Ma se qof fayow ma ba aad ihid? 'Yaa
ku og? 'Yaa ku yaqaan? Oo aan Caalimka Weyn ka ahayn?
Arrimo ay bulshada
ka caagganeyd—ka dhan ah—ayuu Sharmaarke ku kacay, sidaas darteed na, malaha
waalid kii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed, Gaashaanle Axmed Sharmaarke ayaa
danabkiisii dilay, weer cad na u xiray qoyskii waayay ubadkoodii, gaar ahaan—gebi
ahaan na shacabka reer Soomaaliya. Axmedow, innaga dhammaanteen ayaad na dishay!
Ma og tahay tirada mooryaanta ku nool guud ahaan Soomaaliya? Kuwaas haddii aan
uu ka fiicneyn ba, ma qabo in Sharmaarke ahaa mooryaanka mooryaan oo dhan ugu
wada xumaa—ama ba ugu wada caasisanaan karay? Adiga ayaa
'caasi' ku sifeeyay, ee ma wax uu
maxbuusku soo bililiqeystay ee uu saami kaa siin waayay ayaa jiray? WEYDIINTAAN
oo kale xaq ayaa ay u leedahay in ay ku weydiiso—maxkamad kasta ee lagu horkeeno!
Halkii aad wiilkaagii ka dili lahayd na, in aad deysato ayaa ka wacnayd, iyada
na. Dagaaloogaha dhismihii dalka dhulka ku simay, ayaa dagaalka kaa mudnaa!
Dadkaagii oo dhan, kuwa darxumada baday, ayaa dagaal kaa mudnaa! Oodda qodxaha
iyo xananka badaneyd ee qaranka oo dhan ka dhiijisay, haaraha na u yeeshay;
maxaad u qaadday tiska ugu wada yaraa ee ood dhan ugu wada hooseeyay? Derejo iyo
magac weyn ayaa aad Soomaalida uga heli lahayd, xanan ba xananka kale sida uu
uga sii sarreeyo: haddii sida bakhtiga oo kale aad u qaadi lahayd oodda oo idil—dagaaloogaha—oodda
qarankii iskaga keen awday. Dembiga aad awgii wiilkaagii ku dishay, iyo dembiga
dilka maxbuuskii kuu soo jiiday, labada ba, waxa aan eed oo dhan ku dadbayaa
dagaaloogaha—geesta kasta uu ka joogo Soomaaliya. Sida Sharmaarke uu uga
da'yaraa, ayuu laguug jeer uga dembi yaraa
dagaaloogaha. Mar ba haddii la heli karay sharci shaqeyn karay, ii sheeg
maxkamadda kuu oggolaatay in shan iyo calaacal shirqool aad ku fulisid—weli ba
kaas oo aad ku dishay, ma ahan sida aad sheegtay 'mooryaan caasi ahaa' ee
waa 'maxbuus maskaxda cuuryaan ahaa'. Imisa mooryaan oo kale ayaa weli
kuu laaban in aad qudha ka jarto? Imisa ayaad se hore u soo dishay? Waxa keliya,
iyo sida keli ah ee aan kuugu cudurdaari karayo ayaa ah in aad ahayd ba—nin loo
carbiyay sida dad loo dilo. Waxa aad se noqotay ciireqabihii bahal oo kale:
'Yaa maroodi dharsaaya
dhabbihiisa fariista?
