Mid ka mid ah
kutubta wahaabiyada wax ku qoran.
C/razaq Sh.Xusen Muse
Garweyne
Mahad oo dhan allaah
ayaa iska leh naxariis iyo nabad galyo nabi Muxamad
korkiisa allaah yeelo.
waxaan mowduucayga maanta u qaybinayaa labo
qaybood:-
- Mid ka mid ah kutubta
wahaabiyada wax ku qoran.
- Jawaab"fuyuuthaatu
Rabbaaniyay"Munaaqib".
Marka laga hadlayo qolo ama firqo waxay
firqaadaas caqiidadooda ka tarjumaya kitaabta ay qoraan hadaba qolada
culumada isaga dhigta.
Intaana kutubtaas u galin aan soo qaato sheeko
dhex martay Muxamad Bin Cabdiwahaab iyo Sulaymaan Bin Cabdiwahaab:-
Sulaymaan "walaalow Waa Imisa Tiirarka
Islaamka?
Muxamad "Tiirarka Islaamka waa shan.
Sulaymaan " oo adiga sow lix kama dhigin?
Muxamad "sidee uga dhigay?
Sulaymaan " waxaa tiri qofkaan aniga i raacin
waa gaal marka sow lix ma noqonayso.
Muxamad Bin cabdiwahab wax uu ku jawaabo ayuu
garan kari waayay.Maxaa yeelay dad islaam ah ayuu dhiigoodii xalashaday oo
dagaal ku qaaday mana uusan oran karin ma'aanan oran oo walaalkii markaas
goobtoog ayuu u ahaa.
Xassaamul Caqaad oo wahaabiyada ka mid ah wuxuu
kitaabkiisa (xalaqaad Mamnuucah"1")P25ku yiri:-"bidcada
xalaqooyinka waxaa ka mid in uu qofka athkaarta akhrinaya sheekhu tirooyin u
xadido, wuxuu leeyahay waxaad tiraahdaa LLaaIllaaha Illallaahu kun goor
tusaale ahaan, ama Toban kun oo saligana Nabiga ah S.C.W.ama wax ka badan
intaas oo dhan.
"Sharcigayaga kuma soo aroorin waana
bidcada Jaahiliinta" wuxu sii raaciyay kuwaasi waa ka
baxeen Thikrigii Sharciga waxayna u baxeen Thikri allaah loogu shariig
yeelayo macanah allaah wax loola wadaajinayo"
Hadaba ereyga" sharcigayaga kuma soo
aroorin " Muxuu ugala jeedaa sida aan la wada socono sharcigeena
Isalaam waxaa ku soo arooray labada(saliga Rasuulka .S.W iyo Towxiidka) in
qofkii akhriyo ajarn uu ka helayo marka halkee ayuu ka keenay?
waxaan hadalkaan ka muuqda in sharci wahaabiyda
u gaarka ah oo diidaya in Llaa Illaha Illallaahu lagu
wardiyo oo la akhriyo uu jiro.
ama in ayaga oo aan diinta aqoon u lahayn ay
iska qoraan waxaan oo kale, iska iftoodaan(diinta ka jawaabaan).
bal aan soo qaadano ereyadan "Kuwaasi
waa ka baxeen Thikrigii Sharciga waxayna u baxeen Thikri allaah loogu
shariig yeelayo macanah allaah wax loola wadaajinayo" .
Walaalyaal hadii towxiidkii Isalaam lagu soo
galay uu leeyahay waa shirki maxaa islaanimo ah
mase towxiidka haduu qof ku yiraahdo 1000
akhri halkee shirki ka soo gali karaa?.
Ma akhriga uu qofku yiri ? mase xisaabta ayaa
shirki ah ?bal ha inooga soo jawaabeen.
Hadaba qofkii aan aqoon wahaabiyada "afgaradkooda(waxay
isla yaqanaan)" wuu la yaabaya laakiin wahaabiyada waa wax caadi u
ah qofkii wax aysan rabin la yimaada allaw muu sharciga waafaqo waa shirki
waa Khuraafi waa jaahil IWM.
