Xagaabixii
2aad ee Qoysaska Soomaaliyeed ee Sweden
Xagaabax la yaab
leh, xagaabax lama illaawaan ah iyo horumar cusub oo ay soomaalida qurbuhu hore
ugu talaabsadeen ayey ku tilmaameen ka qaybgalayaashii xagaabixii 2aad ee
qoysaska soomaaliyeed ee reer Stockholm.
Afar boqol iyo
labaatan qof (420) ayaa muddo todoba cisho ah joogay bustaan weyn oo lagu nasto
iyagoo doonayey, nasasho, tamashleyn iyo aqoon korodhsi. Dadka sidaas u tirada
badan waxay ka koobnaayeen 74 qoys oo wata caruurtoodii iyo dad kale oo
dhalinyaro iyo waayeelba leh.
Goobta xagaabaxan nasashada loo tagay oo lagu magacaabo Sjöviks folkhögskolan,
waxay ku taal meel u jirta magaalada Stockholm 150 km. Waa meel bilicsan oo leh
garoomo ay ku xardhanyihiin doog dabiici ah oo cagaaran oo laysku sinsimay iyo
dhir damallo ah oo laga shaqeeyey. Dhinac walba waxaa kaga wareegsan bad leh
kaabado lagu dul istaago iyo kalshooyin lagu dabbaasho. Waxaa bilicda meesha sii
kordhinayey caleenta iyo dooga cagaaran ee ay dusha ka hayso qorraxda
diirrimaadka badan ee xagaaga. Si kale kuma garatide nafta ayey xiisa gelinaysay
in la dhex joogo meel sidan ah oo ay boqollaal dadkaaga ahi ku negi yihiin.
Kani wuxuu ahaa
xagaabixii 2aad ee sanadkii labaad loo sameeyo qoysaska soomaaliyeed ee degen
caasimadda Sweden, Stockholm, waxaana iska kaashaday qabanqaabadiisa afar(4)
xarumood oo guud ahaan ay ka dhaxayso shaqo-wadaag gaar ahaaneed, kana jira
magaalada Stockholm. Xarunta koowaad waa iskuulka islaamiga ah ee lagu magacaabo
AL-AZHAR oo uu hogaamiyo Sheekh Bashiir Amaan Cali. Xarunta labaad waa urur
islaami ah oo xaruntiisu tahay masaajid ku yaal xaafadda soomaalidu ku
badantahay ee magaalada Stockholm. Qolada saddexaad waa ururka mustaqbalka
dhalinyarada ee marka la soo gaabiyo magaciisa loo yaqaan NUF halka qolada
afraad ay yihiin ururka dalladda ururada dhalinyarada soomaaliyeed ee Sweden oo
marka magaciisa la soo gaabiyo lagu magacaabo SUS.
Ujeedada ugu
muhiimsan ee xagaabaxan wuxuu ahaa inay waalidiintu helaan gaar ahaan
hooyooyinku wiig nasasho ah iyo aqoon korodhsi. Si ay taasi u rumowdana waxaa la
ballamiyey shaqaale diyaariya wax alla wixii cunto ah ee loo baahdo. Sidoo kale
caruurta yaryar ee u dhaxaysa 3jir-15 jir oo tiradoodu ahayd 230 caruur ah,
waxaa loo sameeyey goobo lagu hayo iyo shaqooyin lagaga mushquuliyo waalidiinta.
Hawshan dambe waxaa si habsami ah ula wareegay dhalinyarada ururada NUF iyo SUS.
Taasi waxay waalidiinta siisay fursado ay kaga bogtaan nasashadooda, haddii ay
tahay dabbaalasho, ciyaar, sheekaysi, aqoon is waydaarsi ama muxaadaro la
dhegaysto.
Barnaamijyada nadaamsan ee sida wadarta ah loo fuliyey waxaa ka mid ah; ciyaaro
sports ah oo kala duwan, riwaayado, nashiidooyin, dood cilmiyeedyo iyo
muxaadarooyin diini ah oo kala jaad jaad ah iyo muxaadarooyin xagga bulshada iyo
maandooriyaha ah. Waxaa jiray dad laga soo casuumay waddamo debedda ah iyo qaar
gudaha Iswiidhan ka yimid oo muxaadarooyin qiimo leh soo jeediyey, waxaana ka
mid ahaa dadkaas:
1. Sheekh Abdi
Rashiid Maxamed, Göteborg - Sweden
2. Dr. Maryam
Qaasim, Birmingham - UK
3. Sheekh
Ismaaciil Maxamed Faarax oo reer Leister - UK
4. Faiza
Hassan, Birmingham - UK
5. Zahra
Hassan, Birmingham - UK
6. iyo Sheekh
Bashiir Amaan oo reer Stockholm ah.
Xagaabaxan waxaa
markii 2aad loo doortay inuu madax ka noqdo Ibraahim Cismaan Buraale oo ka
tirsan ururka isutagga islaamka ee ka mid ah afartan xarumood ee hawshan
qabanqaabiyey.
Waxaa Xagaabaxan
oo bilawday 9 juulaay, lana soo gebogabeeyey 15 Juulaay, wuxuu dhammaaday iyadoo
dadku sii jeclaysanayaan inay sii joogaan. Waxaanay ku taamayeen xilligan
xilligiisa iyo xagaabaxa 3aad. Ilaahay ha rumeeyo riyadaas, khayrna ha kaga
abaalmariyo intii ka qayb qaadatay hirgelinta xagaabaxa 2006 oo ay udub dhexaad
u ahaayeen dhalinyarada ma daaleyaasha ah ee ururada NUF iyo SUS.
Warbaahinta dalka
Sweden qaar ka mid ah ayaa yimid goobta xagaabaxan iyaga oo u faafiyey bulshada
reer Sweden warbixinta xagaabaxan la yaabka leh. Waxaa ka mid ahaa warbaahintii
wax ka sheegtay; Radio Sweden, Radiodalarna iyo Joornaalka Avesta.
Qalinka
Abdibashir M. Hirsi
abdibashir@hotmail.com