Ma ogi, igaarka mar
arggiisa uu uurku ku arwaaxi jiray; indhaha nuurkooda na uga dhignaan jiray;
mooyi sababta keentay: Inankii uu aabbihii ugu magacdaray, ugu na wanqalay magac
ay ku idishay ducada waalid ee mug-dhaaftay; mooji meesha ay ka timi carada
sidaas oo kale u weyneyd ee deyrisay wiilkii Shar-ma-arke la oran jiray; u na
nacday nacaybka lagu muteysto cadaabka Eebbe oo kale; sharta sidaas oo kale u
dharastay ee Sharmaarke oo aan u ba tooghayn—"oo aan geesna ka arkeyn wixii
nabarka gaarsiiyey"—sida kedisada ahayd oo foolxumada badneyd na naftiisii u
qaadday. Haddii uu soo jeedi lahaa, waa hubanti in ugu yaraan, caban lahaa; in
uu oran lahaa: "War aabbow ha ii celin! Alle aabbow sidatan ii dhaan! Abbow
miyaad waalatay?" Sidii cudur aan weli carrada ba soo gaarin, si kahortag oo
kale ka dhigan, ayuu odaygii isku tallaalay dhiiggii wiilkiisii; si uu guri uga
noqdo cudurka geerida ee uu Sharmaarke isaga ku daaran lahaa—waayo dabadeed—marka
xabsiga u soo idlaado. Sharmaarke aakhiradii ayuu ka sheegan eedaha uu ilaaladii
iyo agaasimihii xabsiga ka tirsanayo. Taliye Gaashaanle se waa mid ifka ka
sheekeyn kara, dadka na weli uga sii hadli kara sidii dhashiisii uu gumaca
shaandhada ugu dhigay. Sharci aan u Allah na sammeyn iyo haddii kale xeer aan uu
aadmigu na jideyn, naf Ilaahay abburay oo innaga oo idil na aan wada jecel nahay;
qof kasta oo laabtiisu ay wereftay asii aan waalliyi ku dhicin—cid xaq u leh ma
jirto—sharciga iyo nolosha waalkeed sidii ay ka damacdo in ay gacanteeda ugu
muquuniso.
Weydiinta mutaxan ay dadkaas iska indhatirayaan
ayaa sidaan ah: Meeye' sharcigii markeedii hore Sharmaarke xabsiga loogu
taxaabay? Hortii hore sow Sharmaarke xabsiga loo ma geyn in lagu soo
dhaqanceliyo? Sharcigu ma mid uu Gaashaanluhu iskii u lahaa baa? Ma se waa
sharci u gaar ah degmada Garbahaarreey ee aan ay wax ba ka gelin ummadda
Soomaaliyeed inteeda kale? Haddii uu sharcigii Sharmaarke lagu xiray uu sharciga
Ilaahay ahaa, walaalhayga Islaamka ah ee reer Garbahaarrey waxa aan ka codsan
lahaa, in ay sammeeyaan ma ahan hawl sida dilka oo kale u culus iyo go'aan
hadal iyo gorfeyn lagu xiiqo u baahan oo kale. Haddii ay la cuslaan lahayd, ama
ba ay la fududaan lahayd ba, labadaraadle, waxa aan ka codsan lahaa waa in ay
tixgeliyaan: 'halka wax oo qura' oo iyaga ay cashiiradu oo idil ku nici karto,
bal se Casiisku na uu iyaga ku jeclaanayo karo—in ay labadaas daran midkood
doortaan. Halka wax oo ay ciddaadu kugu nacdo, Caadilku na ku jeclaado
waa—cadaaladda! Cadaaladi ha jirto. "Gari Ilaah bay taqaan ee aadmi ma
taqaanno"!
Dad ayaa isku dayay
in ay u cudurdaaraan dembiga laga galay inanka maxbuus ahaa:
"Dadka Soomalida ah ayaa intabadan lagu yaqaana in ay garab istaagaan qofka ay
qarabada yihiin markasta oo uu dhibgaysto … "
[8]
Gaashaanlaha dilaaga
ah iyo mid u qiildeyay fal sheydaan, doonaya na in uu u ekeysiiyo cibaadada
Eebbe ee suuban oo kale iyo wax waafaqsan shareecada Islaamka, labadu ba waa
sidii 'qaade iyo qarhse' oo kale; waa na in bulshada laga dhexsaaraa. Waa fidno
waxa ay ku kaceen; waa fidno waxa ay dadka farayaan. Geyiga Soomaaliyeed oo idil
hal hooy oo qura ayaa ugu yaal iyaga oo kale. Waa in lagu qabbiraa isla
silsilidihii lagu dabri jiray wiilkii Sharmaarke ahaan jiray, la na seexiyaa
raqdii
nabadda ee nadaafadda iyo udgoon badneyd oo dhiiggii Sharmaarke ee
curdanka ahaa lagu dhaqay, lagu na carfiyay.