Qaybat 2aad jawaabta"fuyuuthaatu
Rabbaaniyay(2)"Munaaqibka
Waxaa jawaabta munaaqibka ka oranayaa labo
erey mid waxaan u jeedinayaa wahaabyada midna waxaan u jeedinayaa umada kale
ee islaamka ah hadaan ku hormaro mida wahaabiyada:-
waxaa tiraahdeen qofkii laaillaaha
illallaahu ku wardiya oo tiro cayiman ka akhriya wuxu ku dhacay shirki
sida aan kor ku soo xusayba hadaba inta aydan "fuyuuthaatu Rabbaaniyay" ku
mar mar siyoon Maxaa Shirki u Taqaanaan? iyo qodobadan hoos ku qoran oo ay
wahaabiyo Qur'aankii iyo xadiithi-kii Rasuulka S.C.W.ku khilaafeen.
1-Yaa Islaam ah(waxaad tiraahdeen
Abuu lahab iyo Abuu Jahal towxiid ayay qirasanaayeen)Yaase gaal ah?(kuwo
kale oo Islaam ahna waa gaalo ayaad tiraahdeen.
2-Towxiidku miyuu qaybsami karaa?
mase ma qaybsami karo?
3-Allaah Khalqigiisa miyaa lagu
shabihi karaa? mase ma lagu shabihi karo?
4-Naarta iyo ehelkeeda ma
waarayaan mase waa dhamaanayaan oo wakhti ayay ku egyihiin?
5-Nabi Aadam sow nabi ma ahan mase?
Intaan iyo in kale oo ka sii badan ayaa la
isku hayaa oo wahaabiyo iyo islaamka kale dhex yaala.qofkii ka hadla wax ka
sukeeyana waa qof caami ah oo aan aqoon u lahayn diinta iyo caqiidada
wahaabiyada haduu doono ha ahaado wahaabi.
Waxaad arkaysaa qof ku leh waxay yiraahdeen xaaskayga
wayso igama jabiso qofkaas kama uusan hadlin qodobadii muhimka ahaa ee la
isku hayay hadii qof wahaabiy ah ka hadlo munaaqibna wuxuu la mid yahay qof
yiri wahaabiyada waxay yiraahdeen naagtayda wasada igama jabiso waxana
oranaya waa qof aan aqoon u lahayn wax la isku hayo mana ahan wax 5-qodob
lagu soo koobi karo ee waxay ka mid yihiin waxyalaha ugu waaweyn ee la isku
hayo.
Isha allaah 5-taan qodob waxay wahabiyadu ka
yiraahdee,kutubta ay ku yiraahdeen ninka qoray intaba waad kaga bogon
doontaan maqaaladayda danbe .
Waxaan soo bandhigaya Qur'aanka iyo Xadiith-ka
Rasuulkeena Muxamad ah S.C.W waxy ka yiraahdeen aniga oo ku cadayn doona in
ay xataa Qur'aanka Khilaafsan yihiin oo fikrad qof gaar ah ay xanbaarsan
yihiin.
Umada kale waxaan leeyahay "marka laga hadlayo
waxaa qof islaam ah hadal uu yiri waxaa hadalka l 1-hadal dadka kale u
gudbaya oo uu dad wax ku sheegay 2-hadal qofka nafsadiisa uga hadlay sida "kitaabka
fuyuuthaatu Rrabbaaniya".
kan hore diinta ayaa ka hadashay waa xan
namiimo qadaf ee kan danbe ayaan aniga rabaa in aan ka hadlo.
Hadalada ku qoran kitaabka aan soo xusay waxa
lagu qaymanayaa qof yiri muxuu yahay? hadii qofkaas uu yahay qof Islaanimo
iyo diin lagu yaqaan sida sheekh cabdulqaadir al-jiilaani intii gaalnimo
lagu tuuuri lahaa waa loo ta'wiilinayaa(sida ugu macquulsan ayaa loogu
fasirayaa) arintaasna waxaad aad u faahfaahiyay allaah khayr badan siiyeen
Shiikh Muxiyidiin Xasan Ayaanle oo ka duubay cajalado
halkaana kumaba soo koobi karo ee Qofkii u baahan in uu si fiican uga bogto
Cajaldahaas ha raadsado.
Walayaal sida aan cinwaanka uga dhigayba Ciid
Wanaagsan Munaaqib Wanaagsan marka loo eego wahaabiyo waxa kutubtooda ka
buuxda oo aan maalinba mid soo bandhigi doono haday ii suuro gasho isha
allaah.
C/razaq Sh.Xusen Muse Garweyne
(1)waxaa lagu daabacay(daaru ssaxaabah-
Dhandhaa- Masar)
(2)soomalida waxay u taqan Munaqib
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|