Waxa haboonaan
lahayd, in reer Garbahaarrey ay wax badan ka fiirsadaan falka isaga ah iyo
dacaayadda baas ee loo sameynayo; dilka dad is-dhalay ama isla-dhashay ay ku
kacayaan—halka uu u hongeynayo dhaqankooda. Jahooyinka, sida jidadka ba, waxa
jira qaar lagu irdhoobo; jidka ugu xun na waxa uu ku geeyaa Naartii Jahannama.
Qofkii loo hanjabo ama la handado, waxa la helay xeer oggolaanaya in uu dili
karo dhashiisii, in uu dilo karo waalidkii isaga dhalay, in uu dili karo
walaalkii isaga la dhashay. Sharciigii dadka simi jiray meesha waa ka baxay—nin
walbow na filo in wiilkaagu uu wedkaagii noqon karo! In walaalkaa na ku dili
karo. In walaasha na ku dili karto. Taas oo kale Ilaahay ka ma rajeynaayo in uu
nagu keeno.
Col. Axmed iyo
afhayeenkiisa ba waxa aan ku oran lahaa sharciga isu dhiiba. Hor Ilaahay isugu
dhiiba. Inta aan la idin qaban, adinku isqabta! Qirta dembigiinna. Ha na ka
quusanina Raxmadda Ilaahay. Anigu idin ma necbi. Dadka qaarkiis waxa ay nacaan
waa qofka, ee ma nacaan qaladka. Sharmaarke qof ahaantiisa ayaa aad u nacdeen.
Anigu qaladkiinna oo qura ayaa necbahay. Rag waahore qaangaar noqday in aad
thiin ayaa aan idinku wadaa. Qabadkiinna iyo qowlkiinnu ba, Eebbe waa uu idiin
qori doonaa. Godin Garbahaarreey iyo gol Janno kala doorta—inta ay goori goor
tahay!
Uumiyuhu na ha i
maqlo, Ilaahay na ha i maqlo: aadmi iyo Soomaali iyo walaal iyo waalid mid aan
xummaan laabta ugu hayo ma jiro. Xaqdarrada oo qura ayaa nacbahay. Taana Eebbe
iyo addoonkiisa caabudka mooyee, cid kale oo aan jeceyl uga doonayaahi ma jirto.
Eebbow Na Cafi oo
"Gefkeenna iyo geerideenna Allow
ha kulmin"
Aamiin!
Dhamaad
E-Mail:
wayeel@operamail.com
Copyright© u dhowrsan qoraaga.
[1]
Hees Soomaaliyeed: Dadka iyo degaanka Soomaaliyeed tilmaameysa.
"Wiil geeljir'oon
gaajadu kareyn waa waxa dhulkeenna u gaar ah oo l'ay naku gartaa
Maantay galladi 'noo soo gash'ee gobannimadayada Guullow adkee!"
[2]
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan: gabay uu tirshay ayaa waxa ka mid ahaa
tixahan hoose:
"Maroodiga cadhool'aa' rag baa caymiy'oo raray'e
Cududaa'na waa alga xiraa oo lagu ciyaaraa'e
Maandhow haddaan la carbiyeen waa
ciiroqabihiiye."
[3]
Lufluf: badiiro (soortii shalay oo kale ka soo hadhay);haraa, hambada uu
soo reebo rukunka/qofkii makhaayadda oo kale wax ka cunay.
[5]
Dil Ka Dhacay Degmada Garbahaarrey (Aabe Dilay Wiil uu Dhalay), ibid.
[7]
Dil Ka Dhacay Degmada Garbahaarrey (Aabe Dilay Wiil uu Dhalay), ibid.
[8]
Aabe dilay wiil uu dhalay kadib markii uu mooryaan noqday., ibid.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku
saxiixan
Geeddi:
Wed Qaran:::
| A. M. Yusuf
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 7, 2006
|